Maamulka Puntland: Argagixisadu waa Reer Koofur!

Maamulka Puntland: Argagixisadu waa Reer Koofur!

Dhammaadkii sanadkii tagay, waxaan qoray, qormo aan ugu magacdaray: “Maamulka Puntland: Reer Koofurku ha is Diiwaan galiyaan!” Cinwaanka oo daba socdey, ku kale oo ahaa: “Dadka Dhagaxa lagu Dilayo ma Dhulka ayey ka Dhasheen?!” oo ku xeerneed, sida cinwaankaba laga fahmayo, dadka ujeed la’aanta dhagaxa loogu dilayo, ee ka soo jeeda koofurta. Marka waxaan jelclaystay, inaan mar kale qormadii dib ugu laabto, aan bal xardho, si kalana aan u dhigo, qaab kalana aan u jeediyo, oon la falgaliyo mar kale, dhacdada taagan, in kasta oo nuxurka aan sidii hore u daynayo.

Sidaan qormadii horaba ku billaabay, tanna waxaan ku sadrayaa, inaan ujeedku ahayn in la dhaleeceeyo maamulka puntland ama wax loogu dhibo beelaha halkaa dega. Ujeedku waa tilmaam ka bixin, dhacdooyinkan soo laalaabmaya, ee ka dhacaya gudaha Puntland, oo runtii aad looga wada xumaaday. Dhaliishu waxba igu soo kordhin mayso, waxaan tiigsanayaa sidii aan xaqiiqda u soo gudbin lahaa ama u soo bandhihi lahaa.

Sidii ay u burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaa abuurmay maamullo kala jaad ah, siyaabo kala jaad ahna loo hirgaliyey, maamulladaa, oo loo dhisay buuxinta kaalintii ay bannaysay dawladdu, ayaan noqon sidii laga filayey, in lagu hungoobay ka sokow, waxaa la soo darsay xaalado ammaan xumo iyo qalqal ka dhashay qaraxyo, dilal gaadmo ah iyo afduubyo. Arrimahan waa mid ay ka wada siman yihiin maamulka gooni isu taagay, ee Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland, hase ku kala sarreeyaan ama ku kala duwanaadeen, xilliga iyo qasaaraha inta uu la eg yahay ama dadka la beegsaday.

Maamulka puntland waxaa la unkay august 1998dii, xiligaa oo madaxweyne laga dhigay Col: C/laahi Yuusuf Axmed, ahaana madaxweynihii Dawladdii Empegathi, ee lagu soo dhisay Waddanka Kenya, dabayaaqadii sanadkii 2004-tii. Run ahaantii waxay ahayd tallaabo hurumareed, oo dad badan ku abuurtay hanqaltaag ah in la dhisi karo maamul lana abuuri karo kala dambayn. Waxay ahady fursad aad u wanaagsan, oo lagu ogaaday in dadka wax wadaagi karaan, maamulkuna dadka u qaybsamo. Macnaheedu ma ahan, inaan la ogayn wax wada qaybsiga, ee waxay sii adkaysay in dadkii ay dhexmartay xurguftu ay dib u midoobi karaan.

Waxaa la wada ogsoon yahay in Maaulka Puntland, uu yahay maamul goboleed wali ku hoosjira qaranka Soomaaliya, si toos ah uma caddaysan inuu ka goostay Soomaaliya ama uu madax bannaani qaatay (raadinayo) sida Maamulka Somaliland, in kastuu muddadii dambe samaytay calan iyo heesqaran, gooni istaag la’aantu, waxay dulsaartay maasuliyado badan, sida; ilaalinta xudduudaha Soomaaliya, astaamaha qaranka, lacagta, sumacadda magaca iyo sharafka Soomaaliyeed.

Maamul goboleedka Puntlnad intii uu dhisnaa waxaa jirtay arrin aad u murugo badan, oo uusan waxba ka qaban, arrintaas ma ahan mid xilli go’an leh ama waqti cayiman, balse, waxay u dhacdaa si joogta ah, waxayna tahay dadka sida damiir la’aanta ah loogu daadsho biyaha badda Cas. Dabcan badlaydu xilli aysan badda galin ayaa jirta, waxaana loo yaqaan “Xilliga bad xiranka” ama la yiraa xilliga “Istaaq furullowga” ee ay dhacayaan dabaylo iyo hirar waaweyn, balse, Puntlanad iyadu waxaad mooddaa inayan lahayn xilli bad xiran.

Dhibaatadaa had iyo jeer ka dhacda badda Cas, ee lagu gaddiyo doomo ka baxay xeebaha hoos taga maamulka Puntland, waxay ahayd mid aysan marna Maamulka Puntland wax muuqda ka qaban, marka laga reebo inay xilliyada qaar soo xirxiraan dad lagu sheego inay tahriibayaal ahaayeen, balse, lama qabto kuwa dadka badda ku daadsha, sida xunna u silac dilyeeya, iyada oo taas xanuunkeedu daaran yahay, nabarkuna sii fasasayo, ayaa waxaa dhacay: “Ka Dar oo Dibi Dhahl!”.

Dhibkan aan soo tilmaamnay, wuxuu ku ekaa oo kaliya, dadka ku soo qaxay, ee doonaya inay ka sii gudbaan Puntland, si ay nolol uga raadsadaan Waddammada Carabta, gaar ahaan, Yemen iyo Sucuudiga, ama ajaanibta ka yimaada Dalka Itoobiya, ee aan dariska nahay, oo iyana si weyn uga tahriiba xeebaha Maamulka Puntland. Su’aasha halkan ku jirtaa waxay tahay: maxay dadku uga tahriibaan xeebaha Maamulka Puntland oo kaliya, halka aysan dadku ka tahriibin Xeebaha Maamulka Somaliland?!

Waxaa dhacay, oo mar qura dadka qalqal iyo naxdin ku abuuray, qaraxyo, dilal qorshaysan iyo miinooyin wada hareeyey maamulka Puntland, qarkood waxay galaafteen xubno sarsare, oo ka tirsan maamulka sida: Wasiirro, maareeyayaal, madax gobol IWM, hal mar ayaa deegaannada mamulka Puntland, waxaa is qabsaday shaqaaqooyin iyo dad inta madaxa laga jaro bannaanka la soo dhigo, taas runtii waxay abuurtay xaalad murugo, oo baqdin galisay siduu ku sii jiri karo maamulka Puntland, sababtoo ah, dhibkan hadda billowday ma ahan, mid horay loo soo arkay noociisa, taasina waxaa laga yaabaa inay meel xun xaalka gaarsiiso.

Shaqaaqooyinkan cusub, ee ka billowaday maamulka Puntland, saamaynteedu kuma ekaan dadka u dhashay deegaanka, ee waxay si weyn u galaafatay dadkii ku soo qaxay, ee ka soo jeeday Koofurta dalka. Koofurta waxaan kaga jeedaa, wixii ka hooseeya Muqdisha, marka aad u kacdid ama aad qabatid aaddiid dhanka koofureed, saamayntaa oo lagu soo koobi karo lama arrimood oo kala ah:

-In dadka dilka loo gaysto habeenkii waabarigiina bannaanka la soo dhigo ay yiiin dadka soo jeeda Koofurta.

-In madax maamulka ka tirsani si bareer ah u dheheen dhibka waxaa wada dadka ka soo jeedaa koofurta.

Far ku fiiqidda dadka reer koofureed kuma ekaan hadal af iyo erayo kaliya, balse, waxaa maamulku tallaabo cad ku qaatay inuu yiri: Dadka reer koofurka ahi waa inay is diiwaan galiyaan! Waxaa hubaal ah inaysan dadka deegaanku diiwaan gashanayn, haddaba, sidee dad kale, loo diiwaan galiyaa? Tallaabadaa oo dad badan ka caraysiisay, loona arkay hayb-kala-sooc iyo isir-takoor aan ku fadhin qodob iyo qaanuun.

Tallaabadaa uu qaaday maamulka Puntland, waa mid la dhihi karo horayba waa u jirtay, ee waxaa soo kordhay isdiiwaan galinta iyo tiro koobka la billaabay, maxaa yeelay, dhibaatada loo gaysanayo dadka ka soo jeeda Koofurta ma ahan mid ku cusub maamulka, ee waa mid soo jireen ah, una jirtay siyaabo kala duwan. Waxay soo kordhisay oo kaliya, in maamulku markii hore ka maqnaa saaxada lagu wax yeellaynayo dadkan, balse, iminka uu si toos ah u soo galay, maadaama uu isna ku dhaqaaqay falkan gurracan.
Tallaabada is diiwaan galintu waxay muujinaysa in dadkan loo arko ajaanib aan xaq ku lahayn deegaanka, ama aysan istaahilin inay ku noolaadaan, sababtoo ah, isdiiwaan galinta waxaa xigaysa musaafurin iyo in loo celiyo deegaanka ay ka soo joodaan. Tallaabadan uu qaaday maamulka Puntlanad, waxaan ku tilmaami karnaa fal gurracn, balse, ma isweydiiseen maamulka Somalinad oo sheegtay inuu ka go’ay Soomaali inteeda kale, kana madax bannaan yahay, inuysan wali fal noocaan ah ka dhicin, in maamulka si bareer ah u yiri: Dadka reer koofurku ha is diiwan galiyo, ayna ku nool yihiin tiro aan yarayn?!
Dalalka aan dariska nahay kama dhicin inay dhaheen wali, Soomaalida ha isdiiwaangaliso iyo waa in la xaadiriyaa, dalalkan oo waliba baqdin xooggan ka qaba in ururrada xagjirka ah, ee ka jira Soomaaliya ay ka gaystaan falal ka dhan ah ammaankooda, oo waxyeello u gaysan kara qarannimadooda, haddana, wali tallaabada noocaan ah ma aysan qaadin. Dhanka kale, Carabta sun diimeedka noo soo dhoofisa, maalin walba waxay soo musaafurisaa Soomaali, taas oo aan damqasho ku hayan dadka, diin, dhaqan iyo dadnimana midna aysan keenayn.

Dhanka kale, Itoobiyaanka iyagu fasax gaar ah ayey u haystaan inay Soomaalida ku dilaan gudaha Puntland, inay daganaadaan waxa ay rabaanna ka yeelaan. Waxaa joogaa saraakiil iyo sirdoon, shacab iyo shaqaale, taasna uusan waxba u arkin maamulku.
Hayb sooca lala beegsado dadka ka soo jeeda koofurta, mar haddii ay ku wada keceen shacab iyo maamul, waxaad mooddaa inay tahay qorshe la isla ogyahay, maxaa yeelay, markii hore waxaa lagu doodi lahaa maamulka waxba kama oga, mana ahan wuxuu raalli ka yahay iyo qorshe uu isagu wato, waxaana xilka la saari lahaa wax-ma-garad, balse, hadda, oo sidaan wax u dheceen, tallaabadaanina xigsatay maxaa lagu andacoon?.
Waa yaab inta lagu dilo, lagu wax yeelleeyo, dhib lagu gaysto, xinjir iyo dhiig lagaa daadsho, haddana, lagu yiraa, adigaa dhibka wada, qaskana ka masuula! Run ahaantii, waa arrin aad looga xumaado in dhibbanuhu noqda dambiile, ay tahay in la ciqaabo. Kolley xeer iyo qanuun mid qeexaya ma jiro in dhibbanuhu noqdo eedaysane ay tahay in la beegsado, waxaanse arki doonnaa meesha wax ku dhammaadaan.

Talaxumo waa lagu salguuraaye, Puntlanad, may sidaan wax ka badasho! Dhibku markii hore wuxuu ka taagnaa isdiiwaangalin iyo tirakoob, haddase, wuxuuba marayaa: “Argagixisadu waa reer koofur!” armaa ujeed gaar ah laga leeyahay? Sheekh Atam wuxuu dhex fadhiyaa buuralleyda u dhaxaysa labada Maamul, wax arrintiisa ku hawlanna ma jirto, iyada, oo la caddeeyey inuu tababar siiyey malleeshiyaad Alshabaab ah, maxay ka yeeli doonaan? Sidaan doonno ayaan yeelaynnaa miyaa?.
Dadkan markii hore ayey ku dhibbanayeen deegaankii ay daganaayeen, ka gadaal markii ay ku soo dagaageen mooryaan diirato ah, oo aan reebin diir iyo dux toona, wax walbana ka laacay, taasoo ku keentay inay isaga soo dareeraan deegaannadoodii, oo ay duggaal iyo daris wanaagsan ka raadshaan degaanno kale, daar, dabaq, dalag, dahab iyo wixii ay duugteen waxaa ka diirtay daydayga aan damiirka laheyn, een waxba ka damqanayn.
Intaa looguma simine, markii xilligii mooryaantu dhammaaday waxaa loo soo allifay, cashar kale, oo la magac mabaxay “xukun Islaan” waaba ka sii dartay, mooryaantii shalay iyagu xabbad ayey wax ku dilayeen kuwii hore, kuwani dhagax iyo burciid ayey dadka nafta kaga qaadaan waaba Cazrafil dad ah! Taas kaliya ma ahane, gacma goynta iyo luga jarku waa iska tarabtarab buuxda meel walba, oo aan lagu bakhiilayn!
Garan waayaye ma dadkaa xun mise dunida? Dadkan reer koofurkreed meel meel u dhaanta waayee! Deegaankoodii waxaa ka soo raacdeeyey mooryaan beeleed, midna waxaa ka soo raacdeeyey mooryaan diimeed, deegaannadii ay ku qexeenna waxaa ka sii raacdaynaya mooryaan isirtakoore! Wax yac ka dhahana ma jiraan, hadday noqoto: Oday dhaqameed, Ugaas, Suldaad, Boqor, Garaad iyo Muumul toona!
Haddii magac qabiil lagu beegsaday, oo lagu burburiyey hanti iyo bakaal wixii ay laayeen, diinna loogu bareeray, oo bud iyo dhagax lagu garaacay, maanta ay gaartay amarro ka dhan ah in lagu bartilmaam sanayo, lana baal qorayo kaligood, argagixisana lagu tilmaamayo, waxaad mooddaa inay ayaan darro tahay, yaase, ka masuula ma degelka (dunida) mise dadka? Mise Iyaga? Waa arrin u baahan baaris xooggan, balse, waxaan baaris u baahnayn in dhibkan dhacayaa, uusan meel cidla ah ku dhacayn, ee uu yahay mid taariikhda galaya.
Goob goob u dhaanta waaye, dad dad u dhaamana waayee, malaha sheekadu wali waa : “Looma ooyaan”, magacani kama harayo miyaa, mise waa ku tolan yahay meel ay tagaanba? Dadku hadduu doc u riixay, dhulka ayey ahayd inuu dumo, balse, isna dildillaaco iska diid, waase, midaan dabar go’ayn oon la illoobi doonin, lase galin doono sooyaalka maalinteeda la soo bandhigi doono.

Argagixisadu waa reer koofur, hadalkaa waxaa isla gartay maamulka madaxdiisa, waxaanse wali war laga hayn Boqor Suldaan iyo garaad wixii deegaanku lahaa, marka laga reebo wadaad Gaalkacyo ka hadlay, isna hal ku dhag ka dhigtay Jihaad iyo weerar dagaal, kaasi xal ma ahan, miyuusan eegayn waxa ka socda Koofurta la dulamayo dadkeedii, Jihaad xal uma ahan dhibaatadan, ee waa in waxgaradka iyo wax-ku-oolka deegaanku warcad ka soo saaraan, tallaabo lagu qanci karana muujiyaan, maxaa yeelay, aamuskaan wuxuu dhali karaa tuhun aan hadda meesha ku jirin iyo dhaleecayn aan lagu dhoollacaddayn doonin, ee inta goorigoor tahay sidaan wax ha laga badalo, waxgaradkuna ha ka soo dhalaalaan waajibkii dhaqan ee saarnaa.
Ugu dambayn, Dhisme maamul waxaa udub dhexaad u ah cadaalad, haddii laga waayo, waa hubaal inuu dumi, taasi waa xaqiiqo jirta, ee ha xasuustaan Puntland shacab iyo maamul. Dhibbane ku soo hoos galay, ee kaa doonaya gabbaad iyo inaad gidaar u noqoto, gadaal lagama dooxo, daw gareedna ma ahane, iyana ha xasuustaan Puntlnad shacab iyo maamul. Hayb sooca iyo isir takoorku waa kan Soomaali kala geeyee, iyana ha xasuustaan Puntland shacab iyo maamul. Waxaadan jeclayn in laguu gaysto, adoon mudnayn, qof kale, looma gaystee, iyana taas ha xasuuntaan Puntland shacab iyo maamul!

Luulyo, 2010

Bashiir M. Xersi

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s