Dabaasha Damuljadiid iyo Darxumada Dadka!

222

Dabaasha Damuljadiid iyo Darxumada Dadka!

 

Arar

 

Hadda ka hor ayaa dalka Faransiiska waxaa ka dhacay hoos u dhac dhaqaale oo uu qaaliyoobay Rootigu, ka dib dadkii ayaa waxay dhigeen Mudaharaad, iyagoo hal ku dhiggoodu ahaa; “ROOTI, ROOTI, ROOTI” Boqoradda oo daaqadda ka aragtay dadka bannaan baxa samaynayey, ayaa waydiisay waxa ay u bannaan baxayaan? Markaa ayaa lagu yiri: “ROOTI la’aan ayey ka cabanayaan!” Markaa ayey ku warcelisay: “Oo maa KEEG iska cunaan!”.

Dhanka kale, hadda ka hor ayaa waxaa la yiri Islaan xaamilo ah oo ilkaha ku sidda ayaa waxaa la joogtay Islaan kale, markaa ayaa tii aan uurka lahayn hurdo la lulmootay, dabadeed Xaamiladii ayaa inta saa u eegtay ku tiri: “Fool iyo hurdo kala fogaa!” labada tusaale waxaan u soo qaatay inaan kuu muujiyo sida ay u gurracan tahay tallaabada Xasan Shiiq iyo xertiisa Damjadiid ku tageen xeebta Magaalada Marka ee ay waliba ku soo dabaasheen.

Weydiinta dhabta ah ayaa ah: adoo Soomaali Madax u ah xilligan lagu jiro, xeeb ma u dabaaltagi lahayd? Uba tage ma isku soo sawiri lahayd? Isku soo sawire ma faafin lahayd? Ha moodin inaan ceeb u arko maya uma arko, ee waxaan u arkaa qayro masuulnimo iyo dadnimo xumo, ama maxaa iga galay!

Marka gudaha dalka la fiiriyo xaaladda dabaal xeebeed ka fog, oo waxaa habboonan lahayd in lagu fekero sidii looga dabbaalan lahaa diihaalka iyo dhibaatada daashatay dalka iyo dalka. Aniga tan Xasan Shiiq iyo xertiisa waxaaba iiga sii daran dad badan oo qaladkaa qalloocan Xasan iyo xertiisa ku difaacaya, ee aragtida saliimka ah ee dadnimo iyo garasho isugu jirta damqashadana ah kugula dagaalaya, midda iiga sii liidata waa; kaba dhig inay dalxiis aadeen, bal maa sawirrada ka daayaan, illeen kaa ayaa ceebta rasmiga ah ehe, yeysan ka dayne, maa guryahooda ku haystaan iyo aqalladooda?.

In badan ayaa kugu qancinaya in ujeedka xeebta loo tagay ee waliba sawirka la isaga soo qaaday uu ahaa in dadka Soomaaliyeed iyo caalamkaba loo muujiyo in Waddanku nabad yahay, horta taa been baad ku sheegteen Allana waad uga fogaateen, maxaa yeelay safarka Madaxweynaha jidka ayaa loo galay oo waa la wareeray dadna looga dilay inta uusan soo gaarin Marka, markii uu Xamar ku laabanayeyna Diyaarad Qummaati u kacda ayaa looga qaaday Marka, oo haddaa aaway ammaanka la shegayey?.

Anigu hadduu xitaa xeebta iyo badda uu tagay ka hormarin lahaa qubuuraha dadka go’aanka dawladdooda ugu dhintay dagaalladii magaalada ka dhacay waxba uma arkeen, balse, in dadkii talada dawladdooda ku buxay wax kama jiraan laga soo qaado, ee waliba taa loogu badalay damaashaad xeeb iyo dabaal bad ayaa ah mid wax laga yaqyaqsado, War DAMJADIIDOOW; DAL IYO DAD aad u DALXIISTO ama aad u DABAALATO KUMA DOORAN, ee bal taa ogsoonaada!

 

Hordhac.

 

Xasan Shiiq hore looguma aqoon siyaasad iyo maamul dawlo, marka laga reebo inuu ka mid ahaa xerta loo yaqaan URURRADA BULSHADA, asii dhab ahaan ah “NGO-LEEY” maadaama uu ka mid ahaa Maamulka iyo Macallimiinta machadka iyo Jaamacadda SIMAD, ayna u dheerayd inuu ka qaybgalay shirar dhawr ah oo hore u dhacay.

Sanad go’an ayaa ka soo wareegtay markii Madaxweyne Xasan Shiiq noqday Madaxweynihii u horreeyey ee xilka qabta ka dib markii nalagu yiri waxaad ka baxdeen KU MEEL GAARKII, asii dhab ahaan aan laga bixin. Lifaaqa hoose fur si aad aragtidaa u daalacatid.

Si lama filaan ah inuu uga soo dhex muuqday siyaasadda ka sokow, waxaaba in badan u akreen guddoonka uu qabtay ka dibna uu Ra’iisul Wasaare Saacid oo soo magacaabay Guddoomiye Jawaarina ka horreeyey in la gaaray xilligii laga bixi lahaa caabuqa iyo dhibka Soomaali la degay, balse, isma weydiin ninku xaggee naga soo galay?.

Haddaba, sanad ka dib, maxaa hirgalay maxaanse hirgalin? Maxaa qabsoomay maxaan qabsoomin?. Waxaan kaloo faallada ku faaqidi doonaa, Arrimaha Ammaana, Dhaqaalaha, Xiriirka Dibadda, Maamul Goboleedyada, Qaswadayaasha IRK.

 

Damuljadiid iyo Ammaanka.

 

Waxyaabaha Madaxweyne Xasan taageerada ballaaran ee aan laga fiirsan lagu siiyey waxaa ka mid ahaa, in ammaanka Xamar ka hirgalay ee dhawaan galka ahaa inuu halkii ka sii amba qaadi doono, taa oo dad badan ku rajo weynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qaban doono, balse, ayaan darro ma dhicin, maxaa yeelay aragti ammaan lagu sugo iyo hannaan nabad lagu hirgalsho midna lama imaan, dad u qalamana xilalkaa looma dhiibin.

Markii uu magacaabay Saacid ayaan soo jeedshay in nimanka xilalka ammaan haya oo dhan laga wada qaado xilalkaa marka laga reebo Gen. Dhaga Badan oon ilaa hadda anigu u arko masuul shaqadiisa ka soo baxay, balse, taa ma dhicin markii loo baahnaa markii ay dhacdadana waxaa xilalka laga qaaday raggii astaahilay in inta laga saldhigayo meeshooda loo daayo.

Qaraxyada dhacay, dagaallada fool ka foolka ah iyo hoobiyayaasha lagu tuuro madaxtooyada markii hore waxaa ka jiray qaraxyada kaliya, oo waxaan xasuusannaa qarixii Hotel Shaamow, Hotel Muna, Tiyaatarka iyo Wakaaladda Hargaha iyo Saamaha, haddana, intooda badan waxay dhaceen mar aan magaalada gacanta lagu wada hayn, oo bilihii u dambeeyey ee dawladdii Madaxweyne Shariif waxay ku dhammaysatay deganaasho buuxda, waana midda la tabayo ilaa hadda.

Ammaanka inaan wax laga qaban rabin ee aan dan gaar ah iyo ujeed laga lahayn waxaa kuugu daliil ah markii Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Banaadir laga dhigay Maxamed Aadan Koofi oo ah Sargaal hore Alshabaab uga mid ahaa, adigu ma ii macnayn kartaa ujeedka ka dambeeya in Gen. Dhaga Badanna xilka laga qaado Koofi oo Sargaal Alshabaab soo noqdana xil loo magacaabo? Haddii la i dhihi lahaa waa nin wax badan kala furfuri kara ama kala hagi kara, waan kaa qaadan lahaa, balse, maalintii xilkaa loo magacaabay ilaa hadda in ka badan toban qarax ayaa Muqdhisho ka dhacday, intaa waxaa dheer xabsiyada Xamar oo buuxa, dadka oo sidii xoolihii loo kala gato, xubno Alshabaab ka tirsanaa oo Jeelasha laga sii daayo si joogta ah iyo kufsiga oo maraya meeshii ugu xumaa, magaalada oo aan la isaga gooshi karin oo kala xirin.

 

Damuljadiid iyo Shaqada iyo Dhaqaalaha.

 

Dhaqaaluhu waa qodobka labaad ee nolosha Aadanahu ku xiran tahay, marka laga soo tago Ammaanka, oo waa laba aan kala harin, midna nafta ayuu ka ilaalinayaa in ay u qur baxdo dhib dibadda uga yimid awgeed, marka laga reebo xanuunka iyo waayeelnimada ayna wehliso geerida ma hurtada ah, waana ammaanka, halka kan kale uu nafta ka jiro inay u dhimato gaajo, baahi, cunto la’aan iyo biyo la’aan ama ka dhawra saboolnimo daran iyo faqri ba’an.

Sidaa awgeed Dhaqaaluhu waa unug lagama maarmaan u ah nolosha, dhaqaalana wuxuusan ka maarmin arrimaha kala ah; ganacsi, lacag iyo shaqo, saddaxdaa is dhalkooda ama is dhexgalkooda ayaa dhaqaale ku dhashaa ama ku abuurmaa, dabadeedna ku bullaalaa oo ku baraaraa, mid ka mid ah haddii uu hoos u dhac ku yimaado dhaqaaluhu jilbaha ayuu dhulka ku dhufsadaa, haddaba u fiirso Dhaqaala xumada ka jirta dalalka Reer Galbeedka, waxaa u asal ah Bangiyada iyo Iibsiga Guraha, kan hore waa lacagtii oo sideedii ah, kan xigana waa ganacsigii oo gabaabsi noqday iyo dalabkii oo yaraaday.

Arrinta saa muhimka u ah, dawladda Xasan Shiiq hal tallaabo xitaa kama qaadan, waxaan wada xasuusannaa in bilihii u dambeeyey uu waddanka ka dhacay Sicir Barar aad u daran, gaar ahaan Bishii Soon Qaad, Xasan Shiiq waxaa laga hayaa oo kaliya inuu yiri: “Dadka Masaakiinta ah ha la afuriyo!” waa tii hawraartu ahayd “Meel  hoo u baahan Hadal kuma bogsooto!” ka horna wuxuuba dafiray in Sicir Bararka ay ganacsadtu masuul ka yihiin sababna u yihiin, bal adba.

Waxaa taa ka sii daran in Wasaaradda Maaliyadda iyo Lacagaha aysan soo bandhigin wax qorshe ah oo wax looga qababayo dhibaatadan Soomaali oo dhan waxyeellada ku haysa, ayna ugu horreeyso in lacag midaysan la sameeyo qiimaheeda la xaddido, dabcan waa arrin u baahan in aad looga fiirsado, oo sidii dawladdii Shariif aan heshiis lacago lagu lunsanayo aan la soo xarxarriiqin.

Balse, mid kale ayaa jirta oo ah in Wasaaradda Maaliyadda iyo Qorsheynta uu yahay XAWAALADLE, oo ka dhigan inuusan marna diyaar u ahayn in la helo Hay’ado xoog leh oo dhaqaalaha Soomaali qaabiya, sida ay kuugu muuqan karto isagoo wax hadala ka yiri ama qoraal ka soo saaray Sicir Bararka daran iyo lacagaha Faalsada ah ee Waddanka gees ka gees lagu harqiyey ma aragteen? Ninkii hayaa ha na la wadaago, haddaan la haynna aragtidu inaysan caadifad ku imaan maankaaga gali.

Taa waxaa garab socota inaan marnaba la dhisin Hay’ado abuura shaqo iyo kaabayaasha dhaqaalaha, taa oo ka dhigan inaan marna loo soo jeedin in dadkan laga saaro saboolnimada, illeen saboolnimada waxaa looga baxaa waa shaqo iyo shaqaale, oo iyana sababa dhisme iyo dhaqaale, oo sababa barwaaqo sooran in lagu noolaado. Iska daa inay dad kale shaqo u abuuraane, waxayba gabeen in Malleeshiyaadka ugu qoran magaca Askarta iyo Ciidanka ay mushaar joogta ah siiyaan, anagoo og in mushaarkaa badankiis uu yahay deeq, haddana, lama gaarsiiyo, oo ka dhigan in dhex laga leexsado.

Tanna waxay noo gudbin qodobka muhimka ah ee intii islahayd waxaa laga raysan doonaa Madaxdii Musuqmaasuqa ay ku hungoobeen, maxaa yeelay labo warbixin oo ka soo baxday Qaramada Madoobay waxaa lagu sheegay in lacagaha loogu talagalay Soomaaliya, ee ku jira Bandhiga Dhexe ee dawladda 80% loo adeegsaday wax ka baxsan arriimihii loo qorsheeyey, balse, waxaa la yaab ahayd jawaabta uu ka baxshay Gudoomiyaha Bandhiga dhexe C/salaan Xaaji Hadliye, ee noqotay “NA AAMINA!” oo maxaa la idinku aaminaa haddaadba lacagihii guranaysaan? Ma inaad na boobtaan ayaan idin ku aaminnaa? Bal adba.

 

Damuljadiid iyo Maamul Goboleedyada.

 

Xasan Shiiq waxay is mari la’yihiin Maamulka Puntland, khilaafku wuxuu salka ku hayaa hanqaltaag ku jira maamulkaa oo uu ku doonayo inuu ku helo sad dheeraad ah, sidii uu malaha uga bartay dawladdii Shariif, taasna waxay daba socotaa heshiiskii dhex maray maamulka Puntland iyo C/raashiid Cali Sharmarke, oo ay ku jirtay in Maamulkaasi ku yeesho shirarka dibadda ka dhacaya xubno kor joogta ah ay ku yeeshaan, kii Gaalkacyo ee uu Gaas la galay, IKK.

Dhanka kale, Maamulka Somaliland iyo dawladda ayaa wada gaaray heshiis is afgarad ah, kii ka dhacay Istanbuul, buuqii ka dhashay wali waa taagan yahay. Haddaba weyndiinta koowaad ee la xiriirta wadahadallan ayaa ah, ma waxaa wada hadlaya dawlad iyo maamul? Mise waxaa wada hadalaya dawlad iyo qabiil? Illeen Maamulka Silaanyo, hadduu shalay ku doodayey inuu ka taliyo Sool, Sanaag iyo Cayn, maanta maamul dadka deegaanku doorteed ayaa ka dhisan, oo la yiraa: “Khaatumo State” ma tixgalin dookha dadka deegaankee, maalintii uu maqlay ayuu weerar ku qaaday.

Taa waxaa dheer in dhawaan lagu dhawaaqay maamullada kala ah Maakhir State iyo Awdal State oo sida Khaatumo State sheegay inaysan ka mid ahayn Maamulka Somaliland, haddaba sidee laga yeelayaa maamulladan? Illeen waa waaqic aan hore u jirinoo, hadda ku soo siyaadaye? Kaaga darane, waxayba la taagan yihiin Soomaali Weyn ayaan doonaynaa, Go’itaan iyo Gooni isu taag mid dooni maynno, hadalkoodu dhagaysi ma mudna miyaa? Yaab.

Dhanka kale, maamulka Galmudug ayaan heshiis la Saxeexan Mudane Saacid ka dib markii uu ku amray inay maamullada kale mid uun ku biiraan, midda is weydiinta mudan baa ah, Maamullada dalka ka jiro waa beelee, maxaa beesha Dhuusa Mareeb ee magaca Ahlusnno huwan loogu saxiixay in xitaa magdhaw laga siiyo dhaqaalihii uga baxay dagaalkii Alshabaab, taa oo ka dhigan eex cad iyo naas nuujin qaawan, halka maamulka Galmudug laga diiday in xitaa heshiiska lala saxiixdo? In kastoo ay dib ka wada heshiiyeen, haddana.

Sidoo kale, maamul ay Hiiraan dawladdu u magacaawday ayaa mar qura Odayaasha deegaanku shir ay ku qabteen ku sheegeen in ay dawladda kalsoonidii kala laabteen, taa waxay ka dhalatay ka dib markii dawladdu maamul ay u soo magcaaday, asii dadku deegaanku aan ku qancin. Taa Hiiraan kali kuma ahan, dhibkaa wuxuu taagan yahay Jawhar, anagoon hilmaami doonin Marka oo ah qaybta lixaadka ah ee qormada.

Meelaha fashalka ugu liita ee dawladda galay waxaa ka mid ah magacaabidda Maamulka Marka, qalalaaso iyo is qabqabsi ka dhashay ayaa wuxuu u xuub siibtay dagaallo qaraar oo dad badan ku naf waayeen, asii aan maamulka dawladda marna ku fekerin inay ka laabtaan go’aankoodii hore, balse, ay ku sii adkaysteen oo ayna ka dhalatay dirir qaraar.

Midda inay niman gurracan yihiin kuu caddaynaysa waa kolkuu Xasan Shiiq iyo xertiisa daabaal u aadeen xeebta badda Magaalada Marka, iyana waa tan aan ararta sare ee faallada ku soo sheegay.

Midda aan ka foolxumada yarayn waa heshiiska ay la galeen Axmed Madoobe, oo in ka badan sanad xoog iyo afduub dadka Jubbooyinka ku haystay, isagoo ka soo doolaalay Soomaali Galbeed, wali ma aragteen Mudane Soomaaliya ku dhashay oo deegaankaa maamul ka qabtay?.

Heshiiska loogu oggolaaday inuu lacagaha ka soo baxa Dekadda iyo Garoonka Kismaayo iska gurto xisaab iyo dabagal la’aan ka sokow, waxay ka dhigan tahay haddii aad doonaysid in lagu dallacsiiyo waa inaad dadka layso, illeen sida muuqata dawladdan waxay u tahay astaan ku cad dhaqankeeda, u fiirso maamulka loo magacaabay Magaalada marka iyo Gobolka Galguduud oo loo magacaabay Cirfo, oo dhammaan fari ku wada godan tahay.

 

Damuljadiid iyo Dunida.

 

Qodobkan waa qodobka ugu muhimsan ee marna si indhasarcaadin ah loo soo gudbiyey, marna buunbuuninta laga badsho, waxaan dhihi karnaa waa meesha ay nafta kaga jirto dawladda Xasan Shiiq, gudaha waa ka dhimatay ama nafta ayaa ku xaruuruga oo sariir ayey ku aruurtay, dunidase waxay ka tahay naf nool oo naaxsan, walibana leh xoog iyo taag ay ku muquunin karto kooxaha mucaaradka sheegta.

Xasan Shiiq wuxuu safarro ku kala baxshay wadammada kala ah: USA, Turkey, Qatar, UK, Biljam, IKK wuxuuse ugu socdaal badnaa: Itoobiya, Ugaandha iyo Kenya.

Taageero ballaaran ayuu ka haystaa Xasan Shiiq caalamka, waxaa taas ku deeqay Ingiriiska, maadaama uu laba mar ku qaabilay London Ra’iisul Wasaare David Cameron, balse, sida dunida u caadada ah marka fursadda lagu siiyo, waa inaad si halhaleel ah uga faa’iidaysato, haddii kale waa lagaa laalayaa, anigu sida Cali Khaliif Galayr oo kale ma lihi Xasan Shiiq waxaa looga horjoogsaday ka qaybgalka Shirka G8 inuu Alshabaab xiriir la leeyahay, balse, waxaan qirayaa in siyaasad xumo sabab u tahay.

Xasan Shiiq iyo dawladdiisu in badan ayey muujiyeen dhaliilo dhaqaale la’aaneed iyo wax lacago ah inaysan ka helin dunida, waxaa jirtay in loo ballan qaaday lacago aan yarayn, balse, haddiiba iyagoon sanad jirsan lagu eedeyey inay intii Bangiga ku jirtay la bexeen, yaa in ka badan iyo kaash ku aaminaya? Waa qofna.

Midda been abuurka ah ee in badan la faafiyey waa in xiriirka dawladda iyo dunida ay ku dhalatay siyaasad fog ee ay dawladdu la timid, maxaa yeelay haddii ay ku timid waxaa wax laga qaban lahaa oo ilaa hadda laalan dhulal Soomaalidu ku leedahay dibadda oo ama la iibsaday ama la kiraystay, sida Safaaradda Talyaaniga, oo Nuur Cadde shirkad Talyaani ah ka kiraystay.

waana inay ogaadaan taageeradaan waxay ku helayaan waa joogista kooxaha ARGAGIXISADA “Alshabaab + Burcad badeed” ee haddii ay meesha ka baxaan ama awooddoodu daciifto in la iska illoobayo ha ogaadaan, haddaba fursadda si fiican ha uga faa’iidaysataan, maxaa yeelay, suuragal ma ahan in lacago la isaga dhuro.

Dhanka kale, in dunidu koolkooliso waxaa ugu wacan saddax ariin oo kala ah: 1- dunida oo ay ka go’an tahay in Soomaaliya meesha ay hadda joogto aysan dib uga laaban, inay hore uga sii socoto ma ahane. 2- In la hubsado ciribtirka Argagixisada “Alshabaab + Burcad Badeed” 3- In Soomaaliya haddii ay cago dhigato ay u baahan tahay meelgashi ayna tahay meel laga abuuri karo dhaqaale, lagana soo saari karo khayraadka dul ceegaaga, maadaama uu yahay dhul wali dehan, oo aan wali wax laga soo saarin, taa oo keenaysa in tartan loo soo galo sidii nin walba boos u sii xajisan lahaa, adigu macno u yeel dawladda Norway oo bixinaysa mushaaraadka Shaqaalaha Dawladda? Yaab.

 

Gunaanad:

 

waxaa guul lagu tilmaamay in laga gudbay nidaamkii afar iyo bar, ee uu ku dhisan yahay Baarlamaanka, marka laga soo tago in si siman loo qaybshay Golaha Wasiirrada, oo beel walba la siiyey laba Wasiir, taa oo dad badan u arkeen inay tahay caddaalad soo iftiintay, aanse ahayn, oo aan wali laga gudbin afar iyo bar.

Ka sokow in beelaha laba Wasiir la siiyey, oo halkaa ka muuqdo si garba siman ah in wax loogu qoondeeyey, waxa jirta dhako qarsoon oo aan wali la wada la fahmin, waxaase la doonayaa in nalaga gado in si siman wax loo qaysbaday, inaan si siman wax loo qaybsan waxaa u daliila sidan: LABA WASIIR+ MADAXWEYNAHA, hal beel baa leh. LABA WASIIR + RA’IISUL WASAARAHA, hal beel baa leh. LABA WASIIR + GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA, hal beel baa leh. Halka beelaha kale ay heleen laba Wasiir oo qura, haddaba sinnaan ma la dhihi karaa? Hubaal inay ka duwan tahay qaabkii hore.

Midda kale ma ogtahay in kooxaha qaswadayaasha ah ee Kenya xarunta u tahay ay ka shidaal qaataan qaladaadka dawladda? Ma ogtahay in quudkoodu yahay qalooca maamulka dawladda ku jira? Ma ogtahay in dawladda sabab u tahay in la maqlo dad ay ka mid yihiin Geeddi iyo Galayr, oo keentay hoggaan xumada ka jira iyo hagid la’aanta hay’adaha dawladda?.

Dhanka kale, ma ogtahay in Madaxtooyadii loo badalay Xarunta cusub ee SIMAD? Illeen haddii aadan halkaa ka soo qalin jabin ama arday ka soo qalinjabshay uusan wakiil kaa ahayn ama aadan ku daabnayn xubin sare oo Damuljadiid ah inaadan Villa Soomaaliya dhexgalayn in dantaada laguu dhammeeyana aan laga yaabin?.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com

Advertisements

8 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s