Xizbul Islaan: Madaxtinimo ama Magangalin Alqaacida!

Xizbul Islaan: Madaxtinimo ama Magangalin Alqaacida!

 

Dhismaha ururku sidaa uma sii foga, ma ahan mid fac weyn ama gu’yaal jiray, wuxuu jiraa bilooyin aan badnayn, wuxuu dhisan yahay wax ka yar laba gu’, waxaase horbooda gar dhuubyo maduxu xoosh noqday, tin madawna aan laga helayn, waxaa la unkay bartamihii sanadkii 2009-ka, waxaa madax looga dhigay Cumar Iimaan, bilo ka dibse wuxuu xilkii ku wareejiyey Xasan Dahir Aways, ma kulaylka xabadda ayuu xamili waayey? Mise Xasan Daahir ayaa dhinac uga riixday? Lama garanyo, waxaase hubaal ah in Cumar Iimaan uu ku noolaa dalka Sucuudiga, tan hore markaas waa suuragal!

Ururkii wuxuu u hawlgalay si dhaqso ah, wuxuu u dhaqaaqay si xawli ah, waxaana suuragalisay isbahaysiga dhisay, maadaama ay gacan weyn ku lahaayeen Xasan Turki iyo rag kale oo lahaa hub iyo xer badan oo u dagaalama, wuxuu xarumo ka samaystay Jubbooyinka Muqdisha iyo gobalada dhexe, wuxuu si fiican isugu fidayey jeexa koofureed ee dulmiga lagu hayo!, waxay markii hore bahwadaag la noqdeen Alshabaab, waxaase la isku khilaafay gacan ku haysta jubbooyinka, heer gacan hadal ay gaartay, xariggana la isu jaray!

Sidii uu xilka ururka ula wareegay Xasan Dahir Aways, waxaa soo baxay khilaafaad ballaaran oo u dhexeeya garabyada ururka, garab ka mid ah wuxuu ku biiray dawladda misna wuu isaga baxay, malaha dhaqaalihii ay goobayeen ayey ka waayeen, ama xilalkii ay filanayeen ayeysan helin, waxaa si fiican loo wada xusuusta Gudoomiyaha gobolka Hiiraan, oo asal ahaan ka soo jeeday Xizbul Islaan, inta jeer ee uu dawladda ku biiray misana ka baxay, ama inta goor uu gacan saar la sameeyey Alshabaab, waxaase sawir gacmeed xaaladdaa muujinaya sawiray Farshaxaniistaha weyn ee Amin Camir.

Burburka ku yimid ururka wuxuu xoog siiyey Alshabaab, oo ay ku biireen inta badan xubinihii ka goostay, waxaa ugu muhimsanaa Saxan Turki oo ka mid ahaa aas-aasayashii Ururka, ahaana kuwo ugu tayada roon ama ugu tunka weyn, ka gooshada Xasan Turki Ururka waxay ku keentay dhabarjab weyn oo aad u kala daadisay, waxaa isu soo haray maquustaha(Xasan Dahir) iyo maleeshiyo beeleedyo ku hayb ah, uuna u meeriyey inay Jihaad ku jiraan Jannana ay shaqaysanayaan, “Labadii Laqdaba ku heshiisaa Lillaahi ayey ku dagaalaan” waa maahmaah Soomaaliyeede, markii horaba daacadnimo ma jirin ee waa la isku awr kacsanayey, ninba ninka kale ayuu ku meelgaarayey!

Markuu Xasan Dahir Aways ku soo laabtay Muqdisha bishii April sanadkii 2009, waxaa la isku dayey in wada hadal laga dhex furo Isaga iyo madaxweyne Shariif, maadaama ay isla ahaayeen Maxkamadihii Islaamka maantana ay dhisan tahay dawlad Islaami ah, Xasan arintaas way u cuntami weysay maxaa yeelay maqaamka Shariif-ka isaga ayaa isla rabay, wuxuu ku taamayey sanado badan ayuu Shariif si sahal ah u qaatay!, ayaan darro weynaa ciil ayuu cidiyaha la cunaa, wada hadalkiina wuu ku gacan sayray isaga oo yiri: “haddaan madaxweyne la iga dhigayn wax kale ima qanciyaan”, waaba yeebe madaxweynaha ma la iska noqdaa mise waa la mutaystaa?!

Hanqaltaag aad u weyn ayaa ku jira madaxda Xuzbul Islaan oo ku salaysan xiljacayl, mayee waaba cudur Soomaali wada haya!, taasi waxay keentay inay dhawr jeer wada hadal la furaan madax ka socota Dawladda Sh.Shariif, inta badan Soomaalidu mabda’ mallahan oo maalinba dabayshu dhanka ay u dhacdo ayey u jeestaane, waxaa in badan wada hadalladaa hortaagnaa saluug ku jira xilalka loo ballan qaado ama gacan galiska(qarashka) la siinayo, taasna waxay kuu muujinaysaa arinta diinta ee halqabsiga ahi inaysan meeshaba oollin!, ee guntu tahay xoolo iyo xil ama magac iyo maal middii la heli kari, si labadaa loo helo maqaayadda shidan sabankaan waa diine, waa in afkaaga ka fanfaniinaan Aayado badan badan badan…iyo Axaadith waxay baraan ha ahaadeene, ujeedkaba yeysan khusayn ee waa inaad wax sheegtaa qiirana muujisaa.

Wada hadalladaa waxaa ugu dambeeyey, kii dhex maray wasiir ka tirsan dawladda Sh. Shariif iyo sarkaal ka socday Xizbul Islaam, shirkaas oo uu ka carooday Xasan Dahir Aways, isaga oo dhaleecayn dusha uga tuuray masuulkii shirka ka qayb galay, qalafsanaanta Xasan marka laga soo tago waxaa xusid mudan inaysan jirin rag adag oo majaha xaabsha, taas waxaan u leeyahay laba arimood, waa midda koowaad: Xasan kaligitalinimada waa caadadiisa waxay dhaqan u ahayd teer iyo markuu ku jiray ururka Alitixaad, tan labaad waxaa ku soo duxaya tababarkiisa ciidan oo asal ahaan ah “Adigu wax amar yaanse lagu amrin”!

Khilaafkii u dhexeeyey Xizbul Islaan iyo Alshabaab wuxuu gaaray meel aad u qaraar, wuxuu isu badalay gacan ka hadal iyo daagallo qaraar oo intooda badani ka dheceen gobalada Jubbooyinka, dagaaladaa waxaa ku gaacn roonaaday Alshabaab, walow qabiilku uusan ka marnayn meesha, dharbaaxyadaa ka dib Xizbul Islaan wuxuu ku soo aruuray deegaanada Ceelasha biyaha iyo Muqdisha, malaha waxay la qexeen dadka qaxay, oo markii ay naftu ku soo nqotay ayey soo xasuusteen askarinimadooda, Ceelashu waa meesha ay ugu taagroon yihiin dalka, si ay u raalli galiyeen Alshabaab waxay ka faliyeen falal aad looga naxay, ka baxsan bani aadamnimada iyo dhaqanka suban Soomaaliyeed.

Raalgalinta Alshabaab waxay gaartay in sida ay u dhaqmaan oo kale la iska doondoono, ama bayaankii ay soo saaraan mid la mid ah ay soo saaraan iyana, waxaan ognahay in Alshabaab tiri: “waxaan nahay garabka Alqacida ee Soomaaliya”, taas badelkeed Xizbul Islaanna waxay dheheen: “waxaa ku marti qaadaynnaa dalka Alqacida!”, saw ma ahan galliin iyo galaangal ay isu bihin bihinayaan Alshabaab, haddii aysan sidaa ahayn maxaa lagu macnayn karaa? Illeen inta badan hadalladaan waxay soo baxaan tallaabaayinka ama hadalka Alshabaab ka dibe, mise masayr ayey ka tahay ah: kuwaaniba diin ayey ku qaraabanayaane maxay idinkaga cad cad yihiin halagga umadda? Haddii hinnaasaha noocaasi ku jiro waa wax cillan u hinnaas wax loo hinnaasahi badane!.

Hadalka Xizbul Islaan iyo maquustaha diinta ku daba dhuunta, wuxuu isugu soo aruurayaa ama madax halla iga dhigo ama dalka ayaan ku marti qaadayaa Alqacida, aqalka madaxtooyada aan margalo aanna ku farsiisto kursiga aan mudada u taamayey, haddii kale wallee xarig jiidkan diimeed lagama boxo, mar uun madaxweyne halla i dhaho markaas wuu i dayn saarka i haya iyo diinta baas ee aan sheegayee, haddaan sidaa la ii yeelin wallee idinna dagaal diimeed kama dhammaataan, dirirta darajada lagu madanayee diinta lagu xumaynayo, waxaay noo tahay dabqaad ama idan aan ku fooxsanno, markaas ayaa waxaa nagu soo daga waxyi shaydaanka nagu hanuuniya dhibka dadka!

Waxaa xusid mudan inta aan ku dhex jirno falanqaynta maquustaha iyo xertiisa, shir mar aan sidaa u sii dheerayn ka dhacay magaalada Garoowe, shirkaas waxaa isugu yimid haraaggii Itixaadka oo lagu magacaabo Alictisaam, waxaa laga soo saaray bayaan u dhigma: “Calina Gar leh Caydiidna Gar leh”, maadaama aan qolonaa lagu iidayn inay ku kaceen falal ka baxsan dhaqanka iyo diinta, ma ahan inaysan aqoon u lahayn ama aysan sheegi karin, ee Al Ictisaam oo ah Itixaadkii hore way ogyihiin wixii ay umadda ku hayeen markii ay ka talin jareen Gobolka Gedo, way ogyihiin inay u horseedeen dalka Xabashi, waxay ogyihiin in waxa maanta la wadaa la mid yahay wixii ay shalay wadeen, marka waxay ka tahay dhiiragalin dadban oo ah: “Annaga waa noo suuragli waydee idinku howsha si fiican u wada”!

Cimri tagay cibaaduu ku habboon yahee dad la ciqaabo la dilo kuma samo!, taas waxaan ula jeedaa Maquustaha diinta dabada ku wata ee aan diirnaxa lahayn, waa Xasan Dahir iyo inta la da’da ah ee dhexboodda mooryaanta diinta, diini waa naxariis ee ma ahan colaadin, sidaa darteed waa inay idinka muuqataa wixii diini ahayd, haddii kale iska dhiga shaarka dipinta, oo la soo baxa maqaarkiinna rasmiga ah, iska caddaysta waxa aad tihiin dadkana wax kula qaybsada, laba dhib wadaaadow nama qabto; waa mide inaad diin sheegato kana beeg sheegto iyo inaad dagaal iyo colaad noogu darto, haddaba waxaa ku habboon wadaada qoriga la ganmaya ee malaha isleh Jannadaad galasyaan inay cimriga dhaqaalaystaan!

Burburka ku yimid hoggaanka sare ee ururka iyana waa mid meesheeda ku jirta, maxaa yeelay urur wuxuu ku socdaa ku nidaam wuxuu ku hormaraa inuusan badan khilaafkiisu, bal eeg inta goor ee la kala tagay lagu biiray dawladda haddana laga soo baxay, hoggaanka aan meelu hirsado iyo dad hago midna lahayn iyana waa mid kale oo cibro qaadasho ugu filan maquustaha, cibaado haddaad rabto ha u jeesan ee dadka dhibka iyo dagaalka ka daa!, tan hore waxaan u iri: madaama uu xaafidul qauraan yahay way ku fiicnayd inuu mawlac iyo dugsi quraan oo isku dhaggan furto, intuu wax u faa’iidayn karana u faa’iideeyo, tan dambe waxaaan u iri: cibaadadu waa wax isaga u gaarehe inuu ka jeedayo bulshada balaayada uu ku soo afuufayo, isagu isku jeesto naftiisa meel u helo!

In kasta oo dadkeennu iska yahay reera caadifad iyo laab lakac, haddana midi waa hubban tahay in waqti diimeedku sii dhammaanayo, bal u fiirso marka wadaad magaciisa la maqlo qof walba qosol gariir ayuu dhag ka siin, taas waxay kuu muujinaysaa in sidii shalay loogu sacab tumayey aan maanta luugu silloonayn, dhammaadka xilli diimeedkuna wuxuu soo gabagabayn waqtigii ugu foosha xumaa ee soo mara Soomaali intii lagu guda jiray dagaalka sokeeye!, maxaa yeelay inta foolxuma dhacday ma dhicin xilligii dagaalada qabiilka iyo qabqablayaasha, walow ay jri karaan dadyow wali la suuxsan suntii saaqday ama lagu sayriyey sanadihii diinta!

Ugu dambayn maquuste Xasan iyo xertiisa waa inay garwaaqsadaan xumaan diimedka ay wadaan inaan xal lagu gaarayn, maxaa yeelay waxay dhibta ma ahane wali lama arag wax dheef ka helay daagal diimeed, sidaa waxaan u leeyahay inta magaca diinta loo waxyeelleeyey inay ciiddaan ka badan tahay, Alshabaab iyaga wayba caddaysteen inay hawsha la wadaan Alqacida, ee idinna ama is caddeeya ama dhibka umadda ka daaya, teeda kale umad wadaadkeedii laga sugayey inuu dhimriyo ee qori gedda u saaran yahay maxaad ka filan mooryaanteeda ama caamadeeda? Isma dhanto iyo dhasheed!

 

Maajo, 2010 

 

Bashiir M. Xersi

 

Advertisements

7 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s