Shiikh Shariif ma Shalay buu Saxnaa mise Maanta ayuu Sheedda ka weecday?!

Shiikh Shariif ma Shalay buu Saxnaa mise Maanta ayuu Sheedda ka weecday?!

shariif11 

Madaxweyne Sh. Shariif dadbaa waxay u arkaan HALYEEY QARAN! Dadbaa waxay u arkaan HALGAMAA! Dadbaa waxay u arkaan HOGGAAMIYE! Dadbaa waxay u arkaan WADAADKII QARNIGA  iyo MAHDIGII la sugayey! Dadbaa waxay u arkaan ankumaha Dawladda Midnimo (Qabyo) Qaran! Dadbaa waxay u arkaan xoojiyaha dowrka Wadaadka ee laalnaa! Dabaa waxay u arkaan wadaad waalan, oo WILAAYO madax martay! Dadbaa waxay u arkaan daba dhilif u adeega shisheeyaha! Kuwabaa waxay u arkaan Gaal-Murtad ah, oo gilbil madow! Kuwubaa waxay u rakaan gaalo raac!

Waa la is jiiray, aragtiyo kala gaddisan ayaa la muujiyey, fekrado kala fog ayaa la soo bandhigay, haddaba, qoormadan, waxaan isku dayeynaa inaan ugu helno jawaab su’aasha cinwaanka qormada.

Ninba maalin ayey baddu soo tuftaa, marbuuna soo shaac baxaa, magaciisu gayiga wada hareeyaa. Marbuu caan noqdaa, dhacduu ku soo caan baxaa. Sh. Shariif yaa garnayey dhaqdhaqaaqyadii Maxkamadaha ka hor, si gaar ah yaa yaqaannay 2006-dii? Ka hor, si xaddidan yaa yaqaannay, intaan loo magacaabin Guddoomiyaha Maxkamadaha? Wuxuu ahaaba iyo xilliguu soo caan baxayba, wuxuu ka mid noqday dadka ugu magaca dheer 3-dii sano ee ugu dambaysay Siyaasadda Soomaaliya.

Hardankii Siyaasadda ee ka socday Soomaaliya, wuxuu ku arooray DIIN (waa sida loo dhigay), waxaa waranka qaatay wadaaddadii, waxaa hardan la isaga hor yimid gacan ku haynta Magaalada Muqdisho, waxaa la kala galay isbahaysiyo, mid ay ku bahoobeen Qabqablayaashii Muqdisha, kan kalana ay ku walaaloobeen rag sheeganaya Wadaaddo!

Waxaa dagaal qaraar la isaga hor yimid magaalada Muqdisha 18-kii February 2006-kii, waa sii laba lixaadsaday, wuxuuna ku baahay guud ahaan xaafadaha iyo degmooyinka Magaalada Muqdisho. Qabqablayaashii waa laga saaray Muqdisha, waxayna eheed guul loo riyaaqay. Waxaa magaaladii u haray Wadaadadii. Sh. Shariif waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha, waxaa halhays Sh. Shariif u aha inuu doonayo in la dhaqangaliyo Shareecada Islaamka.

Waxay maalmuhu is rogrogaanba Midawga Maxkamadihii waa laga soo saaray Muqdisha, waxaa cagta mariyey Xabashidii ay u wacdeen xigaaladooda iyo dabcan dano la xiriira Amniga Dawladda Ethiopia. Waxay noqdeen wadaaddadii wax howdka gala iyo wax u hayaama dibadda. Is urursi ka dib, waxaa la qabtay Shirkii Asmara, waxaa ugu tun weynaa Wadaaddada oo ay taladoodu socotay, shirka waxaa ku wehliyey xubno la magac baxay Baarlmaanka xorta ah, aqoon yahanno iyo qurbojoog, balse, kaalinta aqoon yahanka waa la laalay, wayna isaga heleeleen, gabagabadii shirka waxaa la dhisay ururka dib u xoraynta Soomaaliyeed, waxaana mar kale Guddoomiye loogu doortay Sh. Shariif, Asmara ayaa laga iclaanshay Jihaad iyo xabad, waxayna samaysteen garab ciidan (Military) oo ka dagaallama gudaha wadddanka iyo mid siyaasadeed oo uga qaybqaata wada hadallada iyo wada xaajoodka.

Midowga Maxkamaduhu wuxuu u burburiyey shirkii October ee ka dhacay Magaalada Khartuum ee waddanka Suudaan in laba shardi la fuliyo oo kala ah: in shirka laga saaro ergayga Kenyaan-ka ah, ee ka socday urur goboleedka IGAD iyo in sidoo kale waddanka laga saaro 300 oo ciidanka Xabashida ah, oo ay dheheen waxay soo galeen Gobollada Baay iyo Bakool, sidaa ayaana lagu kala dareeray, shirkii ku xirmay maadama la is mari waayey, wadaaddadu waxay ka gadoodsanaayeen 300 oo ciidan Xabashi ahe, waxaa dalkii harqiyey in ka badan 8000 oo ciidan Xabshi ah, waxay diideen iyo waxay soo jideen, oo sabab u aheeyeen keebaa daran? Jawaab uma baahna, oo waan u wada joognay halaaggii dhacay.

Tariiqdu way soo noqnoqotaa; sidaa waxaa yiraa: Culimada ku xeel dheer sooyaalka, shirkii ka dhacay jabuuti ee u dhexeeyey Dawladda Empagathi iyo Ururka dib u xoraynta Soomaaliya, waxay mar kale wadaaddadii istaageen kuna dhegeen in laga saaro shirka Safiirka Dawladda Ethiopia, oo goobjoog ka ahaa shirka, is jiijiid ka dib shirkii wuu dhacay, waxaana ka dhashay Dawladda Midnimo -Qabyo- Qaran, waxaana mar kale madaxa ugu sarreeya loo doortay Sh. Shariif, waxaana lagu guulaystay in qayb badan oo ka mid eheed Ururka dib u xoraynta Soomaaliyeed ay ka mid noqdaan Dawladdaa Midnimo -Qabyo-Qaran.

Sh. Shariif intuu ku dhexjiray qulub qulubtaan, wuxuu dhagaha nooga shubay inuusan marnaba oggolaanayn in dalka la soo galiyo ciidamo shisheeye, ha ka imaadaan dalalka dariska ah ama dalal kale, wuxuu si cad u dhihi jiray xilligii uu watay Qoriga Jihaadka inaysan dagaalka joojinayn inta ay ka baxayaan dalka ciidamada shisheeye. Wuxuu marar badan sheegay in muqaamawadu soconayso inta laga xoraynayo dibna ay u soo noqonayso madax bannaannidii Soomaaliya, wuxuu in badan ku dhawaaqay inuusan dagaalka joogsanayn inta Shareeceda laga hirgalinayo, diintana laga dabaqayo, sooyaalka Jihaadka, Shareecada, Diinta, Muqaawamada, Islaamka, Xaqa iyo soo celinta khilaafada-waa sida ay dad dadan u aaminsan yihiin ama uu isaguba aaminsan yahaye- su’aashu waxay tahay hirgalinta arrimahan maxaa iska badalay?.

Sh. Shariif wuxuu markii loo doortay Madaxweynaha Dawladda Midnimo-Qabyo- Qaran caddeeyey in ciidanka Soomaaliyeed ku filan yahay sugidda ammanka iyo kala dambaybta, taas uu meesha kaga saarayey kordhin lala damacsanaa ciidanka Nabad ilaalinyta ee Midowga Africa (AMISOM), waxayna eheed inuu Sh. Shariif ku socday aragtidii hore ee eheed shisheeye in laga saaro dalka, waa sida dad badan u arkaane! Balse, intii uu ahaa madaxweynaha Dawladda Midnimo-Qabyo- Qaran waxa dalka soo galay ciidamo ka socday waddanka Burundi, balse, Sh. Shariif waxba kama oran hadalna kama dhihin. Dawladda Midnim -Qabyo- Qaran xaaladda oo ku adkaatay awgeed waxay dalka galisay xaalad deg deg ah (Marshal low), iyo inay ka dalbatay caalamka in loo soo gurmado ciidanna loo soo diro, si gaar ah waxay ugu codsatay dalalka dariska Ethiopia, Kenya, Djibouti, iyo Yaman, go’ankaas oo Sh. Shariif uu ansixiyey qalinkana ku duugay.

Saxiixa go’aanka iyo ansixintiisa Sh. Shariif waxaa ka sii muhimsan hadalka uu ka yiri ciidamada shisheeye, ee ay dalbatay dawladdiisu isagoo yiri: “Ciidamadaan ma ahan kuwo wax u dhibaya shacabka, waxayna ku shaqaynayaan aragtiga Dawladda” isagoon xita kala saarin ciidamada imaanaya dalalka ay ka kala imaanayan, waa runtiis Sh. Shariif ciiddanka imaanayaa waxba u dhibi maayaan shacabka aan ka ahayn inay ka ilaaliyaan: xagatinta, fiitada iyo nabarka, balse, ay ugu dadaalaan madfaca, hawsarka, hoobiyaha iyo hubka noocyadiisa waawayn! Si ay u noqdaan: naf go’day, guri dumay, ganacsi buburay, dhaawac garaab ah iyo kuwo garab rarato ah, oo qaxooti ku ah geeri go’an, sidaa darteed, ayuu Sh. Shariif rabaa in la sii kordhiyo dheefta shacabka.

Sh. Shariif waxbaa iska badalay, Qamiiskii iyo hoogoogtii (Camaamaddii) wuu iska dhigay-dabcan waa loo baahnaa inuu baftada cad iska tuuro- dalabka ciidamada dariska ah inay soo galaan Soomaaliya oon ognahay inay ku jirto Ethiopia, maxay tahay? Maxayse ku kala gaddisan yihiin Sh. Shariif iyo C/laahi Yuusuf, oo labaduba oggolaansho siiyey ciidanka Xabashida inay soo galaan Soomaaliya? Waxaase la yaab ah C/laahi Yuusuf markii uu go’aanka qaatay waxaa is qabsaday qaylodhaan iyo sawaxan aan xad lahayn ay garab socotay isu soobaxyo lagu diiddan yahay go’aankaa, waxaana lagu suntay C/laahi inuu yahay daba dhilif dulli ah, dhaleecayntu kalama hakan, hadday tahay hadal, waraysi, war saxaafadeed, qormo, maqaal, faallo, gabay iyo guud ahaan wax walba oo wax lagu gudbiyo, waxaase si ka duwan loola dhaqmay go’aankii ka soo baxay Sh. Shariif iyo dawladdiisa, wax ka hadlay ma jiraan hadday jiraanna way yar yihiin, ma labada go’aan ayaan isku mid ahayn? Mise waxaa meesha ku jira qabyaaladdii Soomaalida, iyo diintii dhankii la rabo iyo qaabkii la rabo loo jeedinayey? Tusaale u soo qaado, waxaa jirtay war (Fatwo) uu soo saaray Sh. Cumar Faaruuq uuna ku caddeeyey: “In ragga Xabashida la jaalka ah- uuna ula jeeday Xerta C/laahu Yuusuf– ay yihiin Gaalo” balse, intaan oo kale ma dhicin wali sidii uu u soo baxay go’aanka Sh. Shariif, ulama jeedo in seefta gaalaysiinta ay bulshada ku dhexfaafto ama lagu loogu, bal waxan kaga jeedaa isku mid ahaanshaha labada go’aan iyo aamuska raggii shalay hadlayey.

Sh. Shariif go’aanka uu saxiixay wuxuu ku noqonayaa inuu wax kama jiraan ka dhigay dhaqankisii hore, ee ahaa inuu dagaalka u galay inay dalka ka qabtaan qabqablayaasha ka ganacsada ugaarsida wadaaddada, ka dibna dagaalka u sii waday inuu dalka ka xoreeyo shisheeyaha ku soo duulay ee qabsaday, si gaarana aan wada ognahay xiriirka aan fiicnayn, ee waligiiba u dhexeeyey Xabashi iyo Soomaali, shalay ma bannaanayn in Xabashida soo gasho dalka, maanta waa la oggol yahay? Shalay ciidamo shisheeye lama rabin, maanta waa loo yeeranaaya? C/laahi Yuusuf xaarayn bay ka eheed Sh. Shariifna waa u bannaan tahay? Ma waxaa la hirgalinayaa Maahmaadii aheed: “Anna waa ii bannaan tahay, adna waa kaa reebban tahay!” Sh. Shariif wuxuu ilmo iyo dhallinyaro nooga loogay magaca Jihaadka, Diinta iyo dal xorayn miyuu maanta ansixiyey inay dalka soo galaan Xabashi? Waa ayaandarro, waa mar xeero iyo fandhaal kala dheceen, naf iyo maalba na dhaafeen, waxay noqonaysaa wax laga murgo! Waase su’aale Sh. Shariif, sidaan ma wuxuu u samaynayaa aqoondarro iyo qibradxumo, uusan si fiican siyaasadda u garanayn? Mise waxay ka eheed dan gaar ah uu diinta u adeegsaday inuu ka dhigto gaadiid uu ugu guuro aqalka madaxtooyada? Waxay tahayba waxaan rabaa inaan halkan ku bidhaamiyo in Soomaalidu ka waantoobaan caadifadda, laab lakaca, iyo hal ku dhagyada beenta ah ama maran.

Waxaan ula jeedaa inay ka qaangaaran inay midkii kasta oo Allaahu Akbar dhahaba ay u sacbiyaan ayna ka daba guuraan, shalay Caydiid, maanta Sh. Shariif iyo gadgaddoonkiisa, midda ah inuu wada hadal la furay dawladda xilligii uu ku jiray waxa loogu yeero mucaaradka, waxay eheed tallaabo geesinnimo leh, muxuuse tallaabadaa oo kale u qaadi la’yahay? Balse, markii la xanuunjiyey oo rag sare laga dilay dawladddiisa ayuu la soo istaagay: waa Argagixiso! War nimanku shalay markaad isku jaalka eheydeen aad dadka wada laynayseen Mujaahidiin (Muqaamiriin) ayey aheeyeen, ee ma maanta ayey yihiin Argagixiso? Dabcan, marka loo eego xeer Soomaaliyeed, dhaqanka suubban, caqliga saliimka iyo qaanuunka adduunka waa Argagixiso!

Sh. Shariif wuu isbadalay, dhankuu ku socdana waan u joognaa, balse, arintaan waxaa ka horreeyey in Dawladda Sh. Shariif ay Kenya u hibaysay qayb ka mid ah Badda Soomaaliyeed, waa tallaabo gurracan, waxaana xusid iyo boogaadin mudan qoraalladii ay ka samaysay barta internet-ka ee Somalitalk, oo runtii aad u dabagashay oo bandhigtay xaqiiqo aan mugdi ku jirin, arrimaha uu Sh. Shariif ku dhaqaaqay waxay ka noqoto: isbedel, faham garasho, ama tallaabo tatik ah intaba, waxaa ka habboon in Soomaali fahamto waxa jira, xalaal miirad iyo xaaraan cune, waxaana filaa in Sh. Shariif warkiisu cad yahay shalay Jihaad iyo shareeco, wuxuu ku badalay inuu Xabashi yiraa: Ha noo imaadaan si ay noogu ilaalshaan kursiga iyo madaxtinimada.

 

Juunyo, 2009

 

Bashiir M. Xersi

 

Advertisements

3 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s