Maansada: “DIFAAC DUMAR”

Image

Maansada: “DIFAAC DUMAR”

 

Maansadan “DIFAAC DUMAR” waxay ku qotontaa qiso dhab ah, oo aniga (Curiyaha) i qabsatay, una soo joogay goobta ay ka dhadcay, oo sida maansada tixaheedu isu raacraacsan yihiinba ah madal AROOS.

Anoon toban sano ku dhawaad tagin xaflad caynkaa ah, markaan tagay wixii iga qabsaday maansaday ku idil yihiin. Haba tagin lahaydaa!

Qado, Qaloon iyo Qaxwo ka dib, haddii Meherkii dhacay, wiilkii iyo gabadhiina la isa siiyey (guuriyey), ayaa mid qarriban, oo aanan garanayn meesha uu nagala qaaday isku duubay hadalkii, inta uusan furfuranba, arar iyo oodqaadna u yeelin hawriirtiisii, ayuu dumarkii digada ka dhigay (dumar waa nusqaan diintooda iyo dadnimadooda), anoo leh warka ninka see wax ka yihiin? Ayuuba Aayado iyo Axaadiis dig ku siiyey, mise markaa ayaaba madashii uu ka qalaadayey iigu dambaysay! Markii aan ka soo baxay ciilkii iyo caradii aan ka qaaday ayaan maansadan ka curiyey, waxayna ku billaabatay sidan;

 

Maansada: “DIFAAC DUMAR”

 

Markaan daayo maansada
Deelka iyo Wawgeed

Dooddeeda aan xiro
Dubaaqiyo ka hadalkeed
Dirka GABAYGA oo idil
Duuduubo SUUGAAN
U dawgalo dantaydiyo
Midda ANIGA ii daran
DAAWAHAYGA daa’imo
Waa DUNI geddeedee
Damqashiyo dibaax iyo
Dareen kaama dhawrtee

Markuu DIRIR curtaayee

Maasheeyo dunidaa

Dadku farax ciyaaraa

Damaashaad yimaadaa

 

Marka DOOGGU guuree

DIRAAC lagu asqoobee

Daruuruhu guraanbaa

Darka CEEL la aadaa

Duunyadu AROORTAA

 

Anigoon diyaariyo

Durbaankeeda rabinbaa

Duul igu qasbaa iyo

Wax i dira ma waayee

Dabuubtii murtida iyo
Anna doodda Gabaygiyo
Maansada maa daayee
Maxaan uga dawoobaa?.

 

Waa duhur dharaareed
Cirku wada daruur yahay

Roobkiina noo da’ay

Dayr curatay weeyaan

Waa Dagal barwaaqoo
Doog iyo cagaar badan
Man dillaacay weeyaan!

 

Wax la wacay dadkoo idil
Durbaan baana loo tumay

Waa DADABGAL guuroo
Dadka lagu casuumaye
Duqowdii hadday timid
Da’yartiina tuban tahay

DARIB iyo cuntana taal

Daangiyo BUN lagu dubay

Doc kastaana HILIB yaal

RAASHIN dumar yaqaanna

Soo diyaariyeenoo

La dul dhigay Qudaar badan.

Dadku wada qadeeyeen
Dabadeed la gudagalay
Dantii meesha loo yimid
Laysa siiyay Doorkii
Hodantii u doonnayd

Dabadeed NIKAAX dhacay

Durbaan iyo ciyaariyo

Dadku uu u sacab tumay

Dumarkuna mashxaradeen

UBAX lagu dul daadshoo

Arooskiina DUCO iyo
Loo duubay MAAMUUS

Hambalyooyin loo diray

Damaashaadkoo lagu jiro

Ayuunbaa nin duubani

Daf intuu na soo yiri

Dul joogsaday WARTABIYAHA

Hadal wuxuu ku daahfuray

In haweenku DILAN yahay

Ducufiyo wax DARAN yahay
Diintood NUSQAAN tahay

Dadnimana ka LIITAAN

Dawo aanan lagu arag

Kaaga daran ma daynine

AAYADUU daliishaday

Oo duldhigay AXAADIIS

Dambi iyo xasaradiyo

Deelqaaf ma daayoo

Doodduu ku sii daray

Inuu dumarka xoolaha

Duunyada sideedii

Raggu daaqsan karayaan!

 

Dadkii baa mar waa diday

Isna maba digiigixan

Ciilbaa daf wada yiri

Caraan diiqad galay keli
Madaxaay dikaamoo

Dahnigaa wuxuu yiri;

Maxaa dawgii Eebbehey

Damiin been yaqaannaa

Dadweynaha xumaaniyo

Deelqaaf u barayaa?
Maxaa DIIN naseexo ah
Looga dhigay Dambaaburo?!

 

Inaan DIRIR ku qaadoo

Ama dood la gala’oo

Weydiimo daba dhigo

Ku beeniyo daliilkaas

Diintuu ku jawr falay

Damiirkayga diidoo

Ka dulqaado igu yiri

Waxa aan ku daayey

Inay Darini noo taal

Doc faruurya eray iyo

Buuq iyo durdura iyo

In la kala dareeroo

Dadku kala didaanoo

Dibba laysu soo noqon

Yaan dibnaha u xirayoo

Bal aan deel ku sheego

Duqa baro haweenkee!

 

Ninka dumarka LIIDOOW

Dayma li’i ku sheegoow

Damanaan tilmaam iyo

Uga dhigay dirayskoow

Horta dunida maantaya

Yaa ku keenay daartaan?!

 

Ninka dumarka LIIDOOW

Adigoo DAMIINOO

Dulucdiisa eraygiyo

Hadal aan dareemayn

Qofkii adi ku DOOD baray

Ma in lagu durduriyaa?!

 

Ninka dumarka LIIDOOW

Caqligooda durayoow

Dugsigii AQOONTIYO

Darta laga bullaaliyo

Waa dumar adduunkiyo

Maxaa loo dafirayaa?!

 

Ninka dumarka LIIDEE

Diintooda durayoow

Dariiqii RASUULKIYO

Ha duud marin QURAANKEE

Horta yaa ku DAW baray?!

 

DUF KU BEXE inaad tahay

Aan DADNIMO lahaynoo

Abid diirnaxaynoo

Marna aan damqanahayn

Maxaa dumarka kugu diray?!

 

Ninka dumarka LIIDOOW

DAMAC XUME inaad tahay

DAWDAR aan waxba ogayn

HOOYADII nin diidoo

DARMAANTIISA nacayoo

Duudkii TAN laga jaray

Ducufa u yaqaannoo

DOQONNIMO ku faanoow

Maxaa dumarka kugu diray?!

 

Ninka dumarka LIIDOOW

Nin NAFTIISA doorshoo

Waxaad tahay DUGAAG ehe

Yaa kuu dardaarmood

DAWGIISA haysaa?!

 

Ninka dumarka LIIDOOW

Miyaad HOOYO duudkeed

DULMARTII walaashaa

Iyo DAHABO Xaaskaa

Iska diidday idilkood

Mise DIBI DANAAHIYEY

Dooddaadu weeyaan?!

 

Dumarkeenna Soomaal

Waa DAMAL harweynoo

Waa daryeel ninkaan helin

Uu ku duunya seegaa!

 

DOOB taladi waa GUUR!

Adigoo DARXUMA qaba

DAYAC iyo dhibaataba

DUGSI haysan wacanoo

DAALAAdhacaayaa

DUMARKAA ah weheloo

Durba kaa dulqaadoo

Darajeeya ruuxii

Dacdarradu haleeshaye

Ma wax laysku diidaa?.

 

DAMANOOW war li’idaa

Adaa diiday waanoo

Kuma deeqo abidoo

Duni aan HAWEEN jirin

GUDCUR iyo DAM weeyaan!

 

Soo duubay maansada

Danta kama danbaysta ah

Aan kula dardaarmee

DAMANOOW warkay maqal

Ha ku DEEQDO doodduye

DHUG u yeelo WAANADA

DULKA maqalka gaarsii!

 

DUMAR waa dad nooloo

Waa TIIRKA dunidee

DAYAC iyo ka dhawr XUMO

DIIF iyo ka dhawr QALAD

Waligeedna DIIHAAL

JIRKEEDIYO ka dhawr IIN

Halhayskaa dareershoo

NIN WALBOO DUSHAA SARE

IYO DARAJO GAARAY

HAWEENKAA U DUULSHAY

Anna waxaan ku darayaa

DALAG IYO WAX SOO SAAR

DIB INAANAN LOO NOQON

HORE AAN U DURUQNOO

DALKU HORUMAR GAARAA

DUMARKAA NA GAYN KARA!

 

Dhammaad.

 

05/01/2013

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

Advertisements

1 Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s