QABQABLE iyo WADAAD, QASWADAA ka daba maray!

Image

QABQABLE iyo WADAAD, QASWADAA ka daba maray!

 
Qaran jabkii dhacay ee qarrariyey qolafka Dawladdii Soomaaliyeed, qalalaasihii xigay iyo qaraxyadii dagaalladii sokeeye, ee qabiil qabiil loo diriray, wixii qasaaro NAF iyoNOOLba lahaa ee ka dhashay laguma cibra qaadan.
Soomaaliya burburkii Dawladda ka dib, belada ku habsatay heerar ayey soo kala martay, loollanka siyaasadduna laamo kala jaad ah ayuu yeeshay, hardanka loogu jiro Madaxtinimaduna waxay yeelatay midabyo caynba cayn ah, dagaalladuna waxay yeesheen magacyo kala duwan, ujeeddooyin kala jaad ah iyo aragtiyo kala fog.
Waxaa soo shaac baxay garabyo siyaasadeed oo qabyo ah kalana qoqoban, waxay u sii xuub siibteen QABQABLAYAAL iyo HOGAAMIYE-KOOXEEDYO (DAGAALE OOGEYAAL+GACMO KU DHIIGLAYAAL), midba afar sar [LUUQ/LAAMI] oo qabyo ah wuxuu ku amar ku taaglayo, qabqab dhaafkii dhacay qir iyo qirtii la kala istaagay, tanaasul la’aan iyo inaan la kala roonaan waxay na dhaxalsiidayDHAGAR-QABAYAAL iyo DHIIGYO CABYO aan dhimrin lahayn.
QABQABLAYAASHII dalka u diiday xasilloonida waxaa lagu eedayn jiray inay yihiin Iimaan laawayaal aan diin xaggeeda war u hayan, waxaa lagu eedayn jiray inay yihiinCALMAANI [marna ma aysan noqon!] garab maray xigmaddii Islaamka, xalkana ka raadshay meel uusan jirin, intaas waxaa u sii dheeraa inay ahaayeen kuwa colaadaha ku huriya magaca qabiilka, iyagoo u adeegsada danahooda gaarka ah, kuna Awr-kacsanaya maan-gaabyada uu madax maray qabiilku. Inay Xabashi u xeraysan jireen ha moogaan, oo hub iyo dhaqaalaba ka soo qaadan jireen. dhaliilahaas iyo kuwa kaloo badan ayaa lagu far fiiqi jiray laguna xantaa wali.
 
WADAADDO Qawlaysato ah
 
Qabqablayaashii qadkaa laga saaray, waxayna ku biireen sacabboolayda magaalada. Waxaa booskoodii buuxshay Wadaaddo waranlayaal ah [WADAADDADII WAALLIDA WADAY!], waxaa la sugayey inay dhaqammadii hore loo bartay aan la sii arki doonin, waxay ahayd in arxandarradii lagu sheegi jirayQABQABLAYAASHA ay badali doonto naxariista WADAADADU ay ka soo xigteen Diinta iyo Islaamka, waxay ahayd in qabiilka xad loo yeelo ama qaabkii loo adeegsan jiray wax laga badalo, balse maxaa is badalay oo dhacay?.
WADAADDADII isla markii ay la wareegeen hannaanka talada, waxay sameeyeen wax ka xun wixii ay samayn jireen QABQABLYAASHUama ay ka sarriigan jireen, waa midda horee waxay ka arxan darraadeen QABQALYAASHII, oo waxay isku dheeheen Diintii, Siyaasaddii iyo Qabiilkii, halka QABQABLAYAASHU mid qura ku qaraaban jireen.
Naxariistii laga sugaayey waxay noqotay:GACMA LA GURO! XIBNO LA JARO! ILKA LA SIIBO! CARRAB LA JARO! LUG IYO GACAN IS DHAAF LOO JARO! DIL! DHAGAX KU DILID! JEEDLID! XIBNO LA GOOYEY OO BAALLOOYINKA LAGU XARFIYO,TOOGASHO BAREER AH, CABURIN! LEEJO (SAKO) KA QAADID  ay sii wehliso dagaalka joogtada ah iyo madfaca aan xuduudka lahayn ee habeen iyo maalin lagu ridayo maatida.QABQABLAYAASHII waxaa lagu dhaleecayn jiray inay kala qayb sanaayeen oo aysan oggalayn inay wax wada qayb sadaan, wixii la soo dhoodhoobana ay kala qoqobi jireen, iyagoo ku andacoonayana: “LOOMA DHAMMA IYO WAA QABYO!” muddac iyo xujana ay ka dhigan jireen, waxaase isla hilinkii marayWADAADADII, wuxuuna qaalmo-rogodku la gaaray inay sidii Tusbax furtay kala faniinaan, waliba ay uga sii xariif sanadaan ama uga fara dhuudhuubnaadaaan QABQABLAYAASHIIdagaalaynta iyo colaadaynta. Is-rogroggiiWADAADADA wuxuu isu dhaafay bidix iyo midig, waxay kala fariisten Aqalka madaxtooyada iyo safka hore ee Mucaaradka hubaysan, ugu dambaynna, isqaarijin ayey ku soo dhammaatay, Xasan Daahir oo baxsad ah, waata uu Ximan iyo Xeeb iska dhiibay! Xasuuso khilaafkii Ahlusunna ee ay Xabashidu gogosha wada hadalka ugu fidisay Addis Ababa, awalba iyagaa samaystee maxaaba lagula yaabaa? [DHAL AMXAARO].
Intaa waxay ahayd lagama maarmaan inaan duljoogsado, si inta hilmaamsan aan u xusuusiyo, inta xusuusanna aan u xigto si aysan xogto marna u xabaalmin. Maxaa yeelay dadkeenna waxaa ku badan illowshaha, kuna yar yahay xisaabtanka iyo isweydiintu.
Waxaa jirta oraah dumarka loo adeegsado, oo la xiriirta UURKA iyo DHALMADA oo labaduba xanuun badan leh, waxayna tahay “illowsho dhawaa ma dumaraa?” asii anigu aan leeyahay waa NIMAYN “MACHISMO” aan geed loogu soo gabban, maxaa yeelay haddaan dumarku xanuunkaa u adkaysan, maya, aysanba illoobin ama is illowsiin, sidee ku suuragalaysaa in lagu badiyo taranka bulshada? Kaba muhimsane, haddaan dumarku illoobi lahayn xanuunkaa, miyaa ragga hawraarta marshay dhalan lahaayeen? Waa maya jawaabtu. Marka waxaan ku talin lahaa, inta dumarka laga xaalsiiyo oraahdaa, ha lagu badalo “illowsho dhawaa ma Soomaaliyaa?” maxaa yeelay wixii tagay, waxa taagan iyo timaaddada midna uma tusmaysna ma u tirsana una xisaabsana.
 
QASWADE
 
Xusuusintaa, xigashadaa iyo xaalsiintaa ka dib, aan u gudagalo ujeedka, dulucda iyo nuxurka qormada. Waxaa dhawaan laba kulan oo is xigay ka kala dheceen magaalooyinka Kampala iyo Nairobi laba xarun oo faylalka Soomaaliya sanadihii u dambeeyey si mug leh ay uga furnaayeen, siyaasad, dhaqaale, maamul, madax iyo hoggaaminba. Xasuuso Shirkii 2004 ee Nairobi, afduubkii Kampala ee 2011. Dabcan ciidanka ka jooga labada dalba gudaha Waddanka ha moogaan.
Shirka hore wuxuu ka dhacay Kampala, waxaana goobjoog ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Cali Maxamed Geeddi, C/wahaab Ugaas Khaliif, Dr.C/Raxmaan Baadiyow Shariif Xasan Sheekh Aadan “Sakiin” Prof. Gaandi,Xuseen Caydiid, Xildhibaanno hore iyo kuwa hadda ku jira Baarlamaanka, ayna wehliyeen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Kenya.
Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa qadka Teleefoonka uga qeybqaatay 
Cabdi Wali (Gaas) Nuur-Cade iyo xubno kale. Shirka marka xamxam iyo xan laga reebo wax weyn oo la tixraaco lagama ogaan, aan ka ahayn inuu dadka dareen iyo dhiillo galiyey.
Kii xigay wuxuu ka dhacay magaalada Nairobi, waxaa isugu yimid raggii hore iyo ka sii badan, markan waxaa ku soo darsoomayYuusuf Garaad, Axmed Madoobe oo hore uga tirsanaa Maxkamadihii iyo Xisbul Islaan, [ARGAGIXISADII BURBURTAY] haddana ah horjoogaha Kooxda Raaskambooni ee Keenyaanku ku hayaan Magaalada Kismaayo,Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo lagu xasuusto heshiiskii eexda ahaa, ee uu beeshiisa kula galay shirkii Gaalkacyo iyo iibintii Badda, Cali Khaliif Galayr iyo rag kale.
Ujeedka shirka loo qabtay iyo waxa laga damacsanaa ma cadda, in kasta oo Yuusuf Garaad (WARRAMAA aa WAR isu hayn) wiilka qalinka qallalan ee maalmahan markuu hadal uu sheego waayey qoraal qaaran iyo qormo qabyo ah dadkii ku harqiyey uu yiri “meesha waa lagu DUCAYSANAYEY!” weydiinta baa ah, yaa DUCAYSANAYEY?YAASE LOO DUCUNAYEY? MAXAA LAGU DUCAYSANAYEY? MAXAA SE LAGA DUCAYSANAYEY? Aqbal iyo la’aanba marka xeerka diinta loo fiirsho ka sokow, inta shirka isugu tagtay marka la fiirsho waxaa iska cad inaan wanaag iyo samo Soomaali loo qaban.
Ogoow inta meesha isugu tagtay laba salaan iska qaaddaa kuma jiraan mid Gaalo iyo mid Muslinba. Badankood midba midka kale ayuu Kursiga uga riixday hab beeleed iyo heeryada gunnimada mid ay tahayba, u fiirso Geeddi waxaa badalay Nuurcadde, Nuurcadde iyo Shariif waa tartameen, Ina Sharmarke waxaa ka dambeeyey Gaas, Farmaajaba ha u dhexeeyee, Gaandi wuxuu loollan kula jiraa Axmed Madoobe, Baadiyow iyo Yuusuf Garaad waxay soo waayeen kursiga Xalane ee Amisom, ee uu hadda ku fadhiyo Xasan Sheekh.
Intaa kaliya ma ahan, ee waxaa sii dheer, raggu rag sumcad iyo magac ku leh Soomaali iyo dunidaba ma ahan, waxayna u kala baxaan afar qaybood:
1-    Gacan ku dhiigayaal dagaal oogayaal ah, sidaGeeddi, Axmed madoobe, Sheekh Shariif, Gaandi  iyo Xuseen Caydiid.
2-    Madaxda Musuqmaasuqa Soomaaliya, sida:Laba Shariif, Galayr, Gaas, Sharmarke IWM.
3-    Kuwo urur diimeed ku daaban, sidaBaadiyow, asii qof walbaa iska ilaalinayo, si uusan ugu noqon sida Morsiga Masar oo kale.
4-    In aan meelna haysan ama hiyi raac, oo hadba meesha ay mukul, muuq ama hummaag ka arkaan iska aada sida Yuusuf Garaad oo kale, sidan waxan u leeyahay, maalintii shirka xigtay isagaa been qalinkiisa ku xarriiqay, maalintii ka labaad dadkii wuxuu ku afjigay “iga aamusa aniga ima dhaliili kartaan, qof walba wuxuu aaminsan yahay ha haysto” maalintii ka saddax ahaydna sida loo dhigay hadalka waa ka toobad keenay wixii uu sameeyey, isagoo yiri: “waxaan idiin ballan qaadayaa in aanan ka qayb gali doonin fadhi umadda Soomaaliyeed lagu waxyeelayo!” weydiinta baa ah: ninka damac baa dabada ka riixayee, yaa damaanad qaadaya inuusan dib ugu laabanayn? Midda kale, markuu beenta isla kala jiidayey, ee dadka ku afduubayey “waxaaga ha igu qasbin” muxuu qarinayey? Inta uusanse ballanta noo qaadin waa inuu soo bandhigaa wax beentiisii hore burinaya, haddii kale cid aaminee ma jirto. Kaba muhimsane, waa inuu sheegaa waxa ku kallifay inuu been intaa la eg sheego, iskuna dayo inuu qariyo wax aan qarsoomayn.
 
MOORYAANTA CASRIGA
 
Haddaad MOORYAAN u taqaan wiilasha yaryar ee ISBAARADA dhigta, waa qaldan tahay, Haddaad MOORYAAN u taqaan wiilasha yaryar ee Leejada qaada waa qaldan tahay, maxaa yeelay wiilashaa yaryar shaqo ama waxbarasho ku mashquuli ee car mar dambeISBAARO ku arag! Kuwanse mashquul aanISBAARO Qaranka Soomaaliyeed ahayn ma hayaan, maxaa yeelay aqoontii ay barteen wax uma tarin, iimaankoodii wax uma qaban, aragtidoodii wax uma kordhin, aqooshoodii laguma aflixin, iin iyo eed ma ahane waligood abaal iyo bullaal khayr, oo wanaag laga dhaxlo sooma siyaadin!
Nimanka sidaa kala ah ma kula tahay inay rabitaankooda isugu yimaadeen? Intii ay qarin lahaayeen midbaaba bannaanka isa soo dhigay leh shirka anaa maalgalshay, sidaana beentoodii looga daba tagay, kaba dhaw Saxaro Bisadi duugtay. Malaha ujeedka ayaa ahaa, yaan shakigu nagu badane aan bannaanka is keenno? Ama amarkaa ayaa la siiyey ah si aysan qolol mugdi ah ugu shirin oo lagu yiri sawirro iska soo qaada.
Aqriste, sida aan Gogol xaarka ku sheegay, waxaa soo xirmay xilligii qabqalaha, kiiWadaaddada, maantana waxaa billowday waqtigii QASWADEYAASHA [MOORYAANTA CASRIGA], kaaga darane, kuwa maanta qaska wada waxaa ku jira qaar ku Wardin jiray markii ay xilka hayeen, iyadoo waliba laga gar leeyahay, bal xasuuso Gaas, oo markii Dastuurkii la duray intii diidmo ka muujisay ku tilmaamay dad aan waxba aqoon oo qas uun u taagan, maantana isagaa laaqidda wada.
Taa waa inay na bartaa in nimanka caynka ah, aan marna war laga hoos qaadin, maxaa yeelay ma mudna mana u qalmaan in war laga koobsho, waa maroo waa wada dambiileyaal, oo ma jiro mid aan Soomaali eed ka galin haba yaraatee, waa marka labaade, waxa ay u samaynayaan ma aha dan Soomaali iyo raadin darajo shacab, ee waa mid loo  meershay ayna ka dhex arkeen inay ugu yaraan mar kale ka muuqan karaan shaashadaha TV-yada, illeen waxay waayeen wariye soo waraystee.
Dhibka jira ayaa ah, qaarkood waaba arday ee may iska sii wataan waxbarashadooda, midda kale, saw ma oga in uu la mid yahay Arday wax ka barta Jamacadda Muqdisho, oo uusan waxba dheerayn, illeen ardagaa ayaaba ka fiican, oo aan ummad ku soo halaagin jahli iyo aqoon la’aane.
Mid waa biya kama dhibcaan in dhaliil aan yarayni ay jirto, oo la xariirta qaabka dawladdu u maaraynayso dalka, balse, yaa mudan inuu dhaliishaa jeedsho? Ma nin awalba Ul Booc ah ku kutubayey oo Gambar gaaban dawladda ugu fadhiyey mise qof kale? Midda kale, horta aadba dhaliil tabiside, yaad tahay? Waxaan uga jeedaa XAARAAN CUN iyoXINJIR DAADSHE dhaliisha uu tabinaa maxay tahay aan tiisa ka ahayn? La yiri: “Maroodigu Takarta isaga saaran ma arkee, midda kan kale saaran ayuu arkaa!”.
Ugu dambayn, dalkan iyo dadkani iyagaa qalqal dhan walba ah ku jiree, yaan jiho kale oo cusub laga furin, maxaa yeelay kulammada caynkan oo kale ah, waxay suuqa galinaysaa in loo arko inay yihiin ragga wax xukumaa niman wax dhaqaajin waayey, ama waxaaba laga dhigaa niman aan diyaar u ahayn inay hore u socdaan.
Mid baanse jeclaan lahaa inaan halkan ku qeexo, oo sadarradan sare dawo u ah, ayna muhim tahay in dadku ogaadaan. Dunida midbaa ka go’an ah; INAAN MAANTA MEESHA LA JOOGO DIB LOOGA LAABAN IN HORE LOO SOCDO MA AHANE! Soomaali u danee oo dayaca ka saara kama ahan, ee dantooda ayaa noqotay inaysan Soomaali sii ahaan dal fawdo ah, haddii kale ARGAGIXISADA (ALSHABAAB + BURCAD BADEED) ayaa qatargalinaya danaha ay Gobolka Geeska Afrika ku leeyihiin. 
 
Bashiir M. Xersi
Advertisements

10 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s