Dawladda Empagathi: Dalladda Qabqablayaasha!

Dawladda Empagathi: Dalladda Qabqablayaasha!

Bururkii Dawladdii dhexe ee Soomaaliya, rididdii xunkunkii Militariga, ka saariddii KALI TALIYE Siyaad Barre Dalka kadib, waxaa billowday sabankii burburka Dalka, dowladda iyo xilligii Qaran-jabka, Dalkana hoggaanka waxaa u qabtay Jabhadihii hubaysnaa, ee ka soo duulay Arliga Xabashida, ee magacoodu ka wada billowdo xarfka (S), waxaana la galay murrug-maarrugtii dagaalladii sokeeye, hardankii umulo-dooxa iyo dagalladii saqiirro gowraca, Dalkana waxaa ka hanaqaaday gees-ka-gees Qabqablayaal ku soo caanbaxay siyaabo kala duwan iyo xilliyo kala jaad ah, balse, ka midaysan sumadda: Dilka, Dhaca, Kufsiga, Isbaarada, Afduubka iyo waxyeellada ay u gaystaan kuna dhibaan Dalka iyo Dadka, Qabqablayaashan oo horseed ka noqday dagaallo mindhicireedkii dhexmaray beelaha Soomaaliyeed. 
Qabqablayaashii waxay Dalka u diideen jiif iyo joog, xasilooni iyo kala dambayn, iyagoo astaan u noqday fowdo iyo jaantaa rogan, Qabqable kastana waxuu tartan iyo isreebreeb ugu jiraa sidii uu ugu guulaysan lahaa kaalinta koowaad iyo horyaalka xidigtada Xabashida iyo xigaal sokeeye la wadaagga xagla goynta Soomalida iyo boqno jariddoodaba, si uusan xarig ugu xirmin! Qabqablayaasha waxay si kal iyo laab ah ugu adeegaan Xabashida oo ujeeddadoodu tahay inay Soomaaliya qaska ku sii jirto. 
Waxbo yaysan ararto ila dheeraan iyo ka sheekaynta falalka guraac ee Qabqablayaasha ee aan intaan ku hakiyo, una gudagalo xuddunta qormadeenna ah: Dowladda Empagathi oo ah dalladda midaysa isuna keenta Qabqablayaasha. Waxaan wada xasuusannaa markii dagaallada qaraaraa ay ku dhexmareen Magaalada Muqdisho Qabqablayaashii isku bahaystay Ururkii la magac baxay: Ururka Ladagaalanka Argagaxisada iyo soo Celinta Nabadda dadkuna ugu badaleen (Ashahaado la Dirirka) iyo Wadaadadii ku midoobay: Midowga Maxkamadaha ( Midowga Mixnadda), dagaalladaa oo looga gacan sarreeyay Qabqablayaasha, qori caarddiisna looga saaray Magaalada ayna noqdeen: mid Laash ku tahriiba, mid hal gaari ku baxsada, iyo mid fagaaro ka sheega inuu Toobad keenay! Waxayse arrinu ku dambaysay markii Xabashidu Dalka u qabteen (qabsadeen) Dowladda Eimpagathi waxay Qabqablayaasu raxan raxan u soo galeen iyagoo dib ugu soo labtay Magaalada Muqdisho.
Bal aan ugu horraysiinno Qabqablayasha: Madaxa Dowladda Empagathi Col.C/llaahi Yuusuf Axmed oo ah Aabbaha fidnada, Odaygii qaska iyo Horyaalka burburka. Si kale haddaan u dhigno waxuu yahay Jabhadkii ugu cimri dheeraa sooyaalka Soomaalida marka laga soo billaabo xilligii madaxbannaanida waxii ka danbeeyay. Qaab kale haddaan u dhigno waa qofkii ugu horreeyay xabbad ku rida Qaran Soomaaliyeed oo dhisan, sidaa oo kale waxaan dhihi karnaa waa Tabcanayaasha TigreegaTabcanaha ugu dhaga fudud, uguna Ilka jilacsan, uguna xagal dabacsan.
Markaanna aan ku xijinno af-hayeenka Barlmaanka ama Guddoomiyaha Barlmaanka Sheekh Aadan Madoobe oo aan wax tacliin ah iyo waxbarasho toona lahayn oo siduu Dumarka Xersiga ugu goynayay, Fiddowga iyo Iqlaaskana u akhrinayay, meelihiisana u Bunaysanayay ayuu ku biiray Jabhaddii RRA ee hardanka gacan ku haynta Goballada Baay iyo Bakool kula jirtay maleeshiyada Qabqable Xuseen Maxamed Caydiid.

Sheekh Aadan Madoobe mar qura ayuu isku badalay Qabqablayaasha Koofurta kuwooda ugu caansan, si fiicanna u soo muuqday 1996-dii waxii ka dambeeyay, kana mid noqday Xigaalada Xabashida kuwooda ugu firfircoon ee ugu gacan saarka dhow, waxaa is waydiin mudan qofaan tacliin aas-aasi ah lahayn miyuu mudan yahay inuu noqdo Af-hayeenka Barlamaanka Aoomaliyeed?.
Gudoomiyaha Shir Waynaha Qaran iyo Dib-u-Heshiisiinta: Cali Mahdi Maxamed oo loo xilsaaray qabanqaabinta Shirwaynaha Nabadaynta Beelaha Saoomaliyeed, waxaana laga wada dharagsan yahay falalka Cali Mahdisi gaar ah waxaa loogu xasuustaa kaalintii uu ku lahaa dagaalladii la magax baxay Afar-Biloodka ee dhexmaray isaga iyo Qabqable Caydiid.
Qabqablayaasha ku jira Dowladda Empagathi waa tiro ciiddaan ka badan, balse, waxaan u kala qaadaynaa illaa dhowr qaybood, ka gadaal markii aan ka soo sheekaynay Madaxa Dowladda, Af-hayeenka barlamaanka iyo Guddoomiyaha Shirwaynaha Qaran, waxayna kala yihiin Qabqablayaashaas:
(1)xubnaha qabqablayaasha ah ee ku jiro Barlamaanka waxayna kala yihiin:
– Yuusuf Mire Seeraar oo ahaan jiray Guddoomiye ku xigeenka Is-Bahaysiga Dooxadda Jubba (Walalaha Galguduud).
– Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan) oo ah General ka tirsnaan jiray Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxuuna dadaal dheeraad ah ugu juraa sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa magaalada Kismaayo xoog iyo xeelad.
– Muuse Suudi Yalaxow oo isu magacaabay Guddoomiyaha Maka Al-Mukarama (Maddina) soona caanbaxay waxii ka danbeeyay 1996kii.
– Maxamed Qanyare Afrax oo ku caanbaxay ku jiro dhex yaalka Dowladdihii Burburka soo maray Dalka sida: Dowladii Cali Mahdi, gacan ku rimiskii Caydiid ee salballaarDowladdii Carta ee C/qaasim iyo tan Empagathi.
– Cumar Maxamuud (Cumar Finsh) oo soo caanbaxay markii uu ka fallaagoobay Muuse Suudi Yalaxow gacanna ku dhigay qayb ka mid ah xaafadda Maddiina.
– Cusmaan Xasan Cali (Cusmaan Caato) oo si fiican loogu xasuusto kaalintii mugta lahaa ee uu ka qaatay dagaallada sokeeya iyo sida wayn ee ugu caanbaxay fashilinta, asagoo halhays ka dhigta (Looma dramma!).
– Xuseen Maxamed Faarax (Xuseen Caydiid) oo si siyaasadda ku soo galay dhaxel uu kala wareegay Aabbihii Gen. Maxamed Faarax (Caydiid) maamulkii Dowladdii Salballaar ee uu ka geeriyooday dhammaadkii 96kii.
– Col.Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo Guddoomiye ka ahaan jiray Is-Bahaysigii Dooxadda Jubba(Walaalaha Galguduud).
– Maxamed Ibrahin Xaabsade oo ka tirsanaa Madaxdii Ururka RRA-eeda.
– Maxamed Nuur (Shaati-Guduud) oo isna ka mid ahaa Madaxda Ururka RRA-eeda.
– Bootaan Ciise Caalin (Xaaraan-ku-naax). .
Intaas haddaan ku soo gaabino magacyada Qaqablayaasha ku jira Xildhibaannada Golaha Baarlamaanka inagoon si idil usoo bandhigin, balse, aan ka soo qadannay kuwooda ugu caansan, waxaanna ku xijinaynaa Qaqablayaasha ku jira Golaha Wasiirrada, waxayna kala yihiin sidan:
– Cismaan Xasan Cali (Cismaan Caato) oo iska casilay Wasiirka Howlaha Guud & Guriyeynta.
– Muuse Suudi Yalaxow oo laga xayuubiyey Wasiirka Ganadsiga ka gadaal dagaalkii Muqdisha.
– Maxamed Qan-yare Afrax oo isna laga xayuubiyey xilka Wasiirka Amniga Qaranka markii uu ka qayb qaatay dagaalladii Muqdisha.
– Cumar Maxamuud (Cumar Finish) oo isna laga xayuubiyey Wasiirka Owqaafta & Arimaha Diinta ka dib markii uu ku lug yeeshay dagaalladii Muqdisha.
– Bootaan Ciise Caalin (Xaaraan-ku-Naax) oo isna laga xayuubiyey Wasiirka dhaqan-celinta Maleeshiyaadka dagaalladii Muqdisha ka dib.
Col. Barre Aadan Shire (Barre hiiraale) oo isna laga xayuubiyey Wasiirka Gaashaan-Dhigga (Difaaca) ka gadaal markii lagu eedeeyey inuu xilkiisa gudan wayey, arrintan oo ku soo beegantay xilli ay shaqaaqooyin ka dheceen Magaalada Kismaayo walina ku sugan xaalad Murugsan.
– Xuseen Caydiid oo isna laga xayuubiyey Wasiirka Howlaha Guud & Guriyeynta ahaanna ku xigeenka Ra’isul wasaaraha ka gadaaal markuu ku biiray Kooxda Mucaardaka ee xarunta ka dhigatay magaalada Asmara ee Dalka Eratariya (Eritrea) ee loo yaqaan (Baarlamanka Xorta ah).
– Maxamed Ibraahim Xaabasade oo ah wasiirka Garsoorka .
– Maxamed Nuur (Shaati-Guduud) oo ah wasiirka ganacsiga.
– GenC/risaaq Isaaq Biixi oo koldhow loo magacaabay Wasiirka gaashaan-dhigga (Difaaca) xil ka qaadista Barre Hiraale ka gadaal.
Intaas haddan uga gudubno Qaqablayaasha ka tirsanaa ama ka tirsan Golaha Xukuumadda Empagathi, aan ku xijinno inta u qaabilsan Gobalka Banaadir, Ammaanka iyo Nabadgalayada waxayna noqonayaan sidaan:
– Maxamed Dheere oo ah G.G. Banaadir oo la wada ogsoon yahay dhaqankiisa iyo falalkiisa xun xun iyo af-lagaadada joogtada ah.
– Ibraahim Sabriye Shaaweeye oo u dhintay dhaawac ka soo gaaray qarax lala beegsaday kolonyo baabuur ah uu la socday.
– C/Fataax Ibraahim Sabriye Shaaweeye oo ka dhaxlay Aabbihii xilkii uu ka dhintay ahna Caana-nuug aan wax qibrad ah u lahayn maamul xil iyo jago kumana sii jiro xilkan oo kale.
– Xasan Maxamed Nuur (Qalaad) oo dhaawac loo gaystay ka dib markii lala beegsaday gaarigiisa Qarax, kana mid ah Qaqablayaasha gacanta ku haya ama u xilsaaran Ammaanka Gobalka Banaaddir.
– Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo ah Taliyaha Booliska lana dallacsiiyey laba kol inta lagu guda jiray fawadada iyo burburka, mar waxaa dallacsiiyey C/qaasim, marka labaadna waxaa dalacsiiyey C/laahi Yuusuf ka dib marka loo magacaabay Taliyaha Booliska, waxaana Qaybdiid si fiican loogu xasuusta madaafiicdii uu ku garaaci jiray xaafadaha Magaalada Muqdisha xilligii uu socday dagaalkii Cakaaro iyo Salballaar, si muuqata waxaa loogu xasuustaa madafiicdii ku soo dhacday Suuqa Dahabka ee Bakaaraha.
– C/Qaadir Cabdi Xasan (Beebbe) oo ah Taliye Xigeenka, oo gacan yare u ahaa Muuse Suudi kuna soo caan baxay dagaal 2003-da dhex maray isaga iyo Muuse Suudi, waxaana loo dallacsiiyey Gaashaanle Dhexe uu ka dhigay C/laahi Yuusuf, waxaana la yaab leh qofaan magaciisa qori aqoon miyuu Gaashaanle Sare  noqon karaa?! Mooryaankii shalay Isbaarada dhiganayey haddii gaashaanle Sare laga dhigo macnaheedu miyeysan ahayn Qofaan Isbaaro dhigan dalacsiin ma mudna Xil iyo darajana iskaba daa warkeed! 
– Maxamed Cismaan (Dhagax-tuur) oo ka tirsan Qaqablayaasha u xilsaaran Ammaanka Gobalka Banaadir.
Intaas haddaan ku soo afmeerno magacyada Qaqablayaasha ku jira Dawladda Empagathi, guntii iyo gabagabdii waxaa iska cad sida aan soo sheegnay in ay Dawladda Empagathi u tahay Qaqablayaasha Dallad haraysa, maadama ay ka midaysan yihiin u adeegista Xabashida.

 

Feberaayo, 2007

Bashiir M. Xersi

Advertisements

41 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s