Uhuru: Soomaali afkaaga ka duw!

 

Uhuru: Soomaali afkaaga ka duw!

 

Nin la dhihi jiray Duk Golostar (Henry William Frederick Albert) oo ahaa Boqoradda Ingiriiska Adeerkeed ayaa 28/5/1959ka wuxuu booqosho ku yimid Waqooyiga Soomaaliya [Somaliland] oo ay markaa gacanta ku hayeen Ingiriisku. Mudanaha CAD inta uusan imaan ayaa laga war helay inuu ku soo socdo deegaanka, oo awalba laga diiddanaa joogista ciidanka Ingiriiska, dadkii ka soo horjeeday waxaa ka mid ahaa Abwaan Maxamad Xaaji Ismaaciil Maxamuud1925 – 1962” oo in badanna dadka ku baraarujiyey qatarka nimankan cadcadi ay soo wadaan.

Abwaan Maxamad Xaaji Ismaaciil inuu maqlay imaashaha saan caddahaa ka sokow, waxaaba lagu casuumay inuu ka mid noqdo dadka soo dhaweynaya, oo walaalkiis Aadan ayaa u wacay si uu uga qaybqaato ku soo dhaweeynta Duk Golostar.

Inuusan walaalkii ka filayn inuu u soo jeediyo inuu gaal guluf kala dhexeeyo soo dhaweeyo ka sokow, Abwaanku wuxuuba ka calool xumaaday in wixii uu waligii sheegi jiray aysan dadka dhagahooda u dhaadhicin kuna degin, dux iyo dareenna galin, illeen hadday waanadiisu deeqi lahayd maanta isagii dadka ka celin jiray Gumayste iyo gumaysi looguma weceen inuu isla ninkii uu ka digay in lagu yiraa kaalay dadka u mashxaradaya ka mid noqee, markaa ayuu ku calaacalay Geeraarkan taariikhda galay, ayna ugu caansan yihiin meerisyadan uu ku yiri:

 

Awawgay ninkii indhaha tiray

Ninkii Aabbahay addoonsaday

Ninkii anigana i iibsaday

Ninkii ifka igu adduun tiray

Haddaan ogahoonan ka aarsan karayn

Haddaanan Aadanoow unuunka jarayn

Ninkaa araggiisa uurkaan ka nacbee

Aan ooyee albaabka ii xira!”

 

Geeraarku wuxuu ku caan baxay baydka ah: “Aan ooyee albaabka ii xira!” shalay maanta u ekaa, ma is tiri wali maalintaa Abwaanku erayadaa ciilkaambiga iyo catowga ah ayaa la taagan yahay? Ogoowee, waxaa ka soo wareegtay NUS QARNI ka badan, haddana, waaqica iyo xaalka Soomaalida wax sidaa ah iskama badalin, aan ka ahayn magacyo la duggaalay, asii dhammaan laga wada qaniinay [qoomameeyey]: Dawlad, Kacaan, Jabhado, Qabqable, Diin, Maamul beeleed, Aqoon yahan, walina sheekadu waa socotaa, haddaad i tiraa maxaad wixii dawlado dalka soo maray wax kama jiraan uga soo qaadday, oo aad sanadaha Mooryaanta iyo NGO-leyda ugu cammimaysaa? Waxaan kuugu jawaabayaa oraah Abwaan kale yiri, oo isna sida Abwaan Maxammad Xaaji Ismaaciil u yaabay ka daran u yaabay, waana Abwaan Axmed Ismaacil Diiriye “Qaasim wuxuuna yiri:

 

Isma doorin Gaalkaan diriyo, Daarta kii galaye

Dusha midabka Soomaali baad, Dugulka mooddaaye

Misna laguma diirsade qalbigu, Waa dirkii Karal’e

 

Arartaa iyo abtiriskaa ka dib, sidii ay u dhacday dhacdadii WEST GATE MALL, waxyaabo dhawr ah oo awal dadka intiisa badan ka qarsanaa ayaa soo baxay, oo inta dhugta iyo garaadka lihi horey u ogayd, asii ayba yar yihiin, haddana, waa markeedee, aan bal dul marno wixii dhacay iyo wixii ka dhashay, oo aan qabo inay saldhig u noqon doonto siyaasadda lagu hagayo Geeska Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD waqtiga nagu soo aaddan.

Xarunta Ganacsi ee WEST GATE MALL waxaa shan maalin haystay koox aan la garanayn magac iyo hayb waxa ay yihiin, balse, la isku raacay aragti ahaan inay yihiin ARGAGIXISO, summadda la siiyey ka sokow iyo tilmaamta laga qaadan karo, ma jirto wax caddayn ah oo loo cuskaday hummaag bixintaa, aan ka ahayn in dal dhan ay khalkhal ku abuureen, dadkii xaruntaa ka Dukaamaysanayana ay ARGAGAX galsheen, oo malaha ku fillaatay ama lagu kaaftoomay in loo aqoonsado ARGAGIXISO, iyadoon awalba adeegsiga erayga ARGAGIXISO aan si buuxda la isugu afgran, la iskuna waafaq sanayn.

Maalintii falkaa dhacay sida loo dilmay ee loo doorsoomay awgeed [DHIMAAL DHAQAN] waxaa batay doodda ah in Kenya wax walba loogu tabbarucu, ayba ugu horreyso in DHIIG loo shubo, si dadka dhiig baxa u dhiman raba loogu dhiigcelsho, waxaana middaa Billad ku mutaystay safka horana ka galay Danjire Cali Ameriko, oo isa soo sawiray isagoo dhiig shubaya, balse, sawirka marka aad si fiican ugu fiirsato waxaad moodda miskiin neefi hayso, oo Gargaarka degdegga ah la dhigay, haddaanba siyaabo kaloo ka sii liita loo qaadan karin. Bal adba.

Haddii Cali dhiig shubay, asii uusan ogaalka adeegsan, illeen ninkii dhiig u shuba nacab u bira tumanaya isagaa aakhirka ku bexee, bal xasuuso Yaasir Carafaat, 11/09/2001 wuxuu ku tabarrucay dhiig isagoo sida Cali Amerika safka hore ka galay dhiig bixiyayaasha, asii aanba sida aan filayo la weydiisan lana iclaamin inay baahidaasu jirto, 2004 Carafaat isagoo Sumaysan ayuu ku dhintay Isbitaal ku yaal Faransiinka, dilkiisa oo ay ka dambaysay Israa’iil iyo inta la jaalka ah, oo u adeegsatay koox Carafaat ay dhalyo iyo dhigaal siyaasadeed wadaagaan, oo ka dhigan in dhiigguu shubay uusan ku badbaadin, marka Cali muxuu ka filan karaa Kenyaanka dadkiisa joogtada u dilaya, dalkiisana xoogga ku haysta? Waa isaga iyo garaadkii.

Intaa laguma simin, ee  waxaa mar qura isla dhawaaqay saddaxda mudane ee ugu sarreeya dawladda Soomaaliya, oo laba ka mid ah ay dibad wareeg ahaayeen, midna uu Baydhabo ku qooshayey sidii loo burburin lahaa shirkii dawladda uu ka tirsan yahay ay Axmed Madoobe kula soo saxiixatay Magaalada Addis Ababa, maalintaa ayaa kii ugu hooseeyey iyo kii ugu sarreeyey madax ku sheegga Soomaalidu waxay la soo tannaagoodeen tacsi ay u dirayaan madaxda iyo shacabka Kenya.

Hubaal inay tahay tacsi wadaaggu arrin wanaagsan daris iyo shisheeyaba, haddana, waxaa la yiri: “Saxan Saxan ku gud, Saanna Saan ku gud” ee Kenya waligeed ma noo tacsiyeysay intaa aya qarax nagu socdee? Kaba muhimsane, Tacsi kama rabnee, maa xasuuqa kaliya na joojiso! Arrinta kale ee qosolka leh, ayaa ah in markii uu Uhuru u mahadcelinayey bulshada Caalamka iyo dadkii la wadaagey tacsida uusan xusin Soomaalida madax iyo shacab midna.

Midda anigase ii cuntami waysay waa: madax ku sheegga Soomaali haddii Saddexdii mashaqo ee (Kaawadii Duntey, Qaraxii Bakaaraha, Fatahaaddii Webiga Shabeellada dhexe), aysan u samayn shir deg deg ah oo loo qabtay Golaha Wasiirrada, wafdi loo saaray si ay ugu tacsiyeeyaan iyo midda kaba muhiimsane aanba loo quurin xitaa tacsidii xaqa la isugu lahaa, inta aan la gaarin middii waajibka loogu lahaa, taa kaliya ma ahan, idinku ma maqasheen wixii Kenya Soomaali xasuuqaysay hal mudane oo Soomaali ah, oo tacsi u diraya dadka dhibkaa joogtada ah lagu hayey? Haddaad haysaan nala wadaaga, haddaadnaan hayn madax ku sheegga farriintaan ha gaarto ah: MADAXEEY MUWAADINKA AYAA TACSI IDIN KA MUDAN!

Intaa kaliya kuma ekaan arrintu, waxaa dhan kale ka soo Qeylodhaanshay oo aan kala joogsi lahayn kuwa isku sheegay CULIMO, asii ah asalka iyo unugga ay ka soo askumeen ARGAGIXISADU, kuwaa oo kala jooga Maraykanka iyo Nayroobi, oo aan sida kuwaa tacsi iyo cambaarayn ku ekaan, ee u gudbay inay xukummo dul dhigaan kuwii falkaa gaystay, haddi ogaaw, waxaan lama yaaqan cidda gaystaye, haddana, wadaaddadaa beentoodu waxay ka dheeraysay kuwii beenta shaqada u ahayd ee siyaasadda iyo sed bursiga saabkeed sargooya.

Inta aanan u gudbin cinwaanka faallada kana dhammaan sheeka Soomaaliyeedka, waxaa jira warar la isla dhex marayo oo sheegaya in Xasan Shiiq uu ka codsaday Kenya inuu booqosho saacado qaadanaysa ugu yimaad si uu uga qaybqaato Tacsi Qarameedka la dhigayo, maadaama uu ka soo laabanayey safar uu ku joogay Maraykanka, balse, codsigiisa waa lagu soo celiyey, taasoo ka dhigan “Kan i diley maxaad is doorisaan?!” waxaana tacsidisii loogu bedelay yasmo iyo bahdilaad, oo aan loogu simin in laga diido inuu Kenya yimaad, ee waxaaba loogu daray in isaga, asalkiisa iyo faraciisaba lagu sunto ARGAGIXISO! Waana qaybta dambe ee aan faallada ku faaqidi doono, sida cinwaankuba yahay.

Intaa haddaan ku daayo [KABA-QAADE IYO KALKAALIYE AAN KAALIN LAHAYN], aan u gudbo dulucda faallada ee ah hadal uu jiidiyey Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyaatta, oo inta ka filanaysay ay yarayd, oo nuxurkiisu ahaa: “Aan Xusuusiyo in iyagu ay yihiin kuwii (SOOMAALI) sida aadka iskugu laayay Dalkooda, isla markaana soo faragaliyay ARIMAHA KENYA, DADKA KENYA KA AFDUUBANAYAY GUDAHA KENYA (….) ANAGA UGUMA TAGIN DALKOODA EE IYAGA AYAA NOO YIMID, waxaana laga yaabaa in ay is-yiraahdeen MAADAAMA KENYAANKU AY YIHIIN BULSHO ILBAX AH, WAA IDIN DAAWAN DOONAAN!”.

Budda hadalka Uhuru waa: “In Soomaalidu ay dalkooda soo gubeen, kiisana ay rabaan inay gubaan, balse, maadaama Kenyaanku yihiin ILBAX aysan taa aqbalayn!” Ilbaxnimoow xaal qaado marka hore, marka xigta, Uhuru malaha sida in badan ay aamineen ayuu waxa badan isku qaldayaa, isagoo sumcad iyo siyaasad gurracan ku doonaya, horta sheekadu saa ma ahan, hubaal in dalkeennii burbur lixaad leh gaaray, taana ay sabab u tahay laba arrimood oo is biirsaday, oo kala ah: LOOLLANKA GUDAHA iyo FARAGALINTA SHISHEEYE, oo idinka [KEENYAANKA] ahba aad qayb ka tihiin, waxaad kaliya ii macnaysaa, in shirkadaha Teleefoonka ee Kenya nambarka aad Nayroobi ka qaadato uu kuugu shaqaynayo ilaa Afmadoow [dhul Soomaali] iyadoon wax heshiis ah dhexmarin labada dal, aadna si buuxda ugu adeegsan karto? Sheekadaa maanta iyo maalintii aad dhulkeenna soo gasheen ma billaaban, ee waxay socotay in dhow toban sano.

Taa ka kaalay, ilbaxnimo af lagama sheegtee, dhaqan iyo dhur ayey u baahan tahaye, waxaana u asal ah waa laba shay [LABBIS iyo GANACSI] wali Kenya waxaa laga helayaa dad qaawan oo aan dhar qaadan, taa awgeed, ayaa waxaa jira ururro ku hawllan sidii dadkaa loo qabad siin lahaa ilbaxnimada Aadanuhu gaaray ee ay ugu horrayso in cawrada la asturto.

Sidoo kale, dhanka ilbaxnimada aad sheeganee ee aad Soomaali ugu faanee waa tee? Saw ma ogid inaan dadkiinna inta aan innagu burburka ku jirnay aad idinku ganacsi iy dhaqaale badan ka tacabdeen ganacsata Soomaalida? Saw ma ogid in dadka Keenya ay taa Soomaalida abaal badan uga hayaan? Madaama ay barteen sida loo gacansado, maalintii Soomaalidu Nayroobi imaanaysay Shaarka ama Jumlo ayaad ku gadanaysay ama waxaa lagaaga iibinayey lacag xad dhaaf ah, maanta waxaad wax ku gadataan tafaariiq, taana waxaa ku mahadsan Soomaalida, haddaad u quuri la’dahay dunida ayaa u aqoonsan, oo qofna taa u daba fariisan mayaan.

Dhanka kale, waa ayaandarro iyo abaal ka dhac in Soomaalidii Dhaqaalaha, Hormarka Ganacsiga, iyo Bilicda Kenya ka muuqata galisey inaad ku tilmaamto in ay yahiin Argagixiso Kenya ku soo duushay, maxaa yeelay, waxaa isaga kaa qaldan ama aad kas isugu qaldee, in nimanka rabashka idin ku haya ay yihiin kuwii anagaba xaa-kahda naga siiyey, oo hurdo iyo hargal noo diiday, in kasta oo dad badan oo beenta warbaahintu madaxa ka qabsatay ay taa aqbaleen haddana, xaajadu taa ka fog, oo waxa idin dhibayaa annaga toban sano ayey na dhibayeen, oo aad lahaydeen waa is cunayaan, oo waliba aad wali maanta aragtii qaldanayd ee shalay aad ku sii adkaysanaysaa, adooba ka sii gudbay oo aragti kale la yimid.

Haddii inta qayb ee uu leeyahay ciidanka Kenya ee leh: Militeri, Booliis, Sirdoon, Komaandoos IKK ay shan maalmood u caal waayeen dhawr iyo toban wiil sida ay sheegeen, oo aan ilaa hadda haybtooda la aqoon, eedda ma waxaad dusha ka saaraysaa Soomaali? Saw ceeb iyo cibaaro adduun idiin kuguma filla inaad ku fashilanteen inaad sugtaan ammaanka caasimaddiinna inta aan la gaarin degmooyin xuduudeed iyo meelo qatartu ku badan tahay? Aan ka xasuusiyee, anaga ka Soomaali ahaan, dhacdadan laba mar ayey nagu dhacday, balse, si hufan ayaa loo maareeyey, oo maalin iska daaye, saacado ma qaadan in la soo afjaro gafuur duub geeri u diyaar ah.

Geed baa wuxuu yiri: “Godineey haddaanan kugu daabnayn ima goyseen!” haddaba maqashada dhabta ah waxaa dhigay inta Soomaaliga ku hadasha ee Kenya degta siyaasiyiintooda uga qaybta ah dawladda Kenya, oo had iyo jeeraale la taagan in dhibku yahay Soomaalida qaxootiga ah, horta mid waa fiicnaa lahayd inay ogaadaan, “dad waxaa ugu liita ninka dab isaga dhajiya meesha uu ka kaadsho” qarashka Kenya ka soo gala ganacsiga ay Soomaalidu leeyihiin canshuuraha laga qaado, oo ay u dheer tahay baad iyo laaluush joogta ah, dhaqaalaha ka soo gala gargaarka qaxooyiga Soomaalida loogu talagalay iyo qarashaadka loogu talagalay hawlaha xafiisyada QM oo badi wali ku yaal Kenya, lacagaha meelahaa ka soo gala hadday u jeedi la’ yihiin, ee ay u muuqato inay QABIILLADA Soomaaliyeed qayb ka noqdaan, JAHANNAMO ku soo dhawaada ma ahane, anigu wax kale ma dhahayo.

Xasan Shiiq kuma ekaysan in uu tacsi la tawaawacay iyo inuu dalbaday inuu tacsida la goobtago, ee wuxuu dunida ka dalbaday in laga joogiyo Uhuru Kenyatta dacwadda ku socota ee loo haysto inuu xasuuq ka gaystay rabshadihii dhacay 2007, ka dib markii doorashadii dhacday natiijadii ka soo baxday lagu qanci waayey, oo ay ka dhalatay in gacmaha la isula tago, malaha markaa Kenya Ilbaxnimada ayey tixgalin gaar uga dhigaysay? Bal adba.

Midda kale waa, intii awalba isu taqaannay ama isku magacawday aqoon yahan, aniguse aan ku magacaabo HAL AQOON ee afar xabboo Ingiriis ah oo jajaban dadka ku afduubatay, qof ka hadlay sinji dhaanka Uhuru Soomaali u gaystay kuma jiro, sidoo kale, warbaahin beeleedku marka beelo la dacaayadanayo ama sunta Carabta ee Argagixisada lagu naaxiyo la fidinayo cidna kama baqbaq badna, haddana, marka ay timaaddo war iyo wacaal wax u tar u leh umaddan, ee dunjigeeda iyo dadnimadeeda lagu difacayo darka ku arki maysid. Allaw adaa faxan.

Haddaba, Uhuru adoon afkaaga Soomaali balaq ku siin, dhacdada “West Gate Mall” waxaa laga qaadanayaa casharro dhawr ah, waase haddii maan furan iyo maskax fekeraysa lagu eego, haddii kale, aragtidii qalloocnayd ee Kenya ama qolo naga haystay ama aanba iska haysannay ayaa sii jiri doonta, waxaase hubaal ah, haddii Kenya aysan bilaha soo socda siyaasaddeeda ku aaddan arrimaha Soomaaliya wax ka badalin inay jid furmay iyo dhabba haloosina ku noqon doonaan falalka caynkan oo kale ah.

Midda kale, ee aan doonayo inaan xoojiyo waa in; ALSHABAAB IYO SOOMAALI LABA KALA YIHII, sida dhabtu tahay tiro iyo tayo, cudud iyo ciidan ALSHABAAB Soomaali waa ku badan yihiin, haddana, ma is weydiisay maamulka iyo maarayntoodu sida uu yahay? Ma is weydiisay nimankii teer iyo maalintii Maxkamadaha dunida ay ku daba jirtay inay Soomaali yihiin in kale? Taa oo kuu caddaynaysa inay yihiin koox ay ku dhan yihiin dhalashooyinka dunida, waxaa ku jira: Marayn, Ingriis, Yaman, Keenyaati, Suuriyaan, Afgaanistaan IQKB. Haddaba, intaa oo dhan ayey ka kooban yihiine maxaad idigu isu galinaysaa cuqdadda ah Alshabaab waa Soomaali? Maya Alshabaab Soomaali ma ahan, ee waa koox Argagixiso ah oo xiriir la leh Alqaacida, ee aan lahayn DHAQAN iyo DHALASHO.

Daliil kale, ma ila xasuusataan weerarkii cirka ahaa ee lagu dilay Cali Xaalax Nabhaan ee ka dhacay tuulada Roobow ee ka tirsan Degmada Baraawe ee Gobalka Shabeellada Hoose bartamihii September 2009? Nabhaan wuxuu ku dhashay Magaalada Mombasa ee dalka Kenya April 1979. Haddana, maanta ayaa la doonayo in Alshabaab, Alqacidda iyo Argagixiso nalagu magac dhaamo, iyadoo sooyaalka iyo sida jirta la iska indha saabayo.

Inta aanan gababayn, ayaan jeclaan lahaa inaan saddax arrin sooyaalka ka soo xigto, oo kala ah:

1. Buug la yiraa (The Stolen Desert) oo markii ugu horreysay 1966 lagu daabacay London oo uu qoray nin ku abtirsada dabaqadda sare ee Ingiriis, magaciisuna ahaa Edward Robert Bulwer, balse, ku caan ahaa (The Early of Laytton) ayaa wuxuu isku garab sawiray Aadan Cadde iyo Jomo Kenyatta [UHURU Aabbihii],  gabar Kikuyo ah iyo gabar Somaaliyeed, Buush u dhisan habar Turkaano ah iyo aqal Soomaaligii Ina Cabdille Xasan kaga gabayey:

Min daroof leh, aqal daahyo weyn, dadab la meegaaray

Isgarb dhiggu wuxuu salka ku hayaa, marka laga soo tago kala duwanaashaha oo bannaan yaal ah, in ILBAXNIMADA xitaa lagu sii kala duwan yahay, oo lagu kala horreeyey. Haddaba, iIlbaxnimadu waa taa ay noo qireen caddaanka deegaanka xoogga mar ku haystaye, Uhuru asalkaaga iyo abkaaga ha illaabin. 
2. Lord Dalemere oo Woqooyiga Soomaaliya joogi jiray ayaa loo beddelay East Afrika [Kenya], wuxuu kala kulmay dad uu la dhaqmi waayey lana qabsan waayey [CAWAAN AH], dabadeed wuxuu Woqooyi ka soo watay dhowr boqol oo Soomaali ah, waa kuwa maanta loo yaqaan SUJUU, markey dalkii la dhiseen ayuu “Islii iyo degmada Siyeelow” dejiyey. Sebenkii Ingiriisku gumeysan jirey Afrika, askarta Soomaalida laguma dari jirin safka Afrikaanka, oo Soomaalida waxaa loo yiqiin (AYRIISHKII AFRIKA) taa oo ka dhigaysa in Askarta Soomaalida ee ka tirsan Ciidanka Afrikaanka ah ee Ingriisku ka qortay qaaradda Afrika, ay Soomaalidu ugu sarreeyeen. 
3. Joomo Kenyatta [UHURU Aabbihii], waxaa laga soo xigtay inuu gabdhaha beeshiisa kula dardaarmay inay xiriir gogoleed [GUUR iyo GUGOL DHAAF] mid ay noqotaba la yeeshaan Hindida iyo Soomaalida, si loo dhalanrogo muuqaalkooda, oo malaha aysan ku qanac sanayn, una abuurmaan dhallaan ka dheeh iyo dhabar duwan iyaga.
Ugu dambayn, sida Abwaan Maxamad Xaaji Ismaaciil Maxamuud ee aan Geeraarkiisa ku billaabay faallada dhihi maayo “Aan ooyee albaabka ii xiree” maadaama la yiri: “Nimaan aarsan uurka hooyadii ayuu ku jiraaye” anigu waxaan leeyahay:

 

AAN AARSADEE AAYAR II SUGA!

AAN KU ORRIYEE, ALBAABKA II FURA!”

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com

Advertisements

5 Comments

  1. Illahow adaa noo maqan ee dhibka naga dul qaad bashirow eebow allaa xal og wlh waxa nagu heysto kenya lama so kobi karo hadan ka tagi laheyne melan ka aadno manaqan muqdishana alla xalkeda og iyo dhul somali o dhan kuma noqon karo xamar maxa yelay qof la aamina malahan hada waxan maqlay wiil aan sxbo nahay o ahaa gudomiyaha laanta calasow dheere e degmada shibis o xabsiga lo taxabay wuxu lahaa 2 face dowlada iyo alshab waxa gurigisa laga helay hobiyayal marka yaa la aamina meel lo noqon karo malahan dhibka nagu heysto adomadana ma ahan mid qof damir leh qadan karo ma ahan ebow bashir e noso ducey

  2. Pingback: Horn Cable TV

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s