Go’aanka Golaha Baarlamaanka; Guul horudhac ah

unknown-1

Go’aanka Golaha Baarlamaanka’ Guul horudhac ah

Dawladda Islaamiga ah ee Sheeq Shariif madaxweynaha ka yahay waxaa looga fadhiyey inay Qaramayso iskuna ururiso gaballada kala firdhaday ee Qarankii Soomaaliyeed. Waxaa looga fadhiyey inay dib isugu kabto cadadka kala faniinsan ee xayndaabka Soomaali ku nooshahay. Waxaa looga fadhiyey inay isu keento jababka kala faniinay ee Qarankii Soomaaliyeed. Waxaa looga fadhiyey inay isu keento dhinacyada kala irdhoobay ee Umadda Soomaaliyeed. Waxa looga fadhiyey inay isku ururiso Shacabka kala baaday. Waxaa looga fadhiyey inay u howlgasho sidii ay isugu keeni leheed Goballada sii kala go’go’aya, kuma sii jirto kuwa horay usii jiitay ama horay u qararray qodabbada Qarannimada Soomaaliyeed. Waxaa looga fadhiyey inay u xusul duubto xal u helidda xaaladaha murugsan. Waxaa looga fadhiyey inay dadaal u gasho joojinta dagaallada. Waxaa looga fadhiyey arimahaas iyo kuwo kale oo aan dhammaad lahayn.

Murti ayaa waxay leedahay: “La mood noqonse waayaa!”. Dawladda Midnimo (qabyo) Qaran ee Sheeq Dhariif waxay ku dhaqaaqday tallaabo gurracan, ka dib markii ay heshiis qabyo ama is afgarad lagu sheegay ay la gashay Dawladda Kenya oo ku saabsan dhinaca Badda. Heshiiskan oo dhacay 07/04/09 waxaa lagu saxiixay Nairobi. Waxaa u saxiixay dhinaca Dawladda Midnimo (qabyo)Qaran Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane: C/ramaan C/shakuur Warsame, dhinaca Dawladda Kenyana waxaa u saxiixay heshiiskan Wasiirkeeda Arrimaha Dibadda Moses Wetang’ula. Goobta saxiixu ka dhacay waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Norway, oo lagu tiriyo inay ka mid tahay dalalka ugu aqoonta dheer xagga macdanta dhulka hoostiisa ku jirta iyo soo saarkeedaba.

Halkii loogaa baahna sida aan soo sheegnay sidii ay isugu soo ururin leheed jajab Qarameedka dhacay iyo inay ka hortagto kala go’go’a, gobolaysiga iyo gooni isutaagga, ayey waxay deeq ahaan u bixisay dhul badeed Soomaaliyeed, inagoo wada ogsoon in Kenya ay naga haysato dhul weyn oo Ingirisku siiyey, oo waliba afti laga qaaday, ay si cod dheeri ah ku dheheen waxaan la midoobaynnaa Soomaaliweyn, balse aan dhag jalaq loo siin ama dabaysha la raaciyey!.

Heeshiiskan qabyada is af-garadka loogu yeeray waxaa ka horreeyey heshiis ku dhexmaray Dawladda Kenya iyo Ra’isul Wasaare: Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal 28 October 1967, oo ka dhacay magaalada Caruusha ee waddanka Tanzania. Heshiiskaa waxaa lagu suntay heshiis meel ka dhac iyo dhaawac ku ah hannaankii siyaasada dalwadda Soomaaliyeed ku doonaysay sidii ay dib ula soo noqon leheed dhulka ka maqan, ama loo xaqiijin lahaa riyada Umadda Soomaaliyeed ee ay in badan ku taamayeen ee ah Soomaaliweyn. Heshiiskaa oo ku caan baxay “Heshiikii Caruusha” wuxuu caynka ka jaray wixii caqabado ku ahaa Dawladda Kenya.

Dawladda Soomaaliyeed ee Sheeq Shariif madaxda ka yahay waxay iska indha laabtay ama iska indha tirtay oo dhabarka ka tuurtay in dawladda Kenya ay dhul weyn oo berri ah naga haysato. Waxay iska indha laabtay xasuuqii Wagalla ee February 1984 u gaysatay Kenya Soomaalida degta Waqooyi Bari. Waxay iska indha laabtay in dawladda Kenya ku jirto dawladaha caqabadda ku ah dalwad Soomaaliya ka dhalata sida uu caddeeyey Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Arab oo sheegay in Kenya iyo Ethiopia aysan rabin dawlad Soomaliya ka dhalata. Waxay iska indha laabtay in Kenya ay noqotay sanadihii ugu dambeeyey meesha laga maleego dhibka Soomaaliyeed. Waxay iska indha laabtay in Kenya ay si sharci darro ah dalkeeda loogu maxkamadeeyo dhallinyaro Soomaaliyeed oo si sharci darro ah looga soo qabqabto xeebaha Soomaaliya, iyagoo lagu eedaynayo falal burcad badeednimo. Waxay illowday maxkamadihii ka horreeyey ee loo gaystay Shariifka saaxiibbadiis intii uu socday dagaalkii ka dambeeyey jabkii Maxkamadaha Islaamiga.

Waxaa batay cododka diiddan heshiiska ee ku jira dawladda. Waxaa mooshin la soo hordhigay Barlamnaka oo ka yeeshay kal fadhi heshiiska dhinaca Badde ee dhex maray labada dawlad. Waxaa dood aad u agaasiman oo dhex martay Golaha Baarlamaanka, oo cod aqlabiyad ah lagu diiday heshiiskaas loogu magac daray is af-gaardka. Kulanka oo ka dhacay xarunta Gobalka Banadir 01/08/09, waxa ka soo qayb galay 347 xildhibaan. Waxaa gaashaanka u daruuray heshiiska 334 bildhibaan, waxaana ugu cadcaddaa xildhibaannada diiddanaa heshiiska Maxamed Qanyare Afrax oo si cad u diiday heshiiskan xildhibaannada ku boorriyey inay war cad ka soo saaran arinka, waxaana Barlamaanku cod aqlibiyada ku ansixiyey qodobbadan dhaxal galka ah oo lagu tilmaami karo guul horudhac ah, waxayna kala yihiin:

IN LA DIIDO IS AF-GARADKA.

IN DIB LOO DHIGO FULINTA HESHIISKA.

IN GUDDI LOO SAARO SOO BAARA KANA SOO BAARAN DAGA TALANA KA BIXIYA.

Waxaa hoos u dhacay ama gabi ahaanba burburtay rajadii laga lahaa dawladda Islaamiga ah, maxaa yeelay, tallaabadii ugu horraysay ee ay qaadday waxay noqotay hibaynta Badda Soomaaliyeed. Waa la yaabe! Madaxda Soomaalida maxay ugu tagri falaan awoodda Qaranka, si ay u hir galiyaan mashaariic liddi ku ah Qaranka? Bal dib u fiiri sheshiiskii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ee Caruusha. Heshiiskii Cali Mahdi Maxamed ku saxiixay in Badda Soomaaliyeed lagu qubo haraaga Sunta Nuglerka oo laba kol dhacay. Bal dib u milicso xertii C/laahi Yiisuf waxay Qaranka la damacsanaayeen ee ah inay Ethiopia ku daaran ama ku mataaneeyaan. Bal u fiirso soo xerogalinta ciidanka Xabishada ee la keenay gudaha Soomaaliya, maantana waxay taagan tahay in dawladda Soomaaliyeed ay siisay Kenya qayb ka mid ah Badda Soomaaliyeed.

Masuulkii aan ku xad gudbin Qaranka wuxuu xarigga ku dhuujiyaa cunahana ka qabtaa shacabka dhibaatada la il daran. Waxaa amakaak ah inaan mid wanaag ka talinayaa imanayn. Mid walbaa kan kale wuu ka daran yahay ama ka sii liitaa. Wuxuu uga horreeyaa khiyamada Qaranka, lunsashada hantida Qaranka, laynta maatada, dhibka umadda iyo xaalufinta khayraadka Badda iyo Birriga.

Ugu dambayn, waxaa qof walba oo Soomaali ah waajib ka saaran yahay sidii u difaaci lahaa Qaranka Soomaaliyeed, taagtiisa inta ay gaarsiisan tahay. Waxaan taageero u dirayaa muwaadin kasta oo Soomaaliyeed oo codkiisa ku muujiyey diidmada uu diiddan yahay heshiiska is af-garadka ah. Waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa qoraallada nuxurka iyo mugga leh ee ayqortay mareegta Somalitalk.com iyo guud ahaan qofkii ka qayb qaatay mashruuca difaaca Badda.

 

May, 2009

Bashiir M. Xersi

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s