Maryan Qaasim: wax la QARIYO QURUNAA ku jira!

Image

Maryan Qaasim: wax la QARIYO QURUNAA ku jira!

Kufsi, daba-gur, barya-xoog, xero-taraarax, ku dayid, tuugmo-tuluq IWM  dhammaan waa erayo macno ka dhexeeyo ama is xiga, kuna kala duwan oo kaliya hab dhaqan bulshadeed deegaan ku saleysan. Waxayna isugu soo aruurayaan; haweeneey aan raalli ahayn ama ku qanacsaneyn in loo GALMOODO!

Dhaqan xumada Soomaaliya ka taagan, waa mid muddaba soo jiitamaysay, DIL, DHAC, BOOB, BILILIQO iyo XADGUDUB nooc walba leh ayaa ka jira, Soomaaliyana waxay calanka u siddaa xumaanta oo ay kaalinta koowaad kaga jirtaa, ilaa haddana dal ku haystaHORYAALKA XUMAANTA ma jiro.

Waayihii hore KUFSIGU waxuu ahaa, fal danbiyeed Soomaalidu iska gasho kan ugu xun, kuna jiray kuwooda ugu waaweyn, waxaana dhiciba jirtay iska daa kufsiye in gabar si xun loo eegay ama laga oysiiyey inay ka aloosmi jireen colaado daba dheeraada iyo dagaallo ay ku go’aan dad badan.

Rag fara xumo ma daaye, lacalla haddii ay dhacdo in gabar lagu xadgudbo, waxay lahayd habdhaqan iyo maamuus loo soo maro, xeer iyo xukun dadka u yaal, dhanka kale, hadday haasaawe iyo habeen dhadaysi tahayna la mid, balse, sidii Soomaalidu magaalo u soo degtay, wax badan ayaa hannaan nololeedkoodii isdaba maray, gaar ahaan wuxuu qaloocii ugu xumaa galay burburkii ka dib, ee hubkii iyo awooddiiba gacanta u gashay dad aan garaad iyo garasho lahayn.

Bishii koowaad [jennaayo] ee sanadkan 2013 ilaa bishii Lixaad ee juunyo waxaa Soomaaliya lagu kufsaday in ka badan 800 [siddeed boqol] oo haween ah, sidaa waxaa lagu sheegay war bixin tirakoob ah oo ay soo saartay Q M.

Sanadkii hore tirada dumarka Caasimadda kaliya lagu kufsaday waxa ay gaarayeen 1700oo dumar ah. Waxaa walwalka sii kordhinaya waa in seddex meelood meel ka mid ah dadka la kufsaday ay yihiin carruur sida ay sheegtey hey’adda UNICEF ee carruurta u qaabilsan Q M.
Siddeeddii bishaan ayay ahayd markii Askar ku sheegga dawladda ay hooyo Soomaaliyeed, oo wali ilma nuujinaysa ay ka afduubteen agagaarka Isbitaalka SOS, iyagoo ku siray in dambi loo haysto oo ay gaynayaan SALDHIGGA BOOLISKA, balse, u kexeeyey xarun ay deggan yihiin CIIDAMADA AMISOM ayna ku kufsadeen, laba maalin ka dibna iyadoon dhaqaaqi karin meeshii ay ka qaaden ku soo tuureen!

Markii ay dhacdadaa foosha xun ka soo wareegtay in ka badan toddobo cisho, oo aan dawlad ku sheegga wax hadal ah ka dhihin ayaa kal fadhigoodii ma dhalayska iyo ma dhammaada aha ee lagu magacaabo mar walba “KAL FADHI AAN CAADI AHAYN!” loo saaray guddi soo baara. Weydiinta yaa ah, xay soo baarayaan? Ma in gabadha la kufsaday iyo in kale? Mise waxay soo baarayaan inay dambiilayaashii soo qabtaan? Hadday tan hore tahay, taa dhaqtarkii baaray ayaa noo caddeeyey, oo baaritaankooda looma baahna, haddayse tan dambe tahay, waxay ahayd inay sheekada dhan kale u dhigaan, oo ugu yaraan:INAY SOO QABANAYAAN EEDAYSANAYAASHA.

kal fadhi aan caadi ahayn!” Waxay guddiga horjooge uga dhigeen Marwo MaryanQaasim, oo Wasaaradaha ay hayso ay ku jiraan midda Adeegga Bulshada, weydiinta ayaa ah; Guddiyadii hore loo magacaabay xuu uga duwanaan doonaa kani? Illeen waxaa jira waxaa jiro guddi u u xilsaaran arrimaha kufsiga, oo hadda ka hor la magacaabay, guddigii hore oo aan weli war iyo wacaal midna laga hayn ayaa mid kale laga daba magacaabay, [dawladda] laba waa fududdahay, balse, inta kale ee nolosha ku xeeran waa ku adagtay; 1-inay guddi magacaabaan. 2-Inay warqad saxiixaan!

Dhanka kale, guddigii hore xaa ka qaldamay oo mid cusub loo magacaabay? Tan kaba sii muhimsan ayaa ah kufsi miyaa kufsi ka duwan? Ama kufsi miyaan kufsi ahayn?.

Taa ku darsoo, dhowr bilood ka hor ayey ahayd markii malleeshiyo ka tirsan dowladda ee ku sugnaa waddada u dhaxaysa Afgooye iyoLambar Konton ay istaajiyeen gaari rakaab ah, ayna dadkii u kala saareen rag iyo dumar, dumarkii loo gartay in la kufsado ayaa waxaa ka mid ahayd gabar markaa xiligii Xaydka[Caadada] ku jirtay iyo kuwo Umula ah, iyagana Canjarafeyn iyo jukayn ayaa nafta looga qaadey, oo kuma baxsan inay laba xilli lama taabtaan ah ku jiraan. Caarku Idiin ma kaco idin Alle, inta aad dirqinaysaan dumar aan idin rabin, Aamiin iga daba dhaha, markan oo kale Ruuxaaniyaadka in la hoos galo ma ahane, itaal kale lama hayee.

Intaasoo foolxumo ah iyo ka badan ayaa la sameeyay, haddana, wixii guddiyo la magacaabay ama loo xilsaaray inay war ka keenaan natiijada baaritaankoodii, -waaba haddii ay sameeyeene- wuxuu dhaafi waayey: “GABADHA LAMA KUFSANNIN!” Waa yaabee dumarku ma iyagaa is kufsaday? Ma qof aan la kufsan ayaa waa la i kufsaday la soo taagnaa kara, oo waliba in baaritaan lagu sameeyo diyaar ah? Allaw adaa faxan.

Waxaan marna shaki ku jirin in guddiyadan la iska daba magacaabay ee wax matarayaasha ah aysan wax soo kordhin doonin, soona wadin natiijo lagu diirsado ama shaafisa dadka. Haddii aysan sidii kuwii hore la soo qoomaarsan: “GABADHA LAMA KUFSANIN!”.

Kufsi Sharciyeysan!

 

Inta aan ku guda jiray diyaarinta qormada waa inta sida badan dhacdee, ayaan duljoogsaday hadal aan iga farxin, oo aan filo inuu dad badan caro galshay, oo ka soo yeeray Marwo Maryan Qaasin oo madax ka ah guddi loo magacaabay baaritaan lagu sameeyo kufsiga lagu hayo dumarka. Marwo Maryan ayaa Saxaafadda madaxa bannaan amar  adag ku siisay inaysan marnaba wareysi ka soo qaadi karin dhibbanayaasha Malleeshiyada dawladda ama AMISOM kufsadaan, illeen inta kale meel loo raaco ayey leeyihiine, oo haddii la soo qabto waa dil sugayaale, kuwan kale horta yaaba soo qabanaya?.

Hadalkan oo ka dhigan in wixii hadda ka dambeeya Kufsigu yahay mid SHARCIYEYSAN, xaa yeelay, side uga suuragahsay iyada oo qof dumar ah inay sidaa uga hadasho arrin dhaqan, diin iyo aadaminimaba ku xun? Haddii qofka hadalkaa yiri NIN ahaa lahaa waxaan dhihi lahaa QOORA DHEERA waa sheekadii lagu yaqaannay, balse, adiga marna ma ka fishay qof dumar inay tiraahdo ha la qarsho kufsiga oo yaan la sheegin? Midda kale, in la sheegsheego waa midda kaliya ee la awoodo, maadaama aan Booliskii la isku aamini karin, oo dharkiisa maalin walba gabdhaha lagu kafsado, Maxkamaddii ay laaluush ku shaqayso, oo dambiilihi lagu sii daynayo meeqaad bixinee? Markaa sidee looga gaabsan karaa? Yaab.

Tan kale, in badan oo ku qaldantay SHUKADA Marwo Maryan Qaasin maanta ha arkaan, illeen Shuko [DHAR] wax ma asturtee qiimo iyo qaayo [DHAQAN IYO DHUR] ayaa wax asturee. Dhanka kale, nimankan NGOleeyda ah ha ka sugine inay Soomaali horumar gaarsiiyeen, sida idiin muuqata dib ayey ula hareen, illeen iyaga aqli aan ahayn: ANIGA XAA IIGU JIRA? MA LAHANE! Aan kuugu daree, saddax qoloaba Soomaali xalkeeda ha ka sugin, inaan loo dhoobinna danta umadda ku jirta, waxayna kala yihiin:

1- NGO-LEYDA: in badan oo ka mid inay Dawladdan Wasiirro ka yihiin waad ogtihiin, haddaba, saw lama dhihi karo, DAWLADDII NGO-LEYDA?.

2- MACALLIN: inta wadata Prof ama Dr ee lagu qasaaray ma filayo inaad u baahan tahay in laguu magacaabo.

3- WADAAD WAALLI DIIMEED WADDO: iyana xus iyo xasuusin uma baahna, oo wali ayey daboyaaqo yihiin.

Midda aan la yaabay baa ah, markii ay tiri Ciidanka wuxuu u taagan yahay difaaca dalka, waa dalkee dalkaa ma mid maankeeda ku yaalaa mise waa mid kale? Maanta dalka in la haysto waan wada ognehee, oo ay Xalane ka deggan yihiin, walba xay u dhihi waysay Difaaca dadka, markaa ayey qiil yeelan lahayde? Balse, sheekada Marwo Maryan ayaa u eg boor isku qairn, ka dib markii ay tiri arrinta kufsiga waa laga badbadshay. Halkan hoose ka dhagayso Maryan oo taa ka hadlee.

http://www.youtube.com/watch?v=1fhknBCllXA

Run ahaan way jiraan qolo qaswadyaal ah oo arrintan si gurracn uga faa’iidaysanaya, balse, taa macnaheedu ma ahan in dhammaan dadka afka laga xiro, falka aamusinta saxaafadda xitaa Alshabaab iyo Qabqablayaashii sidan uma dhaqmi jirin, oo ka dhigan inay tan uga liitaa kooxihii maamulka magaaladaa uga horreeyey, dhanka ammaanka Xasan Sheeq ayaaba qiray in Alshabaab ku dhaanto, halkaa waa saddaxaa eber guushu u raacday Alshabaab.

Midda iga sii yaabisey ayaa ah inay tiri inaan la qaadi karin sawir ama muuqaal gabar la kufsaday, oo ka dhigan dhacdada yaan la diiwaangalin, illeen haddaan labadaa mid lahayn hadal qoraal ah adba dux u yeel, balse, marka sawir ama muuqaal ku horyaallo waad u jeedda in dhib ka muuqdo iyo in kale, gaar ahaan muuqaalka oo aanba marna shaki la galin karin. Waa hubaal in ujeedku yahay sidii loo cabburin lahaa saxaafadda Muqdisho oo iintooda badan la daalaca dhaca cabsi iyo dilal joogto ah iyo in xumaanta malleeshiyada dawladdu gaysato lagu qarinayo, Amisom iyadu waaba lama taabtaan.

Kufsiga ka aamuskaa ka daran!

Run ahaan arrintan soo laalaabadkeeda iyoxanuunka ku lammaansan waxaa iiga sii daran sida dadkeennu uga sii jeedo ama uga war la’ yahay. Waa maroo foolxumada dhacday iyo maqal xumadeeda oo aad la jiriricoonayso oogaduna ku dibaaxinayso. Waa marka labaade, xumaanta intaa la eg, oo bulshada dhexdeeda ka noqon karta dhaqan ama wax iska caadi ah, oo aan ahayn in lala yaabo, taaoo meesha ka saaraya yaxyax iyo sarriig oo dhan. Marka saddaxaad, waxay sii kobcinaysaatan aan u baxshay DHIMAALKA DHAQANKAsanadihii colaaddy Soomaaliya dul degtay, ee aadan marna arkayn oday la ixtiraamayo ama la cisaynayo, ee inta la afjigo loogu daro bahdil iyo magac xumo, sidoo kale, aysan marna ishaadu qabanayn dhallaan ama ilmo loo dhimrinayo damqasho iyo dareen naxariiseedna la galinayo, oo inta dabada haarati laga galsho lagu leeyahay waryaa bax! Marka afraad waa qabweynidii guud eeSoomaalida oo daaqadda ka sii baxaysa, si gaar ah dumarkii lagu yiqiinnay isla weynidaiyo afgaabnimada, illeen DAYUUS walba ayaa hadda damaacinayee. Midda shanaad waa inaybulshada ku bataan Ilmaha aan lahayn waalidka Aabbe [GARAC], illeen inta badan haddii gabadhu uur qaaddo ee ay dhashay canug aan Aabbe, [ISIR IYO EHEL LAHAYN]waa dhib inteeda la ege, taa oo qayb weyn ka noqon karta kala burbur ku dhici karaQAAB DHISMEEDKA BULSHADA.

Ka aamuska  warbaahinta 

Soomaalida, waxaaba iiga sii daran inay nagu wareersheen waxa ka dhacaya dalka Masar, gaar ahaan intooda ARAGTIDA IKHWAANKAaaminsan ama ARAGTI DIIMEEDKA maDHALAYSKA ah [DHACDAY] la hullaaban.

Malaha waxa ay uga gaabsadeen ayaa ah ingabadhii ay ciidamada dowladda kufsadeen oo la oran jirey Luul Cali, wariyihii arrintaa dabagalkeeda lahaa ee C/casiis Koronto xabsiga loo taxaabay, Maxkamadna ku xukuntay dhawr bilood oo xarig ah, oo ka dhigan ama afkaaga hayso ama xabsi iyo xarig suge ayaad tahay, ayna kuu dheer tahayGARSOORKA ILKA XANAF
Waa yaabe, inta ay arrimo kale nagu mashquulin lahayeen, maa teenna nooga sheekaysid, illeen xanuun waa uun xanuune? Mise had iyo jeer waxaa xanuun badan kuwa Carabta ku dhacaya? Waa sida in badan ay aamisan yihiine.
Qof ka faalloonaya arki maysid, mid aragti ku soo bandhigaya arki maysid, mid dood ka soo jeedinaya arki maysid, mid qodob ama qoraal ku sheegaya arki mayside, mid qaanuun ama xeer ka soo jeedinaya arki maysid, ar anagaa yaab aragnay.
Waxaan ku midaysan nahay waa inaan arrimaha cidyoowga kale ka sheekaynno, balse, aannaan marna isla soo qaadin teenna, illeen markaa ayaa beelo, baho iyo barrimo loo kala baxayaaye, kaba darane, hadda waxaaba ku soo darsoomay beel kale oo la yiraa: URUR DIIMEED!

See Kufisga wax looga qaban karaa?

Kufsiga caalamka maanta ka jira waa jaad ka mid ah cudurrada dhimirka iyo maskaxda ku dhaca, cudurkaa oo u baahan in si mug leh loola tacaalo, iyadoo xoogga la saraayo in:

1- In la adkeeyo ammaanka xeryaha qaxootiga, maadaama ay tahay goobaha ugu badan ee dhacdooyinkani ku soo laalabateen.

2- In la xoojiyo ammaanka goobaha dumarku ku badan yihiin.

3- In la helo dowlad awood u leh ilaalinta maskaxda dadka, ha ahaato dumar ama rag, illeen waxaan sheegay in kufsigu cudur yehee.

4- In la helo xarumo wacyi galineed oo ku wajahan arrintan.

5- In la helo sharciyo iyo ciqaab u qalanta dadka falalkaa gaysanaya.

Midda aan wali dadku ku baraarugsanayn baa ah, in dhibka kufsiga xooggiisu ka yihid arrimahan:

1- Ammaan xumo; oo goob walba oo goobta ay ka ammaan roon tahay waa ka kufsi yar tahay.

2- Daroogada: leh Qaad, Calaq, Khamri IWM, oo qofka marka ay maankiisa gaarto uusan xakamayn karin naftiisa xumaanna ka dhawrsan.

3- Aragtida Wadaada dambe Gabadhaha ka qaban, oo ka dhigaya BADEECO, xasuusoo dumarkeennii hore Garbsaar, iyo Garraar waxba uma wehlin jirin, haddana, qofna ma damaacin jirin, [qofna si qaab daran uma damci jirin] iska daa inuu qabsadee ama qasbadee, maantana iyagoo ku helin dhar culculus [Xijaab] aan u baxshay: MUDULKA MEERA ayeysan baxsan.

Taa waxay keenaysa inaan is weydiinno: aragtida laga qabo dumarka jirkiisa iyo xiriirka xumaanta soo badanaysa ka dhaxaysa intee la egtahay? Ha igu degdegin, oo waxa aan ka hadlaa waa xumaan sidii looga hartagi lahaa, ee ha dhihin adaaba xumaan u yeeraya.

Sidan waxaan u leeyahay waxa qofka celshaa waa:

1- Qanuun. 2- Dhaqan. 3- Diin.

Sida muuqata, labada hore meesha waa ka bexeen, kan dambana culays aan hore u jirin ayuu soo kordhiyey, illeen sidii wiilashii iyo gabdhihii loo kala qoqobayey ayaa dumarkii wax kale raggii u noqdeen, dumarkiina raggii wax kale la noqdeen, bal adba.

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com

Advertisements

2 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s