Iidaha Umadda iyo Aafada Colaadaha!

 

Iidaha Umadda iyo Aafada Colaadaha!

 

Maalmuhu kala wanaagsan, dadkuna kala aayan wacan, shucuubtuna kala aayo hagaagsan. Adduunkuna waa mareeg maalmuhu ku dul meeraan. Maalmuhu waxay isugu jiraan: qaraar iyo macaan, xun iyo wanaagsan, madow iyo cad, murugo iyo farxad. Jaadadka maalmaha waxay ka dhashaan hadba sidey u soo maraan qofka, qoyska, bulshada, shucabka, umadda iyo qarankaba, tilmaanta ay qaadanayaan maalmuhu waxay kaga imanaysaa saamaynta iyo raadka ay ku yeelato nolosha dadka iyo natiijada ka dhalata. Sargoynta maalintu waa wixii dhaca oo dhacdooyina 24-ka saac ee ay ka kooban tahay iyo sida ay u hareeyaan Nolosha.

Soomaaliya waxay soo maartay maalmo kala duwan, maalin xun iyo maalin wanaagsan, haba u badnaadeen maalmaha xun, iyadoo waliba ay heerar kala lahayd marka lagu sameeyo isbarbardhig, maalmaha xun ee na soo maray, waxaa ugu sii xumaa burburkii dawladdii, 20-kii sano ee murrugmaarugta colaadaha iyo dagaallada sokeeye, dalkana ku baahday gees-ka-gees fawdada iyo jaantaa rogan, 20-kii sano ee tiiha lagu jiray iyo xarigjiidka aan dhammaadka lahayn, waxaa Soomaaliya soo maray maalmo kala sarreeya kuna duwan (soocan) xummaanta, maalinba waxay noo dhiibtay maalin kale.

Ujeedka qormadu ma ahan inay soo koobto iidaha, ama ka faallooto colaadaha, balse waxaan isku dayeynnaa inaan ku cabbirno dareenka iidaha iyo colaadda taagan, muwaadinka caadiga ah sida maankiisu yahay ama uu is oran lahaa, gaar ahaan carruurta, waayeelka, ardada shaqaalaha, hooyooyinka iyo guud ahaan dadweynaha, oo waa qolaba gaarkeed iyo markeedee, sidaa darteed, waxaan ka eegi doonnaa dhinacyo kala gaddisan, si aan u wada tilmaamno qaybaha aan soo xusnay iyo kuwa aannaan xusinba.

Waxaa nagu soo food leh iidda weyn ee Soonfur, haddana waxaa wali dalka ka jira dagaallo, kuwaa oo lagu tilmaami karo kuwii ugu qaraaraa ee dalka soo mara, madaama ay saameeyeen dhan walba oo nolasha ka mid ah, ayna ka dhalatay qaxii ugu ballaarnaa abid ee dalka ka dhaca, intaa kaliya ma ahane waxay sababeen dagaalladani qasaarihii naf iyo nool ugu badnaa ee dhaca, waxaa caado iska noqotay in IID walba lagu iido dagaal iyo dirir, ayna noqotay mid nolosha ku milantay. Iidaha Soomaalida waxaa ugu waaweyn labada iidood ee kala ah: Iidda Soonfur iyo Iidda Arafo, waxaa xiga dabbaaldegga madax bannaanida, iidda hooyada, ka dib waxaa imaanayaa iidaha kele sida: iidda ciidanka qaybiisa kala duwan, iidda shaqaalaha, iyo guud wixii xus maalimeed gaar ah leh, iidaha Soomaalida waxaa asal u ah Iidda DABSHIDKA BADGALKA iyo ISTUNKA, oo ka soo jeeda dhaqankii hore ee Soomaaliyeed, Iida diimeedka saamayntooda rumayneed ayey leeyihiin, balse, mar walba waxaa xoogga leh kuwa ka dhasha hiddaha iyo caadada Soomaalida, Iidahan waxay ka wada facweyn yihiin dhammaan Iidaha kale sida: Iidda Soonfur, Iidda Arafo, Maalinta madax bannaanida, IWM.

Labada Iidood ee midi maalamaha soo socda na soo haysa ay tahay, waxay yimaadaan marka uu dhammaado xildeemeed iyo gudashada tiir diimeed ka gadaal, kala ah Soonka oo ah afhaysi bil laga caagganaado cuntada biyaha iyo wax walba oo mara dhuunta ama jabinaya , kan kale, wuxu yimaado markuu idlaado gudashada Xajka kaasoo ah inaad tagto Makka, aadna fuliso wixii fal ah oo lagaaga baahan yahay, markaa ka dib ayaa la sameeyaa damaashayada Iidda, labadaasi waa kuwa la sameeyo xildiimeedka ka dib, kuna saabsan cibaado iyo camal Rabbi faray, inta kalase waxay ka dhasheen dhacdo maalmeed iyo orodka loogu jiro nolasha.

Waxaa ayaandarro ah in maalmaha Iidaha halka dagaalka laga joogin lahaa, amar lagu baxsho in la xiro goobaha cibaadada. Asal ahaan muwaadinku wuxuu xaq u leeyahay inuu helo afar goobood, oo noloshiisa inta badan ku xiran, waxayna kala yihiin:

– Goob Cibaado: Masjid, Kaniisad, Macbad IWM.

– Goob Caafimaad: Isbitaal, Bukaan socod eegto, Farmashi, IWM.

– Goob Camal: Warshad, Xafiis, Dukaan, IWM.

– Goob hoyasho: Guri, Aqal, Villa IWM.

Afartaa mid ka mid ah Aadanaha lagama mamnuuci karo, nimankaan wadaada sheeganaya ee haddana diidaya in lagu cibaadaysto goobaha cibaadada maxaa lagu tilmaami karaa? Waa maxay ujeedka loo reebay in la furo goobaha cibaada maalinta Iidda? Ma diin cusubbaa mise waa camal Shaydaan? Waxay noqotaba, run ahaantii waa mid aan farxadgalin doonin dad badan, oo isu diyaariyey inay maalintaa xusaan.

Marka laga soo tago cibaadada labadaa maalin, waxaa garab socda farxad ballaaran oo laga dareemayo dadka wajiyadooda, waxay si weyn uga muuqataa carruurta, marka ay ku soo labistaan dharkii loogu soo gaday inay ku iidaystaan, farxaddu ma ahan mid muuqata haddii uusan carruurku haysan dhar uu ku xarragoodo maalintaa, haddaba anoo ka faa’iidaysana sadarradan waxaan dhammaan ku boorrin lahaa, inaan ka farxinno caruurta, agoogta iyo saboolka, si maalintaa ay dhankooda uga Iidaan aysanna u dareemin cidlo iyo wax la’aan.

Ninka hor istaagaya Iid diimeed gudashadeed, haddana wadaad sheeganaya waa cibaaro adduune, xaalkiisu muxuu noqon lahaa haddii cibaadadaasi ku aroori lahayd diin kale oo uusan aamisanayn? Hubaal inuu dadkeedaba layn lahaa, iska daa inuu u fasaxo inay gutaan cibaadooda iyo waxa ay aamisan yihiine! Waaba yaabe muxuu haddaba ugu diidayaa dadka ay isku diinta yihiin?.

Sanadaha colaadaha wadaadda isku sheeggu waxay caado ka dhigteen, inay horjoogsadaan dhammaan iido dhaqameedkii umadda, waxay mamnuuceen wixii Soomaali u arki jirtay damaashaad sanadeedle iyo isu soo baxa sanad cusub, iyaga oo mamnuucidda u adeegsada xoog iyo awood qayaxan, micnaha iyaga oo dadkii dhigi lahaa ku maquuniya itaal, dhanka kalana waxay isticmaalaan maskax iyo maan, micnaha waxay ku tatajiyaan umadda in waxani(idahani) ay xaaran yihiin, ayna ka soo jeedaan dhaqan aan Islaan ahayn!.

Hor istaagga iida dhaqameedka waxaa wehliya, inay diideen gabi ahaanba xuska maalamaha qaranka, weyneynta ayaama dawladeedka Soomaali u garatay xus gaar ah iyo muumuus, waxay innaba qaadaceen in si wada jir ah iyo si gaar ahba loo xuso maalmahaa, xujaduna waa mid quroo ah, Islaamku laba iidood ayuu leeyahay wixii ka soo hara waa baadil, iyo Nabigu wixii Iida la haystay wuxuu ka soo reebay ama ku soo koobay labadan ayaa hal hays u ah, waaba su’aale: nooluhu miyuusan samaysan karin iid aan diin ku qotomin? Mise wax walba waa inay diinta ka shidaal qaataan?.

Dhaqan iyo garasho ahaan, maalmaha Iiduhu waxay ku astaysanaan jireen farxad iyo raynrayn, qofkaan waxba haysan ee faramaran xittaa, Iidda wuxuu ku soo dhaweyn jiray qalbi furan iyo niyadsan, haddase waxaa badalay in farxaddiiba loo badalo murugo iyo maandhaaf, ujeedka laga leeyahay kolleey ma ahan dadka ka hor istaaga farxaddee, waa guuriya iyo tirtira maalmahan sida gaarka ah loo maareeyo, shaxshaxdii Iidaha lagu yaqaannay waxaa badalay muran khilaaf iyo dood aan jiha lahayn.

Waxaaba ka sii daran markii Iido diineedka ay ku gaafwareegi jireeenna ay diideen in la xuso, sida aad wada ogsoon tihiin waxaa la mamnuucay in la furo Masaajidda maalinta Iidda, taaso ka dhigan nimanku diinna ma rabaane waxay doonayaan inay umadda ka suuliyeen maalma xusid gaareedka oo dhan, wadaad madaxa duubtoo iidda yaan loo dareerin leh, muxuu idinla noqon karaa? Waxaa hubaal ah in duubka madaxa u saarani yahay qool dabasho iyo qiil samaysad, maxaa yeelay haddii duubku ka dhab yahay inuu cibaado hor istaago iska daaye dadka ayuuba dhibka ka dayn lahaa!

Dad badan oo caqliga laga xaday ama la maandooriyey, waxay ku garsiin jireen mamnuucidda iida dhaqameedka iyo damaashaad hiddaheedka, iyaga oo ku raacsanaa in Iidahaasi yihiin kuwo ka hor imaanaya Iimaanka, Caqiidada iyo Diinta toosan, haddaba, waxaan jeclaan lahaa inaan dadkaa weydiiyo: waxa ay ka dhahayaan mamnuucidda Iidaha diinta? Mise iyana waxay ka mid noqdeen falal gaaleedka ay tahay in laga hortago? Mayee waa caado xumeed ay tahay in la xiddido siibo, si kale ilama ahan in loo dhigi karo!

Asal ahaan cibaado waxaa ugu fadli badan goobta loo cayimay sida Masjidka, Kaniisadda Macbadka IWM, amarka wuxuu diidayaa in la furo Masaajidda maalintaa Iidda, isaga oo goobo gaar ah ugu tala galay tukashada salaadda, haddaba muxuu ku qotamaa amarkan aan ka ahayn sidaan rabaan yeelaa, maxaa yeelay dadka qaar ayaan gaari karin goobta loo cayimay, waayeelnimo iyo danuu u degdegayo darteed ama caafimaadkiisa oo liita awgi, haddaas miyeysan habboonayn inaan dadka lagu dhibin meesha aan rabo ku duko, si aysan uga dhalan falcelin xun?.

Farxaddii Iidaha waxaa isku fuuqsaday dagaallo iyo colaado aan joogsi lahayn, cabsida laga qabo xabbado ayaa markii hore looga gaabsan jiray in daamaashaadyo waaweyn la dhigo, haddase waxaa yimid horor diimeed diiddanba in Masaajiddaba la furo, taasoo sii murjinaysa xaalka markii horaba aan wanaagsanayn, caqabaddii hore hadday dagaal iyo qabiil ahayd, maanta in diinta caqabad kale laga dhigo waa mid dhibkeeda leh, sababtoo ah intaa waxaa la lahaa dadka ayaa sabab u ah, maadaama dagaalka iyagu masuul ka yihiin qabiilka curintiisana xilkeeda leeyihiin, balse diinta waxaa la wada aamisanaa inay tahay diin Alle dadkana ka dhaxayso, sida muuqatase waxay noqotay dhib horleh.

Ugu dambayn, farxad Iideed waxaa la tagay dagaallo beeleedka dalka la degey, sanadihii tagay farxaddii dhabanka carruurta ku taalli jirtay waa gurtay, waxaana u sabab ah colaadaha jireenka noqday, maanta waxaan maraynnaa in la yiraa: yaan Masaajidda la furin! Waaba yaabe haddaan Masjidka la furin xaggee la furayaa? Malaha waxay soo wadaan oroteeshinno cusub oo iyaga u gaar ah, waxay noqotaba waxaa hubaal ah in aafada dagaalladu ay qiima tireen Iidaha, ayna ka dhigeen kuwo aan lahayn nuxur iyo naruuro, taasoo muujinaysa waxa nabaddu la maqan tahay.

 

Agosto, 2010

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com 

       

 

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s