Xabaala Faagiddu waxay ka Dhalatay Maydka la Jiido!

 

Indhawaala ahba waxaa isa soo tarayey falalka gurracan ee ka dhacaya koofuurta Soomaaliya, inta badan waxaa hor kacayey wadaad madaxu u duuban oo diin ku gambanaya, dadkana ku  madax qabsaday inay diin Eebe dhaqan galinayaan, shareecadana ay dadka iyo dalkaba ku dabaqayaan, falalkaasi waxay isugu jireen qaraxyo lala beegsado dadka rayidka ah, goobaha ganacsiga, ugaarsiga waxtarka bulshada iyo aqoonyahanka umadda, cuuryaaminta ka dhigan xubnaha laga gooyo dhalinyarada lagu soo eedeeyey falal ka baxsan qanuunka, jir dilka loo yaqaan “Tacsiisrta” qasabka iyo dirqinta ah waxaan ku dhoho yeel!.

Sheekado intaa kaliya ma ahan, umaddu waxay u afduuban tahay kooxo iyaga qudhuuda afku u duuban yahay, kuwa dambana waxay u sii afduuban yahay shisheeye ay marti galiyeen, shisheeyaha la marti galiyey isna wuxuu u afduuban yahay xubno jooga dunida daafaheeda, waxay ku midaysan yihiin sidii loo cuuryaamin lahaa umaddan iyadu is cuuryaamisay!, shisheeyahan wuxuu isugu jiraa dawlado sida: Kenya, Eritrea, Ethiopia iyo qaar ka mid ah wadamada carbeed, waxaase ka sii muhimsan kooxaha sanadihii dambe magaca diinta ku soo xaluushay sida: Maxkamadaha, Alshabaab, Xizbul Islan, Alqacida!.

 Falalka gurracan ee ka dhacayey koofurta Soomaaliya ma billaaban xilliga wadaadadu masraxa siyaasadda soo galeen, ee waxay billowdeen sidii u dhacay dagaalkii sokeeye, heerar kala duwan ayuu soo maray  iyo qaabab caynba cayn ah, waxaase ayaan darruada ka jirtaa inaan cidna wax ka oran, Caaqil, Ugaa,s Waxgarad iyo Aqoonyahan intaba, waa loo wada aamusay oo ka dhigan: “Shibo waa raalli”, taas waxay keentay in falalka gurracan ay sii laba jibbaarmaan ama ay u dhacan si xad dhaaf ah.

Sida cinqaanka qormada ku cadba waxaan doonayaa inaan is waafajiyo labada dhacdo ee kala ah: mayd la jiido iyo qabri la faago!, waxaan taas uga dan leeyahay inaan dadka dareen siiyo inaysan kala jeclaysan mayd la faago ama la jiido, maxaa yeelay waa laba fal oo isku mid ah dhan kasta oo laga eego,diin, caqli, akhlaaq iyo qaanuun ahaanba, sidaas darteed xillgan aan joogno waxaa batay codadka diidaya xabaalo faagidda, si ahaan waa mawqif fiican loona baahan yahay in laga hortago falka noocaas ah, waxaanse ka biyaya diid sanahay wixii dhacay laba sano ka hor iyo sida loola falgaya sida ay uga duwan tahay midda maanta taagan iyo sida loola falgalay!

Dhaqan ahaan hidde ahaan iyo caado ahaan midna Soomaali uma lahan meyd waxyeellayntiis, qof nool dhibkiisa, beegsigiisa dhaciisa iyo dilkiisaba waa mid la arkay lana maqalay, ayna la wadaagaan Aadanaha ku nool dunida guudkeeda, oo waaba dhaqan Aadanuhu u leeyahay dabeecad ahaan inay is jiiraan, balse horay uma dhicin taariikhduna ma sheegin ruux dhintay oo la silciyey dhimashadiisa ka dib!, waxayse dhacday intii lagu guda jiray sabanka fawdada iyo fatwo diineedka, taas oo keentay in arintu noqoto wax caadi ah oon laga dhiidhin, sababta ma garan, ma dadkaa damiirkii ka dhintay mise dhaqan guurka iyo dhalan rogga dhacay baaxaddiisa ayey kuu muujinaysaa?!.

Dagaalkii dhacay 03-dii October sanadkii 1993-dii ee u dhexeeyey taageerayaasha qabqable Caydiid iyo ciidamada QM ee joogay Muqdisha, wuxuu sababay dhimasho iyo dhaawac badan oo ku yimid labada dhinac, haba u badnaado dhanka Soomaalida, maadaama labada cudud ee dagaalamay aysan isu dhigmin, lagu dhex dagaalaamay rayidka dhexdooda, dagaalkaa waxaa ku dhintay askar Maraykan ah, maydka askarta Maraykanka ah waxaa lagu jiiday waddooyinka magaalada Muqdisho, dhacdadaas aduunka ayey ka yaabisay noqotayna mid aad looga naxay!.

Dhacdadaas waxay noqotay mid lagu suntay umadda Soomaaliyeed, walow aad loga soo dhaweeyey wadamada colaaddu kala dhexeyso Maraynka sida Carabta, Ruushka IWM, waxayse ku dhex hartay dadka Soomaaliyeed, la yaabku ma ahan dhacadada kaliya, waxaa ka sii yaab badan dadka oo aan wax dhiidho ah ka muujin, aadba mooddo in laga wada raalli yahay, maxaa yeelay wixii Caaqil Garaad iyo Aqoon yahan jiray mid isu taagay inuu cambaareeyo dhacdadaa ma jirin, malaha dadka waxaa ka tan badiyey carada loo qabay Maraykanka, heer ay gaartay inaan loo damqan mayd dhulka lagu jiidayo!.

Culimada wax ka qorta sooyaalka iyo taariikhda waxay yiraahdaan taariikhdu way soo noqnoqtaa, micnaha dhacdada dhacadaa waxay u badan tahay inay mar kale dhacdo, muhim ma ahan inay isla meeshii ka dhacdo ama meel kale ka dhacdo, dhacadadii ka dhacday Muqdisha 1993-dii waxay mar kale ka dhacday isla magaalada Muqdisha toban iyo lix sano ka dib, gaar ahaan sanadkii 2007-dii, dagaaal dhex maray ciidamada Ethiopia iyo kooxihii iska caabinta waday, sidoo kale dagaalkaas waxaa ku nafwaayey qaar ka mid ah ciidmada Xabashida, waxaa mar kale magaalada Muqdisha lagu jiiday maydad dhintay, taas oo noqtay wax aad looga yaqyaqsado, xilligaas waxaan qoray qormo aan ugu magac daray: Fal Gurracan iyo Dhacdo Fool xun!.

Run ahaantii arinta labada kol soo dhacday ma ahan mid iska soo laabatay, ee waxbaa keenay soo noqoshadeeda, ma ka aamuska iyo inaan laga qaylinbaa? Mise waa in dadkii Soomaaliyeed sii bahaloobayaan? Midda ay noqotaba, sida looga aamusay way u soo noqnoqotay, maanta waxaa arintaa ku lammaansan isku bahna yihiin qubuura faagidda, qaylo weyn waa laga muujiyey, kor iyo hoos waa loo qayliyey, balse waxay ila tahay middii hore sida looga aamusay dhaxalkeed inaan maanta haynno!.

Alshabaab iyo inta ku aragti ah ee ku raacsan in qabri la faago marka laga soo tago ujeedka ay ka damacsan yihiin, waxay su’aashu tahay: Maxay ku kala duwan yihiin mayd dhulka lagu jiido iyo xabaal la faago? Soomalaay bal ii jilciya arintan, aragti ahaan markii hore Alshabaab iyo xertoodu waxay ku doodi jireen in duminta dhismayaasha ka dul dhisan qubuuraha uu amray Nabigu, waxaase la yaab ah lafaha faagiddooda ma Nabiga ayaa amaray? Malaha sheekadu waa:Wixii Xunba Xaawaa leh!, miyaad garateen xigmadda ka dambaysa lafo mayd oo baxsho? Nimanku waa bahallo aan baab celiyaa jirin!.

Waxaa wax lagu farxo ah in dadka dhammaantood ka biya diiday xabaalo faagidda, ma ahan inta ay qusayso ee iyagu siyaarada u tagi jiray qabrigaas, ee dhammaan qaybaha bulshada ayaa ka muujiyey qaylo dhaan ka dhan ah, taas waxay muujinaysaa inuu shaqeeyey damiirka dadka, yaanan ku taraxtagin buunbuuninta arinta, maxaa yeelay waxay u badan tahay in buuqaan la falgalay arinta uu yahay meelaha la taabtay iyo shakhsiyaadka la beegsaday qubuurahooda, maxaa yeelay maydadkii la jiidayey waqti dheer kama soo wareegin, taas oo la dhihi karo arintu waa: La Jiifiyaana Bannaan La Joojiyaana Bannaan!.

Marka la waxyeellaynayey maydadkii shisheeyaha cidna ma hadlin, cidna ma dhihin mayd asturbuu lahaaye maxaa loo xurma dilayaa? Waxaa ayaan darradu cirka isku toshay marka la ogaaday in maydadkii la jiidjiiday 2007-dii ay ka mid ahaayeen Soomaali, ugama jeedo inuu xurmo gaar ah leeyahay maydka Soomaaliyed, balse waxay tahay sida ayaan darradu u dhacday oon xittaa la eegayn qawmiyad iyo dhalasho toona.

Qorshaha Alshabaab ee ku aadan xabaalo faagidda ka sokow, dadku iyaga ayaa laga rabaa inay kala doortaan tacaddi joogta ah, mid ku dhaca inta ay nool yihiin iyo mid ku dhaca marka ay lafa lafo noqdaan, muhimadda hadalku wuxuu ku socdaa qolayaha sheegta inay yihiin Odayaal beeleedyo, waajibka ugu weyn iyaga ayuu dusha ugu dhacayaa, maxaa yeelay marka maydadka la jiidayey meesha ayey garar casaayeen waxna kama dhihin, maanta ayey ku timid wareegtadu iyada oo dadban diin iyo danshisheeye cuskan.

Shalay marka maydka lagu jiidayey magaalada Muqdisho haddaadan ka caroon maanta waxaad u carooto meesha kuma jirto? Shalay marka maydka lagu jiidayey waddooyinka magaalada Muqdisho haddaadan dhibsan maanta waxa aad u dhibsataa meesha kuma jirto? Ugama jeedo inaan Alshabaab ku garab taaganahay qubuura faagidda, balse waxaan doonayaa inaan qaladkeenna wada qiranno, ma ahan midna inaan ka dhigno qalad aan dhici karin midna aan bannayno, mayd carunkiisa qoyan yahay ninkii dhulka ku jiiday Qabrina inuu faagayo way iska caddahay magaca uu rabo ha sheegto!.

Ugu damabayn waxaan ku soo gaabinayaa in qaladka isku meel looga soo wada jeesto, ma ahan midna in la taageero ama loo dhoolla caddeeyo midna laga dhiidhiyo, qalad waa qalad qabasho iyo sixid ayuu leeyahay, ee ma ahan inaan midna dhaafno midna aan dhahno hallaga hortago, waxaa habboon inaan mar walba u taagnaanno wanaagga iyo wacyigalinta, taas ayaan ku sixi karnaa qaladyo badan oo jira ama aan uga hortagi karnaa qaladyo badan oo dhici kara, ee yaan qaladka kala jeclaysan mid loo qiil samayn midna la qaawin. 

 

Maarso, 2010

 

Bashiir M.Xersi

 

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s