DHALLINYARADA maxaa ka hor taagan NABADDA?!

DHALLINYARADA maxaa ka hor taagan NABADDA?!

 

Qormadan waxaan jeclaan lahaa inaan ku iftiimiyo arrrin aad u muhiim ah una baahan in si wacan wax looga qoro, lagana sameeyo Baaritaan iyo Diraasad, kaalinta ay leedahay ee ay la maqan tahay owgeed iyo meesha ay Bulshada uga jirto darteed, sidaba Cinwanka sare ku cad qormadeenna waxay ku qotantaa kuna taagan tahay labada garab ee kala ah:Dhalinyarada iyo Nabadda.

Dhalinyaradu waa laf dhabarta Bulshada, Dhalinyaradu waa Madaxdii Barri, Dhalinyradu waa Ragga Ummaddu ku tashanayso, erayadaas iyo kuwa la mid ah ayaan Had iyo Jeer, Habeen iyo Dharaar maqalnaa, erayadaas oo muujinaya ama ku tusaya ammaan xad dhaaf ah oo loo jeedinayo ama lagu maamuusayo Dhalinyarada, iyadoo dabcan looga jeedo guubaabo iyo kicin lagu tusayo Dhalinyarada xilka sugayo iyo kaalinta looga fadhiyo, loona baahan yahay inay ka soo dhalaalaan una gutaan sida ugu habboon.

Oraah Cilmiyeed la xiriirta cilmiga Bulshada ayaa waxay leedahay:” Haddaad Rabto Inaad Ogaato ama Qiyaasto Hor-U-Mar Bulsho, Eeg ama Qiimee Dhalinyaradeeda “, Oraahdaan waxaa ka baran karnaa inuu ku xiran yahay Hor-U-Marka Bulshada Dhalinyarada, maxaa yeelay Bulshada waxay ku HorMartaa  Cuquusha soo koraysa iyo Da;yarta Bulshadaas, sababtoo ah maskaxda Odayaasha iyo Dadka waaweyn way duqoobaysa weyna gaboobaysaa, taasna waxaa ka dhalanaya inay gabi ahaanba istaagto waxtar Caqliyeedka Dadka waaweyn ee soo hagi jiray Bulshada waqtiyaddii hore, waxaana loo baahanaa markaas inay talada u wareegto lana wareegaan Dhalinayarada iyo jiilka cusub ee Bulshada.

Haddana aan di ugu laabanno Cinwaanka maqaalka aanna bal sheegno wax yaabaha la is dhihi karo waxay Dhalnyarada ka hortaagan yihiinNabadda; waxaannna u kala qaadaynna sidaan hoos ku qoran:

1- Jahliga:- Jahligu waa qodob culus oo sabab u ah inay Dhalinyaradu ka weecato Tubta tuusan, Hillinka Hagaagsan ee taga Nabadda, Jahligu waa caqabadda ugu adag ee hortaagan Nabadda, maxaaa yeelay markii horaba Shacabka soomaaliyeed waxaa ku yaraa inta wax baratay oo aad u hoosaysay marka la garab dhigo inta an wax baran ee wali Jahliga u qabiran, taas oo sii laba laabantay ama sii korortay 16-kii sano ee Burburka, Colaadaha, Dagaaladda, qaxa, iyo Barakacca, Jahligu wuxuu masuul ka yahay is mari waaga ka taagan khilaafyada daba dheeraaday iyo tanaasul la’aanta ka jirta gayiga Soomaaliyeed, isku soo dooboo Jahligu waa darbiga ka hortaagan Dhalinyarada si ay u gartaan dhibka ay leedahayNabad la’antu, haddaba waa in lagu dadaalaa Aqoonta, Waxbarahsada, iyo La Dagaalanka Jahliga iyo tirtiridd Aqoon la’aanta, markaas ayaan arki karnaa Dhalinyaro u gayfan una taagan Nabadda.

2- Qabiilka:- qabiil waa eray Carbeed laga yaabeese inaysan dad badan sidaa u ogayn, waxaanna u dhigma ama ku macno ah erago: Tol, waxayna dad badan isku dayaan inay kala saaraan Qabiil iyo Qabyaalad, iyagoo sawir fiican u samaynaya Qabiilka, halka ay muuinayaan xumaanta Qabyaaladda, balse aniga xagayga way ka simman yihiin oo waxay ii yihiin: Dameer iyo Labadiisa Dhagood, Far iyo Faraatigeed, Ul iyo Diirkeed, iyo Qoray iyo Qiiciis, marka sidaa darteed waxaan adeegsan doonaa eraga Qabiil, maxaa yeelay Qabyaaladdu Qabiil la’aan ma dhallan karto, si kale haddaan u dhigno Qabiil la arkaa Qabyaalad la helaa!.

Haddaba qabiilku wuxuu lug ku leeyahay caqabadaha ka hortaagan Dhalinyarada Nabadda, maxaa yeelay Dhalinyarada hubaysan ee saaran tiknikada iyo gawaarida gaashaaman dhammaan waxay u adeegayaan kuna shaqaysanaya Qabiilka ay ku Abtirsadaan, Qabiilku wuxuu huwan yahay ama baalka ku wataa Qabyaalad oo ah in qofka lagu riixo Hayb iyo Iisir, taas oo ka fog dhaqaka suuban iyo Ilbaxnimada, waxaana ayaan darro ah inay guud ahaan Soomaalidu gaar ahaan Dhaliyaradu wali garan la’ yihiin wax yeelada  Qabiilka iyo xumaantiisa, waxaa ka sii xun inay Dhalinyaradii qurbaha u soo hayaantay aysan wali ka waantoobin hirgalinta Qabiilka kana xoroobin ku dhaqanka Qabiilka, haddaba si ay Dhalinyaradu ugu heelanaadaan Nabadda waa inay iska tuuraan Qabiilka iskana xooraan .

3- Oday Colaad:- magacaan ah Oday Colaad waa magac aan anigu u baxshay kuna tilmaamay Ragga loo yaqaan Nabaddoonada iyo Oday Dhaqameedyada, waxa igu keenay inaan Oday Colaad u bixiyo ayaa waxay tahay inaan wali arkin Dab ay damsheen, Colaad ay joojiyeen, iyo Dagaal ay hakiyeen, sidaa darteed ma mudna in lagu magacaabo Nabaddoonno iyo Oday Dhaqameedyo, maxaa yeelay ma ka soo dhalaalin kaalintii looga baahnaa iyo wixii looga fadhiyey toona, taa badalkeed Oday Colaad wuxuu u taagan yahay kuna howlan yahay hurinta Colaadaha, Dagaalada, iyo Qulqulotooyinka, isagoo soo abaabula iskuna soo dubba rida dagaalka lagu qaadayo Reer iyo Beel hebel, soona diyaarsha saanadda iyo agabka ku baxaya colkaa uu ku wajahay Beel iska Nabdoo oo iska deggan, sidoo kale wuxuu soo diyaarshaa qalabkii lagu dagaalami lahaa iyo wixii aan dagaal looga maarmin.

Oday Colaad sidii aan horey u soo sheegnay wuxuu u xil saaran yahay abuurka Shaqaaqooyinka, soo noolaynta Khiliifyadii hore, hurinta Colaadaha, iyo dhiiragalinta, xoojinta, taageeridda, hagar la’aantaa uu u fidiyo lana garab taagan yahay Wiilasha wax ma garadka ah ee sidii xaabadii uu Dabka ugu shido, iyo dhalinyrada uu ku barbaariyo Qabiilka iyo Beelaysiga, haddaba waxaa lagama maarmaan ah in la hakiyo oo la joojiyo kaalinta Oday Colaad ku dhex leeyahay Bulshada, lana dhimo awooddiisa ku sii fidaysa shacabka dhexdiisa, lagana wacyi galiyo Dhalinyarada hagar daamadaamooyinkooda iyo dhibkooda, markaas ayey Dhalinyardu ogaanayaan Nabadda iyo xilka ka saaran.

4- Siyaasiyiin Beeleedyada:- markaan ka soo hadalnay kaalinta Jahliga Qabiilka, iyo Oday Colaad waxaan ku xijinaynaa qodobkan ah: Siyaasiyiin Beeleedyada, oo ah Dagaal oogayaal, Qabqablayaal, iyo Hoggaaniye xookeedyo, Siyaasiyiin Beeleedyadu waxay Dhalinyarada ka dhigtaan gaadiid ay ku gaaraan dantooda iyo ujeedkooda gurracan, Siyaasiyiin Beeleedyadu waxay garab ka helaan iyo taageero Oday Colaadyada.

Siyaasiyiin Beeleedyadu waxay isku darsadeen laba tilmaam oo aad u xn oo kala ah: Aqoon la’aan iyo Naxaariir darro, waxayna Dhalinyarada u adeegsadaan inay ku gaaraan danahooda gaarka ah ee aan faa’iidada ugu jirin Ummadda Soomaaliyeed, intaas waxaan ku soo gaabinaynnaa caqabadaha dhalinyarada ka hortaagan Nabadda, taas macnaheedu ma ahan inay ku kooban tahay oo ku egtahay qaybaha aan kor ku soo sheegnay oo kaliya, balse waxaa jiri kara qaybo kale oo lug ku leh caqabadahaas aananase halkan ku sheegin, marka waxaan rajaynayaa inay u noqoto qormadan bilow fiican iyo googol xaar cid kasta oo wax ka qori doonta mawduucaan.

Gnntii iyo gabagabadii marka la isku soo doobo wax yaabaha ka hortaagan caqabaddaana ku ah Dhalinyarada dhanka Nabadda waxaan dhihi karnaa Colaadaha ka aloosan gees-ka-gees Dalka oo dhan.

 

Oktoobar, 2007

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

 

Advertisements

5 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s