New Dullinnimo iyo Dallaaliinta cusub!

Image

New Dullinnimo iyo Dallaaliinta cusub!

 

Xaaladdu u ekaa Dhacdadii ahayd “IIMA AHA!” ee dhex martay Rag u hoydey bakhayl, oo nin si fiican u yaqaani raggii ku yiri: “War kan anigaa aqaane, gacmo wax bixiya kuma yaallaane naga wada!”  ee halhays ka dhigtay eraga “IIMA AHA!”. Dhanka kale, Kuray yar oo goor uusan Caano filayn una baran walaalkii toosiyey, oo u dhiibay Haruub Caano ka buuxaan, oo Xoortu ay karuuran tahay, kuna yiri: “Walaal dhan caanaha!” ayaa Barbaarkii yaraa isagoo qaadan la’ dhab ahaanta Caanaha uu gamcaha ku hayo, oo walaalkiis xilligaan siinayo, lana fajacansan ayuu yiri: “Tolow walaalkay haddaa caano ima siin jirine, ma Doorshaan baa uga dhacay!”. Hadda shukaansigu intii hore ka badane, shirarna waa naloo qaban jiree, ma shaqaa naloo soo doontay?.

Kala guurkii waa laga gudbay, ku meel gaarkiina waa laga baxay ayaa la yiri, Dawlad daa’im ahna waa dhalatay! Madax madani ah iyo maareeyayaal {Koox cusub oo loogu waqlalay “NEW TEAM” madax hufan ayaana la doortay}, dalka gudihiisa ayaana la isku doortay. Waa erayo dadka lagu dawakhiyay, macnayn iyo miraynse u baahan, maqalkooda intuu batay ayey iska noqdeen erayo caadinimadii dhaafay, haddaysan yididiilo gaar ah dadka galin.

Tobankii sano ee u dambeeyey dalka waxaa ka hana qaaday saddax HAL-KU-DHEG, oo kala: ARGAGIXISO [wadaaddadii waallidu wadday + xerta xabashi “gaalo-raac”], ROAD MAP [TUBTA TIIGSIGA] [LIXDII SAXAL “Laba Shariif, Gaas, Faroole, Caalin iyo Ahlusunno] iyo NEW DEAL (HIGSIGA CUSUB)[DALLAALIINTA CUSUB]. Midka hore eray bixinta, macnaha iyo dhibkaba dunida ayaan la wadaagnay, halka labada dambe aan ereyga kaliya uun la wadaagnay, nuxurka, ujeedka iyo dhabbahana aan aad uga fogayn habka dunidu u dhaqan galisay.

Qodobka Argagixisada waxaa ku caanamaalay C/laahi Yuusuf, oo keensday 50,000 [Kontan Kun] oo ciidan Xabashi ah, kana gaystay Magaalada Muqdisho iyo Goballada Koonfureed xasuuqii ugu xumaa ee taariikhda ummadda Soomaaliyeed soo mara, dawladnimadii ka hor iyo ka dibba. C/laahi Yuusuf kali kuma ahayn gumaadkaa, ee kaaliyayaal badan ayuu lahaa, oo Xabashidu u xushay, sida: Cali Maxamed Geeddi oo Wasiirka koowaad u ahaa, Maxamed Maxamuud Guuleed “Gacma Dheere”, Cabdi Wali Gaas, Salaad Cali Jeelle, Xuseen Caydiid, Yuusuf Azhari, Xuub Sireed, Moorgan, Yusuf Dabageed, C/karrim Laqanyo [iyo qaar kaloo badan] IQKB?. Inta ay Taangiga Tigreega saarnaayeen ee ay Xamar xasuuqa ku hayeen ayaa Novembre sanadkii 2005-tii waxaa shir loogu qabtay Magaalada Bruxelles ee xarunta Midawga Yurub, ka sokow IS GARAB-YAACA, KALA DAADSANAANTA iyo HABQANIMADA, waxaa loo ballan qaaday beeso ciiddaan ka badan, oo gaaraysay ilaa 800 Malyuun oo Dollar, asii aan wali Gambo iyo Beysteen laga arag, ma ogi inta hoosaasinta iyo hal tuurku wax uga so gaareen.

Xerta Xabashida wax dullaalnimo ku gaara ma lahan, oo Xuseen Caydiid ayuu ahaa kii lahaa labada dal waa la isku darayaa, hal baasaboor iyo hal ciidan ayaana loo samaynaa, iskama dhihin hadalkaa Xuseen ee xisaabta ku darso, maxaa yeelay waxaa jirtay waqrad laga helay xafiiska Geeddi oo uu ku yaallay Map ah Soomaaliya iyo Itoobiya oo la isku daray, oo aan wax xuduud iyo soohdin midna kala lahayn loona fahmey in Somaaliya laga dhigay Kilinka 6aad. Hadday dhulkii xoog iyo itaal ku qabsadeen, dadkiina xasuuqeen, xarumihii shalay dagaalkii 1977 laga hagayeyna ay maanta iyagu xakumaan, xeebtii Xamarna ay ku dabaallanayaan, Xabashi wax intaa badan oo ay ku maqsuudi karto anigu garan maayo.

Dhanka musuqa iyo lacagaha la lunsaday, waaba meesha ay ku kala boodeen labada kaaliye ee C/laahi Yuusuf iyo Geeddi, oo la isku mari waayey lacagtii ay ku deeqday dawladda Sucuudiga, ee gaaraysay 35 Malyuun oo Dollar, aanba halkan su’aal dhigee, berigii Xabashidu dalka xoogga ku haysatay Sucuudigu lacagtaa ayey ku deeqeen oo waliba Kaash ah ee aan yabooh ahayn, hadda oo sidii hore la dhaamo oo hannaanku habkii hore ka roon yahay maxay ugu deeqi la’dahay? Bal adba. Malaha Washington ayaa amar laga sugaa. Shinni diriritay malabkeeda ayaa la helaa ee Cabdullahi Yuusuf oo lagu tuhmi jirey inuu yahay xabiibka Xabashida ugu dhow ayaa si hoose u tibaaxay Cali Geeddi iyo Yuusuf Azhari inay kaga dheereeyaan, ugana dhow yihiin Miles Zanewi.

Iyadoo wali bartanka looga jiro hannaankii ku caanamaalka eraga Argagixiso, asii markaan kuwa lisanayaa ay yihiin isla Argagixisadii shalay aragtidooda gurracan, maankooda maran, maskaxdooda maqan iyo diin dacareedka ay wadeen dartood Xabashi marmarsiyaha uga dhigtay inay ku soo gasho dalka, xasuuqii ba’naana ka gaysto, ayaa markan madaxtooyada dhex fadhiya, oo shaarar kale iyo shulugya kale wata, yaab, Shareecadii shalay aaway? waxaa iiga sii yaab badan kuwa wali dadka ku sii dhibaya mariidka diinta. Ma ogtihiin in Sh. Shariif hawdka Kismaayo diyaarad uga qaadday Jenday Fareizer?.

Haddii magacyadii iyo muuqaalladii is badaleen macangagna lagu badalay macangag kale, dhanka shirarka iyo dallaalnimada waxba iskama badalin, waa meeshuu Abwaan Cabdalla NuuraDiin ka dhahay isagoo xayeysiinaya Shirkaddii Al Barkaat, ee Maraykanku xannibay dhaqaalaheeda, oo yiri “waa: Barakaat u dhiibo, Barakaadna ka qaado!“. Haddii gaaladii shalay lagu jihaadayey ee Xabashida ku daabnayd xilkii laga qaaday, ee Wadaaddo Iimaan leh oo Alla ka cabsigu qanjaha buuxo la keenay, maxaa is badalay? Intii sugaysey asii aan dadka dabeecadihiisa si fiican u dhuuxin daniba tiriye, candhiiftooda ayey gadaal u liqeen “Wan weyn ilaa laga gawroco indhihiisu cirka ma arkaan!” Soomaaliduna waa sidaa, ilaa ay dhibka ka soo dhadhanshaan ee ay ku soo xaruurugaan iskuma dayaan inta aysan musiibada faraha la galin inay xuuraamin iyo xan waraysi u galaan.

Wadaaddadii oo Koofiyadahooda wata ayaa iyaguna isa sii taagay Magaalada Bruxelles xarunta Midawga Yurub, oo iyaguna dabayaaqadii Abril ee sanadkii 2009-kii iska xaadirshay xarunta xaraashka aan laga aflixin. Dadku waa dadkiiye, sidii oo kale ayaa is daba yaacu u noqday astaanta Soomaalida wafdigooda looga garto inta kale ee Qaaradda Madaw ka timid. Lacagtii shirkaa lagu yaboohay oo gaaraysay  ilaa 250 Milyan oo Dollar, wali Malyan iska daayee, hal Dollar xitaa lagama arag. Kooxda Wadaaddadu malaha tartan ayey kula jirtay xerta Xabashidee ku guulaysatay billadda koowaad ee silcinta umadda Soomaaliyeed, ee noqotay mid gumaadka Xabashi ku dhintay, mid Gumaca Xabashida ku dhaawacmay iyo niyadjab iyo (qalbijab) marooro dillaac ku nool dal ama dibad meel uu joogaba, maadaama meelo badan oo Muqaddas u ahayd laga dhaamay, aan loogu simine lagu yiri mardhawna dhanka Xabashida ayaaba lagaaga talin.

Ha moodin inay ka maran yihiin Wadaaddadu soo galintaanka Xabashida, illeen Xabashi kuma soo dhiirrateen inay dalka soo gasho, haddii aan looga baaqi Xamar iyo Fagaaraha teribuunkee, ma ila xasuusataan erayadii ay ka midka ahaayeen; “Iidda waxaan ku Dukunaynnaa Addiis Ababa!” sidaa waxaa yiri Indhacadde iyo kuxigeenkiisii Muqtaar Roobow oo Maxkamadaha u qaabilsanaa Arrimaha Difaaca, dabeedna Xajka iska aadeen. Nasiib xumo iyo ayaan darro Xabashidii ayaa Iiddaa Xeebta Xamar ku Iidaystay. Saw ma ahan baaq rasmi ah oo ah; “idinkuna Xabashi u gooddiya iyo dawladda C/laahi Yuusuf, anaguna waxaan ku baaqaynnaa in nimankaa hororka ah nalaga celsho!” oo labadaba ay mar walba ku eed le’ dahay Xabashidu, mar waa ammaankeenna ayaan difaacaynnaa, marka kalana dawlad nala saaxiib ah ayaa gacan na weydiisatay! Bal adba.

Sidii inaysan taa ku fillaan oo ay deeqi waysay, ayaa Wadaaddadii BADDA XEEBTA KOOFUREED ee xigtay xadka Kenya u saxiixeen Dawladda Kenya, ilaa hadda waa la isku tuurtuuraa cidda lahayd masuuliyadda saxiixaa, qorshahaa qaawan ee qarraray qawaaniin wixii dunida u yaallay iyo kii ay dawladda Soomaaliyeed hore u dhigatay ee Sharciga No. 37 ee Dhul-Badeedka Waddanka (Somalia Territorial Sea) iyo Dekedaha ee soo baxay 10 –kii September 1972  ee ka faalloonaya xuduud badeedka ee dalka ayaan wali boos loo hayn. Midda la yaabka leh waa in Wasiirka Soomaali u metelayey saxiixa lagu bixinayey badda inuu saxiixay warqad aan astaan dawladeed lahayn.

Intaas waa gogolxaar iyo gorfeyn taariikheed, balse, aan idin dulgeeyo Xerta cusub iyo xaalka Xamar yaal. Ha moodin in dullaalnimadoodu inay ku egtahay badda kaliya, waxaa ciiddaan ka badan inta shirkad ajnabi ee ay u saxiixeen heshiisyo aan la garanayn waxa ay ka macno yihiin, iska daa in la ogaado waxtar iyo dheef waxa ay Soomaali u leeyehee maanta iyo berriye, balse, la hubo dhibka ay keenayaan.

Dooqoni Dibir kama dharagtee daashee” “Nin baahanna bayra baryo ma daayee” burobugaandada aan saare ku soo sheegay ee ah wax walba waa dhan yihiin iyadoon xitaa Xalane laga talin, ayaa waxaa yimid kuwa labadii hore i qarso dhahay, Musuqa kuwii hore ayey kala mid yihiin, diin dacareedka ay ku daaban yihiinna la mid, balse, waxay ku dhaafeen waa beenta, indha sarcaadinta, majara habaabinta iyo NGOnimada. Haddii Ku meel gaarkii laga baxay oo been ah, haddii kala guurkii laga baxay oo been ah, waxaa loo soo qalabqaatay sidii loo kala qeybsan lahaa dalkan dayacan iyo dhulkan aan la kala xigin. Wasiirka Arrimaha Gudaha Guuleed, Wasiiru Dawladaha Madaxtooyada (MADAXWEYNAHA dahsoon) sida dad badan qabaan Faarax Topaz, Maryan Qaasin oo dhawr Wasaaradood ka masuul ah, Marwada Wasiirka Koowaad Marwo Caasho [iyo qaar kaloo badan] IQKB waxay dhammaan ka mid yihiin NGOleyda ay Xamar u kala xiran tahay, oo war bixin aysan diyaarin aysan u baxi jirin dibadda, hadda oo ay Xildhibaanno iyo Wasiirro yihiinna kaba fiican. Marwo Caasho iyo Fartuun Cabdisalaan waxay si dadban u daadihiyaan mashruuca kororka kufsiga.

Qawlasatadii dalka iyo dadka ku qabbiratay ROAD MAP, ee isku koobay ka arriminta aayaha umadda, afduubna ku qabsatay go’aan ka gaaridda xalka dalka ayaan u baxshay LIXDA SAXAL, maanta SAXALLADII waxaa ka dambeeya hal iyo eber, waa FAROOLE iyo AHLUSUNNADA GALGUDUUD, ee aan u baxshay DHAL AMXAARO, Qoraa C/qaadir Aromana u baxshay AHLU ZENAAWI WAL JALLAAFO. In kasta oo wali Mudane Faroole soo taagan yahay, illeen jidka ayuu u sii xaartay sidii uu u soo noqon lahaaye, markii uu hirgalshay Dastuur beeneedkii uu qolka madaw ku dhaqangalshay, haddana, Ilma Zenaawi wax ay soo kordhiyeen ma muuqdaan, inay sii kala qaybsamaan ma ahane, malaha waxay yaqaannin sida Tusbuxu u kala go’o, marka iyaguna waa inay sidaa oo kale noqdaan. Ma ila xasuusataan in la yiri ninkii ka horyimaada ROAD MAP-ka waxaa loo aqoonsanayaa QASWADE? Maanta rag kale ayaa eragii ku caana maalaya, si kalana loogu dhigay, sida muwaadinku u adeegsado ugama jeedo, oo isagu waa ku saxan yahay, balse, madax ku sheegga ayaan ka hadlayaa.

Maalintaa maalin adduun ayey ahayd, eraygii laga gudub, afafka eray iyo halqabsi lagama waaye, waxaa la keenay NEW DEAL, oo aan waxba ka duwanayn kii hore ee ahaa ROAD MAP, waxaysan ku kala duwanayn in hadba inta go’aanka ka gaaraysa aayamaha umadda ay yihiin koox gaar ah, ee dhaqan iyo Hidde Soomaali aan wax ku salayn, hannaan dawladnimo iyo hab haggaaminna aan ku socon, qorshuhu wuxuu ahaa inta aan shirka Bruxelles la qaban in dalka dhan laga hirgalsho NEW DEAL, balse, magaalooyin badan iyo gobollo dhawr ah ayaa laga booday oo aanba la xusin ama laga been abuuray, kuwa aanba liiska lagu darin waxaa ka mida Gobollada Dhexe, magaalooyinka kala ah: Beledweyn, Dhuusa Mareeb iyo Cadaado, dhanka kale, Jubbooyinka iy Gedona lama sheegin, marka laga reebo in Axmed Madoobe uu shirka goob-joog ka ahaa, magaalada lagu been abuurtay waa Baydhaba oo sargaal dawladda u hadlay uu yiri shir ku saabsan arrintaa ayaan ku qabannay magaalada, asii noqotay wax kama jiraan.

Meesha kale ee ay isaga eg yihiin NEW DEAL-kan iyo ROAD MAP-kii waa in shirkii Bruxelles wixii ka dambeeya awoodda go’aan gaariska dalka loo siman yahay, maxaa yeelay LIXDII SAXAL ee hore sidii Islaamo la isla qabo  ii is hariifo shir walba wada tagi jiray, ayaa kanna sidii oo kale looga qaybgalay, u fiirso kii Addis iyo kii Nairobi. Sidaa si la mid ah ayaa waxaa ka dhacday shirkii Bruxelles in garba siman looga wada qaybgalay, ma moogi in is aaminaad ay dhammaatay, oo anaaba ku leh: “In la is aamino inaan la is aaminin ayaa dhaanta!” haddana in la is aamini waayo ma keenayso in la is garab yaaco, waxaa ku fillayd in deegaan walbaa, deegaan ma jiree aan beel dhaho ay hal xubin oo dawladda ka mid ah u metelo ama maamul goboleedyada ka yimaad, balse, in madashii dhan noqotay wada MADAXWEYNAYAAL waxay horseed u tahay FASHALKA dawladda Xasan Sheeq, dubbihii lagu burburin lahaana isagaa markii u horreysay ku dhuftay, anigu uma dhihin, Kaahin iyo Curraafna ma ihi, ee isagaa yiri, mar uu salka la sii doonayey kursi eraygan cajiibka ah, ee kuu soo koobaya waxa meesha ka dhacay “AAN IS YARAYNNO HEE!” oo kaalay maxaadan hore ugu soo yarayn, marka hoolka shirka dhexdiisa aad ku kala yaraynayso? Oo ka dhigan in Xasan Sheeq inta hartay, haddii uu sii joogo uu ku dhamaysan doono saddax xagalka kala xiran ee kala: MADAXTOOYADA, XARUNTA XALANE iyo GAROONKA AADAN CADDE!

kaaga darane, caddaalad xumada iyo gorsoor la’aanta, beelo dhan ayaan jirin qof ku metelayey shirka, halka beelaha qaarna ay ku joogaan isla Madaxweyne Xasan, Wasiirro, Xildhibaanno, dablomaasiyiin, Maamul goboleedyado, taa oo ka dhigan in nimankani ka cadaalad xun yihiin intii ka horraysay. Waxaa u daliila taa, su’aashii ay weydiisay gabadha reer Khaatumo ee ahayd: “Madaxweyne maxaad shirka nooga reebtay miyaannaan Soomaali ahayn?!” Bal adba.

Malaha nimanku ma yaqaannaan nimanka ay la soo kulmeen, ee Midowga Yurube horta aan idin baro, waa nimankii waraaq u soo qoray Madaxweynaha Talyaaniga Giorgio Napolitano ee ku yiri: “haddaad doonaysaan inaan wada shaqaynno laba arrin waa muhim inaad fulisaan, oo kala ah: 1- Inaad Berlusconi xilka Wasiirka koowaad aad ka qaaddaan, oo aad ninkaa na dhaafisaan, Miskiin hadda waaba xabsi suge, xabsi-gurise u badi. 2- Inaad samaysaan qorshe dhaqaale, oo looga hortagayo in ay kala sara maraan dakhliga dalwadda iyo daynta lagu leeyahay. Labadii qodobba Talyaanigu si halhaleel ayey ku fulsheen, balse, ugama darin, oo run ahaan labadaa talo maanta Talyaanigu hirgalintoodii waa u mira dhashay, oo madax fongaran iyo gorod laallaadda kuma metelaan dunida, dhaqaala xumadiina waa ka soo kabsanayaan.

Haddaba weydiintu waa: muxuu kaga duwan yahay shirkan ka dhacay waddanka Belgium kuwii hore loogu qabtay isla Soomaali, ee loogu yaboohay dhaqaalo fara badan? waxaa hubaal ah in shrkaasu la mid yahay shirarkii hore ee Soomaali beeso badan loogu yaboohay, haddana aan wax la sheego ka soo xaroon ee lacag ah. Waa “Qawda Ma Qashii waxna ha u qaban!” “Yabooha Beesha Caalamku waa afka baarkii!” waxaa laga hayaa Sheeq Shariif, ee kuwan sawaxanka iyo qaylada orka la tumanaya ee leh Soomaali ayaa dhaqaale lagu saacidayaa, may wax ka waddiiyaan ninkii meeshaa ku soo jabay ee waliba ku soo jilba murxay?. Malaayiinta Bruxelles dheguhu waa maqlaan dhaayuhuse ma arkaan, waxayna la mid tahay “Dibiga Doollo dhegihiisu waxsan bey maqlaan, dhaayihiisuna ma arkaan”.

Marka inta sugeysa dhaqaaale Brussels ka yimaada inay dhuunta marshaan waxaan dhii lahaa: Candhuuftiinna dib u laqa! Illeen marka laga soo tago in yabooha Dhaqaale ee Beesha Caalamku uu ku soo aruurey Afka Baarkii, oo dad badan maanka ku hayaan  “Kuu Dhaamimaa Dhagareey ka Roon tahay” haddana waxaa jirta in lacagahan loo qorsheeyey arrimaha kala ah: AMMAANKA, QALABAYNTA CIIDANKA, CAAFIMAADKA, WAXBARASHADA, DIB U DHISKA, DIB U DEGINTA, DIB U HESHIISIINTA, DHISMAHA MAAMUL GOBOLEEDYADA IWM, haddii intan aan wax laga qaban, hannaan wax looga qabtana aan la hayn, iska daa in wax laga qabtee, sidii loo cuuryaamin lahaa inta qabsoontay loo wada gayfan yahay, waxba yaan nimankaa yaboohooda dhaliil lagala dul dhicin, ee aan dhaleecaynta u weecinna dhanka madax ku sheegga Soomaalida oo aan hab hoggaamin iyo haykal dowladnimo hannaan hoggaamiye midna lahayn, inay bartaan aan isku dayeyn, inay iska doondoonaanna laga weysan yahay.

Waxaa jirta aragti qaldan oo maalmahan la hadal hayo, oo ah in xubnaha dawladda ee shirka ka qaybgalay aysan shirka ka soo tagin iyagoon haysan ballanqaad adag. Anigu waxaan u arkaa sheeko balarreey, maxaa yeelay inta aragtidaa soo jeedisay ama qaadatay waxaa ku yar aqoonta ay u leeyihiin DHAQAMMADA AADANAHA. Maxaa yeelay meesha waxa ku shiray ma ahayn Beelo Soomaaliyeed, ee waxay ahaayeen Beelo Soomaaliyeed iyo Midawga Yurub.

Haddii waxa shiray ay Beelo Soomaaliyeed ahaan lahaayeen aragtida ah inaan fadhiga laga kicin inta lacagtaa laga siinayo waxay ahaan lahayd qodob cuskan dhaqan iyo hidde, maxaa yeelay waxaa jirta in ninka aad rabto inuusan marna maya ku dhihin, oo waxa aad ka doonayso uu kuu meelmarsho in loogu tago gurigiisa, oo uusan markaa ku dhiirran karin in arrintaa aad ula timid ku yiraa maya, illeen waa dhaqan doorrin iyo hidde habaabin, meel ku dhacna ku ah martiga gurigaaga kuugu yimid.

Tan kale, dawladdu waxay tallaabadaa u qaadi waysay waa: 1- Markay imaanaysan lama imaan qorsho qeexan. 2- Hore uma qaban wixii laga filayey ama laga sugayey. 3- ballanqaadkanna intaa iyo in ka sii badan ayuu ku xiran yahay. Marka iyaba waa og yihiin inaysan meel wax saari karin iyagoon wixii laga sugayey qaban. xitaa haddii aan u raacno sida ay dhigeen ee ah inay isku dhajiyaan madasha shirka, waxaa looga saari lahaa ulo Hotellada ay deggan yihiin, maxaa yeelay haddii aad ka soo dhalaali wayso wixii la isku ogaa, ee aad wax dheeri ah dalbato fara jirjir ma ahane wax kale ma mudnid.

Dillaalnimadii inay xad xad-dhaaftay waxaa kuugu daliil ah, inta ay shirkado shisheeye u saxiixeen tiro ma lahan, inta qarsan ee aan ogaynna ka badan, midda iiga xanuunka badani waa in shirkadaha ay heshiisyada la galeen ay yihiin shirkado fashilmay, oo aan mirif, maqar iyo maqal midna lagu aamini karin. Xaraashka Waddanka ku socda waxaa kaloo kuugu daliil ah shirkii Addis Ababa ka dhacay, ee lagu aqoon saday Maamulka Amxmed Madoobe ee Jubba, aqriste ma ogtahay in shirka uu ka qaybgalay Axmed Madoobe oo Itoobiyaan ah, martiga shirka marti galshay iyo madasha shirkuna  ay Itoobiyaan ahaayeen, waliba Faarax Topazna lagu uu afka u dhigtay hawshii Ra’iisul Wasaaraha ama Wasiirka Arrimaha Gudaha. Dhanka kale, heshiiskaa Kismaayo ayuu fara ka sii bixinayaan, illeen Axmed Madoobe lix bil ka dib waa soo taagan tahay oo tagi maayee.

In ammaanku sidii yahay oo aan wax laga qaban, haddii uusanba sii xumaan, waxaa kuugu daliil ah, in Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Banaadir looga magacabay Sargaal Alshabaab horay uga tirsanaan jiray, oo la yiraa: Maxamed Aadan Koofi. Dhanka kale, Alshabaab dagaalkii ka dhanka ahaa maxaa loo joojiyey? Inaan diyaar loo ahayn in Alshabaab lala dagaalo waxaa kuugu daliil ah sidii xilka looga qaaday Gen. Dhaga Badan ABAAN DUULIYIHII hore ee CIIDANKA QABALKA SIDA, yaa maqlay berrin ama bar Alshabaab laga saaray, iska daa in degmo iyo gobol laga saaree?. Midda kale, Alshabaab maanta iyadaa is cunaysa, maxaa looga faa’iidaysan la’ yahay khilaafkooda, oo intii la soo xeragalin karo laga soo reebo? Bal adba.

Soomaalidu waxay u baahan tahay saddax “CELIN” laba waxaa u baahan BULSHADA, midna waxaa u baahan MADAXDA. Labada ay BULSHADU u baahan tahay, waa: DHAQAN CELIN iyo AF CELIN. Dhallinta daamanka qalimmada iyo xarriiqyada midabaysan ku leh, ee sanka iyo dhagaha durtay waxay u baahan yihiin DHAQAN CELIN, sidoo kale, Qaad-cuneyaasha, Dableyda, Ugaas dilaalka, Jeneraal Xarago waxay u baahan yihiin DHAQAN CELIN. Kuwa aan AF, ERAY, ARAR iyo AFARREEYNA aqoon waxay u baahan yihiin AF CELIN. Midda MADAXDU u baahan tahay, waa: BULSHO U CELIN! Oo ah in MADAXDAN bahallada noqotay, ee aad uga fogaaday in BULSHADA DIB LOOGU CELSHO, loona dhigo sida BULSHADU tahay, waxa ay u baahan tahay, waxa ka maqan, waxa ka dhimman IWM.

Faallada waxaan ku soo gaabinayaa, Tuduc ka mid ah Maanso Abwaan C/qaadir Xersi “Yamyam” [AUN] uu tiriyey, uuna ka jeediyey Shirkii Addis Ababa 1993, ma is tiri wali su’aashiisii sidii ayey u taagan tahay? Inay taagan tahay ka sokoow, waxayba isu badashay Faashin iyo in la isku xayeysiiyo tii uu ka digayey Abwanku, wuxuna yiri:

Haddaan weynnay maan iyo

Aqli noo maqoorada

Ma inaan gob nahay baan

Martidiyo shisheeyaha

Masawira niraahnaa?!

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com

Advertisements

4 Comments

  1. kheyr allah ku siiyo bashiir waxaad noo ifisay waxa dhabta ah e dalkena ka socda anigu waxay ila tahay in howshu aysan dhawen o aan la heleyn hogamiye daacad ah ALLOW DAL NABAD QABA IYO DAD CAAFIMAD QABAAN KAA TUUGNAY YAARABI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s