Maansada: “Ma daw baa?!”

 

Image

Maansada: “Ma daw baa?!”

Tixdan gaaban waxaan u baxshay: “Ma daw baa?!”. Waxay xambaarsan tahay digniin iyo caqlicelin ku jawahan inta lagu sameeyey “MAAN MAYRKA” ee loo carbiyey nafti-hallignimo iyo nafaf kale halaagiddeed, waxayna leedahay:

Ma danbaa ma dawbaa
Ma Dintii Ilaah baa
Ma dariiq Rasuul baa
Dad Islaama qarax iyo
Holac iyo dambaaburo
Dab inaad ku qabataa?!

Janno doon haddaa tahay
Docda aad ku socotiyo
Darta aad ku joogtaa
Waa daleelo maran iyo
Dalanbaabi lagu lumo!

Doqon madaxa laga xaday
Aqligana la daba rogay
Sun Carbeed dabool iyo
Looga dhigay dahaar adag
In la dilo dantiis tahay
Inuu dilo u daw tahay
Shahiid diran inuu yahay
Jannadiina dalaq oran
Dawadiisa yaa garan?!

Daarta Aakhiraad iyo
Durduurtii Fardawsaad
Dariskiyo xigaalada
Ehelkiyo dullaabtood
Daqar iyo waxyeelliyo
Middi aad ku dooxdaa
Lagu waayey darajee
Ee dacar ha leefine
Iska diid nin kula mida
Inuu madaxa kaa dago
Kugu diro dadkaagiyo
Dalka aad u dhalatiyo
Maamul dawladeed iyo
Askar iyo darays iyo
Waxa dabaq inoo dhisan!

Dib u socod ha noqonnine
Ha is dilin walaaloow
Hana dilin qof aadmi ah!
Labadaasi kala daran
Mana lahan mid doorroon!

Dhammaad.
08/11/2013

Bashiir M. Xersi

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s