Soomaaliya kartaye Kenya kulaylku ma gaaray?!

Soomaaliya kartaye Kenya kulaylku ma gaaray?!

Hadda ka hor baa laba beel waxaa dhexmaray dirir qaraar, dabadeed dagaalkii ayaa wuxuu yeeshay saameyn ballaaran, oo ay gaartay, in loo dakaneeyo qof walba, oo labadaas reer ka mid ah, wuxuu doonaba ha noqdee. Maalin maalmaha kamid ah ayaa niman hubeysan oo dakano hore qaba, waxay gacanta ku dhigeen nin la oran jiray RAAGE oo u dhashay beesha kale, ee dirirtu kala dhaxaysay.

Intii aan RAAGE la dilin, ayaa dadkii tuulada daganaa oo dhan la isugu wacay, si ay goobjoog iyo shaahid uga ahaadaan sida loo gawracayo ninkii Raage ahaa, si loo jirxumeeyo loona xanuujiyo beesha kale. Intaas uguma simine waxay sii raaciyeen inay ku dul shirbaan maydka korkiisa, oo markaas ayagoo sida muuqata ku raaxaysanaya shanqarta ka soo baxaysa Odayga la gowracay ku Shirbeen:

Aw RAAGE riin wanaagsanaa, Ma Riyo Ruumcas daaqayaa?.

Muddo yar kadib reerkii uu RAAGE ka dhashay ayaa ayaguna gacanta ku dhigay nin ka tirsanaa qoladii RAAGE gowracday. Markaas ayay sidii beesha kale jidaysasy ayaguna iskugu weceen dadkii tuulada joogay, si loo daawado aargudashada loo samaynayo aanadii ninkii Raage ahaa, balse, ninkaan la qabtay ma ahayn sidii Raage oo kale nin geesinnimo iyo ad-adayg badan, ee durbaba wuxuu billaabay qeylo iyo baroor, wuxuuna isku duubay Oday ka mid ah dadkii isugu soo baxay daawashada dilkiisa, asigoo leh: “Adeeroow nimanka iga celi!” Odagii wuxuu la yaabay ninku sida uu u naf jecelyahay, markaas ayuu ku yiri sidan, asigoo ku Shirbay:

Barbaartu ways bireyn jirtee, Ba’aydu beer nugeyl miyaa?!

Ciidanka Kenya waxay gudaha Soomaaliya ku jiraan laba sano oo maalmo dhimman. 16 OKTOOBAR 2011 ayey ahayd markii ay oggolaasho iyo ogaal la’aan umadda iyo dawladda Soomaaliyeed ku soo galeen dalka, in kasta oo uu markaa ka dhiidhiyey Madaxweyne Shariif, haddana, waxaa inta daba maray heshiis dhagareed la soo xasiixday Cabdi Wali Gaas, oo ahaa Wasiirka koowaad. Heshiiskaas beenta ah iyo waraaqaha aan astaan lahayn ee kala jeeda, ee la kala saxiixday ayey ilaa hadda Kenya ku joogtaa dalka gudihiisa, balse, markii dambe dirqi iyo danaysi ugu biirtay ciidanka Amisom oo sida dhacdooyinku muujiyeen ayba ka madax bannaan yihiin.

Labada sano ee Kenya gudaha Soomaaliya ku jirtay waxay ka gaysatay xasuuq iyo gumaad gaaray dad iyo duunyo, oo ay ka dhalatay dhimasho, dhaawac, qax iyo qaxooti, heer tuulooyin iyo jaziirado dhan la faarujiyey. Waxyeelladu waxay aad u saamaysay cirroolaha, carruurta, dumarka iyo hooyooyinka [Marras iyo Maato] Inta dhacaanka Soomaali dhulka ku baxayey, dhawaqa rasaasta loogu dheefinayey lama arag lamana maqal dal iyo duni ka hadashay, in la iska daawanayey ka sokow, waxaaba iiga daran waxa la iigu dawgalay ee ah ARGAGIXISO inaan dir iyo dunji midna u lahayn.

Faalladan kooban kuma soo koobi karo inta kol ee Ciidanka Kenya ay gawrac iyo qoor goyn ka gaysteen deegaannada ku teedsan ee xaduudka aan la wadaagno, heer ay markii dambe dilka u adeegsatay Godin iyo Faas, xabbado dhaqaalaysi kama ahayn nacaybka inta uu gaamursan yahay unbay muujinaysaa. Taa kaliya ma ahan, midda ugu xanuunka badan uguna xun baa ah: DUQAYNTA JOOGTA AH, GANTAALAHA AAN DHAMMAADKA LAHAYN ee badda ama berriga laga ridayo, iyo XAQSUUQA AAN JOOGSIGA LAHAYN ee maalin walba ka dhaca Koofurta Soomaaliya, gaar ahaan Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, oo ay gaystaan Ciidamda Kenya, oo dalka ku soo galay xoog, itaal iyo oggolaasho la’aan.

Kenya itaal aan meel jirin iyo cudud aan caymin doonin inay leedahay ayadoo og ayey Soomaaliya isku qaadday, in kasta oo looga digay haddana, ma dhaganaysan waanada iyo talada loo soo jeedshay, la yiri: “Nin meelo u caddahay, meeli ka madoobe” waxay gabbaad iyo ka dhigatay gidaar inay ku dhuumato Alshabaab ayaan baacsanayn oo qatar ku ah ammaanka Kenya.

Hubaal inuusan ahayn eray dhagaha Soomaali ku cusub, Soomaalidu xagga xusuusta aad bay ugu liidataaye, aan bal xashka ka soo gooyo xilliga naloo adeegsaday si dalka loo soo galo dadkana loo xasuuqo, waa sanadkii 2006dii, waxaana adeegsaday Xabashi, kuwa maalintaa ay ka hor tagaysay in kasta oo maanta lagu sheego QUN-YAR-SOCOD aniguse aan iraa: QUUD-YAR DABA SOCOD, haddana Alshabaab iyo iyagu waa isla DHAL ITIXAAD, oo war walba sabab u ah in Soomaaliya ay soo galaan ciidan shisheeye ee leh waxaan duullaan ku nahay Argagixiso qatar ku ah ammaanka geyiga iyo nabadda gobolka.

ALSHABAAB IYO SOOMAALI WAA KALA LABA

In badan oo Soomaalida ka mid ah ayaa marka ay maqlaan eraga ALSHABAAB waxay u aaminsan yihiin in loola jeedo koox Soomaali ah oo xiriir la leh Alqaacida, hubaal inaan ku leenahay tirada ugu badan ee ciidan iyo ciidan, balse, mid kale ku darso inaan magaca ALSHABAAB iyo magaca SOOMAALI wax xiriir ah lahayn, iska daa in la isku lammaanshee, laga yaabee inaad ila yaabban tahay, haddaadan igu diiddanayn, balse, aan kuu caddeeyo burhaankayga.

Marka hore sida dhabtu tahay tiro iyo tayo ALSHABAAB Soomaali waa ku badan yihiin, haddana, ma is weydiisay maamulka iyo maarayntoodu sida uu yahay? Ma is weydiisay nimankii teer iyo maalintii Maxkamadaha dunida ay ku daba jirtay inay Soomaali yihiin in kale? Taa oo kuu caddaynaysa inay yihiin koox ay ku dhan yihiin dhalashooyinka dunida, waxaa ku jira: Maraynkan, Ingiriis, Yaman, Keenyaati, Suuriyaan, Afgaanistaan IQKB. Haddaba, intaa oo dhan ayey ka kooban yihiine, maxaad idigu isu galinaysaa cuqdadda ah Alshabaab waa Soomaali? Maya Alshabaab Soomaali ma ahan, ee waa koox Argagixiso ah oo xiriir la leh Alqaacida, ee aan lahayn dhalasho iyo dhaqan.

Anaga kooxdan iyada oo shaarar iyo shulugyo kala cayn wadata way na soo martay, markaa dunidu waxay u haysatay inay anaga noo gaar tahay, sida in badanba maanta u haystaan in Alshabaab Soomaali tahay, balse, dunidu waxay indhaha kala furtya markii uu dillaacay DAACUUNKII MAXKAMADAHA, oo ay hoggaanka dalka qabteen WADAADDADII WAALLIDU WADDAY, sababtoo ah Soomaaliya 2001 waxay ku jirtay waddamada qarka u saarnaa inuu duqeeyo Maraykanku, balse, maalintaa waxan uga badbaadnay: 1- Inaan Soomaaliya ka dhisnayn maamul Daalibaan oo kale ah. 2- Inaannaan lahayn ilo dhaqaale oo Argagixisadu si sahlan uga macaashi karto, sida Geedaha Daroogada ee ka baxa Afgaanistaan ama Dheemman, sida: Dahab, Qalin iyo Macaadin kale.

In kasta oo Kenya ay waligeed hooy iyo hargalba u ahayd Argagixisada, haddana taa uma muuqato, oo 1998 Usama Bin Ladin iyo raggiisu waxay qaraxyo waaweyn ka gaysteen safaaradaha Maraykanku ku kala lahaa Kenya iyo Tanzaaniya. Sidoo kale, waxaa bishii November sandkii 2002 la beegsaday Hotel magaciisa la yiraa “The Paradise Hotel” oo ku yaal Magaalada Mambasa ee Isla Kenya iyo diyaarad ka duulaysay garon diyaaradeed. Dhacdooyinkan oo dhacay xilli xitaa uusan jirin magaca Alshabaab, taa oo ka dhigaysa inaan Soomaali iyo Alshabaab xiriir iyo shaqo la lahayn ayaa kuu muujinaya in Kenya ay qar iska xoor ku soo gashay Soomaaliya, oo ay ku habboonayd inay isku daydo inay dalkeeda bal marka hore ay ka soo xorayso Argagixisada deggan ama ku dhuumaalaynaysa.

Kulaylkii ILMO ITIXAAD nagu hayey muddo ayaa nagula daawaday oo marna la lahaa waxa Soomaali dhexdeeda ka dhacaya maxaa naga galay? Marna la lahaa waa dad aan wax ay ku heshiinayaan jirin, marna la lahaa awalba fawdo fawdo ayey dhashaaye maxay filaynayeen Soomaalidu? Kenya waxay safka hore uga jirtay dawladaha in muddo ah nagu wiirsanayey, ee kaaga darane, argagixisadu ay xarumo ku lahaayeen inta aanba ALSHABAABTAN la unkin.

Karkarkaa anagoo dhexda uga jirna waa tii la keenay Ciidanka Amisom, in kasta oo Musuqmaasuq iyo dil uu lugaha la galay, haddana, waxbaa kala wareegay oo Muqdisho iyo magaalooyin kale Alshabaab waa laga saaray, haddana, wali la isma weydiin Amisom wixii ay qalad gasho ayaa loo raacanayaa? Maalmo ka hor ayey ahayd markii lagu helay Sargaal Ugaandhiis ah Musuq iyo wax is daba marin, ciqaabtiisii waxay noqotay kaliya in Ugaandha loo qaado. Dilka aan xadka lahayn Abwaan Abshir Faarax NuurBacadle” [AUN] ayaa ka Shirbay oo yiri: “Ugaandha Geelii waa gudee, Gumaadkuna waa gareey dheheen!

KENYA KULAYLKU MA GAARAY?!

 Waxaa la yiri: “Geeridii Gableed laga sheego, gondahaaga ka filee” dhibkii in badan nalagu eegtay ee marar badanna dadkeenna siyaabo kala duwan loogu xasuuqay Xabashi iyo Kenyaba, maata Kenya ayey dul hogan tahay, “Bowdo rag maalinba midbaa qaawan” maahmaah ayey ahayd, adduunyana waa laba gallin oo is daba maraya, guhaad iyo gacalnimo ayey u dhaxaysaa, afartii maalin ee Suuqa loo yaqaan “West Gate Mall” ee magaalada Nayroobi la haystay wixii ka dhacay waxay QAYB YAR ka yihiin inta Soomaali 2006-2013 ay Argagixisadu u gaysteen, asii mar walba oo afka la kala qaado Soomaalida dhan loogu jaa’ifaynayey inay Alshabaab yihiin.

Qaabka loo maareeyey “West Gate Mall” oo aad u liitay ciidan, cudud iyo cirbixinba ka sokow, waxaa bannaan yaal noqotay iyo marag ma doonto in maanta wixii ka dambeeya ay Kenya si rasmi ah ugu biirtay dawladaha fashilmay, haddii ay awal Soomaali ku wiirsan jireen, maanta wixii ka dambeeya waa la siman yahay ee maanta ha tashtaan, maxaa yeelay, waxaan wada xasuusanna laba fal oo caynkaa ah inay Muqdisho ka kala dheceen xarumaha Gobolka Banaadir iyo UNDP, haddana, maalmo iska daaye, saacado ma qaadan in laga xoreeyo argagixisada xarumahaa, ha malayn inaan faaninayo Soomaali, balse, waa sida wax u dheceen, taariikhdana gashay. Bal adba.

Mar kale aan sooyaalka colaadda hal qabsi kale ka soo qaatee, waqti hore ayaa laba beel oo daris wadaag ah dagaallameen, markaa ayaa nin labada beel mid ka mid ah ka dhashay wuxuu yiri: “Markaan maqlo beeshiinnii waa la soo jabshay, waxaan isku dayaa inaan qoslo, markaa ayaa illimu iga timaaddaa [daadataa], markaanse maqlo beeshii kale ayaa dabada looga dhacay, waxaan isku dayaa inaan illimeeyo, markaa ayaan qosol ku dhuftaa!” maarayn xumada Kenya ee ay sida liidata u hagtay dhacdada West Gate Moll, waxay kuu muujin inay ka adag yihiin inay Soomaalida kaliya weydiiyaan “Leta Kipanda iyo Leta Kitambulisho” si ay mar walba laaluush iyo lacag uga qaataan. Haddii Watergate oo dhacday 1972 ay noqotay fadeexaddii qarnigii tagay, fadeexadda West Gate Moll-na waxay noqon doontaa fadeexadda qarnigan.

 KAARTADA KISMAAYO BADDAL AYEY U BAAHAN TAHAY

Dhacdada “West Gate Mall” waxaa laga qaadanayaa casharro dhawr ah, waase haddii maan furan iyo maskax fekeraysa lagu eego, haddii kale, aragtidii qalloocnayd ee Kenya ama qolo naga haystay ama aanba iska haysannay ayaa sii jiri doonta, waxaase hubaal ah, haddii Kenya aysan bilaha soo socda siyaasaddeeda ku aaddan arrimaha Soomaaliya wax ka badalin inay jid furmay iyo dhabba haloosina ku noqon doonaan falalka caynkan oo kale ah. Ha malayn marna inaan argagixiso u qiilanayo, balse, anigu waxaan muujinayaa siyaasad xumamada lagu abbaaray deegaannada koofurta dalka, oo farriintani waxay ku socotaa nimankii lahaa ama aaminsanaa oraahdan: “Ma dhici doonto in mar dambe Xamar looga taliyo Kalbiwo, ninka taas ku riyonaya, waxa uu ku nool yahay qarni kale…”  waxaa dhacday oon riyo ahayn in “West Gate Mall” aan Nayroobi looga talinayn in ka badan afar maalmood, ee maxaanba ku gaarnaa Kilbow iyo Kudhaa?! Kismaayana iska daa warkeed. Idinka lee waaye.

 

MADAXEEY MUWAADINKAA TACSI IDIN KA MUDAN!

 

Aan u imaado arrintan mid la xariirta oo dhanna aan wiirsi iyo dacarayn u fahmay, dhanna aan u gartay waa sidoodii oon miyo is marin. Dhacdada “West Gate Mall” maalinta ay billaabanayso Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay laba qarax oo dad ku waxyeelloobeen, dhawr maalin ka horna waxaa Kaawo ay qodayeen ku soo duntay shaqaalo ka xamaasha Kaawo qodidda oo ay ku geeriyoon in ka badan afartan qof, weydiinta meesha taali waa: marna ma ka maqashay madax ku sheegga Soomaalida qof ka mid ah oo tagay goobta musiibadu ka dhacday? Iska daaye ma maqashay qof tacssi u diray dadkii wax ku noqday labada dhibaato? Jawaabto waa maya.

Meesha aan kaa lahaa waa sidoodii oon biya is marin waa halkan, oo dhacdada “West Gate Moll” maalintii ay billaabatay ayey dhammaan kii ugu hooseeyey iyo kii ugu sarreeyey madax ku sheegga Soomaalidu waxay la soo tannaagoodeen tacsi ay u dirayaan madaxda iyo shacabka Kenya. Hubaal inay tahay tacsi wadaaggu arrin wanaagsan daris iyo shisheeyaba, haddana, xilliyada ay jirto marxalad adag kuma sii jirto iyo wax dadka ka fajaciya, taa marna masuuliyadda saaran iyo madaxda ay yihiin ku waajibinaysa, marna inay muujiyaan inay garab taagan yihiin una muujiyan hiil iyo hoo, middan waxaan ku macneeyey wafdiga loo soo diray Kenya, ee marna tacsida u yimid marna laba yiri waxay talo ka siinayaa madaxda Kenya sida Aragagixisada loola dagaallamo. “Nin tiisiiba daayacay, kan kale dugsanaya aniga igala doqonsan”.

Balse, midda ii cuntami waysay waa: madax ku sheegga Soomaali haddii labadii mashaqo ee dadkayga ku dhacay aysan u samayn shir deg deg ah oo loo qabtay Golaha Wasiirrada, wafdi loo saaray si ay ugu tacsiyeeyaan iyo midda kaba muhimsane, aanba loo quurin xitaa tacsidii xaqa la isugu lahaa, inta aan la gaarin middii waajibka loogu lahaa, taa kaliya ma ahan, idinku ma maqasheen wixii Kenya Soomaali xasuuqaysay hal mudane oo Soomaali ah, oo tacsi u diraya dadka dhibkaa joogtada ah lagu hayey? Haddaad haysaan nala wadaaga, haddaadnaan hayn madax ku sheegga farriintaan ha gaarto ah: MADAXEEY MUWAADINKA AYAA TACSI IDIN KA MUDAN!

Soomaaliya waa dhibbanaha cudurka loogu yeero LA DAGAALLANKA ARGAGIXISADA, shalay Xabashi ayaa sidaa ku soo gashay wadanka, maantana ku soo gambanaysa, Kenyaaba ka dartay oo taagan waa inaan dabar goynna, aan su’aal duldhigee: xaggay jirtay intaan la daalaa dhacaynnay dhibka argagixisada? Maxay markaa noogu gacan siin waayeen ciribtirkooda? Dadkowgow waa inaad garataan meerisyada jaban ee hadalka, haddii kale waxba noo cayman maayaan.

Gunaanad:

Hadda kuwan cusub ee la doortana wali eray lagama hayo, iyadoo uu dhacay xasuuqii ugu darnee ee deegaanka  Jannaay Cabdalla, ee hal qoys uu ku dabar go’ay, baaris iyo dabagal iska daaye, xitaa ma cambaarayn, Alla maxaa shalay maanta u ekaysiiyey? Kuwii laga guulaystay iyo kuwii guulaystay maxaa isku dhaqan ka dhigay? Saw lama lahayn isbadal baa dhacay? Mise eraga wax dhaafsiisan markii horaba ma dhicin? Oo haddaa sidee loo sugaa wax ka gaddisan? Bal adba.
Shibta Madaxda Soomaalida, shanqar la’aanta dunida, shabaaxa diyaaradaha Kenya iyo qaylada shacabku kala sheelan. Midi wuxuu eeganayaa dantiisa, siduu kursiga dabada ugu sii hayn lahaa. Midna dabargo’a Soomaalida waa ka indha damuuqsaday. Midka kale, isaga ayaaba fulinaya, oo waa ku farayaraysanayaa, waxaana u muuqda afar wiil oo afka duubatay, naguna qancinayaa inuu qaflan baabayn ku qabanayo. Kan ugu dambeeya qayladiisa xitaa ma maqli karo, illeen waxaa dhaga tiray guuxa diyaaradaha iyo madaafiicda ay daryaaminayaan.
Haddaan si kale u dhaho, waa duullaan aan damaq lahayn, dawlad aan damiir lahayn, duni aan dood furayn iyo dad dabargo’aya. Hubaal inay kaaf iyo kala dheeri tahay, ee ma jiraa qof dadkaa wax u qaban kara, oo ka joojiya duqaynta cadaawadda leh? Arrintu waxay ku dhammaato waan u joognaa.

Faallada waxaan ku soo xirayaa xigmaddii Abwaan Xaaji Gabay Xaddi, ee ku caan baxday “Beerka ka ogsooni” waxayna tiri:

 

Bowdada markii aan ka jabay, boqonka taaggiisa

Habeenkiiba waa i bidhan lahaa, bahalkii cawlnaaye

Raggii buurta dheer igala baxay, beerka ka ogsooni

Bah-Cillaamo goortay dhammaan, iga dul booyaysey

Bah-Sadhaysna “baga” inay i tidhi, beerka ka ogsooni

Ninkii Burunji inuu iga cuno, ii barriidinaayey

Ee aan bar kale ii tarayn, beerka ka ogsooni

Ninkii Belad shisheeye iga jiray, ee soo bixi waayey

Ee in aan bogsado uun jeclaa, beerka ka ogsooni

Laxaad waa badhaadhee hadduu, ii bogsado xooggu

Haddii uu biixiyaha Eebbahay, isugu kay beego

Abaal badh ah abaal bur ah abaal, bur iyo dheeraad ah

Ninba kiisa kaan ugu beddeli, beerka ka ogsooni.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s