Loollanka Soomaaliya oo labaatan gu’ jirsaday!. Horudhac.Marxaladdii Burburka.Dagaalkii sokeeye.Xarigjiidkii

Loollanka Soomaaliya oo labaatan gu’ jirsaday!.

 

Horudhac.

Marxaladdii Burburka.

Dagaalkii sokeeye.

Xarigjiidkii Qabqablayaasha.

Marxaladda Wadaadada.

Xalka loolanka.

 

 

Horudhac:

 

Soomaaliya waxay dawlad ahayd soddan sano marka laga soo gu’ tiriyo sanadkii ay xorriyadda qaadatay, sanadahaas waxaa dalka soo maray maamullo kala gadisan Rayid doorasho galay guul dabadedna guddoonka qabtay iyo maamulkii Military-ga ee afgambiga ku qabsaday dalka 21 October 1969, maamulladaasi ma wada ahayn kuwo dadku u wada riyaaqay balse waxaa la wada hoos harsanayey dallada dawladnimada iyo diirka Soomaalino, dhammaadkii sideetamaadkii markii uu dalku galay jabhadaynta wixii dhacay waa ka gooni oo laguma xisaabin karo xilligaa aan soo tilmaamnay.

 

Marxaladdii Burburka:

 

burburkii dhacay waxaa sabab u ahaa laba arimood oo mid walbaa midka kale quudinayey, maxaa yeelay waa isku tiirsanayaal aan kala tiicin hadday kala tiicaanna midkood aan dhici karin, waxay kalay yihiin:

1- xukun maruuqsi aan wadaag lahayn: micnaha sidii uu dhacay afgambigii ciidanka qalabka siday waxaa meesha ka baxay dhaqdhaqaaqyadii rayidka oo ay ugu horreeyaan ururada siyaasadeed, waxaa dalkii dhan lagu soo aguugay: Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed iyo Mudane Siyaad Barre.

2- Qabyaaladda: horraantii xorriyadda, xilligii dawladihii rayidka iyo billowgii xukunkii military-ga waxaad mooddaa inaysan qabyaaladdu lahayn saamayn xooggan, balse waxay xididaysatay sanadihii ugu dambeeyey xukunkii dawladdii military-ga, waxay gaartay heer aan qarsoodi lahayn oo si mug leh u soo ifbaxday.

Marxaladda burburku mar waxaa laga soo billaabaa dagaalkii 77 dhex maray Soomaali iyo Xabashida, oo la dhoho wuxuu sabab u ahaa burburkii ciidan ee soomaali soo wajahay taas oo ku rogan tahay gudaha dalka, marna waxaa laga soo billaabaa sideetameeyadii iyada oo farta lagu fiiqo dagaaladii ka dhacay gobolada dhexe iyo Bari, marna waxaa si fiican loogu fadhiisiyaa inay ka soo billaabato dhibaatadii gobolada waqooyi iyo tacadigi loo gaystay.

Kala duwanaanta tilmaamta billowga burburka ayaa ka tarjumaya in marba meel laga eego tan hore waxaa laga eegay habac sanaantii ku timid ciidanka xoogga dalka iyo inuu is badalay muraalkooda, taasoo laga arkay gudaha dalka iyo dibaddiisaba, gudaha waxaa badatay ruqso waydiisashada dibaddana ay badatay saraakiisha u goosanaysa dhanka mucaaradka hubaysan ee ka dagaalamayey gudaha Xabaashida, marnka waxaa laga eegay in dagaalada Gobolada dhexe ay billow u ahaayeen dagaaladii ka dhacay gudaha dalka eedayn ma ahan ujeedka ee waa uun tilmaamid, taasi oo ku lug yeelatay dhaqdhaqaaqyadii ka soo horjeestay dawladda, midda ugu dambaysa waa midda ugu xoogga badan ee sida cad loo wada fahmi karo, maxaa yeelay waa meesha ay ka dheceen iska hor imaadyadii ugu adkaa ee abid dawladda looga soo horjeesto.

Marxaladda burburka waxan ku tilmaami karnaa xilligii ay ka bilowdeen gudaha dalka dagaallo u dhexeeya dawladda iyo jabhadaha hubaysan, muhim ma ahan in dawladda ay ka ariminaysan dalka intiisa badan balse waxaa muhim ah in dagaaladaasi ay billow u ahaayeen burburka qaranka Soomaaliyeed, waxaa si toos ah loo garan karaa marka la yimaado 1990 oo si toos ah ay u dhacday dawladdii oo noqon waqtiga burburka, waxaanse Innagu qooraan sanaynnaa inaan ku xirno xililga keenay burburka.

 

Dagaalkii sokeeye:

 

marxaladda burburka waxaa xigay dagaallo dalka ku baahay oo gees-ka-gees qabsaday, dhex maray kooxihii isla soo jabhadeeyey heer uu gaaray dagaalku umulo doox iyo saqiirro gawrac, dhab ahaantii jabhadihii dagaalka ka soo qaaday dhanka Xabashida ee dhammaan wada watay shibbanaha “S” waxay u kala bexeen beelbeel iyo qabiil qabiil oo haddana u sii kala bexeen laflaf iyo jibsin jibsin, kuma guulaysan maadaama ay meesha ka saareen maamuulkii dhisnaa inay maamul dhisaan, balse waxay billad ku qaateen inay sii burburiyaan intii hartay ee ahaa dhismayaal iyo dhagxaan!

Dagaalka sokeeye wuxuu sababay qax barakac iyo dhibaato deegaan oo aan wali dhammaan, wuxuu hormuud u noqday hoy la’aan iyo heehaab la dul sabbeeyey badaha iyo dunida daafaheeda, wuxuu saameeyey dhammaan qaybaha bulshada oo si wada siman u gaaray iyada oo loo sii kala darnaa xagga saamaynta marka la eego, haba ugu sii darnaadeen beelaha aan hubaysnayn iyo intii gardarro lagu maagay ee loo waxyeelleeyey hayb qabiil iyo magac beeleed.

Dagaalkii sokeeye wuu kala qaraaraa wuuna kala adkaa wuuna kala xumaa wuuna kala waxyeelo badnaa, guud ahaan xarigjiidka socda in kasta oo lagu wada magacaabi karo dagaal sokeeye haddana waxaa hubaal ah inuu ku sii magac habboon yahay marka hayb beel meesha taal sida dagaalkii afar biloodka IWM, waxaa qabiilkii noqday unugga dadka lagu dhibo lagu dagaal galiyo lagu huriyo colaadaha, sababta markii horaba wuxuu qabiilku ahaa isku xirka dahsoon een si fiican looga baaraan degin xilligii dawladda, marka laga reebo duugistii caanka ahayd ee qalfoof iyo hummaag la duugay malaha markaas ayaaba qabiilka iyo qabyaaladda dhidibada loo aasayey, illeen xilligaa wixii dambeeyey waxay u dhaqan gashay si rasmi ah oo aan ka leexleexad lahayn.

Dagaalka sokeeye dhibaatada dhaqaale degaan muraal iyo nafeed ka sokow wuxuu dhaawac halis ah u gaystay dhaqan hiddeed wixii la isku maamuse jiray, waxaa si ula kac ah loogu talaxtagay ama loogu xadgudbay wax alla wixii shalay laga meeri jiray, ha loo meero xumshad loo hayo iyo qadarin ama in xisaabi ka dambayso iyo is weydiin ciqaab ka carar ama xaglin iyo weel duwid laga cararayo oo taakoor ka cabsi ah, sanadaha dagaalka sokeeye wax loo ab dayey ma jirin ee wax walba lugta ayaa lagu dhuftay!

 

Xarigjiidka Qabqablayaasha:

 

dagaaladii dhacay waxaa ku soo baxay oo magac iyo muunad aan wanaag ahayn ku yeeshay rag loogu yeeray qabqablayaal,dagaal ooge iyo hogaamiye kooxeed,magacyo badanayaal ha ahaadeen balse waxay isugu ururayaan inay yihiin ragaan ammaan loo jeedin marka magacooda la soo qaado, lacnadda iyo habaarku wuu dul hogan yahay marka kasta oo la xuso magacooda ma ahan wax dadka looga soocay balse Iyaga ayaa isaga takooray!

Qabqablayaashu dagaal hurinta iyo colaadda ay u taagan yihiin kuma eka dhibaatadoodu ee waxay mar walba caqabad ku yihiin wixii la soo dhoodhoobo ee magac dawlad wata, waan wada ogsoonnahay in Somali shirar badan oo dib u heshiisiineed loo qabtay haba u badnaadeen dalalka dariska ah sida: Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya haddana wax ka soo naasa caddaaday ma jiraan, dadka intiisa badan waxay ku eedeeyaan fashilinta shirarkaas falagalinta shisheeyaha iyo dawladaha waaweyan, balse waxay iska indha tiraan qabqablayaasha iyo amar ku taaglaynta ay ku hayaan hoggaanka umadda iyo dib u soo celinta nidaamka iyo kala dambaynta.

Qabqablayaashu waxay caado ka dhigteen inay mar walba ku andacoodaan shirka waxaa wadata dawlad hebel oo dan gaar ah ka leh, kicinta qabiilka iyo u adeegsiga magaca qabiilka dhibaataynta umadda waa miday ku raageen ama waa midda rajisay cimrigooda, looma dhamma iyo beesha sadkeedii ayaa maqan waa hal hayska ay ku wardiyaan ama ku celceliyaan mar walba oo shir dhammaado ama qabsoomo, waaba yaabe Iyaga yaa u xilsaaray inay qabiilka xaqiisa soo dhiciyeen? Ama ay u doodaan xaqa qabiilku leeyahay?.

Run ahaantii xarigjiidka qabqablayaasha wax badan ayuu soo jiitamay marxalado kala duwanna wuu soo maray, ma dhammaan balse mar hakad la galiyey ama shaqo ka fariisin lagu sameeyey way jirtay, waxayse ahayd: “Bun haddii la waayo Badalkiisa la helaa” oo kuwii ku simayey hawsha waxba kama duwananaan balse waaba ka sii xumaayeen oo waxaaba loo xiisay xilligii xaraan cunayaasha.

Qabqablayaashu waxaan dhaqankooda ku tilmaami karnaa sidan: ku raaci maayo is raaci maysid is raaci maynno kala tagi maynno kalana hari maynno!, waa arin dhibkeeda leh sababtoo ah mid ka mid ah inuu wax noqdo diide inay wax wada noqdaanna diide in midkood tanaasulo diide inay wada tanaasulaanna diide inay dadka ka horwareeganna diidee, taasoo ah dhib aan la xallin karin illeen markaas qofka wax uu rabo lama garan karee!.

Xarigjiidka qabqablayaasha waxaan dhihi karnaa waxaa xoog iyo firfricooni u yeelay qaabka ay Somalidu u aamisan tahay waxan qabiilka la leeyahay, sababtoo ah inta magacan baas wax lagu dhibayo qof ka dhiidhiyey ma jirin oo ah in si dadban ama si toos loo wada tageersan yahay, waa aqoon gaabninadeedee dhibku Iyaga(Somali) unbuu ku dhacayaa ee qabqablayaasha kuma dhacayo, ogaal iyo ogaal la’aan waxay noqotaba!

Qabqablyaashii waxaa u soo baxay niman daadka raacsiiyey balse taageero ballaaran ka haysta bulshada, waa loo qoorxiiray baarqabyadii magaalada kala qoqobay ee ninba qol yiri anaa ka arimiya, waxay ayaan darradu ka dhacday inaan la dhihin maxay ku kala duwan yihiin ama ku kala duwanaan karaan raggan aan sidno iyo raggan aan siibaynno? Yaanba la xisaabtamin waa mida Somali halkaa dhigtaye wixii dhacay waaba la ogaa waana midda aan ku bidhaan doonno sadarada soo socda.

 

Marxaladda Wadaadada:

 

Magaca wadaad dhadhan gaar ah buu lahaa dhaqankii hore ee Somalida, haba jireen siyaabo loo dhaliilo ama loo eedeeyo oo iyana ka dhalatay dhan sidihii la arkay, xifaaltanka iyo kaftan rageedka marka laga soo tago waxaa hubaal ah in magaca wadaad uu ahaa tilmaaam aan qof walba la siin ama uusan mutaysan, hidde sidahaa aan soo tilmaamnay maanta ma jiro oo magaca wadaad qofkii lagu tilmaamaa dibbuu isu fiirinayaa, ma ahan inuu isu fiirinayo inuu u qalmo iyo in kale ee wuxuu isu fiirinayaa in lagu tilmaamay tilmaam aan ku habboonayn oo noqon karta sharaf dhac!.

Ujeedku ma ahan in wadaad oo dhan wax laga sheego ama afka lagu taago, balse waxaan doonaynnaa inaan soo bandhigno dareemada qaar taaas oonan cidna lagu aflagaadaynayn, maxaa yeelay marka aad sidaan oo kale u hadasho waxaa caado laga dhigtay in la yiraa: si guud baad u hadashay waxba ma aadan reebin iyo dadka dhan sidaa ma wada ahan, erayo ahaan waa run balse miyeysna ahayn in la ogaado mar kasta oo la hadlayo waxaa jira wax meesha ka baxsan haddana aan la tilmaamin balse dareenku uu u xilsaan yahay.

Wadaadadii dagaalka ku qaaday qabqablayaasha ee runtii aadka loo soo dhaweeyey taageero fiicanna la siiyey hiil aan hagar lahayn lala garab istaagay ma noqon kuwo la mahdiyo, maxkamdo maamul iyo midaw wixii la dhisay barqo cad ayey ka carareen wayna ahayd inaysan ku dul baabi’in, balse su’aasha waxay tahay: maxay ula iman waayeen hannaan ay ku raadshaan qarannimada maqan? Hannaankaa lama marin ee ujeedkii gurracnaa ee u qarsonaa ayaa dabada la qabtay waxaa neefta lagu dhajiyey dhacabkii la yiri: ha daawan ha iibin ha gashan ha cunin ha cabin iyo ha socon!.

Marxaladda wadaadada waxaa hubaal ah inay tahay marxaladda ugu xun ee soo martay Somali intii ay jirtay loolanka aan dhammaan, sababta waxaan filayaa inay iska muuqatao maxaa yeelay qasaaraha naf iyo maal ah ee ka dhashay ma dhicin xilligii dagaalka sokeeye uu marayey meesha ugu qaraar, ma dhicin intii aan ku jirnay xarigjiidka Qabqablayaasha, balse afar sano ayaa waxay ka dhib badnaatay ka adkaatay ka qasaaro badnaatay ka xanuun badnaatay ka baaba’ badnaatay ka burbur badnaatay lix iyo tobankii sano ee ka horreeyey!

Xaalku wuxuu marayaa wadaad hay maqashiin waranlaa dhaamee, marxaddan aan imika maraynno eeg dalkii gees-ka-gees wuu holcayaa waxaa dabka hurinayaa waa wadaad, degmooyin iyo gobollo iska nabdoonaa ayey waxay ku shideen colaad, qabqabluhu wuxuu daka ku dagaal galin jiray Qabiil mana dhihi jirin Ilaah ayaan idinka xigaa ama wikiil ka ahay, wadaadkuna wuxuu ku dagaal galiyaa dadka Diin iyo inuu ku yiraa Ilaah ayaan wakiil ka ahay oo xagiisa ka imid ama aan idinka xigaa!

Wadaad waa la eedaye maxaan filan karnaa oo dhici doona maalmaha soo socda? Maxaa is badal ku iman kara hannanka imika wax ku socdaan? Lama saadalin karo maxaa yeelay maalinba meel aan la filanayn ayey ka xagal daacsanaysaa ama ka falliirmaysaa, waxaase hubaal ah in wadaad dhibkiis aan la halmaami doonin ma ahan in la halmaamay qabqable balse is barbardhigga xanuunka waxaa badan wadaad dabcan raadkuna wuxuu ku badan qofkii aad kuu xanuujiyey!

 

Xalka loolanka:

 

Loolanka Somaliya ka taagan nuxurkiisa waa mid ku salaysan madaxtinimo iyo magac, dhabbaha loo maraa waa laba sida wax yar ka hor soo tilmaamnayba waa Qabiil iyo Diin, labadaba soo tijaabinnay qabiil soo aragnay wuxuu yahay: eex nin jeclaysi iyo qabyaaladwax aan ahayn kama dheefin, diinna soo aragnay: Gaalaysiin qaraxyo miinooyin gacmo jarid luga jarid iyo dhagax ku dul wax aan ahayn kama dheefin, labaduba dhibkooda yey wataan maxaa yeelay mid aan shacabka cuuryaamin kuma jirto.

Hadaba haddaan dhaliil u sheegnay hab dhaqan galinta labadaa cunsur waxay ku aruureen meel aan wanagsanayn, waa la dhihi karaa hala badalo hab dhaqanka balse yaa badalaya? “Hal ninkii lahaa ku fasdhiyo ma kacdo”, waxaan uga jeedaa Diin wadaad dhaamay ma caamo ayaa hagaajianysa? Qabiil Ugaas dhaamayna ma mooryaan ayaa hagaajinaya?, ujeedka hadalka wuxuu yahay dib u xisid waa lagama maarmaan ee midda meesha taal waxay tahay ma waxaan doonaynnaa dawlad casri ah mise waxaan doonaynnaa maamullo qabiillo?!

Jawaabta aan qaadanno sida ay noqoto ayaa xalkuna noqon karaa, maxaa yeelay qabiil dawlad ma noqdo diinna dawlad ma noqoto, ee waxaa dawlad noqda dad iyo nidaam, waa lagu doodi karaa diintu waa nidaam qabiilkuna xeer ayuu leeyahay balse waxaan cidna jawaab naga sii karin waxay tahay nidaamka ku jira diinta iyo xeerka qabiilku dhigtay midna xal ku gaari weynnay, taasi oo u baahan inaan bal dhan kale wax ka raadinno ujeedka ma ahan in labadaba la tuuro in kasta oo aanan qabiil boos sidaa u sii weyn u ahayn haddana dadka laga fujin waayey ayaan ku maaweelin inta ay ka fuqayaan!

Xalka ma ahan mid ka imaaya samada ugama jeeda inuusan ku jirin diin iyo wixii la mida ah, balse waxaan ka wadaa inuusan isaga oo is wata ka imaanayn samada ee wuxuu u baahan yahay in la abuuro oo la hirgaliyo, taasna waxay ku imaanaysaa in la helo doonis iyo rabitaan dadka ka yimaada, haddaan la helin arintaan waligeen waxaan ku jiraynnaa xarigjiidkan aan dhamaaadka lahayn!

Inta aan wadanno qurunka qabiilka naxliga iyo nijaastiisa waxaa hubaal ah inaan wax xal ah imaanayn, maxaa yeelay shalay dawladdii waxay u burburtay qabiil maantana waxaa hortaagan qabiil, ka rog oo bal saar dhanka wadaadada eeg maanta waxaa xalka hortaagan Diinta, xasaasiyadda ha yaraato qabiilku waa magac waxba ma hor istaago kaligiis balse waa loo adeegsadaa, sidoo kale diintuna waa magac kaligeed waxba ma hor istaagto ee waa loo adeegsadaa, sidaa ayaan u leenahay diinta ayaa hortaagan xalka.

Xalku wuxuu ku jiraa in qasabku dhammaado doonistuna la hirgaliyo, ma ahan in wixii la doonaba ay hirglayaan balse midda ku salaysan xalaalnimada iyo wanaagga ayaan uga jeedaa, sababtoo ah waxa maanta dhacayaba waa doonisyo balse qalloocan oo marin qaldan ku socda, doonistu waa inay tahay mid xal ku qotontaa haba ahaato mid gaar ahaaneed ee aan waxba u dhibaysan dadka kale aysan ahayn tayda ha socoto, iyaduba la’aan ayey dhaantaa waxaana laga yaabaa inay u sii gudubto mid wadareed!

Ugu dambayn xalku wuxuu ku jiraa in qof walbaa cunsurka dhaqajinayaa uu ahaado sidii ay soo noqon lahayd Dawladnimo, waa lagu wada andacoonayaa oo koox walbaa waxay sheegaysaaa inay dawlad ku maqan tahay balse taasi ma ahan mid xujjo ah ee waxaa laga garan karaa dhaqankooda, waxaa qasab ah inaan madaxbannaani qofeef helno taasna waxay kobcinaysaa dareenka xoriyadda iyo diidamada hoggaan daba socodka aan qiimaha lahayn!

 

Jennaayo, 2010

 

Bashiir M. Xersi

 

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s