Maanso: Haween iyo Hoggaan

h

Maanso: Haween iyo Hoggaan

 

Hoggaanka dalka ugu sarreeya wuxuu meertu iyo dhextaal u ahaa Mileteri iyo Madani, dib waxaa uga soo biiray Qabqable iyo Wadaad, oo kuwii hore musuqmaasuqa iyo murrugmaarugtaba uga dheereeyey.

Maansadan gaaban iny tilmaamayso HOGGAAN HUBBAN iyo HOGGAAMIYAHA KU HABBOON Soomaali ka sokow, waxayba ku soo daraysaa qayb aan marna xilkaa qaban, loona dhiiban, xoogna ku raadin, ahna cunsur aasaasi iyo lafdhabar u ah bulshada.

Sida rag badan soo jeediyeen ama qabaan BEELAYSIGA iyo AWOOD QAYBSIGA GOBOLLADA kuma sulaysna, ee waxaan ku saleeyey aragti aan horay u soo bandhigay intii aysanba dhicin doorashadii bishii September ee sanadkii hore, aragtidan oo ku dhex milnayd qormo qaybo dhawr ah lahayd, oo cinwaankeedu ahaa: “Marxaladda kala guurka ah iyo Madaxda mustaqbalka” liilkan hoose ayeyna ku lifaaqan tahay:

https://bilediraac.wordpress.com/2012/07/27/marxaladda-kala-guurka-ah-iyo-madaxda-mustaqbalka-q3aad/?preview=true&preview_id=58&preview_nonce=fe8a9e0604&post_format=standard

Maadaama dhismaha Golaha Wasiirrada laba hablood lagu daray, hoggaanka xukuumadda iyo dawladdanna ay ammaan ku muteen, ayaan meel ka fog iyo madal ka dheer farta ku fiiqayaa, anoo leh; bal mar uun dumarka ha lagu dayo saddaxda xil ee ugu sarreeya dawladda ee kala ah; MADAXWEYNE, RA’IISUL WASAARE iyo GUDDOOMIYE BAARLAMAAN, hubaal ilaa hadda in dumarku ragga dhan walba uga fiican yihiin, haddana, taa unbaa noo dhimman, ee bal mar ha lagu dayo. Maansadiina waxay tiri:

 

Hambaliyo salaan iyo

Haatuf iyo dhambaal iyo

Hal abuur inaan diro

Hoobeey inaan dhaho

Inaan curiya heesaha

Aan u dhiibo hobollada

Hilowgaan u qabay waa

Iga haadyey xiisuhu

Mar haddii halhayskiyo

Hal beeggiiba laga dhigay

Anigaa ha’deediyo

Ugu wacan haldoorkeed

Mar haddii habkeediyo

Heerkeed la marinayn

Mar haddii hankeedii

Habacsanuhu daray dhigay

 

Hibashadu waxay tahay

Hooygeena Soomaal

Waligii halyeey saxan

Hoggaan maamuloo wacan

Hoggaamiya ma uu helin.

 

Halkii layga tagay iyo

Huddii laygu siray iyo

Hilinkii bannaanaa

Ayaan wali hirtaayoo

Hashu wayga gurantoo

Haruubkayga maranoo

Hamuuntiina ima dayn!

 

Hurdo dheer ayaan galay

Sanadaan hawada iyo

Ku maqnaa hiraan jirin.

 

Hantidayda tiro iyo

Lama koobin Halaheed

Hoos guntiyo Garraar iyo

Hu’na waan ka waayoo

Hooy gaara maba lihi.

 

Hal hal baan u kala aal

Mid mid baan u kala haray

Hiddahaygii wuu lumay

Dhaqankii habboonaa

Haybtiisa laba waa

Halgamaa umuu dhalan

Horseed fiican lama arag

Gacan haadis muu helin.

Cid midaysa muu helin.

 

Ninkeey hali ka maqan tahay

Wax kastoo uu haabtiyo

Haan gorof ka baaryee

Aan haddeersho sheekada

Ku hagaagsho qodob iyo

Halka maanta naga maqan!

 

In halaag na soo maray

Oo habaasku nala degay

Habqan aan ku sugan nahay

Uma baahna taas hadal

 

Waxa iiga halis badan

Hadhaw iyo had dheer iyo

Siiyaalka soo horan

Inta hirar ku soo maqan

Marna aan hakanahayn!

 

Hawlaha adduunyadu

Dharaar iyo habeenkii

Ways hareer maraanoo

Harka labada gallinbeey

Mid ka mida haleelaan.

 

Habedkiyo dan seeggiyo

Doqontiyo haraadiga

Habacsane sad kuma lahan.

Habaqlaha ordaayiyo

Ma hubsade dibaadiyo

Hoorigu wax kuma laha.

 

Bulsho waxa hormarin kara

Heegadaana gayn kara

Waa hogganka kii hubban

Hoggaamiyana loo helo

Soomaali hore iyo

Hadda iyo hadhaw iyo

Kan hagaa ma yahay saas?!

                                       

Hilinkiyo dhabbaha sugan

Haddii aad ka bayrto

Waa hubaal inaad lumi

Inta aad hannaan saxan

Ku haloosin hiigsiga

Heehaab wareer iyo

Hurdo qarow ma dayside.

 

Halyeey loo duceeyoo

Hinjin kara dalkoo idil

Hayinnimo dulqaadka ah

Hiil iyo waxqabadnale

Oo hamuunta goyn kara.

 

Halgamaa xaq dhawroo

Hamrashada dadkiisiyo

Himiladooda aan dilin

Haybaddooda luminoo

Aan halalac dhaafsanin!

 

Hufnaan iyo garaad iyo

Haybad iyo kalsooniyo

Hibo qaab u gaariyo

Hagaajiye inuu yahay

Waa astaamo hoodiyo

Ayaan Eebbe lagu halo.

 

Siyaasiga hunguri iyo

Sedbursiga u heeggani

Qabqablaha halaaggiyo

Silacaba horseediyo

Wadaadkii hanuunkiyo

Tii Allaba haraatiye

Raggii waa hallowyoo

Hadalkood wuxuu yahay:

Haween waa nusqaanoo

Haaf waaye kala maqan

Marna aan na hagi karin

Oon hoggaanba qaban karin.

 

Hor Allee sidaan hubo

Huriwaa ma sheegaa

Iyo midaan habayn iyo

Kala haadin aan rabin

Hoosaasin mooyee

Haweenkaaba ugu mudan!

 

Hiif iyo dagaal iyo

Hoog iyo harraad iyo

Wixii holac la soo maray

Habluhu maalin may galin

Hadaf xumo namay badin

Hilbaheenna may cunin

Hambawlaha namay jarin

Hanaqana namay gooyn

Waa hubanti hadalkani

Ama Haybi ruux kale!

 

Hindisuhu wuxuu yahay

In haween la soo xulo

Hormuudkeenna laga dhigo

Gabar heellan lama weyn

Hore looma soo arag

Iyagoo hoggaanshe ah

Iyagoo horyaal ka ah

Heelka madaxdu joogto

Iyagoo hubka u sida.

 

Hiyi kicin igama aha

Hadaddaamo iyo been

Hanqaltaag inaan galin

Hawo iyo waxaan jirin

Way hanan karaanoo

Way hoggaamin karayaan

Hammi iyo wanaagiyo

Himilayna noo furi

Hablo gaaray weeyaan.

 

Hadaf iyo ujeed qoran

Hab iyo seeto kuma weyn

Hunbaalleynta mooyee

Hanad celiya laba waa!

 

Diintu waa halkeedii

Yey hummaagtu ku talin

Isu eeg kor iyo hoos

Huuhaa ka soo hare

Culimada hal weydii:

Haween talo ha weydiin

Yaa yiri: hurdaayoow?!

 

Had iyo jeer wixii dhaca

Ama haatan wali jira

Hohe waxaan la goyn karin

Ha malayn inay tahay.

 

Ha ka ridin hagoogtee

Kii la haray ka reeboo

Adna hoog ha gaarsiin

Hagarqabe ha moogaan

Haddaad hoga tusaalayn.

 

Hadal waa Margoo kale

Hadba dhinac u jiidmee

Hawraarta maansada

Hooris iyo dhammayntii

Hadalkeyga soo xiray

Hiddaayaan sugeynaa

Iyo hubbanti guul wacan

Oo haweeni madax tahay.

 

Dhammaad.

23/08/2013

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com

Advertisements

1 Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s