Xil-dhaannadii Xalane xil iyo xaq midna ma xeerin!

Image

Xil-dhaannadii Xalane xil iyo xaq midna ma xeerin!

Wixii 02/12/2013 ka dhacay xarunta Xil-dhaannada waxaa koobaya murtidan: “Hal booliya Nirig xalaala ma dhasho!” haddana, af nooli hadal ma daaye, bal aan barballaasho sida ay ila tahay wixii dhacay, waxa dhalshay iyo waxa dib ka dhalan doona, oo haddii aan saddaxdan la isku xirin, aan marna la halaali doonin halka sartu ka qurunsan tahay ama ay ka silloon tahay.

Xaajo aan sidii Daba Ari loo faydin ma bogsootee” qolloocii u horreeyey wuxuu billowday 21/10/1969kii markii maamulkii curdanka ahaa ee doorashada ku daabnaa ay afduubeen ciiidanku, qalloocaa wuxuu socday 21 sano hal halays ka soo qaado inta kale waa meesheedee: “Nin dooran doorta xaw dhahdeen, dadkana xaw daaliseen?!”  dhaawicii maalintaa gaaray maamulka iyo maaraynta Soomaalida wali wuu dhacaamayaa, wax dhaymo ama daweyn ku dayana ma jiraan, aan ka ahayn in la sii dhiigbaxsho ama uu dhinto dil ama dabargo’ba.

Walaahoodkii dhacay 22kii sano ee ka dambeeyey ka kaalay, oo waranle iyo wadaad ka dareen wixii KALIGI TALIYUHU falay. Bartamihii sanadkii la soo dhaafay Guddi markii hore ka koobnaa soddon qof [30] markii dambase laga dhigay sagaal qof [9] oo lagu tilmaamay “khubaro” –Sir iyo caad ogayaal– oo isugu jira rag iyo dumarba sida: Caasha Kiin Faarax Ducaale, Prof jawaari, Dr Cali Siciid Faqi, Shukri Diini, Xannaan IQK, ayaa waxaa loo xilsaaray inay soo qoraan Dastuur dalkan iyo dadkan lagu dhaqo, haddaba maxaa dhacay?.

Guddigan waxaa la magacaabay dhammaadkii shirkii Kenya lagu qabtay hilaadintii 2004-tii, waxaa lala magacaabay guddiyo gaarayaa ilaa saddax iyo toban guddi, waxaa ka mida guddiyadaa Guddi dib u heshiisiinta, wax ay qabteen ma aragteen? Dawladda Shariif ayaa isku dayday inay guddiga xubno ku darsato, la laaqa Dhariga la karinayo, qas iyo qalalaasaba ha looga jeedee, waase ku guuldarraysatay! Markaa ayaa Wasiirka Dastuurka iyo Dib u Heshiisiinta C/raxmaan Xoosh uu Guddiga ku eedeeyey inay lacagtii loogu talagalay Dastuurka ay Hotello ku yaal Kenya iyo Uganda ku seexdeen. Qarashka ku baxay waxaa lagu qiyaasay hal Malyan oo Dallar [1Milyan$]. Bal adba.

Marka laga soo tago inay gobollada dalka qaar ka mid ah ay ka jiraan Dastuurro is diiddan, ayaa kani ka sii daray, oo wuxuu soo kordhiyey qodobboo kale oo qalloocan, sida: Xuduudaha dalka, Jinsiyadda/Dhalshada, Caasimadda dalka IQKB. Intaa oo qodob iyo ka badan qofkii dood ka keenay waxaa loo aqoon saday QASWADE, oo uu soo hindisay Mudane Mahiige, ayna dhaqangalsheen, LIXDII SAXAL, oo ay ugu horreeyaan: Gaas, Laba Shariif iyo Faroole, oo marnaba diiday in laga doodo DALTUURKA baas ee ay dibadda ka keensadeen.

Markii afka la isqabtay waxaa loo gudbay wajigii labaad ee hirgalinta (MAXMIYADDA MALDAHAN) oo ay dabada ka riixayeen shisheeye ay ugu horeeyaan caddaan uu INGRIISKU hormuud u yahay iyo SHAQAALE MADAW ah oo ciidan nabad ilaalin ku sheegan. Waxaa la isugu yeeray Odayo dhaqameed in badan oo ka mid ah ay ahaayeen BUG IYO FAALSO, inay beel meteleen iska daaye, aan nafsaddooda matelin.

Haddii la soo xulay 850kii xubin ee looga fadhiyey inay ansixiyaan Dastuurka, waxaa loo qaybshay waraaqo xeer hoosaasin ah “Xeer hoosaad” oo lagu qoray in aysan waxba ka badali karin DALTUURKA, xilkaana ay u taal baarlamaanka iman doona, ee ay iyagu xaq u leeyihiin mid qura, oo ah: in ay “Haa” ama “Maya” ku cudeeyeen, intaa looguma ekayne, waxaa loo sheegay in DALTUURKA xitaa haddii ay “Maya” ku codeeyaan in uu meel maridoono! Ceeb ka weyn ma aragtay aqriste?. Suldaan Axmed Aadan Maxamed Shooble ayaa eray qiimo leh ku sheegay wixii meesha ka dhacay oo yiri: “Waxaa meesha ka socda waa maanta i Qor berri aan ku Qoree!”

Maalinnimo Arboco ah 01/08/2012dii ayaa si wadajir ah gacanta loogu taagay DALTUURKII, waxaa goobta soo xaadiray 645 ergay oo kaliya, halka tirada guud ka ahayd 850 waxaa oggolaasho “Haa” ku codeeeyey 621 ergay “una dhiganta 96% tarada guud ahaan ergada” waxaa diidmo “Maya” ku codeeyey 13 ergay “una dhiganta 2% tarada guud ahaan ergada” Waxaa ka “Aamusay” 11 kaliya “una dhiganta 2% tarada guud ahaan ergada” “Meel ama wa laga maqnaadaa ama waa laga muuqdaa”.

Gacan taaggu wuxuu ka dhacay XARUNTA XALANE, maalintaa ayaa Xeero iyo Fandhaal kala dhaceen, oo qalloocii jiray, qaabxumadii taallay iyo qurunkii na daashaday lagu qotomiyey qaab dhismeedkii qarannimada, kaba muhimsane, haddana nala yiri waxaa laga baxay ku meel gaarkii, si loogu qiilsado mar walba wixii qar iska tuur ah oo la sameeyo, waa haddii shalay nalaga xishoon jiree ama anagu aan xilkas lahayne.

Beenta si loo xaqiijiyo waxaa la xulay Xil-dhaanno Soomaali soo mara kuwii ugu liiray dhan walba, oo xitaa ay ka dheereeyeen kuwii C/laahi Yuusuf oo ka soo kaxaystay dariiqyada Islii, si uu u ansixiyo mashruucii Xabashadu dalka qabsan lahayd. Mudanayaasha qaarkood waxaa lagu soo magacaabay boqol kun oo Dollar, halka qaar kale laga qaaday kala barked. Waxaa xusid mudan muwaadiniin diiday inay laaluushakaa baxshaan sida Cabdi Shire Jaamac, Kabiirka Kooxda Qaylodhaan, oo xilka ku waayey kaliya inuu ku gacan saray bixinta beesadaa.

Beentii naloo sheegay ee in badan oo naga mid ah aamintay, ee ahayd KU MEEL GAARKII WAA LAGA BAXAY, waxaa la falgalay in uu Madaxweyne ku soo baxay Xasan Sheeq uuna uga horreeyey Mudane Jawaari oo ka mid ahaa raggii wax ka ansixiyey DALTUURLKAN noo yaal, kan dambe waaba caddahay wuxuu daba socday qorshihii uu qabyada ka dhigee DALTUURKA ahaaye, kan dambe la isma weydiin meesha uu naga soo galay, oo aan sanad ka dib ogaannay in uu u shaqeeyo dawladda Qadar, halka C/laahi Yuusuf iyo Geeddi u shaqayn jireen Xabashi, Shariifna Ugaandha iyo Xabashi u shaqayn jiray.

Alifkii qalloocdaa

Sahal kuma istaagoo

Albaqraad ka garataa

Eray laaxinkiisee

Mar haddaan abbaar jirin

Dhabbe lagu arooriyo

Aan ujeeddo lagu socon

Ilduuf kama dhammaatee

Ma abaabul baa bixin?

Ma amaah ayaa xiri?!Maansadii: (Ajar-diid)

Xerta Xasan inay ku fashalmeen wax ka qabashada arrimaha: AMMAANKA, DHAQAALAHA, SHAQADA, DHAMMAYSTIRKA QAAB DHISMEEDKA DAWLADDA, DIB U DHISKA CIIDANKA, DIB U DEJINTA QAXOOTIGA, GARSOORKA IYO CADDAALADDA, DIB U DHISID CIIDAN, LA DAGAALLANKA MUSUQMAASUQA, XOOJINTA MAAMUL WANAAGGA, AWOOD QAYBSIGA, MAAMUL WADAAGGA, DIB U DHISKA DALKA, IQKB, ayey waxay 02/12/2013  hirgalsheen qorshihii dhagareed ee u qorsoonaa ewelba, ma ahan inaan Mudane Saacid aan u ahay qareen ama u doodayo, ee kaliya waxaa aan cabbirayaa waa sida loogu hanweynaa ee loogu hungoobay.

Marka laga soo tago in DALTUURKII duuduub lagu qaatay, ma dhihi karo waa la ansixiyee, marka laga so tago in DALTUURKII la diiday in wax laga badalo, marka laga soo tago yaa awood badan Madaxweynaha iyo Wasiirka koowaad, marka laga soo tago; abaaraha, gaajada, colaadaha, daadadka, fataadda Wabiyada, duufaannada, dabaylaha, dagaallada iyo dhibaatooyinka guud ee wadanka ka jira, xerta Xasan waxay ka door bideen inay isku koobaan awoodda dalka, iyaga oo aan qof wax kale wax uag oggolaan, madaxtooyadana uusan galin qof aan iyaga ka mid ahayn.

Sida warbaahinta qaar qoreen haddii uu khilaafka Xasan iyo Saacid ku salaysan yahay isku shaandhaynta Golaha Xukuumadda uu Saacid ka reebay qaar ka mid ah Wasiirrada Madaxweynaha ay isku koox diimeedka yihiin ee DAMAC-JADIID, hubaal in xaalku yahay annaga ma ahane inta kale ma jiraan, wax ka soo qaadna ma lahan, iyaga oo awood kasta isugu geeyey sidii ay xilka uga qaadi lahaayeen Saacid, oo sidaa ay ku dhammaatay eray uu Xasan dadka ku afjigi jiray oo ahaa: “Anagu isma khilaafno!” waxay ku dhammaatay waa loo joogay.

“Muran dawlad noqon waa

Madax noo samayn waa

Manhaj gaara noo diid” Maansadii: (Maan maran)

Ayaan darradu waa marka ay rididda Saacid ku baxsheen lacag aqligu diidayo, in musuqmaasuq aan sal u nahay waa iska caddeed, laakin doqonnimadooda, maalinta ay sanad walba soo baxaan heer musuqeedka dawladaha dunida ayey ku beegeen inay Saacid xilka uga qaadaan laaluush iyo lacago la baxhay, ooba ka dhigaysa inaan loo baahnayn marqaati iyo caaddayn, illeen waaba bannaataale, Soomaaliyana ay ka gashay safka hore. Anigu iska abuuran maayee waxaa ka marqaati kacaysa Xildhibaanad Saynab Maxamed oo tiri: “Shacab u danaynmayno ..Waan ognahay waxaan u danaynayno …Annigu Xajkaan ka imi oo xaaraanti waan ka soo baxay …Wixi hore ee aan qaatay allaha iga cafiyo!” Nabee inaan lagu cafinayn, ee intii aad dadka ka musuqday u soo celi, haddaad cafis rabto. Halkan hoose ka dhagayso Xildhibaannada warkeeda:

http://www.youtube.com/watch?v=5r9CQw9zCjo&feature=youtu.be&a

Haddii hore shaki kaaga jiray in laaluush la baxshay lana qaatay, hadda ka dib ha kaa boxo, laba mid waa hubaal: 1- In laaluush la bixiyey lana qaatay. 2- In qiimaha si rasmi ah loo baahan yahay in la hubiyo, tanise waxaysan waxba ka baddalayn waa in mar walba LAALUUSH dhacay, waxna la MUSUQAY! Fadlan tan dambe xoogga ha la saaro, oo yaan lagu celcelin “haddii warkan run yahay” warkan runnimadiisa hal meel kaliya in laga fiiriyo ayuu mudan oo ah TIRADA Xil-dhaan ee qaadatay waa intee, iyo TIRADA lacag la ahaan loo siiyey waa intee? Taa uun kaliya aan is weydiinno.

“Maarayn xumaataa

Mashaqiyo abaar iyo

Mawd wadara kaba daran!” Maansadii: (Maan maran)

Xil-dhaannadii lagu soo xulay xeraydii Xalane waxay noqdeen kuwii ugu liitay intii na soo martay Xil-dhaannada sooyaalka siyaasaddeenna, waxaase ka sii daran waxa ay la iman doon oo hubaal noqon doonta mid ka sii daran, ka sii qaabxun kana sii liidata tan. Waxaan doonayaa intii hammi uu ka galay in wax baddalmeen ama wax isbaddaleen, oo u hanqaltaagay nimankan xilligii ay cusbaayeen, ee run ahaan ku hungoobay, in hadda ka dib wixii idiin yimaada hore aadnaan aammaanin, ee fadlan hoos iyo kor u eega, sal iyo baarna iska baara inta aadnaan waxba ku aaminin, oo hore ayaa la idiin soo loogee, marka kale yaan idin loogin.

Midda in badan ku kadsoomeen waa inay is dheheen waxaa dhacay ISBADDAL, eray layaab leh, balse, aan aayo u lahayn Soomaalida, oo mar walba lagu qatalmo, oo keenay in Xil-dhaannadii Xalane xil iyo xaq midna ma xeerin! Ee ay u dhaqmeen sida dantoodu ku jirtay ama ay ka dhex arkayeen. Weydiinta baa ah, caddaanka iyo madawga Xamar dhex fadhiyaa ma ka gacan maran yihiin wixii dhacay? Ha ka yaabin taase, haddaba, saw ma habboona inay wax ka badalaan habkan gurracan ay ee ay wax u maaraynayaan, illeen iyaga ayaa qayb lixaad ku lehe.

In “ISBADAL”ku yahay eray
Ishu aysan qaban karin
Uuna maqal inagu yahay
Horaa lay ajarayoo
Asoo nuucyo badan buu
Aalloow na soo maray
Astaan Qaran ku sheeg iyo
Mar Kacaan ku aasnaa
Mar Islaam ku daabnaa
Intaa iyo intoo kale
Ayaa wali inoo dhimman!” Maansadii: (Ajar-diid)

 

Hadda iyo dan, Saacid socoye, yaad soo waddaan? Kani galbay ku kale mooyee, tu kaloo ka daran baa jirtee, taana bal aan sheego. Anigu lama yaabbani khilaafkan hadda jira, sida uu ku dhammaadana loo wada jeeday, ee midda aan ka baqayaa ee Wadna kurkurka igu haysaa waa in 2014ka aan mar kale marag iyo goobjoog u noqonno khilaaf hor leh iyo is casilaad ama isku ku shaandhayn iyo ballaarin xukuumad, taa oo run ahaantii aniga dareen xooggan igu haysa, sida muuqatana aan laga baaqsan doonin. Bal adba.

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com   

Advertisements

1 Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s