Maansada: “Masuul”

Image

Maansada: “Masuul”

Maansada: “Masuul” waxaan curshay casarkii la magacaabay Wasiirka koowaad Cabbdiweli Sheikh Axmed. In kasta oo aysan isaga si gaar u qusayn, oo ay maansadu tilmaam guud ka bixinayso astaamaha guud ee looga baahan yahay qofka xilkaa qabanaya, ayaan haddana jeclaan lahaa inaan hal qodob ku daro, oo ah inaan marnaab xaflado loo dhigin, oo aan lacag badan lagu qasaarin tumasho & cunto cunoow, maxaa yeelay, inta naga baahan ayaa u baahan lacagtaa.

Dad baa doomo dul seexda, dad baa bannaaka jiifa, oo aan hooy iyo hu’ midna haysan, marka taa ma keenayso in RW cusub loo sameeyo xafalado oo dhaweyn iyo dabbaaldegyo, uu qarash badan ku boxo, oo aan wax loogu qabanayn dadka daadka iyo duufaannadu ku dhufteen, kama muhimsane, inta aan haysan cabitaan iyo cunto. Maansadiina waxay tiri:

Maansada: “Masuul”

 

Magacaaw ka daalnaye

Mudanuhu muxuu qaban?

Magaciis maxaa dheer?

Muunaddiisa yaa garan?

Macaan iyo qaraar iyo

Miiddiisu say tahay?!

 

Ninna meheradaan jirin

Meel uma yimaadee

Muhimaddiisu waa tee?!

 

Madaxnimo qabyaa iyo

Masuul aan daryeel iyo

Laga helin macaawino

Mar horeey na dilataye

Fadlan ha u mashxaradine

Iska fiirsha muuqiis

Haw sifayn madaaliyo

Mahdigii la sugayee

Maandhaaw godkii hore

Yey Qodaxdu kaa mudin.

 

Magacaa hadduu dhumo

Muuqaal dhammeystiran

Iyo dheeh ma yeeshee

Dhimaal iyo marnaan iyo

Yuu dhantaalba kaa mudan!

 

Murankiyo khilaafkiyo

Mooshinkiyo is maandhaf

Ma dhammaan is marin waa?!

 

Maarayn habboon iyo

Maamulkoo la toosiyo

Musuqoo la moosiyo

Maalkoo xisaab iyo

Mooro adag la galiyaa

Dadku uu maqsuud iyo

Ku noqdaa Mabsuud wacan.

 

Maahsane war moog iyo

Macalweyne aan nixin

Maamuuska aan garan

Madal dhaame yow noqon!

 

Masuulnimadu yey noqon

Mabda’ayga qaadiyo

Manhajkayga raac iyo

Marjic aan ahayn ani

Yaan maganba loo noqon!

 

Dhammaad.

12/12/2013

 

Bashiir M. Xersi

Advertisements

9 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s