Soomaalida Libya iyo Munaasabadda Iidda

Soomaalida Libya iyo Munaasabadda Iidda

Nolosha Aadanaha waxaa soo mara maalmo farxadeed si weyn uga duwan maalmaha kalee caadigaa, Shacab kastana wuxuu leeyahay Munaasabado waaweyn oo si gaara loo xuso qaban qaaban qaabo ballaaranna loo sameeyo si rasmi ahna looga wada qayb galo guud ahaan bulshada qaybaheeda kala duwan; Yar iyo Weyn Lab iyo Dhadig Masuul iyo Qayrkiis.
Munaasabadahaa waaweyn oo kala nooc ah kalana duwan siyaabo kala jaadanna ku yimaada, marka la soo gaabshana laba qaybood noqonaya oo kala ah: Munaasabad Diineed ku timid jidayn iyo farid diin, & Munaasabad Qarameed ka soo maaxatay halganka Umadaha iyo dadaalkooda.
Hadaba sida la wada ogsoon yahay waxaa lagu jiraa maalmahaan munaasabaddii weyneed ee Iidul fidriga oo ku beegneyd 23-kii bishan, Muslimiinta oo u dabaal daga laba munaasabadood oo waaweyn oo labaduba dhaca marka la guto ama dabayaaqada laba waajib oo ka mid ah tiirarka Islaamka oo kala ah: Soonka, iyo Xajka, labadaa waajib ayaa Iidahu ka dambeeyaan ayna kala yihiin: Iidul Fidriga/Iidda Soonfur oo dhacda Bisha sagaalaad ee tirsiga Bilaha Carbeed ama bilaha Dayaxa & Iidul Adxaa/ Iidda Arafo oo iyana ku began bisha laba iyo tobnaad ee isla bilaha Carabta ama bilaha Dayaxa.
Iidan oo ah tan ay maalmahaan u dabaaldagayaan Shucuubta Islaamka ee ku nool Dunida daafaheeda, munaasabaddaan oo Shucuubta Muslimku siyaabo kala duwan u xuseen duruufaha ay ku nool yihiin oo kala duwan darteed sida: Colaado, Nabad, Dagaallo, Abaaro, Cudurro,iyo Gaajjo,taas ayaana keentay inay kala jaad noqoto hab Iideedka Bulshooyinka iyo dabaal dagyadooda Iidda.
Shucuubtaa ku dhex jirta dammaashaadkaa Iidda waxaa ka mid ah Umadda Soomaaliyeed oo kuwa ku nool dalkii ay ku haysato dhibaatooyin lixaad leh oo ku keentay inaysan dareemin farxadda Iidda taasna ay ugu wacan tahay xaaladda qalafsan ee ka jirta dalka iyo nolosha adag ee ka dhalatay: Colaadaha, Dagaallada, Abaaraha, iyo Gaajada ku baahday gabi ahaan dalka oo dhan, taasna waxaa ka dhashay in Umadda Soomaaliyeed ay Iido badan ku soo dhawaysay kuna soo gashay kuna sagootiyeen Murugo badan iyo Tiiraanyo aan la soo koobi Karin.
Kuwa dalka ku sugan waxaa ka daran qaybo dalka ka hayaantay kuna nool dalal shisheeye oo ay usii dheertay murugadaa iyo tiiraanyadaa Qurbo iyo ka dheeraanshada Ehelada iyo Asxaabta, bal aan tusaale ugu soo qaadanno qurbo ku noolayaasha; Soomaalida ku dhaqan ee ku nool dalka Libya iyo hab Iidkooda, guud ahaan dalalka Carabta hab Iidkooda oon sidaa u kala duwanayn kana midaysan cidlaynta magalaada xiridda suuqyada laga dukaamaysto taas oo keenta in gabi ahaanba uu istaago gaadiidka Dadweynaha aadna ay u yaraato dhaq dhaqaaqa dadweynaha taas oo shaki ku galinaysa in magaaalo la dagan yahay iyo in kale ? iyo in maalin Iideed tahay iyo in kale ?.
Soomaalida ku nool dalka Libya tiradoodu oo iskaba yartay marka la barbar dhigo Soomaalida ku nool dalal Carbeed sida: Masar Sucuudiga, ayaa waxaa lagu tilmaami karaa Iidooda mid aad u qaraar maxaa yeelay faaruqintaa aan soo sheegnay ee magaalada la cidlaynayo Libya waxay la sii dheertahay inay tahay dal aad u xir xiran aanna laga jeclayn si diiranna aan looga soo dhaweynayn dadka Ajaanibtaa kuma sii jiro haddii midabkaagu Madaw yahay kana soo jeedo Qaaradda Afrika, taasna waxay ku keentay Soomaalida degan inay ciriiri ku noolaadaan iyagoo taa la wadaaga dad yowga madowga ah ee ku dhaqan dalkan Libya, taasna waxaa ka dhashay inaysan waxba saamayn ah ku yeelan dabaal degyada iyo u diyaar garowyada Iidda gaar ahaan middan ay Muslimiintu dhex dabbaalanayaan, inuu ku sii kordho wel wel iyo naxdin mooyee, halka qaarkood ay ku qaadanayaan Iidda gudaha xabsiyada Libya ama Saxaraha u dhexeeya Libya iyo Sudan ka dib markii laga musaafuriyey magaalada.
Haddana waxaa jira qoysas Soomaaliyeed oo fara ku tiris ah oo si habsami leh ugu diyaar garoobay soo dhawaynta Iidda ugana qayb qaatay damaashadkeeda balse bah weynta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Libya kama dareemaysid farxad Iideed iyo inay ku dhex nool yihiin maalmo iideed iyagoo ay ka muuqato duruufaha qallafsan ee ku haysta Qurbaha.

Oktoobar, 2006

 

Bashiir M. Xersi.
brdiraac@hotmail.com

 

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s