Eedaysane aan Af lahayn iyo Umad aan Indho lahayn!

Image

Eedaysane aan Af lahayn iyo Umad aan Indho lahayn!

 

Xilligii Maamulkii beesha Umawayiintu u talin jireen Dawladda Islaamka, ayaa waxaa aad u xoogaystay rabshado iyo fawdo ka dhammaan waayey deegaanka Ciraaq, markaa ayaa waxaa loo diray Xajaaj Ibnu Yuusuf, oo ahaa ninkii saddax maalin Maka iyo Madina xalaaleeyey, ee hantidiina la dhacay, dadkiina la laayey, dumarkiina la kufsaday.

Markii loo soo magacaabay inuu Ciraaq maamulo, ayuu Xajaaj amarro ad-adag ku soo rogay, waxaana ka mid ahaa inuu magaalada ka mamnuucay in laga boxo ama la soo galo qorraxa dhaca ka dib {habeenkii} uuna saaray Bandaw, ogoowe Xajaaj waxaa la sheegaa inuu yahay ninkii aas-aasay waxa iminka loo  yaqaan BOOLIS, ee suga ammaanka magaalada, malaha baahida uu arkay ayaa u horseedday inuu hindiso ee haddana hirgaliyo, sidoo kale, Quraanka Jus iyo Xisib isagaa u qaybiyey.

Habeen habeennada ka mid ah ayaa waxaa magaaladii soo galay ogaal la’aan nin miyiga fog ka yimid, oo aanba war u hayn lana socon sharcigan magaalada lagu soo rogay. Haddii la qabtay ayaa waxaa loo taxaabay saldhigga Booliska, habeenkaana xabiga baryey, waagu markuu dillaacay ayaa waxaa la keenay Xafiiskii Xajaaj, loona sheegay in ninkan xalay la soo qabtay, ka dib markii uu magaalada iska soo galay, isagoo sidaa ku jabshay amarkii ahaa inaan magaalada habeen la soo galin.

Xajaaj horay xukun kama ridin, ee ninkii ayuu weydiiyey maxaad ka qabtaa waxa lagaa sheegay? In loo soo qabtay inuu magaalada soo galay uma baahna caddayn iyo qiraal, ee wuxuu isku dayay ninkii inuu xujo ka dhigto inuusan ahayn reer magaal deggan  magaalada, oo miyiga ka yimid, uusanna la socon sharciga meeshaan looga dhaqmo, taa awgeedna uu mudan yahay in lagu cafiyo.

Dabcan waa dood maangal ah, mudanna in tixgalin gaar ah la siiyo, balse, Xajaaj dhan kale ayuu ka eegay, oo wuxuu isbarbardhigay; yaa fudud inaad fasaxdo ninkan kaligiis ah iyo in aad xakamayso fawdada magaaladan ka jirta? Wuxuu doorbiday tan dambe, wuxuuna ku yiri hawraartan can baxday, oo ah: “DILKAAGA BULSHADAA DAN UGU JIRTAA!” sababtoo ah waa meeshii laga yiri: “WEYSHA GAWRAC DIBIGU HA KU QUUSQAATE!” ama “NINKII QAYRKII LOO XIIROOW ADNA QOYSO!” micnaha meel reer miyigii sharci awsan ogayn uu jabshay lagu filayey, maxaad u malayn haddii kan jabshay magaalada deggan yahay? Hubaal inuu ka qaban ogan yahay. Waa: “ABKEEY DOOLLI DILOOW, DAD NOOL MAAS U DAHAA?!

Sidii quudka iyo qaraabka siyaasadda Soomaalida uu uga mid noqday laba arrimood oo kala ah: ARGAGIXISO {xayraannada xukunka} iyo SHARCEECO DABIQID {Wadaaddadii Waallidu wadday} waxaa ku soo badanaya falal xunxun oo ay ku kacaan kuwo magac masuuliyiin sheeganaya, asii masuulnimo inay ka fog tahay iska daaye aysan xitaa ehel u ahayn, maxaa yeelay, fogaantu keeni mayso inaad maalin masuul noqoto, kuwanse maalin iska daaye mirir xitaa inay noqdaan ayey meel ka dhac ku tahay mudnaanta iyo muunadda masuulnimo.

Dawladdii Carta ee C/qaasim hoggaankeeda hayey in Ballidoogle Isbaaro loo dhigtay ka sokow, iyadaaba isugu dhigataye, see haddayba gummaddii ka laabatay inay gacan gacaliso {SALAAMAAN}  masuuliyiintii shisheeyaha ahaa, maxaad ka filan inay dhexdeeda isku samayn? Balse, waxaa looga badbaaday laba arrin oo muhim ah, oo kala ah: 1-inaysan dagaal qorshaysan iyo olole dirir galin, dabcan iska hor imaad hubaysan kama hadlayn. 2- inaysan yeelan UDUBKA aan u baxshay TIIRKA lagu TOOGTO inta TABARTA DARAN! Balse, ha illaabin sicir bararkii iyo lacagihii bugta ahaa ee xilligeedii la iska soo daabacan jiray.

Maalintii C/laahi Yuusuf Xabashi la yimid, illeen kaligii ma imaan karine ama ma imaan karee, kala wareegga ku dhacay hannaanka siyaasadda Soomaalida ma ahayn kaliya inay dhasheen Alshabaab, ee bal dhanka kale ka fiiri, waxaa billowday DAD LAGA GANACSADO tii ugu ballaarnayd ee Soomaaliya ka dhacda, oo hore uma jirin miyaa? Haa waa u jireen, balse, wadar iyo jumlo ma noqon, fardi fuluus laga qaato un bay ku koobnayd. Marka laga soo tago inta ay dilal qorshayn iyo gaadmo ku dileen wax garad, aqoon yahan, nabaddoonno, gacansato IQKB, xabsiyada ay gacanta ku hayeen dadka ayaa lagu kala iibsan jiray {suuqa dadka nool lagu kala iibsado}.

Kaaga darane adoo gurigaaga iska fadhiya oo qoyskaaga iska dhex jooga ayaa inta lagu soo qabto la leeyahay Alshabaab ayuu ka tirsanaa, ka dibna ay qasab tahay inaad MADAX FURASHO bixiso, si aan laguugu gudbin Xabsiyada Xabashida, Alla imisa Soomaali oo aan waxba galabsan ayaa Xabsiyo Xabashi lagu xiray, iyadoo Xamar ama Koofurta Soomaaliya laga qaaday, iiga xanuun badane imisaa wali ku xiran oo aan cidna isweydiinayn? Aawaye hay’adaha sheegta inay u doodaan xuquuqda Aadanaha, Soomaalidu miyeysan Aadanaha aad xuquuqdooda u dooddaan ku jirin? Waxaan soo jeeadinayaa in la magacaabo GUDDI arrintan dabagala, hadday jiraan wax nolol ku dambeeya dadkii xerta Xabashi ay Xabsiyada ugu xareeyeen.

Jirdilka, bahdilka, nasab caayga, ka hadal iyo warin ma lahan, ee adba iska qiyaaso. Dadka MADAX FURASHADA laga qaadanayey waxayba ahaayeen kuwa nolol ku hantiyee, ooba suuragal ay u noqotay inay ka sheekeeyaan ama nooga warramayaane, ee kuwa aan haysan ama aanba la siin fursad ku filan sidii ay u bixin lahaayeen MADAX FURASHADA ka warrama? Dabcan, midda dambe si dadban iyo si toos ahba waxay dabada u la galaysaa BEEL, maxaa yeelay, ama qoys sabool ah ayuu ka dhashay ama waa midda ugu darane waa kuwa u nugul arrimaha noocan oo kale ah, oo ka soo jeeda BEEELAHA AAN HUBAYSNAYN [LOOMA OOYAAN!] ama xurguf beeleed iyo aano qabiil hore ayaa lagu daboolay, ka dib ogaalka beesha maxbuuska, kan dambe, laba dirsooc ayaa u kulantay.

Maanta, wajiyadaa dadka afduubka loogu haystay mid meesha waa ka baxay, waana kii ahaa in dadka loo daad gureeyo Xabsiyo Xabashi, waxaanse harin walina dhammaan intii kale oo ay ku soo korortay mid kale ooba intii hore ka foolxun kana qaabdaran. Sidii ay u dhalatay dawladdii Shareecada Islaamka, asii markii hore ahayd dawladdii midnimo qaran, waxaa soo kordhay wax aan horay loo aqoon, haddii la yaqaannana aan sidaa u badnayn, falalka looga horreeyase aad ayuu u badan yihiin, balse, ma isu dhigmaan? Ma isu dhigmaan xanuunkii hore iyo kan dambe? Ma noqday wax ku ool mira dhal ah, mise waa maxaa iga galay iyo maadigaa yiri? Taa Soomaali ayaan u nahay.

Aqriste aan kuu soo koobee, falalkii hore waxay kala ahaayeen; 1-DAD LA ISKA XIRTO SIDII XOOLO CAMAL! 2-MADAX FURASHO LAGA QAATO. 3-hadduu is bixin waayana {beel ama beeso} XABSIYADA XABASHIDA loo dhaadhiciyo. Falka ku soo kordhay wuxuu yahay QOORGOYN, waxaana inta badan amarkiisa saxiixiisa oo go’aankiisa lagu fulshaa Mudane Xasan Maxamed XuseenMungaabMadaxa Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida.

Mudane Mungaab, asii loogu yeero General, aniguse aanan aqoon goorta iyo xilliga uu noqday, kaba muhimsane sida iyo qaabka uu ku noqday, dabcan, aqool iyo tababar ciidanna ha ka reebin. Waxaanse malaynaa inuu xilka ku helay, walina ku hayo laba daaqadleeyda diinta iyo qabiilka isku daboolan, dabcan, kaalinta afar iyo barku meesha kama maqna iyo madax salaaxii madaxweyne Shariif sida dad badan aaminsan yihiin, Xasan Sheeqna malaha uu u bogay naxariis la’aantiisa iyo gurracnaantiisa.

Mid ha dhihin ninkan waa qolyaha dhibsanaya sugidda ammaanka, soo celinta kala dambaynta iyo adkaynta xasilloonida Muqdisho iyo dalkoo dhanba, maya, intaa anaa kaa jecel, ee anigu midda aan dhibsanayo ayaa ah XIL EEXEEDKA oo mar walba dhala XUKUN QALLAFSAN, oo sii dhala arxandarro iyo dad gaar ah in la ugaarsado, markaa xaggeed ku huraysaa aargoosi iyo aano aan dhammaad lahayn, iyadoo intii hore wali loo la’yahay xal, xaalin iyo xil? Waa “SINA” warcelintu, ee aragtidu ha ku deeqdo haddaad daymo leedahay, haddaadse dano iyo dad aan wax kuu ogayn difaacee, darxumada docdaada ayaad uga jirtaa ee ogoow dammaanoow.

Mudane Mungaab sidii xilkaa loogu dhiibay saddax sano ka hor, inta xukunkiisa lagu geeyey TIIRKA lagu TOOGTO inta TABARTA DARAN tirin ma lahan, jacayl uu qabo inuu wax xukumo iyo inuu dhiig daadsho qoorna gooyo, waa ninka samaystay XAFIISKA WAREEGA, si uu xukunka ugu rido isla goobtaa uu taagan yahay, oo ka dhigan, inaysan jirin hab iyo hannaan maamul, eel eh: XIRID KU MEEL GAAR AH, BAARITAAN IYO DABAGAL, HUBIN IYO HABAYN, FALANQAYN IYO FAAF REEBID, ISBARBARDHIG IYO ISKU AADDIN, ugu dambaynna ay tahay IN XUKUN LA QAATO, mar walbana sal u ah qaaciddada caamka ah ee muhimka eeba la iska hilmaamay maya la iska tuuray ee ah; “laba daran mid dooro!”.

Horta dil xaa lagu mutaystaa? Sidee loo mutaystaa? Tan hore warcelinteeda aqrtistaha ayaan u deynayaa, illeen qofba meel ayuu ku dhifanayaaye, marka laga reebo QISAASTA, oo iyagan soo hoos galaysa weydiinta dambe oo aan doonayo inaan waxyar ka dhaho, dad badan oo Soomaali ah ayaa qaba ama ay ka dhaadhacsan tahay aragti inay qalloocan tahay ka sokow, ay u dheer tahay inay gurracan tahay, maxaa yeelay, waxay aamisan yihiin SOOMAALI QOF AAN DILIN MA XUKUMI KARO! Aragti aan ku fadhin maangal iyo dood cilmiyeysan, kula aadi maayo duni shishe iyo meel dheer, illeen taasi waa casharree, waxaan kuu caddaynayaa in aragtidaa jaban tahay Dhaqanka Soomaalida iyo Sooyaalka Siyaasadda Soomaalida intii dalwad lahaa ama hardanka raadinteedii lagu jiray.

Inta aanan taa galin qodob muhim ah ila garo, DIL XAL MA AHAN MANA KEENO XASILLOONI, ee inta qabta: “MALYAN HA LA LAAYO SI KUN LOO XUKUMO” aragtidaa dib ha ugu laabtaan, sidan waxaan u leeyahay, Maxamed Siyaasad Barre, oo ahaa madaxweynihii Soomaali soo mara kii ugu xoog badnaa, uguna xukun dheeraa ayaa barqo caddeey iyo dharaar duhur isagoo fara maran oo gacan ku gambad ah xaruntii xukunkiisa ugu xoogga badnayd ee Xamar isaga huleelay, isaga oo aysan horor ku soo ahayn ciidan habaysan iyo cudud military, Jabhado unbaa jidka ku diray.

Tiir baaska maanta dadka lagu dilo ee aan u baxashay magacan ah TIIRKA lagu TOOGTO int TABARTA DARAN ayuu Siyaad ahaa ninkii ugu horreeyey ee rag ay siyaasad iyo maamul qaybsi isku qabteen ninkii tiirkaa geeyey barqo cad, malaha maankiisa ma soo galin baan filaa in isna barqo uu carari doono? Taa kaliya ma ahan Maxamed Cabdille Xasan siduu beelaha Geela ugu dhacayey, dadka u lahaa waa “XUJOWDAY” isna meeshii u dambaysay waa la ogaa, inuu galbeed u galo Caruushana gabdhihii ka guursadeen, isna malaha kuma fekerin caaqiba xumada ay lahayd falalkiisa gurracan?.

Dadka Soomaaliya lagu dilaa waxay kala yihiin saddax qaybood:

1-madaxda is magacaawday ama la magacaabay, ee xil iyo xukun aan xaraf iyo xaqlo ka hayn haya. 2-il-qabatada bulshada, sida: Aqoon yahan {Hal aqoon}, Oday Dhaqameed, Gacasato, Xirfadleey, sida; Wariye, Dhaqtar, Injineer IWM. 3-Muwaadin caadi ah, ee ka soo haray intan sare ku xusan, ee noqon kara shaqaale dawladeed ama shaqaale gaara, miskiin iska xamaasha amaba camal laawe aan shaqo haysan.

Saddaxdan kan hore dilkii loo gaysta qofkii lagu soo eedeeyo ama lagu tuhmaba Nabee Malaggi ayaa galay, illeen waxa la fiirinaa ma ahan qofkan dambi ma galay? Ee waa inta aan anaga nala soo gaarin, si nalooga cabsado aan kan sii qaarijinno, dilkiisana aan boobsiinno! Dilka kuwa dhexe loo goysto marka laga reebo in Warbaahinta laga sheego intaa ma dhaafto, illeen cid dan ka leh ama uu wax ugu yaal maba jirtee. Kan u dambeeya ayaa ugu ayaandaran, isaga dhimashadiisu waxayba u tahay farxad, maxaa yeelay, awalba noloshiisa ayaaba dhib ku haysay. Haddaad tahay Soomaali uma baahnid daawashada Filimaanta HORORKA ama  CABISADA ah, kaliya waxaad u baahan tahay inaad daawatid ama dhageysatid AKHBAARTA DALKAAGA! Iyadaa kaa deeqaysee.

Midda aan la yaabay baa ah, sidan uu Mudane Mungaab xukun ugu riday Malleeshiyo ama Mooryaan adigu kaa doonto dhehe, aniguse Wiil ayaan leeyehee, maxaa yeelay, xilligii erayadaa astaan iyo summad noqon lahaayeen iyo qaabkii ay yeelan lahaayeen labadaba waa la soo dhaafay, ee Wiil labaatan jir ah, oo aan MAAMUL, MAARAYN IYO XUKUN WALIGII ARKIN, marka aad inta qori degta u surtay aad ku tiri waxaad tahay ASKARI iyo CIIDAN aadan anshaxiis iyo asluubtiis barin, ee aan mushaar iyo biil midna qaadaan, hadduu BAC QAFIIF xado sidee Mudane Mungaab iyo inta ku aragtida ah ugu xukunteen dil iyo TIIRKA lagu TOOGTO inta TABARTA DARAN in la geeyo? Taa ha la iga jaahil baxsho, waa haddaad aqli idiin maqoorada haysaan, haddayse tahay iska dil laguu soo raacan maaye, aniguma darin, ahna sida muuaqata, oo haddaa kuwii hore maxaad uga duwan tihiin? Bal adba. 

Midi waa marag ma doonto, in wiil dhar loo galiyey, ee waliba aan mushaar la siin bilo iyo bilooyin, uu wax walba ugu horraysiinayo siduu Mijin Qaada ku heli lahaa, balse, aniga ilama ahan dhaliisho inay halkaa jirto, oo waxaan arkaa iyadoo eedda dusha laga saarayo wiilashan qorayaha loo dhiibay, oo waliba marar badan ka dhexdhaco dagaal qasaaro gaysta, iyadoo lagu andacoonayo waa wax aan anshax iyo akhlaakh ciidan lahayn.

Sax, balse, waa biya kama dhibcaan in wiil labatan jir ah, oo aan waligiis hannaan dawlo arag, inaan sidaa loogu baxsan, loogu baacsan looguna xagxagan wax uusan aqoon, aanna la barin! Sababtu waa sahlan tahay, waa inaan waligiis ishuusu qaban wax qaldan ma ahane wa saxan, haddaa, ma waxaad leedihin adna wax ha qaldin? Mise isaga ayaa dhaliishu qabataa? Malaha waa meeshii laga yiri: “Ilko meesha u jilicsan ayey goostaan”.

Anigu aan eedda saaro meesha duleelku ka jiro, ayna taal darinta dayaca, dalka dawlad ayuu leeyahyay, madax, masuuliyiin iyo maamul ay hoggaanshaan, ka sokow, waxaa jira xarumo, laamo iyo goobo u xilsaaran maaraynta dalka, waxaaba ka sii daran inay jiraan kuwa ku magacaaban dabagal, haddaba, kuwaa awaye shaqadoodii? Maxaa wiilasha yaryar usha loogu boobayaa?.

Haddii hannaan hufan la raacayo saw ma ahayn in eedda falka wiilkaa ka dhalata dusha laga saaro madaxda is magacaawday ama la magacaabay?. Kaaga muhimsane, kuwa mushaarkii wiilashaa loogu talagalay Shaarubka iska marshay, maxaa farta loogu fiiqi la’yahay kuwaa, illeen waxaan ognahay mushaarka wiilashaa inay si joogta ah u baxiso Hay’adda UNDP? Bal adba.

Ma inta laga soo leexday tun weynta iyo afar jeebayaasha xaaraan cunka ah, ayaa wiil aan Gambo iyo Baysteen haysan fal uga dhacay anxshax aan la barin iyo asluub aan loo dhigin ayaa gabannada  lagu gumaadayaa? Midda kale, dawlad ku sheeggu ma waxay u dhisan tahay badbaada dadka mise dabargoyntooda? Illeen inta gacantooda ku dhimatay tirin ma lahane, ha ahaato inta waliishani fara fudaydaka ku dilaan iyo inta isla iyagana fara fudaydkii oo kale ku dilaya, ayna u dheer tahay dhiigya cabnimada kuwa xukunka haya.

Tan kale, ma ogtihiin in Dhaqaatiir badan ay ka dayrinayaan Xabsiyada Dawladda Xamar? Ma ogtihiin Maxbuusyada ku jira Xabsiyada dawladda ay in badan ku waasheen duruufta ay ku sugan yihiin awgeed? Saw ma ahayn in kuwa tacaddiyada Xabsiyada gaysta in iyagana tiirka toogashada la geeyo, mise iyagu waa buur ama buur ayey ku tiirsan yihiin? Qodobkani waa kii aan sadarrada sare kugu lahaa wuxuu ka mid yahay waxyaabaha wali ka dambeeya dhaqamadii Xerta Xabashida. Dhanka kale, wiilasha Xabsiga Xamar ku xiran waxaa ku badan wiilal dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii ay maqleen dalkii ayaa nabad ka dhalatay, oo awalba ka cararay dhibkii Shabaab iyo xasuuqii Xabashi iyo xerteed.

Dhanka kale, Xildhibaan Prof Dalxa ayaa dhawaan si cad u sheegay in dadka dilalka waxashnimada ah lagu filiyo ee la geeyo TIIRKA lagu TOOGTO int TABARTA DARAN ay u badan yihiin Beesha Jareer Weyne. Waxaan ugu dari lahaa inay yihiin inta Xamar iyo Koofurta ka korreeysa deggan, maxaa yeelay isku celcelis iyo tiro guud dadkii dhawaanahan siyaabaha kala duwan loogu fuliyey fal qaraareedka [QISAAS] ama sugid ammaan [SUR GOYN] waxay badankoodu ku abtirsadaan dadka deegannadaa ka soo jeedo. Hadday dorraad ahayd: “LOOMA AARAAN” shalayna ay ahayd: “LOOMA OOYAAN” maanta waxaan maraynnaa “LAMA AASAAN!” berri sida ay noqon doonto war uma hayo, indheer garadkaan u daayey inay sii saadaaliyaan.

Maamulka Bari ee Faroole horjoogaha ka yahay ayaa xukun dil ah ku riday wiil ka soo jeeda Koofurta Magaalada Gaalkacyo, maalintii uu xukunku soo baxay ka dib todobaad Magaalada Gaalkacyo waxaa ka taagnaa qalalaase iyo deganaasho la’aan, ilaa markii dambe ay qasab noqotay in go’aankaa dib looga noqday ama sidiida la daboolo tallaabana aan la qaadin illaa inta xaalka arrintu si kale u dhacayso, haddaba, kuwa maalin Xamar lagu dilay hadday ahaan lahaayeen wiilkaa oo kale ma kula tahay in xukunnadaa qalloocan lagu fulin lahaa? Ani ahaantay maya, adna?.

Tan kale, yaanan warka kugu badine, waxaa la yiri: “Mayd waxaa u dambeeyey kii la siisidee!” aan tusaale u soo qaato dhacdadii Magaalada Beledweyne, oo wiil Magaalada Xudur ka soo jeeda lagu toogtay, ka dib markii la yiri wuxuu qirtay inuu dilay Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda, marka laga soo tago inuusan deegaanka u dhalan, ee aqoonta uu u yeelan karaa ay isa koobnaan karto, haddana, arrinta la yaabka ah baa ah, in raggii dilka wax ka gaystay ee u dhashay Gobolka Hiiraan la sheegay inay baxsadeen, waxaan kala garan la’ay inay baxsadeen iyo in la fakiyey? Midda kale, xaa wiilka Xudurna loo dilay kii Beledweynaha aan xitaa loo qaban? Bal adba.

Alto Belleey wuxuu degannaa xaafadda Madina, maalin isagoo Sigaar cabbaya, ayaa waxaa qabtay Malleeshiyadii Maxkamadaha, oo ay si fiican u yaqaanneen, waxaana lagu yiri: “Waxa aad cabaysaa Sigaar ma ahan ee waa Xashiish!” markaa ayuu ugu warcelshay: “Hilib Baruuraa u jilicsan, dadna Jareeraa u jilicsan haddaad waddaan Xashiishaan Cabbaa, haddii kalana Sigaar!”. Tani waxay i soo xasuusin dhacdooyinkii Maxkamadaha oo mar walba ay soo qabtaan Mooryaanta beesha ay inta Tikit u gooyaan lacagna siiyaan ku dhihi jireen orod Nairobi aad.

Waxaa naxdin leh, marka aad aragto, warbaahin ku sheegta Soomaalida, Wargeysyo, Mareego iyo hadday muuq baahiye yihiin, oo soo bandhigaya sawirro wiilal yaryaroo macawisya duuban, madaxana mara lagaga duubey, oo tiir baaskii ku gegan ama legdan.

Habka loo dilayaa waa mid aan diin, dhaqan iyo qaanuun waafaqsanayn, sidoo kale, yaa arkay hebelbaa la dilay mooyaane, qof la deldelayo, oo telefishin laga soo deynayo ama mareeg lagu soo daabacayo sawirradii oo xinjir dhiig leh, marka laga reebo dhaqankii laga dhaxlay Alshabaab maahine?.

Tan labaad ee naxdinta leh ayaa ah, in haddii la dilo layska aaso, oo aan la siin xurmada iyo xeerka maydku leeyahay oo ah in ehelkiisu aastaan, dhaqdaan, karfantaan iyo duugtaanba. Dil ku fulinta iyadoo laysku diiddan yahay, ayaa haddana waxaaba loo dilayaa si foolxun, ninka dilaya haddaad weydiiso, qaabka loo bireeyo xoolaha wuxuu kugula soo boodayaa, maaha inay birta la soofeynayo maqlaan ama ay arkaan, waa inaad si naxariis leh gawracooda u fulisaa.

Haddaba, maxaa diidaya qofka la dilayo in si wanaagsan loo agaamiso dilkiisa? In direys iyo dhar u gaar ah loo galsho, indhaha maradan weyn looga duubayo inta laga daayo mid u gaar oo loogu talo galay lagu duubo, haddana  meel gaar ah oo gooniya oo aan bannaan ahayn, ee goob afarta askari ee dilka fulinaysaa ay joogto iyo dhakhtarka hubinaya inuu dhintay iyo wadaadka yaasiiminaya keliya ay joogaan la geeyo, hadhoowna la geliyo tallaagada maydka lana daboolo meelaha daloola ee dhiiggu ka socdo ehelkiisana lagu wareejiyo oo la siiyo gaadiid ay ku qaataan oo xabaasha ku geeystaan. Anigu yaabaye nimanku arxan daranaa!

Dishaye ha dulleyn maydka, Dishaye ha dayicin maydka, dishaye ha ku digin maydka, Hadduu dambiile yahay oo ciqaabtiisa la mariyo, miyaanu mudnayn in la xurmeeyo maadaama lagu fuliyey ciqaabtiisii oo la xaqdhawro.

Bulshadennii waxay noqotey sidii hashii ninka gurranaa uu dheelmiyey, taas oo kala kulantay in labada dhinac midna uusan garaaca geel jiruhu usha uusan ka nasin, sababtuna tahay, hadba ushu gacantay u soo gasho ayuu siduu rabo ugu garaacaa. Dhammaan maamulladii soo marey dadlka ama garsoorkii bulshadeenna magacyadoodii haddaad maqasho macnaa kaaga baxayo sida: Qaalli Huurshe, Qalin Shubato, Qowliisato, Riseysato, Aw-Geeddi Shaanbow IWM.

Haddaan qormada soo gaabsho, waxaan ku soo koobi karaa saddaxdan weedh, oo kala ah: 1- Madax maqaar saar ah, oo aan masuulnimo iyo maamul mudnayn. 2- Maxbuus marag iyo maal la’aan xiran. 3- Marxuum maxkamad iyo maamuus la’aan la dilay.

Ugu dambayn. Soomaalidu waxay u baahan tahay saddax “CELIN” laba waxaa u baahan BULSHADA, midna waxaa u baahan MADAXDA. Labada ay BULSHADU u baahan tahay, waa: DHAQAN CELIN iyo AF CELIN. Dhallinta daamanka qalimmada iyo xarriiqyada midabaysan ku leh, ee sanka iyo dhagaha duratay waxay u baahan yihiin DHAQAN CELIN, sidoo kale, Qaad-cuneyaasha, Dableyda, Ugaas dillaalka, Jeneraal Xarrago waxay u baahan yihiin DHAQAN CELIN. Kuwa aan AF, ERAY, ARAR iyo AFARREEYNA aqoon waxay u baahan yihiin AF CELIN. Midda MADAXDU u baahan tahay, waa: BULSHO U CELIN! Oo ah in MADAXDAN bahallada noqotay, ee aad uga fogaaday BULSHADA in DIB LOOGU CELSHO, loona dhigo sida BULSHADU tahay, waxa ay u baahan tahay, waxa ka maqan, waxa ka dhimman IWM. 

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com

Advertisements

3 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s