Fashalka Siyaasadda Islaamiinta!

Fashalka Siyaasadda Islaamiinta!

Waxaa hubaal ah oon shaki ku jirin in dad badan ay ka tiiraan yoodeen Maamulkii Islaamigi ahaa, ee ku dhawaad 6-da bilood ka talinanayey ugu yaraan 7-ba gobal oo ka mid ah Gobalada Soomaaliya. Maamulkaa oo ay dad badan u arkeen inuu yahay xalka ugu dhow ee ay Soomaaliya uga bixi karto qaska, jaha wareerka iyo fawdada ka dhalatay maamul la’aanta, iyana ka timid in Ilaahay lagu caasiyey!

Sidaa darteedna uu xalku ku jiro in Eebbe loo laabto loona toobad keeno, waxayse dadkaas tiiraanyadu u sii kor dhaysaa Sokorta iyo Dhiigguna ku kacayaa ayna yaqiinsanayaan markii ay noqotay waxa Maamulka Islaamiga ahaa xooggooda wiiqay Xabashi, oo ay iska caddahay colaadda kala dhexeysa Soomaali, oo ay ka dhalatay iska hor imaadyo iyo dagaallo faraha looga gubtay, Xabashida oo taageeraysay dawladda KMG-ka ah.
Dadkaa aan soo sheegnay oo aaminsan inay isu kaashadeen Maamulkii Islaamiga ahaa laba cadow mid dibadda ah: Xabashi oo GAALO ah iyo mid gudaha ah dawladda oo GAALO RAAC ah iyo Calmaaniyiin aan Diin u damqan danna ka lahayn, balse, waxaa habboon inaan is waydiinno, maxaa keenay FASHALKA SIYAASADDA ISLAAMIYIINTA guud ahaan gaar ahaan wadaadadii Maxkamadaha?

Taasi waxay u baahan tahay in wax badan laga ogaado dhaq dhaqaaq-yada Islaamiga ee ka jira Dunida Muslimka, inagoo qiimayn ku samaynayna dhaqamdooda, siyaasaddooda gudaha iyo xiriirka dibadda ee ay la leeyihiin dalalka kale ee ay ugu horreeyaan dalalka dariska iyo kuwa ay ka dhexeeyaan xiriir dhow iyo is dhex gal ballaaran.
Iswaydiintaa iyo ogaalka ka dhasha baarintaakaas, waxaa ka dhalanaya inaan si dhab ah u garanno FASHALKA SIYAASADDA ISLAAMIYIINTA waxa keena ugu horrayn oo u sababa iyo waxa soo dadajiya. Si guud markaad u fiiriso hab dhaqanka Islaamiyiinta waxaa kuu soo baxaya inay sabab u tahay FASHALKOODA arrimo dhowro, balse, aan ka soo qadanno qodabada ugu muhiimsan oo kala ah:-
1- Guulaha deg degga ah ee ay ku gaareen, sida dhaqsida badan iyo watiga gaaban. 
2-Is mahdinta ama isku kadsoonka:
Tanna waxay keenaysaa inay kala badbataan farxad daraaddeed, heer ay kala garan waayaan tallaabada ku habboon inay ku dhaqaaqaan iyo inay ku kadsoomaan gacan sarraynta iyo guusha.
3-Ad adayg, Qalafsanaan iyo Kakanaan:
Ad adaygaa wuxuu keenaa in dadka laga hor istaago wax badan oo ka mid ah arrimohooda, iyadoo loo marayo wadada xaaraanta iyo mamnuucidda sida hor istaaagga ganacsiga qaar.
4-Qasabka iyo San dullaynta:

Qasabkana waxaa ka dhasha in Bulshada lagu san dulleeyo waxaysan rabin ama aysan aqoon, ha ahaato mid salka ku haysa Diin iyo Mabda’, ama ha la xariirto Dhaqan iyo Hiddo. Waxaan wada xusuusannaa in hal mar magaaladii Muqdisha wada noqotay Cimmaamad, Indha Shareer iyo Qamiis, dabcan mana ahan in dadka wada gashanaa ay ku wada qanac sanaayeen, ee waxaa laga yaabaa in loo gashtay ku badbaad iyo dadkaaga dhinac ka raac, si aan loo arkin gooni socod!
5-Tanaasulid la’aanta:
Tanaasul la’aanta wuxuu keenaa burbur soo food saara Maamulka, tanaasulkaa ha u dhexeeyo dad wax ka dhexeeyaan oo ku jira hal xero, sida: hal maamul oo kale ama kuwa ka baxsan ee ay la wada xaajoonayaan kulana jiraan wada hadal iyo shir, waxaadna dhihi kartaa waxaa fashiliyey Shirkii Khartoum inuu ahaa tanaasul la’aan ka timid labada garab ee wada xaajoonayey iyo inuusan midna dabac iyo jiljileec ka muujin qodobadii uu la soo shirtagay.
Arrimahaanna waxaa ka dhasha kala fogaansho iyo kal sooni la’aan soo kala dhex gasha iyaga iyo Bulshada oo ku imaanaysa is aaminidda oo meesha ka baxda, waxaa kaloo badanaa la falgala amar ku taaglayn ayna la socoto caga juglayn iyo goodis.
6-Aaminid la’aanta kala duwanaanshaha bulshada:
Arrintan waxay keenaysaa inaad qofka kaaga duwan oon kaala sinnayn ama kaala mid ahayn xagga Fekerka, Mabda’, Aydoolojiyadda inaad ku qasabto inuu ku raaco adiga ama uu ka tago waxa adiga kaa duwan ee uu haysto, waxaana ka sii dhalanaysa inaad fogayso qofkaa adigoo u fiirinayo waxa uu haysto ee uu aaminsan yahay, dabadeedna ay kuu kala sokeeyaan bulshada aadna kala xigsato adigoo u fiirinaya inaadan isku koox ahayn.
7-Isku dheeha Diinta iyo Siyaasadda:
Arrintan waa midda ugu qatarsan oo fashalka ku keenta dhaq dhaqaaq-yada Islaamigaa, waana tan ugu weyn qaladaadka ay galaan marka ay noqdaan afhayeennada Dipinta, sidaana ay wakiil uga yihiin Ilaahay, ninkii iyaga khilaafa ama ka soo hor jeesta uu yahay nin diiday xukunka Ilaahay iyo in la isku dhaqo Shareecada iyo Dipinta.

Run ahaantiina arrintan waa midda dhabarka ka jabisay oo dhigtay taageero iyo garab la’aan.
Isku dheeha Diinta iyo Siyaasadda wuxuu sababayaa kala fogaasho ku yimaada iyaga iyo qaybaha Bulshada marka laga reebo kooxda ay isku aragtida yihiin, maxaa yeelay aragtidooda ayaa waxay ku dhisan tahay; “intaad isku kooxda tihiin ayaa dadka wax kala wadaagtaa inta kalana waa cadawgaaga!” sidaana waa inaad xiriirka u jartaa aadna ku dadaasha faylagoyntooda iyo dibindaabyadooda.
8-Istiraatiijitad fog oon jirin:
Tan waxaa badanaa keenta khibrad xumada loo leeyahay Maamulka, Maaraynta iyo Siyaasadda, waxayna salka ku haysaaa inuusan jirin qorshe degsan oo dhigan, aanna lagu socon qorshe qoran oo la soo qoondeeyey lagana soo baaraandagay, maadama aan qorshe la tixraaco lagu socon bedelkeeda waxaa wax lagu hagayaa mala’awaal iyo sida ay la noqoto ama la habboonaata, sababtoo ah wax qoran oo la tixraaaco ma jiraan.
Istiraatiijad la’aanta waa midda meesha ka saartay Maamulkii Islaamiga ahaa waxaanna filayaa inaysan ku yarayn farriimaha xambaarsanaa talada iyo tusaalaynta, ee ay uga gudbi kareen caqabadaha soo waajaha. Dhambaalladaa oo ay u soo gudbiyeen qaybaha bulshadeeda kala duwan gudaha iyo dibadda, balse, sida muuata wadaadadu talooyinkaa oo dhan Badda ay ku qubeen oo waxay ka dhigeen: “HAL BACAD LAGU LISAY” dhagna jalaq looma siin wayna garab mareen.
Had iyo jeer Istiraatiijiyad la’aan waxaa keena Aqoon daradda, Caqli Xumada, Si qaldan u Fekerka, Iska Indha tirka Waaqica iyo waxa jira ee muuqada, isku qaadka waxyaabo aan loo baahnayn ama aan la garanayn ama aan guulo laga soo hownayn, sidaa darted, Istiraatiijiyad qallad ama qalloocan waxay dhaantaa ama ka roontahay Istiraatiijiyad la’aan iyo in lagu socdo howtul hamag, qarda jeex iyo hubaal la’aan.
9-Qorshe Qarannimo la’aan:
Qarannimadu waa shayga ugu muhiimsan ee qofku uu ka dhigto hal beeg iyo miisaan, waxaadna garan kartaa mushkiladda Soomaali haystaa in qodabkaan saldhig u yahay, maxaa yeelay Qarannimadu waa aasaaska Umadaha iyo Dalalka, aaminaadda iyo ilaalinta Qarannimduna waxay ku xiran tahay hadba bulshada wacyigeeda iyo garaadkeeda inta uu la eg yahay iyo ilbaxnimadeeda horu-marka nolosha ay ku tilaabatay heerka uu gaarsiisan yahay.

Haddaba, waxaa muuqatay in qodobka Qarannimo uusan qorshaha ugu jirin kana mid ahayn ujeedooyinka ay rabeen inay ka meel gaaraan ama xaqiijiyaan.
Maxaa yeelay kooxaha Islaamiga ah intooda badan waxaa ku qufulan kuna daabacan ama ku borogaramsan inay dhidaba u taagaan Dawlad Islaama ayna soo celiyaan Khilaafadii Islaamka, ha la soo celiyo ma xumee, ugu horrayn Qowmiyaddee loo dhiibayaa?, maxaa yeelay waxaan ognahay khilaafkii, dagaalladii, gaashaan buursiyadii dhex maray Carab, Turki, iyo Bershiyan, ee ka dhashay qowmiyadda maamulaysa khilaafaddaa, dawladda Islaamka ah ee la dhisayase yaa maamulkeeda loo dhiibayaa?
Tusaale yar aan u soo qaadanno inaan qorshe Qarannimo jirin markii wadaadadu magaalada Kismaayo qabsadeen waxay dajiyeen Calankii Soomaaliyeed oo muujinayey in dhulkaas ay leeyihiin Soomaali, waxayna ku bedeleen Calal Madaw oo dhaxda kaga qoran tahay Ashahatiinka, taas oo ka dhigan inaan dhulkaan gooni Soomaali kaligeed u lahayn ayna la wadaagaan qofkii Muslim ah Caddaan iyo Madaw, taasina waxay ku tusinaysaa inaysan jirin Qarannimo iyo tixgalin astaamaha Qaranka, maxaa yeelay dunida maanta way kala hayaantay kalana tagtay oo dad wax isugu darsan ma jiraan ama wax wadaaga inta ay ka dhexeyso Ciid iyo Calan maahee oo ah Qarannimo ah.
Marka la soo gaabsho sababaha Fashilka Siyaasadda kooxha Islaamigaa waxaa lagu soo gaabin karaa sidaan: Astaanta, hal ku dhagga aan la jaan qadi Karin Dunida kana dhaqan galayn xilligan caalamka iyo istiraatiijiad la’aan.
Balse, waxaan jeclaan lahaa inaan qormadan ku soo gaba gabeeyo kuna soo af meero Ururada Islaamiga ah ee ka jira dinada Muslimka mid ka mid ah waana Ururka Cadaaladda iyo hour-marinta, anigoo hambalyo, bogaadin iyo ammaanba u soo jeedanaya, ururkaa oo ka taliya dalka ugu Calamaanisan dunida Muslimka ee ah dalka Turki-ga kuma imaan dagaal iyo rabshado, ee wuxuu ku guulaystay doorasho iyo codayn.
Waxaan ognahay in dalka Turki-gu yahay dal Calmaaniyadda ku talax tagay marka loo fiirsho dalalka Muslimka ama ku xeeran ee dariska la ah, sidaa darteedna aan loo oggalayn in dumarku madaxa dataan ama hagoog saartaan, tii samaysana ay sidaa ku waynayso xuquuq badan, ayna ugu horreeyso waxbarshada. Ururkaa oo uu hoggaamiyo Mudane: Rajab Dayib Ordogan wuxuu ku guulaystay inuu kor u qaado dhaqaalaha Turki-ga 7% labadii sano ee ugu horraysay, sidoo kalana waxay dadaal ugu jiraan sidii ay ugu biiri lahaayeen Midowga Reer Yurub, dabcan way ku jiraan Baarlamaanka iyo Guddiyada Dhaqaalaha Yurub, ee waxay ku howllan yihiin sidii ay xubin buuxda uga noqon lahaayeen Midowga Reer Yurub, oo hadda si mugB bari.

Waxaana sanad ka hor ka dhacday markii ugu horraysay dibad bax kii ugu ballaarnaa oo looga soo hor jeeday in dumarku hagoogashada loo diido, sidoo kale, waxaa xusid mudan in xaaska Ra’isul Wasaare Ordogan ay hagoogan tahay xitta marka ay ay kala qayb galayso shirarka caalamiga ah ama ay u raacayso casuumadaha.
Balse, markaan eegno Ururkaa Islaamiga ah iyo caqliga baaxadda leh ee uu ku fekerayo waxaan sidoo kale arki karnaa kuwa kale oo ka jira dunida Muslimka sida dhaq dhaqaaqa Xamas oo dagaal ba’an kula kira Ururka Fatax.

Sidoo kale, Ururka Walaalaha Muslimiinta ee ka jira dalalka Masar, Urdan IQB waxaana si fiican ula soconnay hab dhaqankii wadaadadii Maxkamadaha iyo meesha ay ku dambeeyeen, waxaase is waydiin mudan urur wuxuu u hal gamayaa kuna mashquul sanyahay sidii uu wax ula qabsan lahaa dalalka reer yurub, ururna wuxuu wax la qabsan la’yahay dadkii wax kala dhexeeyeen ee la wadaagay, labadaa maamulka sow aad uma kala fogo?! .

Novembre, 2007

Bashiir M. Xersi

 

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s