Maamulka Puntland: Reer Koofurku ha is Diiwaan galiyaan!

Maamulka Puntland: Reer Koofurku ha is Diiwaan galiyaan!

 

Anigoo tixraacaya qormo aan qoray todobaadkii hore cinwankeeduna ahaa: “Dadka Dhagaxa lagu Dilayo ma Dhulka ayey ka Dhasheen?!” ayaa waxaan doonayaa inaan ku lifaaqo qormada todobaadkan. Waan soo rogaalceliyey, sababtuna waa qormadii hore, oo aan is iri waxay gaartay meel fiican, ka gadaal markii ay isoo gaareen farriimo dadka aqristay qaarkood. Kolkii hore ,dareen xooggan ayaan ka qabay, in dhaliiluhu bataan, balse, dhinaca kale, ayeyba isku rogtay maladii. Tan kale, waa tallaabo uu maamulka Puntland u dhaqaaqay waqti aan sidaan u sii fogayn, oo si weyn loola xiriirin karo tilmaamtii aan bixinnay.

Sidan qormadii horaba ku billaabay, tanna waxaan ku sadrayaa, inaan ujeedku ahayn in la dhaleeceeyo maamulka puntland ama wax loogu dhibo beelaha halkaa dega, ujeedku, waa tilmaan ka bixin dhacdo dhacday, oo aad looga xumaaday, taas oo ka timid dhanka maamulka Puntland. Mar labaad dhaliishu waxba igu soo kordhin mayso, waxaan tiigsanayaa sidii aan xaqiiqda u soo gudbin lahaa ama u soo bandhigi lahaa.

Sidii ay u burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaa abuurmay maamullo kala jaad ah, oo dalka siyaabo kala duwan looga hirgaliyey, maamuladaan oo loo dhisay buuxinta kaalintii ay bannaysay dawladdu ayaan noqon sidii laga filayey, in lagu hungoobay ka sokow waxaa la soo darsay xaalado ammaan xumo iyo qalqal ka dhashay qaraxyo dilal gaadmo ah iyo afduubyo, arimahan waa mid ay ka wada siman yihiin maamulka gooni isu taagay ee Somaliland iyo maamulka goboleedka Puntlanad, hase ku kala sareeyaan ama ku kala duwanaadeen xilliga iyo qasaaraha inta uu la eg yahay.

Maamulka puntland waxaa la unkay august 1998 xiligaa oo madaxweyne laga dhigay Col: C/laahi Yuusuf Axmed ahaana madaxweynihii Dawladdii empegathi ee lagu dhisay Wadanka Kenya dabayaaqadii sanadkii 2004-tii, run ahaantii waxay ahayd tallaabo hurumareed oo dad badan ku abuurtay hanqal taag ah in la dhiso maamul lana abuuri karo kala dambayn, waxay ahady fursad aad u wanaagsan oo lagu ogaaday in dadka wax wadaagi karaan maamulkuna dadka u qaybsamo, macnaheedu ma ahan inaan la ogayn wax wada qaybisiga balse waxay sii adkaysay in dadkii ay dhex martay xurguftu ay dib u midoobi karaan!.

Waxaa la wada ogsoon yahay in Maaulka Puntland uu yahay maamul goboleed wali ku hoos jira qaranka Somaliya, si toos ah uma caddaysan inuu ka goostay Somaliya ama uu madax bannaani qaatay sida Maamulka Somaliland, taasina waxay dul saaraysaa maasuliyado badan ama xil aan qaban lahayn marka la eego hab maamulkooda, sida ilaalinta xuduudaha Somaliya, astaamaha qaranka, lacagta, sumacadda magaca iyo sharafka Somali, iyo ka ilaalinta wax walba oo ku keenaya shafar dhac iyo qiimo tir.

Maamul gogoleedka Puntlnad intii uu dhisnaa waxaa jirtay arin aad u murugo badan oo uusan waxba ka qaban, arintaas ma ahan mid xilli go’an leh ama waqti cayiman balse waxay u dhacdaa si joogta ah waxayna tahay dadka sida damiir la’aanta loogu daadsha biyaha badda cas, dabcan badlaydu xilli aysan badda galin ayaa jirtaa waxaana loo yaqaan xilliga bad xiranka ama la yiraa xilliga istaaq furulowga ee ay dhacayso dabaylo iyo hirar waaweyn, balse Puntlanad iyadu waxaad mooddaa inayan lahayn xilli bad xiran!.

Dhibtaadaa had iyo jeer ka dhacda badda cas ee ay ku qalibmaan ama lagu gaddiyo doomo ka baxay xeebaha hoos taga maamulka Puntland waxay ahayd mid aysan marna Maamulka Puntland wax muuqda ka qaban, marka laga reebo inay xilliyada qaar soo xirxiraan dad lagu sheego inay tahriibayaal ahaayeen, balse lama qabto kuwa dadka badda ku daadsha sida xunna u silac dilyeeya, iyada oo taas xanuunkeedu daaran yahay nabarkuna uu sii fasasayo ayaa waxaa dhacday: Ka Dar oo Dibi Dhahl.

Dhibkaa aan soo tilmaamnay wuxuu ku ekaa oo kaliya dadka ku soo qaxay ee doonaya inay ka sii gudbaan si ay nolol uga raadsadaan Wadamada Carabta gaar ahaan Yemen iyo Sucuudiga, ama ajaanibta ka yimaada Dalka Itoobiya ee aan dariska nahay oo iyana si weyn uga tahriiba xeebaha Maamulka Puntland, su’aasha halkan ku jirtaa waxay tahay: maxay dadku uga tahriibaan xeebaha Maamulka Puntland oo kaliya?!, halka aysan dadku ka tahriibin Xeebaha Maamulka Somaliland!.

Waxaa dhacay oo mar qura dadka qalqal iyo naxdin ku abuuray qaraxyo dilal qorshaysan iyo miinooyin wada hareeyey maamulka Puntlanad, qarkood waxay galaafteen xubno sarsare oo ka tirsan maamulka sida: Wasiirro maareeyayaal, madax gobol IWM, hal mar ayaa deegaanada mamulka Puntland waxaa is qabsaday shaqaaqooyin iyo dad inta madaxa laga jaro bannaanka la soo dhigayo, taas runtii waxay abuurtay xaalad murugo oo baqdin galisay sida uu u ku sii jiri karo maamulka Puntland, sababtoo ah dhibkan hadda billowday ma ahan mid noociisoo kale horay loo soo arkay tasina waxaa laga yaabaa inay meel xun xaalka gaarsiiso!.

Shaqaaqooyinkan cusub ee ka billowaday maamulka Puntland saamaynteedu kuma ekaan dadka u dhashay deeganka ee waxay si weyn u saamaysay dadkii ku soo qaxay ee ka soo jeeday Koofurta dalka, koofurta waxaan kaga jeedaa wixii ka hooseeya Muqdisha marka aad u kacdid ama aad qabatid aadiid dhanka koofureed, saamayntaa oo lagu soo koobi karo lama arimood oo kala ah:

In dadka dilka loo gaysto habeenkii waabarigiina bannaanka la soo dhigo ay yiiin dadka soo jeeda Koofurta.

In madax maamulka ka tirsani si bareer ah u dheheen dhibka waxaa wada dadka ka soo jeedaa koofurta.

Far ku fiiqidda farta lagu fiiqay dadka reer koofureed kuma ekaan hadal iyo af kaliya ama erayo la yiri, balse waxaa maamulku tallaabo cad ku qaatay inuu yiri: Dadka reer koorfurka ahi waa inay is diiwaan galiyaan, waxaa hubaal ah inaysan dadka degaanku diiwaan gashanayn markaas ayaa la diiwaan galinayaa dad kale, tallaabadaa oo dad badan ka caraysiisay loona arkay hayb kala sooc iyo isir takoor aan ku fadhin qodon iyo qaanuun.

Tallaabadaan uu qaaday maamulka Puntland ama damacsan yahay inuu qaado waa mid la dhihi karo horayba waa u jirtay ee waxa soo kordhay ayaa ah is diiwaan galinta iyo tiro koobkaan la billaabay, maxaa yeelay dhibaatada loo gaysanayo dadka ka soo jeeda Koofurta ma ahan mid ku cusub maamulka ee waa mid soo jireen ah una jirtay siyaabo kala duwan, waxay soo kordhisay oo kaliya in maamulku markii hore ka maqnaa saaxada lagu wax yeelaynayo dadkan balse iminka uu si toos ah u soo galay!, maadaama uu isna ku dhaqaaqay falkan gurracan.
Tallaabada is diiwaan galintu waxay muujinaysa in dadkan loo arko ajaanib aan xaq ku layan degaanka ama aysan astaahilin inay ku noolaadaan, sababtoo ah isdiiwaan galinta waxaa xigaysa musaafuris iyo in loo celiyo deegaanka ay ka soo joodaan, tallaabadan uu qaaday maamulka Puntlanad waxaan ku tilmaami karnaa fal gurracn, balse maamulka Somalinad oo sheegtay inuu ka go’ay Somali inteeda kale kana madax bannaan yahay wali fal noocan oo kala ah kama dhicin, in maamulka si bareer ah u yiri: Dadka reer koofurku ha is diiwan galiyo, tiro aan yaraynna way ku nooshahay!.
Dalalka aan dariska nahay kama dhicin inay dhaheen wali Somalida ha si diiwaan galiso iyo waa in la xaadiriyaa, dalalkan oo waliba baqdin xooggan ka qaba in ururada xag jirka ah ee ka jira Somaliya ay ka gaystaan falal ka dhan ah ammoonka oo waxyeello u gaysanaya qarannimadooda, haddana wali tallaabada noocaan ah ma aysan qadin, taas waxaa sii dheer in Itoobiyaanku iyagu fasax gaar ah u hastaan inay Somalidu ku dilaan Gudaha Maamulka Puntland taasna uusan waxba u arkin maamulku.
Hayb sooca lala beegsado dadka ka soo jeeda koofurta mar haddii ay ku wada keceen shacab iyo maamul waxaad mooddaa inay tahay qorshe la isla ogyahay, maxaa yeelay markii hore waxaa lagu doodi lahaa maamulka waxba kama oga mana ahan wax uu raalli ka yahay iyo qorshe uu isagu wato waxaana xilka la saari lahaa shacabka, balse hadda oo sidaan wax u dheceen tallaaabadaanna xigsatay maxaa lagu andacoonayaa?!.
Waa yaab inta lagu dilo lagu wax yeelleeyo dhib lagu gaysto xinjir iyo dhiig lagaa daadsho haddana lagu yiraa adigaa dhibka wada qaskana ka msuula, run ahaantii waa arin aad looga xumaado in dhibbanuhu noqda dambiile ay tahay in la ciqaabo, kollay xeer iyo qanuun mid qeexaya ma jiro in dhibbanuhu noqdo eedaysane ay tahay in la beegsado, waxaanse arki doonnaa meesha wax ku dhammaadaan.
Dadkan markii hore ayey ku dhibbanayeen deegaankii ay daganaayeen ka gadaal markii ay ku soo dagaageen mooraan diirato ah, oo aan reebin diir iyo dux toona wax walbana ka laacay taas oo ku kentay inay isaga soo dareeraan geegaannadoodii oo ay dugaal iyo daris wanaagsan ka raadshaan degaanno kale, daar, dabaq, dalag, dahab iyo wixii ay duugteen waxaa ka diirtay daydayga aan damiirka lahayn een waxba ka damqanayn.
Intaa looguma simine markii xilligii mooryaantu dhammaatay waxaa loo soo alifay casri kale oo la magac mabaxay xilliga xukunka Silaanka waaba ka sii dartay, mooryaantii shalay iyagu xabad ayey wax ku dilayeen kuwaani dhagax iyo burciid ayey dadka nafta kaga qaadaan waaba Cazrafil dad ah!, taas kaliya ma ahane gacma goynta iyo luga jarku waa iska tarabtarab buuxda oo aan lagu bakhiilayn!.
Garan waayaye ma dadkaa xun mise dunidaa xun, dadkan reer koofurkreed meel meel u dhaanta waaye, deegaankoodii waxaa ka soo raacdeeyey mooryaan beeleed midna waxaa ka soo raacdeeyey mooryaan diimeed, deeegaanadii ay ku qexeenna waxaa ka sii raacdaynaya mooryaan isirtakoor ah, wax yac ka dhahana ma jiraan hadday noqoto: Oday dhaqameed, Ugaas, Suldaad, Boqor iyo Muumul toona!
Haddii magac qabiil lagu beegsaday oo lagu burburiyey hanti iyo bakaal wixii ay laayeen diinna loogu bareeray oo bud iyo dhagax lagu garaacay, maanta ay gaadhay amarro ka dhan oo lagu bartilmaam sanayo lana baal qorayo kaligood waxaad mooddaa inay ayaan darro tahay, yaase ka masuula ma waqtiga(Dunida) mise dadka mise Iyaga? Waa arin u baahan baaris xoogan, balse waxaan baaris u baahnayn in dhibkan dhacayaa uusan meel cidla ah ku dhacayn ee uu yahay mid taariikhada galaya.
Meel meel u dhaanta waaye dad dad u dhaama waaye malaha sheekadu wali waa : Looma ooyaankii, magacani kama harayo miyaa mise waa ku tolan yahay meel ay tagaanba?, dadku hadduu doc u riixay dhulka ayey ahayd inuu dumo balse isna dibnaha ayuu isku qabsaday, waase midaan dabar go’ayn oon la iloobi doonin lase galin doono sooyalka maalinteeda la soo bandhigi doono.
Ugu dambayn, Dhisme maamul waxaa udub dhexaad u ah cadaalad haddii laga waayo wuu dumaa taasi waa xaqiiqo jirta ee ha xasuustaan Puntland shacab iyo maamul, dhibane ku soo hoos galay ee kaa doonaya gabbaad iyo inaad gidaar u noqoto gadaal lagama dooxee daw gareedna ma ahane iyana ha xasuustaan Puntlnad shacab iyo maamul, hayb sooca iyo isir takoorku waa kan Somali kala geeyee iyana ha xasuustaan Puntland shacab iyo maamul, waxaadan jeclayn in laguu gaysto adoon mudanayn qof kale looma gaystee iyana taas ha xasuuntaan Puntland shacab iyo maamul!

Disembar, 2009

Bashiir M. Xersi

Advertisements

3 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s