Mujaahidiin, mise Mooryaan Diimeed Madaxtinimo doon ah?!

Mujaahidiin, mise Mooryaan Diimeed Madaxtinimo doon ah?!

 

Burbrurkii dhacay beladii ka dhalatay sowta lala basaasay! Waa been ka dheeri in Bulshadu maalin walba hoog iyo ba’ ay ku waa bariisato. Waa run biriraysa in xil bidhaansigu noqday hammiga qof walba oo Soomaali ah bogga ugu naban, heerarka kala duwan ee aan ka soo baxnay iyo qaarka aan wali raadkoodu baabi’in. Waa “Kud ka guur, ee Qanjo u guur” siyaasigu waa XILDOON, wuxuu ugu sii xamaartaa af miinshaarnimo iyo lacag (LAALUUSH), qabqablahu waa JAGODOON, wuxuu ugu sii duggaalaa Qabiil iyo Qablanka xabbadaha. Aqoon yahanku waa MADAXTINIMO DOON, wuxuu ugu taagsadaa aqoon baan leeyahay iyo indhihii Umaddaan ahay. Wadaadkuna waa XILDOON wuxuu u sii maraa Diinta iyo eray bixinteeda. Dhammaantood waa: “Madaxweyne mar i dhaha!”.

JIHAAD waa eray Carabi ah, waxaa looga jeedaa: “in loo dadaalo sidii lagu gaari lahaa ujeeddo uun” Diin ahaan waxaa loo yaqaan jihaad (Holy War): “Dagaalka dhex mara Mulin iyo Gaalo” si rasmi ah waxaa loo ansixiyey sanadkii 2-aad ee taariiqda Hijriga. Markii hore arrimuhu waxay ku ekaayeen: Dulqaad, Saamax, Cafis iyo dhimrin, balse, xilli dambe oo ka mid ah sooyaalka Mulimiinta waxaa la huwiyey fahan gaara, sababna ay u eheed nolosha markaa jirtay iyo loollankii u dhexeeyey Dawladihii Islaamka iyo kuwii kale, waxayna ku aaqir satay in loo jaan gooyo hab ku sar go’an caqliyaddii xilligaa jirtay, iyadoo xaaladuhu is badaleen, ayna imaanayaan wax ka gadisanaan kara wixii horay loo qeexay. Dhanka kale, dadka u taagan Jihaadka waxaa loogu yeeraa: Mujaahidiin, iyadoo loo tiirinayo dhanka Jihaadka ama loo leexinayo dhankiisa.

Jihaadka qayb kama ahayn hannaan loollanka ka taagan Soomaaliya, sidoo kale, Mujaahidiintuna kama muuqan masraxa siyaasadda ee dalka ku meerayey sabanada murugada, waa socodka maalmehee, waxaa si mug leh ugu milmay ayaamahaan dambe xaalladda murugsan ee Soomaaliya; Jihaad iyo Mujahidiin. Waxay si xoog leh ugu soo bateen Siyaasadda, waxay noqdeen dhextaalka nolol maalmeedka iyo xiddigaha masraxa, Jihaadkuna wuxuu noqday unugga laga shidaal qaato oo mar kasta ku beera dhiirranaanta iyo soo jeesad la’aanta, kursiguna wuxuu noqday Atirishada laga wada daba dhintay ee hoogga iyo ba’ loo joogteeyey.

Sanadihii Jihaadka waxaa dhacay waxyaabo aan horay loogu dhex arag Soomaali; burburkii, xilligii Dawladda, berigii Gumaysiga iyo ka horba. Sanadaha Jihaadku waxay noqdeen kuwii ugu adkaa ee Soomaali soo mara abid, waxaa lagu astayn karaa: Sanadihii silic Diimeedka!

Haddaba, Mujaahid ma Mujaahidiin -kali iyo wadar- waxay noqdaanba kuwa Dagaal kula jira Gaalo -waaba haddii dagaal loo xaytee!- wuxuuna leeyahay dagaalkaa hannaan iyo qaab loo maareeyo, jaadad kala duwan iyo qodobbo ay laga maarmaan u tahay in la helo si loogu tilmaamo Jihaad, sidaa awgeed, waxaa is weydiin leh nimankaan gafuurrada duuban ee Dalka dagaalka ka wada miyey yihiin Mujahidiin, mise lagu tilmaami karaa? Run ahaantii waxaa wax lagu xumaado ah inay Diintii iska noqotay wax lagu qaraabto, laguna danaysto oo laga dhigto gaadiid lafu gaaro Gambarka (Kursiga) madaxtinimda, waxaa 3-dii sano ee ugu dambayay soo baxay codod dhaadheer oo ku hal qabsanaya Diinta -Miskiin- waxay noqotay in fal kasta oo xun marka la samaynayo Diinta ayaa qabta la yira! -been abuur iyo bayd aan wax ka jirin- marka si mug leh loo milicsado mabaadi’da ay ku taagan yihiin noloshooda iyo falalka ay maalin walba si joogta ah u qabtaan waxaa kuu soo baxaya inaan lagu magacaabi karin Mujaahidiin, ee la dhihi karo Miiryaan Diimeed ku qawlaysata magaca Diinta, si ay uga mira dhaliyaan ujeeddooyinkooda gurracan.

Mooryaan Diimeedyada ka dillaacay kuna meerantay guud ahaan goballada koofureed waxay dhaqan ka dhigteen dhibka iyo jujuubka Shacabka, qaybaha nolosha oo dhan waxay leedahay Moryaan: Dhaqtarka aan aqoon durugsan u lahayn Caafimaadka ee rug Baaris furtaa Dadkana u qoro dawo dilaysa waxaa la dhahaa: Dhaqtar boocbooc, isla markaa waa: Mooryaan Dhaqtareed. Siyaasiga aan waxba ka aqoon Siyaasadda iyo maaraynta waa Mooryaan Siyaasadeed, ku dul nool Siyaasiyiinta aqoonta u leh. Wariyaha ama Saxafiga ku dhex jira qalabka Warbaahinta ee aan aqoonta u lahayn Sixidda qoraalka, qorista hingaad toosan iyo tabinta war ama qoraal nuxur iyo tayo leh waa: Mooryaan Warbaahineed. Fannaanka isla tooxaya inuu qaado hees uusan lahayn waa: Mooryaan faneed. Si guud qof kasta oo faraha la gala wax uusan aqoon taqasus iyo khibrad u lahayn wuxuu noqonyaa: Mooryaan! Iyadoo la eegayo dhibka uu horseedi karo ama qatarta ka dhalan karta qaladkiisa. Mooryaan kaliya laguma tilmaami karo Daydayga jidka taagan ee lacagta baaddaa kaga qaadanaya Dadweynaha qoraga caaraddiisa, ee Alla Mooryaanta sabakaan badanaa! Sidaa awgeed qolyahaan isku sheegaya Mujaahidiinta iyana waa Mooryaan Diimeed, maadama ay Dalka joogaan Culimo aqoon durugsan u leh Diinta ayna ka gacan marooqsadeen talada, sidaa ayaa loo dhihi karaa waa Mooryaan Diimeed!

Mooryaan Diimeedka waa Cunsur soo galooti ku ah dhaqanka iyo fekerka Soomaalida, waxaase wax lagu xumaado ah inay Bulshada ka helayaan garab, gabbaad iyo in lagu dhiirrigaliyo inay sii xanuujiyaan Dadka. Bal u fiirso wax ka yar sanad waxaa dhagax lagu dilay laba ruux oo Soomaali ah, waxaa gacanta laga gooyey laba kale, waxaa lug iyo gacan is dhaaf ah laga guray afar wiil oo dhallin yaro ah, intaas waxaa sii dheer inta ku dhimanaysa ama ku wax yeelloobaysa dagaalka joogtada a ee maalinlaha ah ayna dhinac ka yihiin Mooryaan Diimeedku, ay wehliso inay Xoriyadda ka xayuubiyeen karaamada ka qaadeen, ayna ku sameeyeen bah dil iyo sumcad xumayn.

Soomaalidii hore Wadaadcadu Siyaasadda kuma jirin, si guud qayb ayey ka ahaayeen hagidda nolosha iyo maaraynta maalmaha, waxaa la yiri: Ragga iyo Dumarka yaabadan? Jwaabtu waxay noqotay: haddii Wadaaddada lagu daro Dumarka ayaa badan! Mar kale waxaa la yiri: “Wadaad Dad u eki ayaa ugu dilaa Abeesana Dhul u eki!” marna waxaa la yiri: Wiil labaatan jir ah oo murqo kuus ah ayaa geed ka booday, Wadaad meesha ka dhawaa ayaa asna damcay inuu ka boodo, wadaadkii geedkiina kama boodin maradii uu guntanaana way ka bidday, markaas ayaa wiilkii wuxuu yiri: “Wadaaddku inuusan Oodda ka boodi karin waan ogaaye waxaa idmanaa in Cawradiisa la arko!” ugama jeedo dhaleecayn ama caay!

Haddaba, Mooryaan Diimeedku ma waxay leeyihiin waxaan Bulshada ka abaal marinaynnaa hadalladaa ay Wadaacdada ugu gafeen, oo arxan darrada waxay ka dhigan tahay inay u aarayaan bahdilka lagu sameeyey Wadaadada? Ila ma ahan aniga.

Ugu dambayn, gafuur duubyo Mooryaan Diimeedyo haddii ay xil rabaan waxaa jira xeelado loo maro, haddii ay madaxtinimo doon yihiin waxaa jira meelo loo maro, haddii ay jago u gayfan yihiin waxaa jira waddooyin loogu hagaago. Waa hubaal inay Madaxtinimo doon yihiin, balse, isma oran bal qaab kale ku jeriya. Mooryaan Diimeed diirka ka halleeyey magaca Dipinta. Mooryaan Diimeed aan ka maagin inay beegsadaan Marasta. Mooryaan Diimeed uusan ka amman helayn Macalin iyo bare, Mooryaan Diimeed aan arxan iyo dhimrin lahayn. Waaba yaabe, miyeysan ka waantoodin been ka sheegidda Diinta iyo u maaraynta hab gurracan?.

 

Maarso, 2009

 

Bashiir M. Xersi

 

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s