Gabannada Gobolka GALGUDUUD oo u guntaday geddey GUURTIDU ka gaabsheen!

Gabannada Gobolka GALGUDUUD oo u guntaday geddey GUURTIDU ka gaabsheen!

Image

Gabannada Gobolka GALGUDUUD oo u guntaday geddey GUURTIDU ka gaabsheen!

 
 
Gaban, Dhallinyaro iyo Da’yar haddaad tahay, waxaad ku xukuman tahay gu’yaalka aad jirto aadna DAMBIILE ku tahay, eed iyo tuhun kale ma lihid aan ka ahayn in sanadkaagu intaa yahay. Hubaal in murti ahayd: “Labaatan jir intuu GEED ka boodo ayuu TALO ka boodaa!” mid kalana waxay tiraa: “Labaatan jir GAWSKIISA ayuu ku GARAAD yahay” ama “Labaatan jir waa LAYLI, Laynina biyo kashiisha ku jiruu ka didaa!”.
Dhanka kale, haddii murtidii sidaa uga hadashay Dhallintii, ma kula tahay inay wax u hambaysay Odayaashii? Waa maya, oo waxay tiraa: “Labaatan jir haddaad ka XARRAGO weyso ka quuso, Lixdan jirna haddaad GEEDKA ka wayso ka quuso!
Inaan Lixdan jirku u wada sinnayn TALO GEEDiyo GORFAYN XAAJO waxaa tusaale nooga filan, wiilkii yaraa, ee Odayaasha shirsan ku yiri: “ha loo Odoyaal badsho ha dhihinninee, ha loo waxgarad badhso dhaha!” ka dibkii markii xaajo ay galeen ku guulaysan waayeen inay gun iyo go’aan ka gaaraan. Sidoo kale waa tuu Abwaankii gabyey lahaa:
 
Garka lagama eego iyo CIRRADA guudka kaga taale
Nin hadduu GABBAAN hadal ka yahay, wuu GAGABIYAAYE.
 
Saa oy tahay kale, haddana, gu’yaasha Aadanuhu nool yahay waxaa loo kala qaadaa saddax labaatanaad. Labaaatanka hore (0-20)jirka, oogada, muuqaalka iyo lafta ayuu ka koraa. Waa halkay maahmaahdu ka tiraa: “Labaaran jir lalama lagadamo!
Labaatanna dhexe (20-40) Garaadka iyo Maskaxda ayuu u kobacda.
Labaatanka dambe (40-60) waxaa is dhima awooddiisa maskax iyo muruq. Haddaba, weydiinta yaa ah, qofku intuu dhallinyaro ahaan karaa? Sidoo kale, goorma ayaa Odayaasha lagu tirin karaa?.
Bal silsilad da’eedkan sare iyo kan hoose jawaabta ku eege, meel ku aaddi? Cunug, barbaar, kuray, gaban, gaashaanqaad, Dhallinyaro, gar madoobe, geed fadhi, daan ku cirroole ilaa uu Waayeel ka noqdo.
Meeqaad aragtay dhallinyaro lagu haaraamayo inay yihiin xaabada lagu shido dabka dagaalka sokeeye? Imisaad maqashay da’yar loogu diganayo inay yihiin Malleeshiyo lagu adeegta? Haddana, kuwa aragtidaa soo gudbinaya ma caddaalad samayn. Maxaa yeelay, haddii murtidu sidaan soo sheegay leedahay, asee ay ciladu ku daaban tahay caqli aan buuxsamin awgeed, aayaan si mug leh loo abbaarincidda, qolada, kooxda iyo tolka dabada ka riixaya dhallinyarada.
Sax, balse, waa biya kama dhibcaan in wiil labatan jir ah, oo aan waligiis maamul, maarayn iyo kala dambayn midna arag, inaan sidaa loogu baxsan, loogu baacsan looguna xagxagan wax uusan aqoon, arag aanna la barin! Sababtu waa sahlan tahay, waa inaan waligiis ishuusu qaban wax qadlan ma ahane wa kale, haddaa, ma waxaad leedihin adna wax ha qaldin? Mise isaga ayaa dhaliishu qabataa? Malaha waa meeshii laga yiri: “Ilko meesha u jilicsan ayey goostaan”.
Maxaa yeelay, dhallinyaradu meel talo lagu gooyo ma joogaan, goob go’aan lagu gaarana ma joogaan, sidaa oy tahay canaantu iyagay ku dhecee, illeen maqaawiirta iyo quwaaxda ku shaqaysata looma jeede, ee leh, Odayo, Siyaasiyihiin, Wadaaddo, Ganacsato iyo kuwa walba oo u gayfsan inaan geyigaan xasilooni ka dhalan, dantiisa iyo dan kale oo uu ilaalinayo mid ay tahayba.
Haddana, iyaga [DHALLINYARO] laba garaye, oo waaba labaatan jir iyo laalaabkiis, bal wax dhaama soo hela, oo Maahmaahda sare ugu garsoora.
Sida la isaga indha saabay in kuwa xumaanta maleega, ee ilmaha iyo kurayada ku Awr kacsada aan loo farfiiqin, ayaan sidoo kale marka ay dhallintu wax wanaagsan qabtaan ama ku dhaqaaqaan talo wax ku ool ah, iska daa in la dhiirragaliyee aysan u helin sheegsheegidda sida marka ay xumaan aysan masuul ka ahayn sameeyaan loo sheegsheego, saw labada marba ma ahan caddaalad darro? Markaad mudnayd in lagu difaaco [XEERNA KUU OGGOL YAHAY] oo eedda lagaa leexsho in lagugu soo leexsho iyo markaad mudnayd in laguu garto, qiro, laguguna ammaano wixii aad soo kordhisay in lagaa aamuso, waa laba aan is qaban, asee dhallinta wax loogu miisaamo.
Horay ayaan uga qoray qormo la yiraa: “DHALLINYARADA maxaa ka hor taagan NABADDA?!?” haddi cinwaankaba dhuuxe, iyaga ma ahan caqabadda nabadda hortaagan, ee waxbaa nabadda ka hortaagan, oo haddii aysan waxaasi jiri lahayn ay noqon lahaayeenNABADDOONNO u wada heellan NABADDA iyoXASILLOONIDA, balse, ayaandarro ma dhicin, illeen qodobbada aan ku xusay qormada ayaa u diiday taase, liilkan hoose ka muuqso.
Mar kale ayaan ku laabtay isla mawduuca, oo aan qodobbadii ku soo koobay labada ugu dhibka iyo saamaynta badan oo ilaa haddadana wali ah caqabado jira, waxaanna iri: “Da’yartooy Digniin: Dirirta Qabyaaladda iyo Dagaal Diimeedka!” maxaa yeelay labadaa ayaa gun ah dab ku holcinta da’yarta, waa maroo waa Oday reeraha NABADDOON ugu magacaaban, aniguse aan u aqaan uga baxshayODAY COLAAD, maxaa yeelay, waligiis dab uu hursho ma ahane dab uu danshay lama sheegin, waligiis colaad uu kiciyo ma ahane, colaad uu dejiyey [QABOOJIYEY] lama sheegin. Dhanka kale, waa WADAAD ay ahayd inuu AAYAD sheegidda iyo XADIIS warinta ku ekaado, illeen NASIIXO intaa ka baxsan waaDIRIRE, maadaama DIINTUNA NASIIXO tahay, waana dabinka ay ku dheceen, illeen Aadane madax jacayl iyo mansab raadin looga maaro waaye. Qormada liilkan hoose ayey ku lifaaqan tahay.
Intaa ka dib, anoo nasiino isagaa jira, oo markaa casheeyey, ayaa nin saaxiibkay ah ii soo diray qoraal iyo sawirro isku lifaaqan, mise cinwaanku waaba: “Dhallinyarada Galguud oo kulantay” haddaan  sii eegay qoraalku aad ayuu u kooban yahay, balse, waxaa aniga si gaar ahaaneed ii deeqday farriinta uu xambaarsan yahay, oo ah mid aan in muddo ah dhawrayey una hanqal taagay, maadaama ay jireen ifafaale taa ii muujinayey.
Dhanka kale, waxaan fiirshay oo isha la sii raacay sawirrada laga soo qaaday dhallinyarada kulantay, mise waa dhallinyaro quruxda ka muuqata iyo baraaraha ka sokow, faraxadda wajiyadooda saaran aan la soo koobi Karin, iina ahayd arag aan ku farxay lana kala badbatay, waa maroo ay hawl qarannimo ku jireen, marka xiga da’ iyo gu’ ahaan ay yihiin kuwa aan laga filayn iyo marka u dambaysa inaan wajiyadooda ka aqristay inay ahaayeen rag xil gutay, ee ka soo dhalaalay waajibkii saarnaa.
Intaa markaan is tusay, ee aan qoraalkii iyo sawirkiiba dhan iska dhigay, ayaa waxaa durbadiiba igu soo dhacay Gobolka Galguduud iyo guud ahaan GOBOLLADA DHEXE kala daadsanaanta ka jirta marka dhan walba laga eego, marka laga eego: Maamulka, Ammaanka, Waxbarashada, Caafimaadka, Dhaqaalaha, Shaqada, Adeegga Bulshada iyo dhammaan xaabayaasha nolosha gaar ahaan kuwooda casriga ah.
Taa ka sokow deegaannada qaar waliSHARWADAYAASHII ayaa maamula, dhaqdhaaq ku aaddanna iima muuqdo sidii looga dulqaadi lahaa dadka deeganka ee ay dullaysteen.  Kuwa kale, waa BAR FURAN iyoBAYD aan BAAB lahayn, maamullo jilacsan oo aan ku qotomin DOORASHO, RABITAAN dad iyo YAA MUDAN ayaa ku magacaaban ama loo magacaabay! Maxaa xiga oo dhaafsiisan magacoow? Bal adba.
Kulankan Gabannada Gobolka Galguduudwuxuu dabada ku hayey qorshe ISDHEXGALoo in mudda ah laga waday Gobolka, ayna horkacayaan isla Dhallinta Gobolka, ee ka soo kala jeeda deegaanka Gobolka oo dhan, asii arkay baahida loo qabo inaan la sugin SIYAASI MAGAC XUN iyo ODAYAAL MAQANE JOOGE AH, maxaa yeelay deegaanka labadaa ayaa la hartay, oo ka gaabshay waajibkii laga sugayey, ee ay hayd in dhallinta ku aruuriyaan hilin ka duwan kii sanadihii la dhaafay looga dhigay sidii TUSBAX go’ay oo kale, una diyaariyaan sidii ay u lahaayeen horseedkaNABADDDA, una hanan lahaayeenHOGGAANKA DEEGAANKA, maadaama ay yihiin iyo UBAXA MAANTA iyo MADAXDII BERRI.
Run ahaantii anigu aad iyo aad ayaan u soo dhawaynayaa tallaabada caynkan oo kale ah, waxaanna u arkaa Taako loo qaaday dhankaOODWADAAGNIMADA ee uu waligiiba deegaankaa caan ku ahaa, marka loo fiirsho Gobollada dalka. Taa sokow, waxaan doonayaa inaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga diro dhallinta soo qabanqaabisay, isku soo dubba ridday iyo intii ka soo qaybgashay oo dhan, una sheego inay taariikhdu xusi doonto.
Dhanka kale, waxaan dhihi lahaa ha la sii xoojiyo tallaabooyinka caynkan oo kale ah, si loo helo dhallinyaro ka caafimaad qabtada cudurrada dilootay Soomaalida, gaar ahaan kuwa lagu beeray dhallinta ee aysan iyagu hore u qabin, asii dhagta loogu shubay, iyana iska qaateen, illeen xilli ay iska caabbiyaan fekradaha qaar kuma jiraane caqli iyo cilimada siyaasadeed ee Waddanka ka jirta awgeed.
haddi talo aan digniin iyo iska jir wadan talo ma ehee, waxaan idin dhihi lahaa dhallinyarooy iska jira kuwa marka ay maqlaan guul la gaaray gidaarrada faan iyo tookh la fariisan doono ama TV-yada iyo Idaacadaha ka daldalmi doona, [GUULEEY AABBA BADAN!] illeen kuwaa sabankaan waa badan yihiine, teeda kale, TV-yadu waa ma iibsan kartaa Barnaamijka? Micnaha “FADLAN LACAG KU SHUBO!
Tan kale, waxaa idin ku soo badan doona, kuwa idin ku soo gali doono magacyo dhawr ah, ee leh:
-Anigu wali dhallinyaro ayaan ahay. Haddi Awoogeey ayuu ku fac yehee iska ilaali.
-Ani aqoon yahan ayaan ahay, khibrad badanna leh, dal iyo dibad ka soo shaqeeyey.Haddi haan gorofana laguma hallayn karee iska ilaali.
-Ani waaya arag ayan ahay iyo dalmar dalal badan booqday, intaan u soo joogay idinku uma aadnaan soo joogin. Haddi waa barti yaqaan aan bayd kororsan, oo dalalkaa waa iska dhex joogay ma ahane, dan iyo duunyanamidna uma joogin, ee  iska ilaali.
-Ani shabaab [DHALLINYARO] Muxaddis ah ayaan ahay, oo SAXIIXAYNKA iyo SUNANKAwaxaan ka soo marsaday MAKA iyo MADIINA.Haddi waa maangaab muran u taagane iska ilaali.
 
Wadaad diin aqrinaaye
Misna aan aqbalaynin
Aayadduu marinaayo
Axaadiisna yaqaanna
Misna aan asmacaynin
Arrinkiisu ahaa
 
Intaa iyo intoo kale oo ah “lugta iigu dar!” ayaa idin ku soo fool leh, ee horta ha is dhigannina, qof walba oo idiin yimaadana inta aad astaan weydiin weyn dul dhigtaan shaqadiina wata, oo yaan marna dalool la idin ka soo galo la idinka ka helin.
Hadday intaa dhallintii qabteen Maamullada is magacaabay iyo kuwa la magacaabay ee deegaanka ka dhisan ama kuwa Maamul Goboleed ahaan u dhisan, saw ma ahan inay dhallintaa ku daydaan, oo ay intay sameeyeen oo kale ama ka badan la yimaadaan? Maadaama ay ka imkaaniyaad iyo agab badan yihiin.
Qof walba oo GARAAD leh tallaabada in la qaado ay tahay ma ahan wax kale, oo aan ka ahayn:
-DHISME GOLE GUURTI XEER BEEGTI DHAQAN AH.
-GOLAHAN OO NOQONAYA MID U GOGOLXAARA ISFAHANKA BULSHADA GOBALLADA DHEXE una sameya dhabbaha ugu dhaw, ee lagu gaari karo DHISME MAAMAUL loo DHAN yahay.
-DHISME GOLE DHEXE, oo u hawlgala dhisidda GUDDIYO FARSAMO ee leh AQOON YAHAANNO, CULUMO AWDIIN, GANACSATO IWM.
Dhawrkan qodob nimanka awoodi  waayey inay hirgaliyaan wax loo sugaa aniga iima muuqdaan. Hubaal inay ku leeyihiin ama lagu leeyahay intuba waaba jiraan, haddana, sida ay u jiraan cid u garanaysaa ma jirto, illeen wixii dhan SHEEKH HEBEL baa wada hayee, oo hadda adigu kaalaay SHEEKHYO kala garo, war dhibkan jira bal arka.
Aragtidayda ku aaddan iyo fekerka aan ka qobo maamul u samaynta Gobollada Dhexe, waxaad ka dheetaa qormada: “Gobollada Dhexe: maxaa Guddoon la’aan dhigay?!” oo ku lifaaqan liilkan hoose:
Qoraalka waxaan ku soo gaabinayaa, inaan maalin walba la taagnaan shir looga hadlayoGOBOLLADA DHEXE ayaa ka dhacay Muqdisho, horta kaalay miyaan magaalo kale, oo ku taal deegaanka dhexdiisa shirka lagu qaban karin, maxaa maalin walba loogu sii qulqulaa Muqdisho? Mise waaba meesha laga maleego munaafqadda lagu kala daadsho ama lagu kala dilo dadka wada deggan deegaankaa? Allaw aday ku leedahay.
Midda kale, aawaye Xildhibaannada metala deegaanka? Wali ma aragteen dhaqdhaqaaq siyaasadeed ee ay ka sameeyeen Gobolka? Marka laga reebo safar QARAABO salaan iyoQURBAAN doonasho ah, maxaa yeelay, qodobbo iyo qoraal maamul loogu samayn karo deegaannadaa kama arag, taa oo ka dhigan inay yihiin FAASHILIIN iyo FADHIID aanFANDHAAL XEERO ku XAGAN karin.
Ugu dambayn, Tan kale, waa in la helaa aragti ka duwan midda maanta lagu dhaqayo maamullada ka jira Gobolka, waa in la billaabaa siyaasad ka geddisan midda maanta lagu Googaalaysanayo, waa in la helaa qorshe ku qotomo sida loo hirgalin karo maamul loo dhan yahay, oo dadku ku midaysan yahay, haddii kale, xarigjiidku ma dhammanayo.
 
Bashiir M. Xersi
Advertisements

3 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s