Dam-jadiid Dayac maahane Daryeel lagama hayo!

Image

Dam-jadiid Dayac maahane Daryeel lagama hayo!

 

Murti ayaa leh: “Mar i dagi Allaha dago, mar labaad i dagase anaa is dagay!” waa xigmad xajiib ah oo aan Soomaalidu ku dhaqmin, mar walbana garabmarto. Mid kale, waxay leedahay: “La mood noqonse wayday!”. Sooyaalka Soomaalida marka aad eegto waxaa ku xardhan inta kol ee aragti la’aan aan NIN, NIMAN iyo KOOX ku hungownnay, ka soo billaw maamulkii madaniga ee loo baxshay “Maamulkii Musuqa” kii ciidanka oo isna loo baxshay “Kacaankii Luggooyo” kii Jabhadaha ee loo baxshay “Marxaladdii Mooryaanta” kii Maxkamdaha ee loo baxshay “Wadaaddadii Waallidu wadday” midkan maanta la joogo oo isna magaciisu noqday “Maalmaha Damjadiid” oo loogu baxshay inaysan sii jirayn, oo ay dabargo’ayaan mar aan dheerayne.

Intaa oo sooyaalka ku jira ee aan mar walba qaladnay TALISKA, TALADA IYO TALLAABADA inta la iska indha saabay ayaa nimankii xilka ka qabtay 10 Sebtember wixii ka dambeeyey waxaa laga dhigay inay yihiin Malaa’ig iyo Mahdi u soo baxday inay dalkan ka saaraan murrugmaarugta. Anigu inta u sacbisay kuma jirin, sida kuwa kale aanan ugu sacbin, balse, wixii aan maalintaa ka iri intii is lahayd ninka in wax la mucaarado ma ahane wax kale ma hayo ama ii aragtay inaan nin waalan ahay ama inaananba rabin inay wax hagaagaan waxaan kaliya dhihi lahaa maanta waxa dhacaya fiiriya, maxaa isbadalay? Haddii su’aashaa si hufan la iiga warcelsho waan iska tagi lahaa.

Haddaadan sooyaalka sidaa u aqoon waxaa hubaal ah inaad fahmayn waxa maanta dhacayana, laga yaabee inaad isku qancisay isku mid  ma aha, oo aad ayey u kala fog yihiin, hubaal inaysan raggu isla raggii ahayn, balse, ay yihiin dhaqan iyo dhur wadaag, kaba muhimsane, ay yihiin ardaydii ka qalin jabisay madrasadii kuwii hore, oo ayba u yihiin macallimiin ay ka barteen luggooyoda, qallooca, gurracnaanta iyo marin habaabinta, waata la yiraa: “Ratiga dambe, Ratiga hore saanqaadkiisa ayuu leeyahay” iyana wax kale ma samayn aan ka ahayn inay kuwii hore ku daydaan.

Aan u imaado kuwan yeeshay raadkii kuwii hore. Dawladdii Shariif waxaa riday kana hor istaagay inuu xukunka dib ugu soo laabto waa MUSUQMAASUQ, qarashaadkii dawladda dhan ayuu wuxuu ku shubay Akawn ay leeyihiin ganacsato, lacagtii deeqaha ahaydna waxaa loo maareeyey hab cajiib ah, oo ka fog maamul iyo dawladnimo, una eg hannaanka maafiyada iyo mooryaanta, oo in badan aysan u arag inay dhib keenayso, balse, dhanka kale waxay wax ka qabatay la dagaallanka Alshabaab oo ay ka saartay deegaanno badan, maalintii ay tagtay aaba ugu dambaysay Alshabaab lala dagaalo.

Xasan iyo xertiisu markii ay xerada soo galeen, bulshadu waxay u hanweyneyd in laga gudbi doono hannaankii hore u soo halleeyey dawladda, ee ay ugu horrayso maamulka oo la wanaajiyo, maarayn hufan oo lala yimaad, maalka oo la xakameeyo iyo musuq maasuqa oo lala dagaalo, musuq maasuq maamul iyo maalba. Intii taa sugaysa waxaa ku habboon inay candhuuftooda dib u laqaan, maxaa yeelay taa badalkeed ayaa dhacday, oo xukunkii dalkaba waxaa la wareegay koox yar oo isku dan ah, kuna daaban shisheeye oo wax aysan iyagu soo go’aamin uusan hirgalayn.

Kooxdan yar oo Soomaalidu u taqaan “Damjadiid” ayaa madaxtooyadii iyo xukuumaddiiba la wareegay, dhanka madaxtooyada waxaa u fadhiya Faarax Topaz, Xasan Sheeq iyo canaasir yaryar oo ka soo wada qalinjabshay Machadka Simad, Dalalka Sudan iyo Masar. Taa waxaa dheer qolyo aragti ahaan cabsanaa mabda’aa oo ka yaacay Yurub iyo Waqooyiga Ameerika oo halkaa u shaqa tagay, Allaw aysan irsaaqaddu naga galin sidii aad walaalkaa u dhiigmiiran lahayd! Aamiin. Midda dad badan u cuntami waysay waa in kuwan ka ku diday Xamar ay shalay la taagneeyeen waxa maanta ay samaynayaan wax ka soo gaddisan. Bal adba.

Ragga Xukuumadda ugu jira waxaa ugu tun weyn C/kariin Xuseen Guuleed (Wasiirka Arrimaha Gudaha Amniga Qaranka), in kasta oo aan kuwa kalana laga dheerayn karin sida C/xakiin Maxmuud Xaaji Fiqi (Wasiirka Difaaca) Fowsiya H. Adan (Wasiirka Arrimaha Dibadda). haddana, kuwani waa muuqlaawayaal lagu adeegto. Taladooda gurracan waxay ku billaabatay in xukuumaddii laga dhigay toban Wasiir, horta inta aanan idiin dhexgalin wixii ka dambeeyey dhismaha Xukuumadda aan arrin muqaddas ah idin xasuusiyo, oo ah murti Soomaaliyeed, eel eh: “Adduunka Madi iyo Macallin ayaa ugu maangaaban!” Macallinku waa cad yehee, Madiga aan macne uusan hadda na tusayn ka dhalaalsho, oo ah tirada wasiirradu Madi waxba ma dhaamaan, illeen tira ahaan ugu yaraan waxay ahayd inay ahaadaan 18, marka tobankani saw sidi Madi uma dhigmaan? Bal adba.

Xasan shiiq inuu Macallin ahaa ka sokow, wuxuu soo noqday maamule, balse, iswediinta baa ah: maamule dugsi iyo maamule degmo ma isku midbaa? Taa ka sokow, sooyaalka dawladeed ee dunida marka laga hadlayo, ma ku haysaan macallin noqday hoggaamiye loo aayo? Iska fiiri kuma weydiin Madaxweyne, Wasiir iyo xil ma soo qabtay, ee waxaan ku weydiiyey wax ku soo kordhiyey bulsho iyo dawlad.

Qaladkii koowaad wuxuu ahaa yaraynta tirade wasiirada, maadaama awood qaybsiga dalku uu ku dhisan yahay beelaysi, haddii wasiirrada la gaarsiin lahaa 18 saw ma baajiyeen in beelo ay dawladda ka soo horjeestaan ama ay u arkaan mid xaqoodii ku tumatay? Kaba muhimsane, damac shaqsiyadeedka ku jira siyaasi ku sheegga Soomaali saw laguma yareeyeen? Taa kaliya ma ahan, marxaladdan adag ee dalku marayo adoo xaalka soomaali ka xaali lagu yiri miyaad intaa ku soo koobi lahayd wasiirrada? Ninba garashadi iyo goorti.

Markii hore ma annaan ogayn, haddase ogaannay nimanka qolada maalgashatay oo sida dabiiciga ahna ay u shaqeeyaan, oo ah dalka Qatar, sida dawladdii C/laahi Yuusuf Xabashi ugu xaglinaysay, sida dawladdii Shariif ay Amisom iyo Xabashi ugu heellaneed, sidaa oo kale ayey kuwanna Amisom ka sokow Qatar xilka ugu hayaan, illeen maalka lagu doortay Xasan Sheeq halkaa ayuu ka yimide.

Haddii wasiirradii laga dhigay toban wasiir, waxaa hubaal ah in la wada sugayey hawlkarro iyo rag karti leh, wuxuuse la soo shirtagay toban habacsane maqaneyaal jooga ah, oo aanba ka warqabin waxa dhacaya iyo waxa socda, malaha waa waxa loo soo xushee, iyaguna waaba caana ma daadshayaal.

Tallaabadii xigtay ee ay qaadeen waxay ahayd inay gabi ahaanba joojiyeen dagaalkii lagula jiray Alshabaab, oo ay marmarsiyo uga dhigteen haddaan cunaqabataynta hubka nalaga qaadin hub heli maynno, horta waaba iga su’aale, hubka dalka yaal mid ka badan miyaad doonaysaan in la soo galsho? Ha la soo galshee yaa loo dhiibayaa? Yaa lagu aaminayaa? Mar haddii madaxtooyadii hubka laga gurto xaggee kale ayaa hub lagu aaminaa? Bal adba.

Saraakiisha ciidanka oo jooga jiidaha dagaalka waxay marar badan ka hadleen in si cad looga hor istaagay in ay dagaal ku qaadaan Alshabaab, oo sida aan wada ogahay awooddooda oo wiiqantay ay u dheer tahay dagaal dhexdooda ah oo ay kala aamin bexeen. Markii ay ahayd in laga fa’aaiidaytso kala daadsanaantooda ayaaba waxaaba fursad loo siiyey inay dalka dhexdiisa isku baacsadaan, Ameerikaanna ku baacsado Baraawe.

Midda buuqa badan ka taagan yahay oo ka mid ah waxyaabaha ay ku mudan yihiin in dalka looga qabto waa maamul u samaynta gobollada dalka, marka laga soo tago inayba joojiyeen dagaalkii Alshabaab, waxayba ku sii direen inayba gobolladii dayaceen, oo ka sokow ka xoraynta Alshabaab ayba ugu sii dareen inay beelihii iska horkeeneen, heer ay magaalooyinka qaar ka dheceen dagaallo dad badan ku dhinteen kuna dhaawacmeen.

Fashalka maamul u samaynta gobollada waxaa ugu wacan hal arrin oo ay ka dhaxleen maamulkii Siyaad Barre oo ahaa inay taliye tuulo, maamule degmo iyo guddoomiye gobol laga soo  wada magacaabo Muqdisho, sidii inaan dadka dhexdoodu iska soo xuli karin. Taa waxaa ka dhashay in deegaanno badan ay sabab u noqotay in dawladda kalsoonidii loogala laabtay, ha moogaan hannaanka dawladnimo inuu Federaal yahay, balse, kuwan wali waxaa ku qufulan wixii Xamar laga soo xawilayey “Fad ama ha fadin waa lagu fadsiin!”.

Sidii inuusan ku fillaan kala dhantaalka iyo dhimaalka ay ku dhidbeen maamul goboleedyada, waxay ku soo kordhiyeen dagaal iyo dirir hor leh, oo ay ka dhex abuureen beelihii wada deganaa, bal u fiirso deegaanno ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose, Degmada Jawhar iyo Beledweyne oo qarax ka dhammaan, bil walba ama qarax ayaa ka dhaca ama masuul ayaa lagu qaarijiayaa, inta waxaa dhacayaan damjadiid damaq iska daaye danba galin, oo waa daawadayaal. Intaa waxaa sii dheer duufaanta ku dhufatay deegaannada bari ee si degdeg ah loogu gurmaday, halka fatahaaddii webiga ee Shabeellada Dhexe aan sidaa loo eegin marka laga reebo booqosho Diyaarad lagu tagay, iigaba daran, xaalka oo sidaa ah, Xasan Sheekh wuxuuba ciyaar daawasho u aaday Istaadiyo Koonis, maalintaa qarax ayaa ka dhacay Beledweyne, bal adba.

Haddii madaxdii hore ee C/qaasin, C/laahi Yuusuf iyo Sheeq Shariif, ay Ra’iisul Wasaare baddal taariikhda ku gashay, Xasan Shiiqna inta hadda la haayo waxaa taariikhda u gashay Guddoomiyaha Bangiga dhexe badalliddiis, oo in ka yar hal sano laba Guddoomiye iska daba magacaabay, oo labaduba is casilay, oo aanna la aqoon sababaha ka dambeeya is casilaaddooda, balse, la isla dhex marayo inay ka dhalatay maamul xumada madaxda dawladda iyo musuqmaasuq baahsan oo ka jira maamulkooda.

Mid kale aan kuu raacsho, badi khilaafyadan aan ka soo sheekeeyey waxay salka ku hayeen dhaqaale iyo lacago la kala boobayey, tusaale ahaan: kii u dhexeeyey C/qaasim iyo Galayr, C/laahi Yuusuf iyo Geeddi waxay isku khilaafeen lacago laga soo qaaday Sucuudiga, oo malaha ka dhigan deeqdooda kaliya mid loogu talagalay in nalagu kala geeyo iyo madax furashadii uu qaatay Sharmarke, haddaba Soomaaliyeeyey waxaad xaq iyo xuquuq  leedihiin meel walba oo aad ku aragtaan mudane dawladda ka mid ah inaad weydiisaan meesha ay ka baxday lacag ka badan 12 Malyan Dollar, maxaa yeelay, lacagtaa anaga dhan ayey naga wada maqan tahay, ee kama maqna oo kaliya qasnadda dalwadda. Gaar ahaan su’aasha waxaad la abbaartaan Xasan Sheeq, Saacid, Jawaari iyo wasiirka maaliyadda oo ka masuul ah arrintan.

Dhanka kale, madaxdan cusub haddii khilaafkoodu yar yahay, waxay ku fashilmeen waa meesha kuwii hore khilaafkoodu uu ka soo billaaban jiray oo ah maaraynta maalka. In ka yar sanad ayaa waxaa Bandhiga Dhexe guddoomiyenimada iska casilayey laba mudane. Bartamihii bishii September 2013 ayaa Marwo Yussur Abrar xilkaa loo magacaabay, bil iyo maalmo ka dib, waxay gudbiyey casilaaddeeda, ka hor, horraantii Jannaayo, ee 2013kii waxaa xilkaa loo dhiibay Cabdisalaam Cumar Hadliye oo isna iska casilay xilkaa bartamihii bishii Sebtember. Haddaba is weydiintu waa: GUDDOONKA BANGIGA DHEXE ma la CAYRIYEY mise waa CARAREEN?!

Maaliyaddan la isku jiiray, waxay ugu dambayn noqon doontaa meesha lagu kala boodi doono, illeen dhaqaalahaani siima socon doonee. Dad badan baa qaba in dhibka isku miliqa awoodaha madaxdu ay u sabab tahay laba arrimood kala ah: han-yarida Saaciid iyo awood badnaanta Faarax Topaz. Kan hore waa kali aan ku daabnayn reer ama raro adag, kan damba waaba madaxweynaha rasmiga ee dawladda sida in badan qabaan, taana ay ugu wacan tahay inuu Damjadiid, Carab iyo dhaqaale badan dabada kula jiro.

Haddii intaa iyo ka badan ay dayaceen kuna fashilmeen waxay la soo bexeen cudurkii ragaadiyey hoggaanka Soomaali, oo ahaa khilaaf, is maandhaaf (MURAN IYO MUTAXAN). Beri baa waxaa rar dusha laga saaray hal geel oo qawaar ahayd (gabowday), markaa baa hashii ku doodday sidan: 2 arrin midkood waan sugayay, balse, mid 3aad ma sugayn. 1- In aan xoolaha isaga dhex jiro intaa aan ka dhimmaniyo waan sugayay. 2- In lay qasho oo hilibkayga la cunana waan sugayay, balse, ma sugayn anoo cimrigan jira in dusha rar layga saaro! Hadda sida hashaa oo kale waxaa taagan bulshada soomaaliyeed, oo leh: wax walba waa idinka filannaynay madaxeey, balse, casilaad iyo khilaaf idinkama sugayn!

Waxaan ku soo xirayaa weydiin aan adkayn, oo aan anigu u arkay inay muhim tahay, illeen waa lama huraane, waana sidan: Saacid socoye, yaad soo waddaan? Kani galbay ku kale mooyee, tu kaloo ka daran baa jirtee, taana bal aan sheego. Anigu lama yaabbani khilaafkan hadda jira, sida uu ku dhammaan doonana ma dhaafi daano saddaxda qodob midkood, oo kala ah: 1- In Saacid xilka looga qaado cod Baarlamaan. 2- In Saacid iskiis isku casilo. 3- In Saacid joogo Xukuumaddana la isku shaandheeyo lana ballaariyo, oo ah rajada ugu liidata, balse, midda aan ka baqayaa ee wadna kurkurka igu haysaa waa in 2014ka aan mar kale marag iyo goobjoog u noqonno khilaaf hor leh iyo is casilaad ama isku ku shaandhayn iyo ballaarin xukuumad, taa oo run ahaantii aniga dareen xooggan igu haysa, sida muuqatana aan laga baaqsan doonin. Bal adba.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com    

Advertisements

16 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s