Maxaa loo HAKIYEY Dagaalkii lagula jiray AL SHABAAB?!

Image

Maxaa loo HAKIYEY Dagaalkii lagula jiray AL SHABAAB?!

 

Sooyaalka siyaasad dirireed ee Soomaalidu wuxuu soo maray marxalado kala duwan, oo mid walbaa wax gaar iyo wax gooni ah ku can ahaa, waxayse ka midaysnaayeen dhibka, dhaca, dhimashada, dhaawaca iyo dhimaal dhan walba leh; dhaqan, dhugasho, dhaqaale, dhalandhool {hayaan} iyo dhigaalba.

Marxaladahaa kala duwan, oo siyaabo kala gaddisan u saameeyey nolosha qofka Soomaaliga ah, ayaan doortay inaan ku soo gaabsho fara marxaladod, si aan ugu xiro midda maanta taagan iyo cinwaanka faallada. Marxaladaha aan soo qadanayo ma ahan inaan isla ayagii ka sheekaynayo dhib iyo dheef, balse, waxaan soo xiganayaa HAL KU DHAGYADII IYO HAL QABSIYADII HIRGALAY, ee halaagga soo jiiday.

Midda koowaad waa Daraawiish {MOORYAAN} ee uu hoggaanka u hayey Maxamed Cabdille Xasan, kadeedka iyo kaadi ku dhijinta ay dadka ku hayeen ka sokow, Ina Cabdille Xasan waa ninka laga dhaxlay erayga ah: “WAA XUJOWDAY!” oo loo adeegsan jiray qof walba oo la doonayo in lagu gardarrooda, si lo bannaysto: dhiiggiisa, dhaqaalihii iyo dhaxalkiisa. Marxaladdaa qofkii la dilayo ama la jujuubayo wuxuu sababsan jiray eraygaa iyo weedhaa. Wuxuu colaad holciyaba Ina Cabdille markii dambe Caruusha ayuu dan biday, siduu u galbeedsaday Abwaan ku farxay oo Gaws dambeedka ka qoslay ayaa yiri:

Marxaladda xigtay oo aan ku raad iyo rukun ahayn, ayaa ah xilligii “HALGANKII XORRIYADDA” ee ay hoggaanka u hayeen ururradii rayidka ahaa, ka gadaal markii ay fashilmeen is qaadkii wadaaddada gaar ahaan kii Daraawiish iyo Ina Cabdille Xasan, see markii horaba Alla dartii, dad iyo dal jacayl looma duulayne. Marxaladdan qof walba oo la rabo in qudha laga jaro ama la qaarijiyo waxaa summad looga dheegayey inuu “LEEGO” yahay! Hal ku dhaggan waxaa samaystay nacabka Soomaali, oo shisheeye iyo Soomaali isugu jira, balse, kan hore iyo kan xigi doonaba waxaa halbeegga dhigay Soomaali.

Marxaladda saddaxaad waa Kadeedkii Kacaankii Oktoobar, oo Soomaali u horseeday halaagga ay maanta dhex heehaabayso aqool iyo aqoonba, hubaal inaan ogaalna la is weydiinayn. Kacaankii si uu dadka u afduubo wuxuu hirgalshay erayo been ah sida: “Tawradda Barakaysan IWM” iska daa qof ka horjeestee, qof walba oo tuhun iyo shaki laga qaado xabsi iyo ciqaab ayaa sugayey, taa baddalkeed qof walba oo la rabo in waxyeello la gaarsiiyo waxaa loo cuskan jiray waa “KACAAN DIID” Nabee wax la diido waa ahaa. Alla mahaddi sida maanta xaal yahay hadduu ahaan lahaa, hubaal in dad badan baad iyo leego looga qaadi lahaa eraga ah: “KACAAN DIIDNIMO!” sida qaybtan dambe ku sifowday.

Marxaladda afraad waa marxaladdii JIHAADKA iyo JANNADA, ee ay horseedka ka ahaayeen WADAADDADII WAALLIDU WADDAY {MAXAAKIMTII} inay dalka Xabashi u gacan galsheen ka sokow, waxaa dalka ka qaxay dad aan waligood ka qixin sida uu u billowday dagaalka sokeeye, waxaana burburtay hanti naf iyo maal isugu jirta. Marxaladdan oo ay si buuxda u dhaqangashay waxa loo yaqaan MUKULAAL MADAW waxaa qofkii xurguf idin dhextaallay oo aad xarash u haysay, ama dakano iyo aano qabiil idiin taallay loo adeegsaday eraga “ARGAGIXISO” oo ay wehliso in dadka laga beec mushtaro, oo marka hore xabsiga xabashida lagu xirto, marka dambana la yiraa haddaad rabto in lagu sii daayo “IS FURO” oo sidaa looga qaato madax furasho, sidan waxaa ku maqan dad badan oo aan ama beel xoog leh ka dhalan ama qoys sabool ah oo aan dhaqaalahaa haysan ka soo jeeda, oo sidaa Xabsiyada Xabashida ee Itoobiyo loogu gudbiyey, war dadkaa wax ka warqaba ma jiraan? Waxaan soo jeedinayaa in dadkaaa guddi loo saaro dabagal ku sameeya wixii ka nool.

Sida aan sare ku sheegaba qodobkan ARGAGIXISADA dibadda ayaa laga soo dhoofiyey, anaguna sida caadada noo ah kuwa adeegsaday iyo kuwa loo adeegsadaba waa garan waynnay inaan waqti iyo waaqica aan joogno fiirinno. Waa mare saw lama ogayn in Soomaaliya ay safka hore uga jirtay dawladaha Maraykanka bartilmaameedka u ahaa? Ha moodin inay ARGAGIXISO kaliya tahay, oo aar gudashana kama marnee ma moogaan, illeen Maraykan ma illaabin dagaalkii Oktoobar 1993 iyo Akartii Laamiyada Muqdhisho lagu jiidaye.

Taa waxay keenaysaa in nimanka diinta wakiilka ka noqday, ee aan haysan warqadda wakiilnimada Ileehee inaysan xilli ku manaasab ah ku soo aaddiin Eebbe wakiil ka noqoshada, waxaana taa caddayn kaaga filan, 1996 Maxkamaddii u horraysay ee Waqooyiga Muqdisho laga dhisay iyadoo waliba xadgudubyo {XADAD} fulisay ayaan la soo wareerin, marka haddii diin dacareed la doojinayo waxay ku habboonayd xilli aysan dadka dacarta ku kicinayn. Haddaad Sixin ama Subag iska badiso ee aad Kulayl iyo Dhamac ku oroddo ee naftu kaa haaddo, adaa is dilaye, cidna kuma dilin.

Dhanka kale, nimankii qandaraaska ku soo qaatay la dagaallanka ARGAGIXISADA iyaguna ma qiimayn natiijada ka dhalan karta iyo saamaynta ay nagu yeelan doonto dhaqaale iyo dhaqanba, balse, “Nin Soori kaa qaadday ka daran nin Seefi kaa qaadde” waxay eegteen sunuudda iyo sandareerta yar ee ay Maraykanka ugu qaadimaynayeen, sidaa ayey ku noqdeen laba qarbud ku heshiisay ogaal la’aan labadooduba.

Qodobkan Argagixisada waxaa ku caanamaalay C/laahi Yuusuf, oo keensday 50,000 [Kontan Kun] oo ciidan Xabashi ah, kana gaystay Magaalada Muqdisho iyo Goballada Koonfureed xasuuqii ugu xumaa ee taariikhda ummadda Soomaaliyeed soo mara, dawladnimadii ka hor iyo ka dibba. C/laahi Yuusuf kali kuma ahayn gumaadkaa, ee kaaliyayaal badan ayuu lahaa, oo Xabashidu u xushay, sida: Cali Maxamed Geeddi oo Wasiirka koowaad u ahaa, Maxamed Maxamuud GuuleedGacma Dheere”, Cabdi Wali Gaas, Salaad Cali Jeelle, Xuseen Caydiid, Yuusuf Azhari, Xuub Sireed, Moorgan, Yusuf Dabageed, C/karpim Laqanyo IQKB.

Iyadoo wali bartanka looga jiro hannaankii ku caanamaalka eraga Argagixiso, asii markaan kuwa lisanayaa ay yihiin isla Argagixisadii shalay aragtidooda gurracan, maankooda maran, maskaxdooda maqan iyo diin dacareedka ay wadeen dartood Xabashi marmarsiyaha uga dhigtay inay ku soo gasho dalka, xasuuqii ba’naana ka gaysto, ayaa markan madaxtooyada dhex fadhiya, oo shaarar kale iyo shulugya kale wata, yaab, Shareecadii shalay aaway? waxaa iiga sii yaab badan kuwa wali dadka ku sii dhibaya mariidka diinta. Ma ogtihiin in Sh. Shariif hawdka Kismaayo diyaarad uga qaadday Jenday Fareizer?.

Ha moodin inay ka maran yihiin Wadaaddadu soo galintaanka Xabashida, illeen Xabashi kuma soo dhiirrateen inay dalka soo gasho, haddii aan looga baaqin Xamar iyo Fagaaraha teribuunkee, ma ila xasuusataan erayadii ay ka midka ahaayeen; “Iidda waxaan ku Dukunaynnaa Addis Ababa!” sidaa waxaa yiri Indhacadde iyo ku xigeenkiisii Muqtaar Roobow oo Maxkamadaha u qaabilsanaa Arrimaha Difaaca, dabeedna Xajka iska aadeen. Nasiib xumo iyo ayaan darro Xabashidii ayaa Iiddaa Xeebta Xamar ku Iidaystay. Saw ma ahan baaq rasmi ah oo ah; “idinkuna Xabashi u gooddiya iyo dawladda C/laahi Yuusuf, anaguna waxaan ku baaqaynnaa in nimankaa hororka ah nalaga celsho!” oo labadaba ay mar walba ku eed le’ dahay Xabashidu, mar waa ammaankeenna ayaan difaacaynnaa, marka kalana dawlad nala saaxiib ah ayaa gacan na weydiisatay! Bal adba.

Haddii magacyadii iyo muuqaalladii is badaleen macangagna lagu badalay macangag kale, dhanka shirarka iyo dallaalnimada waxba iskama badalin. Haddii gaaladii shalay lagu jihaadayey ee Xabashida ku daabnayd xilkii laga qaaday, ee Wadaaddo Iimaan leh oo Alla ka cabsigu qanjaha buuxo la keenay, maxaa is badalay? Intii sugaysey asii aan dadka dabeecadihiisa si fiican u dhuuxin daniba tiriye, candhuuftooda ayey gadaal u liqeen “Wan weyn ilaa laga gawroco indhihiisu cirka ma arkaan!” Soomaaliduna waa sidaaye, ilaa ay dhibka ka soo dhadhanshaan oo ay ku soo xaruurugaan iskuma dayaan inta aysan musiibada faraha la galin inay xuuraamin iyo xan waraysi u galaan.

Marna xeeshaa marna xooggaaye, dawladdii Islaamka ee Shariif hoggaaminayey raggii ay shalay isla shahiidi jireen ayey maanta ku shahiideen, waxaa u suuragalay iyaga oo kaashanaya ciidanka AMISOM inay muqdisho iyo nawaaxigeeda xoog Alshabaab uga saaraan, taa oo dad badan u arkeen tallaabo loo qaaday dhanka wax ka qabashada ammaanka iyo nabad sugidda, oo runtii ahaa qodob in badan ay sugayeen dadka ku nool deegaannadaa.

Ayaan darro iyo ayaan wanaag wax ay tahay ma aqaane, Alshabaab goobaha ugu muhimsan ee laga qabsaday waxaa la qabtay xilligii dalwaddii Shariif, oo ay ugu muhimsan yihiin saddaxda magaalo xebeed ee Muqdisho “Caasimadda” Marka iyo Kismaayo, sidoo kale magaalooyinka Afgooye, Namabar Konton, Baydhaba, Afgooye iyo Beled Weyne, maadaama Shariif uusan xilka mar kale ku guulaysan la dagaallankii Alshabaa halkaa ayaa lagu hakiyey, oo sabab? Bal adba garo.

In ammaanku sidii yahay oo aan wax laga qaban, haddii uusanba sii xumaan, waxaa kuugu daliil ah, in Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Banaadir looga magacabay Sargaal Alshabaab horay uga tirsanaan jiray, oo la yiraa: Maxamed Aadan Koofi. Dhanka kale, Alshabaab dagaalkii ka dhanka ahaa maxaa loo joojiyey? Inaan diyaar loo ahayn in Alshabaab lala dagaalo waxaa kuugu daliil ah sidii xilka looga qaaday Gen. Dhaga Badan ABAAN DUULIYIHII hore ee CIIDANKA QABALKA SIDA, yaa maqlay berrin ama bar Alshabaab laga saaray, iska daa in degmooyin iyo gobollo laga saaree?. Midda kale, Alshabaab maanta iyadaa is cunaysa, ee maxaa looga faa’iidaysan la’ yahay khilaafkooda, oo intii la soo xeragalin karo looga soo reebi la’ yahay? Bal adba.

Waxaa jirta aragti qalloocan oo dad badan aamisan yihiin, oo uu ka mid yahay Madaxweyne Xasan oo ah: “ALSHABAAB WAXAA LAGU DABAR JARI KARAA IN DHALLINTA WAX LA BARO!” anigu waxaan qabaa inay arrintani tahay hummaag iyo hambariirsi aan jirin oo la hullaabtay. Mid aan ka duwanayn ama aan ka dheerayn taa waxaa isna qaba Qoraa Ibrahim Yuusuf AxmedHawd” oo qoray: “…Sheekada wanaagsani mar haddii ay akhristaha siiso fahan sarreeya oo uu u yeesho guud ahaan nolosha, gaar ahaanna dadka kale iyo nafsiyaddooda, fikirkooda iyo dareenkooda, waxa ay gelisaa arxan (empathy) uu waxa ay dareemayaan ku la dareemo. Arxandarro iyo nacabnimo badan oo dadka ka dhexaysa waxaa keena iyada oo la awoodi waayo in dareenka la qaybsado oo xanuunka iyo farxadda qofka kale la la falgalo. Tusaale ahaan waa ay adag tahay qof dhallinyaro ah oo sheeko akhris caado u lihi in uu qori qaato oo noqdo dilaa ama budhcad

Maxaa arday aqris caado u lahaan jirey, haddana, laayeen iyo dilaa noqday? Dadka maanta wax dilaya waa wada dhallinyaro leh aqoon heerar sare ah. Yay ahaayeen kuwii basiyay “Twin Towers“-kii Ameerika? Ka warran Axmed Cabdi Godane, sow maahan nin sheekooyin badan aqristay? Waxaa badan dhallinta Shabaab ka mid ah oo waxbartay, balse, aan wax ku dheefin. Sidoo kale, kuwa maalin walba isqarxiya  ee ka yimaad Galbeedka iyaguna ma jaahiliin baa? Saw wax ma baran? Aqoonta inaan kaligeed wax lugu dheefin aan kuugu daro, Gaandi wuxuu haystaa “Prof” oo daraji ka sarraysa oo aqoon laga gaaro aysan jirin, haddana wuxuu u qalab sitaa sidii dadkiisa u layn lahaa? Hawdow hal la bartay kaliya laguma hagaago!

Xagjirnimada waxbarsho qallalan laguma dabar goyn karo, sida aan dagaal iyo dirir kaliyana lagu soo afjari Karin, tan wax barsharada tusaalooyin nooga filan waan soo sheegay, midda dagaalka Ciidamada ISAF waxay Afganistan joogeen toban sano ka badan, haddana, Daalibaan waxba ka qaban waa, sidaa awgeed, waa in la unkaa aragti liddi ku ah midda ay adeegsadeen argagixisadu, si loo jabiyo ugxaantooda inta aysan nagu qolaf dhacsan.

Waa in la abuuraa fekrado ka dhan habka ay u fekeraan, qaabka ay u maareeyaan nolosha, hannaan ka fog sida ay u maaniyaan aqli, aqoon iyo aqoolba, hubaal in tani ay naga badbaadinayso inaan mar walba bartanka ka taagnaanno arrimo aan dhammaad lahayd. Maska haddaad rabto inaad disho madaxa ayaa lagu dhuftaa, nimanka haddaan fekerkooda lala dagaalin waxbarasho iyo xabbado waxba kama qaadayaan.

Tan caksigeed ayey dawladdu u tallaabo qaadday, shirwenihii dhawaan Xamar lagu qabtay, ee ku saabsaanaa XAGJIRNIMADA, waxaa safka hore fadhiyey nimankii XAGJIRNIMADA Shabaab dhalay ama abuuray, oo haddaa sidee u dhici kartaa nin dhibkuu abuuray in loogu yeero inuu dhidibada u siibo? Moogi, haddaan dan ama Dollar ku qasbayn. Waxay la mid tahay adoo ka hadlaya shirweyne ka dhan ah ISBAARADA, oo ka qaybgalayaashu yihiin MOORYAANTII ISBAARADU u taallay! Waa kaaf iyo kala dheeri.

Inta wali ay hoggaanka dawladda iyo horyaalka umadda ku Milan yihiin kuwii heerkaan Shabaab soo gaarsiiyey, marna ha filan in Shabaab la dabargooyo, illeen dabargoynta Shabaab waxaa qayb ka ah in kuwaana laga qariyo bulshadee. La yaabka baa ah in qodobbada shirkii XAGJIRNIMADA uu ka mid ahaa qodobkan: “In Culimmada Soomaaliyeed ay warbaahinta ku yeeshaan barnaamijyo joogto ah…” inta ay hore ugu yeesheen ee Shabaab dhashay iyo inta hadda ay ku leeyihiin ee Shabaab quudisa ku fillaa waaye, markaa ayey dheeri iyo in ka badan doonayaa, annaguna waan aqbalaynnaa, deedna waxaan leenahay Alshabaab ha lala dagaalo, oo side loola dagaalaa? Adaaba Fayrisku kobciya dadka ku sii dhexdaaye.

Taliye ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo ku sugan Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe oo la weydiiyey sababta kelliftey in degmooyinka Gobolkaa ay weli Alshabaab joogaan? Ayaa ku jawaabay: “Alshabaab awood kuma joogaan ee waa lagu hayaa, waxaan ku tagnay saddex baabuur degmada Biyo Cadde ee Shabaabku joogaan, 50 nin kama badnayn, waana naga carareen, nasiib xumo isla markiiba waxaa amar nalagu siiyey in aan dib uga soo laabano degmada Biyo Cadde, oo aan fariisimmadii aan ku lahayn Jawhar ku soo noqonno!

Mar kale isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Mahaddaay oo 29 Km u jirta Jawhar tiro ka saddex jeer ayaan ka soo baxnay, waa awoodnaa inaan qabsanno ilaa Buula Barde, haddii la kala gooyo Alshabaabka Bari ee Degmooyinka Ceel Dheer, Ceel Buur iyo Maxaas jooga, waana la go’doomin karaa haddii laamiga laga qabsado, waxaase hortaagan madaxda sare iyo ciidanka xoogga dalka!”.

Hadalka taliyaha qofba suu rabo ha u macnaysto, balse, waxaa biya kama dhibcaan ah in maalintii Xasan Sheekh xilka la wareegay ay ugu dambaysay Alshabaab xabbad lagu rido iyo magaalo laga saaro. Waxaa kaa taa kuu caddanaya ma jirto magaalo, degmo, tuulo, goof, barrin, gal ama haro Shabaab laga qabsaday sidii Madaxeyne Shariif aqalka madaxtooyada uga huleelay, aan ku weydiiyo, waa haddaad si leedahay ninkan borobogaando ayuu wadaa: waxaad noo sheegtaa meel shabaab laga qabsaday oo la timaami karo? Ma doonayo degmo ama tuulo maalinba qolo qabsato micnaha la kala qabsado, oo marna shabaab qabsadaan marna dawladdu qabsato, sida ka dhacda Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Bakool.

Dhanka kale, sidee ku dhacday in Alshabaab deggan yihiin, oo Maraykan ku soo weeraro Degmada Baraawe oo Magaalada Marka Caddeey u jirta 124 KM? sidee maangal ku tahay in Shabaab haystaan wali Buura Barde iyo deegaannada u dhaw? Macno ma u yeeli kartaa in degmooyinka Gobolka Gedo galinna shabaab haystaan, galinka kalana Sunnada gobolkaa iyo Xabashi qabsadaan? Anigu run ahaan macno aan u yeeli karo oo aan ka ahayn in ay jiraan RAG KU CAANA MAALAYA eray SHAYDAANKA ARGAGXISO ma hayo, maxaa yeelay, daba dheeraashada dagaalka ka dhanka ah Shabaab, ee lagu macnayn karin taatiko, tabaryaro iyo tayo la’aan, waxay ka dhigan tahay uun in magacaa lagu tuugsado, in naaskaa la jaqayaa uusan gurin, oo ah in dagaalku iska socdo oo ma dhammaade noqdo!

Waxaa la yaab leh in xitaa dadka deegaankooda rahanta loo dhigtey, ee Shabeellada dhexe, Hiiraan, Galguduud, Gedo iyo degmooyin kale aysan iyagu diyaar u ahayn inay heeryadaa iska qaadaan. Midda iiga muhimsan baa ah, waxaa deegaanka Gobollada Dhexe ka soo jeeda Madaxweyne Xasan iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Guuleed, inta kale danba kama lehee, iyaguna ma waxay door bideen in dayaca dadkooda ay ku qaraabtaan? Iigaba sii muhimsane, xoogga iyo itaalka siyaasadeed ee ay galsheen arrinta Kismaayo maxay u galin waayeen Gobolladaa sidii marka hore Alshabaab looga saari lahaa, ka dibna maamul loogu samayn lahaa? Haddaad si fiican ugu dhabba gasho waxaa kuu soo baxaya dhibaatooyinka qarada weyn ee ka jira Gobolladaa ee dadkaa lagu hayo. Sidoo kale, waxaa kuu soo caddaanaya in Shabaab aysan lahayn awood ay ku sii joogaan gobolladaa, ee waxaa ku haya isla dowladda lafteeda, oo doonaysa inay dhaqaale ku uruursato: WAXAAN LA DAGAALLAMAYNAA ARGAGIXISO CAALAMI AH.

Dawladdan in badan oo wax ma garato ama maalin joog ah ku tilmaameed dawladdii ISBADALKEE, run ahaan waxaa la dhihi karaa ISBDALKA dhabta ah ee ay samaysay WAA INAY HAKISAY HALGANKII LAGULA JIRAY ALSHABAAB IYO DHAGAALKII KA DHANKA AHAA, taa ooba shaki badan dhalinaysa, ma rabitaankooda ayey ku hakiyeen mise waa lagu armay?.

Weydiintan waxaa igu dhaliyay ka dib markii aan arkay iyada oo la leeyahay ciidanka AMISOM ayaa lagu soo darayaa 6000 {Lix kun} kale {dheeraad ah}, oo kaalay lixdaan kun iyo kumannaankii horey u joogay yey la dagaallamayaan, haddaanba muddo sanad ka badan aan lala dagaalin nimankii Alshabaab oo ay dartood Waddanka loo keenay? Bal adba.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

Advertisements

14 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s