Xarig-jiidka Soomaaliya la Degey Diinta ma lagu Xallin karaa?!
Horudhac.
Dawlad Beeleed.
Dawlad Diimeed.
Dawlad Qarameed.
Gunaanad.
Horudhac:
Wax baddan waxaa wax laga qoray wadaadada ku soo dugaala diinta, waxaa la tilmaamay ragga ku qaraabta magaca diinta, ma ahan markii u horraysay ee ay dhacayso arintani, xilliyadii hore Soomaaliya waxaa ka jiray dad sheegta inay yihiin culimo, xirta dhar cadcad Qamiis Cimaamad IWM, waxay dadkaasi sidaa u yeeli jereen in culimadu qadarin iyo magac ku dhex leyihiin dadka dhex diisa, marka si ay u helaan ayey arintan su samayn jireen.
Haddase xaalku wuu is badalay meeshii qamiiska uu ku lammaan sanaaan jiray tusbaxa lagu wardiyo, waxaa soo baxay wadaaddo qamiiska ku hoos wata qori iyo bundukh, dadkiina xaax ka siiyey Iyaga oo magaca diinta ku dilayo kuna wax yeelaya, horay waan u tilmaamnay inay doonayeen uun xil adduun iyo xarago muunadeed, balse waxaan qormadaan kaga hadlaynnaa gunta dahsoon Inaga oo girgirka soo saari doonna warar in badan lagu celcelshay oo u baahan in la saxo, maadaama aysan ahayn wax soconaya ama la jaan qaadaya waaqica jira.
Burburkii Soomaaliya ka dhacay wuxuu saameeyey wax walba, wuxuu kala dhantaalay wax walba oo isku dhaganaa ama isku xirnaa, wuxuu u baahay si xawli ah isaga o gaaray dhinac walba gaarna ka wada maray,xumaan, xeerjabin, xiloxumayn, xaaraan quudasho, xikmad xumo, xaasidnimo, xarago darro, xisaab la’aan, xanaf mudan oo xanuun badan, shisheeye xigaalayn, kala xaluulasho ayuu dadka dhaqankiisii ku sifoobay, waxaana u sababa ka waceeshada laga weecday dhaqanka iyo hiddaha soo jireenka ah ee Soomaali ku dhaashato!.
Su’aasha qormadu waa mid qeexan waxaan si guud uga hadlaynnaa sida xal loogu heli karo dhibaata Soomaaliya, waxaan qormo hore ku xusay in qabiilka iyo diintaba la soo tijaabshay, xalna ay keeni karin, balse ay noqon karaan kaabayaal iyo garabgal, waxaase isoo gaaray farriimo muujiaya in diintu u habboon tahay xal u helidda xaaladda Soomaaliya, marka waxaan doonayaa inaan xoogaa ka dhoho sida arintani u qotanto, maxaa yeelay horaa la isu waafajin waayey mana ahan inaan Anigu is waafajinayo ama xal sixir ah u keenayo balse waan faarfaarayaaye ila eega waxa ka soo baxa!.
Xaaladda murugsan ee soomaaliya ka taagan waxay dareen xooggan ku reebaysaa qof walba oo leh dareen Soomaalinimo, kuma sii jiro qofkii xilligii nabadda ee dawladda Soomaaliyeed dhisneyd si xasilan ugu noolaa wadanka ama socdaal ku tagay dunida, qofkaasi wuu ka dareen adag yahay kan ku noolaa gudaha wadanka, magacii shalay iyo magac xumida maanta taal laba is qabanaysa ma ahan!, sidaa darteed xaalku wuxuu marayaa meel qaraar.
Waxaa burburkii dalka ka dib dalku galay dagaaladii Sokeeye waxaa horboodayey saraakiil ka tirsanaa xoogga dalka Soomaaliyeed iyo xubno rayid ah(qabqablayaal), warafkii maalinta la billaabay wuxuu galaaftay naf iyo maal badan iyada oo lagu dhagax tuurayey qabiilka iyo gubanimada aan giirka dhaafsanayn!, wax la hardamaba waxaa la soo gaaray marxaladda diinta iyo wadaadada, isbedel inuu dhacay ayey dad badani aamineen bishaaro iyo barwaaqo ayey fisheen, maadaama ay xukunka qabteen Culimo awdiin maanta wixii ka dambeeyana Diinta la isku dhaqayo sidaana uu meesha uga baxay Qabiilqabqable iyo dulmi, sidaa wax ma noqdeen?! Waaqica ayaa ka jawaabaya!.
Xalraadinta macnaheedu waxay tahay dawlad raadin, haddaba waxaa mudan inaan xoogaa ka tilmaamno qaab dhismeedka dawladaha iyo sida ay ku dhaqmaan, ujeedka ma ahan inaan u taariikhaynayno balse waxaan ka soo xiganaynaa inta aan kaga baahannahay, sidaa darteed waxaan soo qaadan doonna saddax qaybood oo qaab dawladeedka ka mid ah waxayna kala yihiin: Dawlad Beeleed, Dawlad Diimeed, Dawalad Qarameed.
Dunida waxaa soo maray maamullo kala gadisan oo midba wax ku salaysan yahay, magacyadii hore waxaa loo kala adeegsan jiray: Imbaratoyida iyoBoqortooyo, labadaa ayaana u badnaa maamulladii dunida soo maray walow ay jireen aragtiyo siyaasadeed oo aqoonyahanno qaarkood ay ku cabireen dhisme dawladeedka ka duwan dawlad beeleedka, sida buugga Jamhuuriyadda ee uu qoray Aristotle(Aristo), buuggaas oo qoruhu ku xarriiqay tilmamaaha dawladda Jamhuuriga ah oo horay aan dunida uga jirin.
Dawlad Beeleed:
Dawlad Beeleedku waxay astaan u ahayd maamulladii dunida soo maray dhammaantood, maxaa yeelay waxay wada ahaayeen sida aan soo tilmaamnay Imbaratoyado iyo Boqortooyooyin, dhammaanna xukunku wuxuu ku salaynaa dhaxal iyo dhiigwadaag, oo maamulka ma soo gali jirin qof aan ka soo jeedin qoyska talada haya, waxaa maamulka loo kala dhaxli jiray sida dhalashada loo wadaago ama la isugu abtirsado, inta badan maamulka si uu ku soo galo way adkayd qofaan ku imaan dhalyada Abtirsiga Aabaha iyo Awoowaha, oo badanaa lama dhaxalsiin jirin dadka ku yimaada abtirsiga Hooyada iyo Abtiga!.
Dhammaan dunida waxaa gees-ka-gees ka hirgalay maamulka ku salaysan beesha, magaca la siinayo muhim ma ahan awooddiisu inta ay la egtahayna waxba noogama xirna, balse waxaan daba soconnaa qodobka uu ku qotomo maamulkaas oo ah bahwaagsiga beesha isbiirsatay, xukumada noocaan ah wali dunida kama dhammaan balse way yaraadeen sidii uu dunida uga dhacay kacaankii Faransiiska oo dhacay sanadkii 1789, una dhacay saddax marxalood laguna hirgaliyey mabda’ dalwadda Jamhuuriga ah lagana taqalusay dawladdii Boqortooyada iyo xukunkii wadaadada.
Kacaankaa wuxuu si xawli ah ugu faafay qaaradda yurub isaga oo saamayn xooggan ku yeeshay dhammaan boqortooyooyinkii ka jiray qaaraddaas, saamayntiisu kuma ekaan yurub kaliya ee wuxuu u soo gudbay dunida inteeda kale, waxaa laga taqalusay boqorradii dadka ku amar ku taaglayn jiray, iyada oo ay daciiftay awooddooda maamul iyo xukunba, waxaa markaas ka hirgalay duninada gaar ahaan yurub oraada ah: “Boqorku waa boqor waxse ma xukumo!”, taas ood maanta ka arki karto inta boqortooyo ka dhisan qaaradda yurub oo dhammaan aan ku lug lahayn siyaasadda iyo maamulka, kaliya waxay u jiraan magac iyo maamuus ahaan.
Soomaaliya dawladihii soo maray in kasta oo ay ku suntanaayeen dawlado qarameed, haddana magac unbay huwanaayeen ee hab dhaqanku wuu ka duwanaaa dawlad qarameed, maxaa yeelay xilligii dawladaha rayidka ay jireen waxaa aad u badnaa naasnujinta qabyaaladeed, eexda iyo nin jeclaysiga oo astaan u ahaa xukunkii rayidka sanadhii uu dhisnaa, markii ciidanku la waraagay talada dalkana waxaa la hirgaliyey hannaankii halka xizbi iyo “Afweyne ammaan ama Afgooye aad”, taas kaliya kuma sinnayn ee waxaa markii damabana qabiilku noqday lafdhabarta dawladda.
Guud ahaan iyo gaar ahaanba Soomaali waa ka dharagsan tahay waxyeellada dawlad beeleedka iyo dhibaatadeeda, ma filayo marka inay maanta xiiso u qabaan dhisme dawlad noocaas ah, maxaa yeelay qof walba oo afka kala qaadaa wuxuu kuu muujinayaa dhibka qabiilka iyo qurunka qabyaaladdu leedahay, balse su’aashu waxay tahay: haddii sidaa loo dareensan yahay maxay tahay ujeedka ka dambeeya in maamullada lagu dhiso hab beeleed? Ugama jeedo maamul goboleedyada kaliya balse waxaa la mid ah dhismaha dawladihii la dhisay tobankii sano ee tagay, oo dhammaantood lagu wada dhisay hab beeleed loo baxshay afar iyo bar (4.5), waxa wali loogu dhaggan yahay ma garan!.
Dawlad Diimeed:
xirmadii hore waxaan kaga hadalnay dhismaha dawlad beeleedka, waxaanna qodobkan uga hadlaynaa dawlad diimeedka oo ah su’aasha qormada, eraga diin waa carabi macne ahaan wuxuu noqonayaa joogtayn iyo ku noqnoqosho wax ama wax uusan qofku marna dhaafin samayntooda, balse guud ahaan waa rumayn la xiriirta wax maqan iyo wax jooga wax muuqda iyo wax qarsoon, guud ahaan diimuhu waxay ka midaysan yihiin inay farriimahooda ku xoojiyaan: nabadda, jacaylka, naxariista taakulaynta, dulqaadka IWM, balse waxaa jira marar ay asteeyaan daagaallo lagu hoobto qiilku ha ahaado waan is difaacaynnaa iyo waa nala soo weeraray!.
Ujeedkeennu ma ahan inaan u taarikhaynno diimo dhuleedka”Religious situation” iyo diimo cireedka, balse waxaan ku muujin doonnaa dawlad diimeedka hab dhaqankeeda iyo waxqabadkeeda, dawlad diimeed waxay naasnuujin siisaa inta raacsan diinta ay ku qotonta dawladdaas, waxay mudnaanta koowaad siisaa dadka taabacsan diinta ay ku ligan tahay dawalddaas, taasi ma ahan war la iska yiri iyo reed marid xaqiiqeed ee waa dhabta ay ku dhidban tahay dawlad diimeedku, maxaa yeelay diin walbaa waxay ku doodaysaa inay tahay midda xaqda ah ee Ilaahay raalli ka yahay inta kale ay yihiin bug iyo been abuur aan bayd runa ku beegnayn.
Dunida waxaa ka hirgalay maamullo diimeedyo ku qotomo diin ama cuskan boqorro iyo salaadiin, balaan tusaalaynno oon dhahno boqortooyada Romanka waxaa ku lammaansanaa maamul diimeed xukunka guud waxaa iska lahaa Imbaratorka balse maamulka waxaa la garab hayey Wadaadka Kaniisadda, sidoo kale taarikhda Muslinka wixii maamul soo maray dhammaan waxay ku daabnaayeen Diinta laga soo billaabo xukunkii Abubakar ilaa maanta, bal u fiirso wixii dagaal dhex maray Muslinka dhammaan waxaa saldhig u ahaa in la xalaalaysto dhiigga qoloda kale!.
Dunidu waxay soo martay dagaallo diimeedyo aad u qaraar, intoda badan waxay dheceen qarniyadii dhexe(qarniyadii mugdiga), waxaana ugu caansanaa dagaalkii dhex maray Faransiiska sanadihii 1562 – 1598, oo u dhexeeyey “Protestantism” iyo “Catholic Church”, sababta dagaalka wuxuu ahaa ka dib markii ay ka falliirmeen kooxdan la baxday Protestantism Kaniisadda Katholika, taas oo ay qaadan waayeen balse ugu dambayn arinku ku dhammaaday in qof walbaa loo daayo waxa uu aaminsan yahay lana wadaago dhulka iyo qarrannimada.
Sooyaalka Soomaaliya ma soo marin dagaallo diimeed dhexdooda ah, balse waxaa jiray dagaallo diimeed ay la galeen quwadaha aan ku iimaanka ahayn ee ay daris wadaagta yihiin, waxaadse moodda wixii dunida soo tijaabisay afar qarni iyo bar ka hor inay maanta dabada hayaan, maxaa yeelay dalkii waxaa gees-ka-gees ku baahay dagaallo loo wada baxshay Jihaad iyo Diin hirgalin oo aan horay wali Soomaali u adeegsan, waana tan aan qormadan qalinka ugu qaatay.
Dawlad diimeed eexda ay u kala eexanayso shacabka ka sokow, waxay had iyo jeer darajada koowaad siisaa inta ku xiran ee ku biya shubata, kuma sinna kala saramarintu dunida iyo inta la nool yahay ee waxay u sii gudubtay nolosha dambe iyo geerida wixii ka dambeeya, iyada oo inta kale ku sumadday kuwo halaag sugayaal ah dunida aan qiimo fiican ku lahayn dhimashada ka dibna silac iyo saxiriiri u dambayso.
Haddaba Soomaali ma mudan tahay inay dhisato dawlad noocaas ah? Ama qaabkaas ku shaqaysa? Dad badan waxay ku doodaan in dhibku ka yimid xarigga Ilaahay oo la gooyey, dhibkana looga bixi karo xarigga Ilaahay oo la qabsado!, halkan balaan su’aal caqli gal ah dhigo: imisa dawlad ayaa dunida ka dhisan oo aan xarigga Ilaahay haysan? Maxaa dhismaha dawladda Soomaaliyeed ku xiray xarigga Ilaahay? Imisa ayaa dawlad burburtay oo dib loo dhisay? Xarigbaa ka go’an iyo Ilaahay kiisa halla xiro midna lama orane waxaa wax lagu dhisay doonis iyo rabitaan!.
Waxaan halkan ku xusayaa arin maalin dhaweed dareenkayga soo jiidatay oo ahayd Masjid uu madaxweyne Shariif dhagax-dhig u sameeyey oo laga dhisayo gudaha Villa Soomaaliya, Villa Soomaaliya waxay madaxtooyo Soomaaliyeed soo ahayd muddo intaas waxaa galayey Muslin isugu jira Soomaali iyo shisheeye, waxa maanta keenay in Masjid laga dhiso ma idin la tahay baahi loo qabo Masjid? Mise waa hirgalin feker diimeed ka dhex guuxaya madaxweyne Shariif?.
Waxaa ku jirtay warbixinta in fikradda dhismaha Masjidku uu lahaa isla madaxweynaha, haddaba ninka isaga oo ku go’doonsan Villa Soomaaliya hawl ka billaabay Masjid dhismihiis waxaa idiin muuqata inay tahay qodbid dawlad diimeed, maxaa yeelay imisa ayaa dhibaataysan oo aan haysan waxay cunaan waxay cabaan iyo meeley seexdaan? Isbitaalada waxaa gabaabsi ku ah dawada iyo qalabka wax lagu dabiibo.
Waxaa la dhihi karaa Masjidka waa loo baahnaa oo waxaa keentay dhismihiisa baahi loo qabo goob lagu cibaadaysto, waa hubaal in qofkii wax aamisani uu helo meel uu ku koodo!, balse qofka baahida noocaas ah ay hayso waa inuu isaga isku tashtaa oo dhistaa goobta cibaadada, waxaase ayaan darro ah marka lacagta dhismaha masjidkan noqoto deeqaha loogu tala galay umadda Soomaaliyeed, oo loo adeegsado wax u danaynaya koox gaar ah, maxaa yeelay Masjidkaa waxaa ku dukan doonaa inta gasha Villa Soomaaliya ee ma ahan meel ay dadka dhami wada gali karaan!.
Dhagax-dhigga Masjidkani wuxuu qayb ka yahay dhisme dawlad diimeedka lala damacsan yahay Soomaaliya, maxaa yeelay Sh. Shariif iyo xertiisu waxay hordhac u yihiin horor diimeedka Alshabaab iyo Xizbul Islan, taasi ma ahan meel ka dhac iyo gaf ee waxaan kaga jeedaa dhaqankii shalay inay ka midays naayeen, maanta ay kala weecisay dan iyo darajo!.
Waa tahay, arintu kuma eka dhagax-dhig Masjid oo waad ka wada dharagsan tihiin Imaaradaha Islanka ee ka jira degmooyinka qaar sida ay u dhaqmaan, waxay had iyo jeer ku xadgudbaan xuquuqda shacabka ku dhaqanka degmooyinka hoos taga maamulkooda, iyaga oo ku doodaya inay dhaqan galinayaan Diin Ilaah iyo Shareeco Islaan, jirdilka ay ugu yeeraan (Tacsiirta) waa iska joogto oo dharaar iyo habeen ayey garaacaan dadka, bal waa su’aale yaa xaq u siiyey inay dadka jirkooda garaacaan ama ay diirkooda jeedlaan?.
Dhibku intaas kuma eka oo wuu sii dhaafsan yahay, waxaa jirdilka garab yaal gamca goyn iyo lugo jarid (Cuuryaamin), xubna jariddaa ha ahaato isdhaaf lug iyo gacan ah mar qura ama mid qura gacan kaliya ama lug qura, waa la yaabe inta cuuryaan ama naafo noo joogta miyeysan u muuqan? Mise waxay shaqadoodu tahay inay Soomaali oo dhan naafo ka wada dhigaan? Oo haddaas yaa dalka ku soo haraya ma shisheeyaha ay ka shidaal qaataan ayey rabaan inay dalka la wareegaan, nimanka ujeedkoodu wuu fog yahay marka si dhab ah loo eego!.
Waxyeelada Imaaradaha degmooyinka dalku intaa kuma sinna ee balaan xusno midda ugu qaraar ugu xanuunka badan uguna fooshaxun, waa godka inta la faago qofka qaarka dambe loo galinayo ee dhagaxa nafta looga jarayo(Dhagax-ku-dil), bal eeg waxashnimadu inta ay la egtahay haddaad qofka dilayso maxaad u silac dil yeynaysaa? Maad si raaxo leh nafta uga qaaddid, waa fal ka baxsan dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed oo ay ka reebaneed qofka dilka lala maaggan yahay inaan loo sheegin in la dilayo ama aan agtiisa looga sheekaysan wax la xiriira dilkiisa, iska daa in si xun loo dilee!, balaan u adeegsado isla eray bixintooda oon dhoho waa bidco ay ku soo kordhiyeen umadda Soomaaliyeed.
Saddaxdan arimood waa arimaha ay dadka ku ciqaabaan kuwo ugu adag, balse way jiraan ciqaabyo ay siyaabo kale u adeegsadaan, ciqaabtuna ma ahan kaliya midda xanuujisa jirka ee waxaa ciqaabta ugu xun midda maanka taabata, waxay taasi ka dhalataa marka caburin iyo cadaadis ay jiraan oo ka dhigan xorriyad la’aan iyo madaxbannaani oon jirin, waxaan ku soo xirayaa qodobka dawlad diimeedka araahdan ah: “Addinka Insaankaa leh, Aayadda Ilaahbaa leh, Axdigana Umaddaa leh”, ee sidaa halloo kala ogaado oo mid walba gaarkeeda halloo dhigo, midna yaan loogu xadgudbin si loo waxyeelleeyo tan kale!.
Dawlad Qarameed:
Labadii dhisme ee hore haddaan ku sheegnay dhismaha dawlad beeleed iyo dawlad diimeed, oo labaduba dadka ugu kala eexda dhiig wadaag iyo iimaan wadaag, waxaan qodobkan uga hadlaynaa dawlad qarameed ay dadku u siman yihiin, dawlad qarameed waxay timid ka dib markii la dhadhanshay dhibka dawlad beeleed oo awoodda dhan ay iska haystaan hal reer oo aysan sina u soo dhaafayn, iyo dawlad diimeed ay maamulka iska haystaan hal koox oo aysan sina u soo dhaafayn maamulka.
Dawlad qarameed waxay badal u noqotay labadaa dawladood, waxaa bahwadaag ku ah intii isku deegaan ah haba ku kala duwanaadaan diinta, afka, midabka, dhaqanka IWM, balse waxay wada hoos harsanayaan dhammaantood dagalka dawlad qarameedka oo aad u weyn si fiicanna u hoosinaya, waxay dhammaan u wada dammanaad qaadaysaa inay wada ilaaliso wixii gaar ah oo qolo leedahay si aysan u dhicin isjiir iyo kharbudaad, waxay wada wadaagaansiyaasadda, maamulka, xukunka, garsoorkaIWM, mid gaar loogu eexdo ma jiro balse qof walbaa waxaa lagu leeyahay ka dhex muuqo bulshada.
Dawlad qarameed mudnaata qolo gaar ah ma siiso balse tallaaboonka qaar ayey mudnaan siisaa sida:ammaanka, caafimaadka, waxbarashada, sinnaata cadaaladda IWM, oo dhammaan muhim u ah ood-wadaagnimada iyo heeryo dhigga, waxay muhimadda siisaa wada noolaashaha ka dhexeeya bulshada iyada oo tixgalin gaar ah siisa is-dhex-galka iyo isla-qabsiga ku dhisan tixgalinta iyo muunadda, waxay mar walba u taagan tahay sidii uu muwaadinkeedu ugu noolaan lahaa nolol sare.
Dawlad qarameed waxay xal u tahay maamul marooqsiga murankiisu uu taagan yahay, waxay xal u tahay xukunka xaniyo buuxsiga ah ee kiishadda ugu jira qofka, reerka, beesha, iyo xizbiga, maxaa yeelay Xizbigu marna wuu guulaysan marna wuu gauldarraysan, dawlad qarameedku waxay xal u tahay xeer jabinta iyo xilkasnima la’aanta aan loo aabo dayeyn, maxaa yeelay waxay ka hor tagaysaa in xukun dhigan la dhaafo dhaqan galintiisana way u taagantahay una heellan tahay.
Gunaanad:
waxaa hubaal ah in maamul diini ah oo laga dhiso Soomaaliya uusan xal u noqonayn si looga boxo dhibka, sababta way iska caddahay maxaa yeelay waxay astaan u tahay caburin iyo cadaadis, waxaa la wada xasuustaa in xilligii ay maxkamaduhu ay ka talinayeeen Muqdisha in dadka ay neefta ku qabteen:qaad lama cuni karo, sigaar lama cabi karo,garka lama xiiri karo, indha shareer in la qato waaye, xigaabka isagu ka hadal maba lahan,ragga iyo dumarku waa inaysan gawaarida isla raacin IWM.
Aragtidaasi haddii ay sii socon lahayd oo fara galinta Itoobiya dhicin waxaa hubaal ah in al is jiiri lahaa, guud ahaan maamul diimeedyada adduunka ka jira waxay ka siman yihiin in wax walba ay reebban yihiin, taasna waxaa cadaadis uga imaanayaa dadka iyo shacabka, haddaba waxaan dhihi karnaa dawlad diimeed xal uma noqon karto xarig jiidka Soomaaliya ka jira, cilladdu waa Imisa koox diimeed ayaa maanta Soomaaliya ka jirta oo dhammaan wada sheeganayaa inay dariiqa saxda ah hayaan?, haddii dawlad diimeed la dhiso kooxdee manjahkeeda lagu dhaqayaa? Illeen waxaa jira:
Ahlusunna waljamaca,
Alasheekh,
Alshabaab,
Axmadiya,
Ictisaam,
Islaax,
Itixaad,
Rabiciya,
Qaadiriya,
Tabliiq,
Takfiir walhijra,
Saalixiya,
Samatariya,
Xizbul Islaan, IWM.
Dhammaan kooxo diimeedyadaas waxay ku wada doodayaan inay mid walbaa tahay tii xagga Alle ka timid ee saxda ahayd, inta ka soo hartayna ay yihiin Baadi aan xaqa waafaqsanayn, aragtidu waa sidaa balse miyaan la dhihi karin sheeko diimeedka qof walbaa gaarkiisa ha u ahaate aan qaran Soomaaliyeed dhisanno, taas waa midda ilaa hadda wax cod dheer ku dhaha la la’yahay sababta loo aamusan yahay ma garan!.
Wixii qaniinyo nagu soo dhacay miyaan la dareen sanayan xaggee wali loogu dhaggan yahay arintan, mise xanuunka ayaan dadku dareemin gaar ahaan marka uu diinta la falgalo illeen waxay leeyihiin waxaa laguu qorayaa ajir iyo dhibco badan!, dhibkii nasoo maray 20-kii sano ee burburku jiray waxaa ka badan afartii sano ee ay jireen dagaallo diimeedka iyo kooxaha ku warjeefka dadka magaca diinta, taas ayaa kuu muujin karta inaysan xal marnaba noqon karin illeen haddii xal ay noqonayso waxay ahady inay dhibka yarayso, balse wayba sii badisay oo sii lixaadisaday!
Ugu damabyn waxaan ku soo gaabinayaa meeris ku jiray maansada Daryeel oo qayb ka ah Silsiladda deelleeyada qarniga 21-naad, waxayna tiri:
Dawladdeeda diintee
Wadaadada ku daabani
Diirsooc ma daysee
Miyaan laga digtoonayn?!.
Dhammaad.
Feberaayo, 2010
Bashiir M. Xersi