DANJIROW INA AYAAD TAHAY?

DANJIROW INA AYAAD TAHAY?


Inta dayaxu dhicis yahay

Xiddiguna dhammeys noqon…

Haddaan dhimashooy ku diido…

Haddaan dhalashooy ku sheegto!

~Abwaan Xuseen Aw Faarax Dubbad,
Hees


 

ARAR

 

QABIIL JIRA ba, aniga ahaantay, sida aan rumays nahay, waxa iila wada wanaagsan midka—ayan sheegan xataa cid haybteeda—aan la aqoon. Kuu ka dhashay beel san amaba beel xun; Aadmiga na waxa loogu kalsooni badnaan: qofka aan iskula weynaan—qofka aan isxijin, qofka aan ku faanin, qofka aan magac ka dhigan, qofka aan Xildhibaan ku noqon—magaciisa mooyaane magac qabiil. Tolkayow, muraayaddii na, waa taas kaa jabtay e; war bal orod, oo isku soo fiiri foolka Danjirehii Nayroobi.

 

DANJIRE ABTIRSIINO DIIMOON

 

BERI’ ayaa aniga oo ku dhex lumay dal ka tirsan Urur kusheegga IGAD, oo ay iga caddaatay, ayaa waxa Ilaahay uu iga horkeenay nin Soomaali ahaa. Isla haddiiba, ma uu garan oo qura in aan Maryooley ahaa; balse sida reermagaalkuba ay berigeedii oran jireen; waxa uu gartay in ay “iga taallaay”. Qacdii hore ayaan anna dareemay in ninku uu cabsanaa [ shalaboow ]. Horey ma u soo taqaannay duulkii Reer Jemel-Jaan? Waagii carruurnimada kuwii aan kaga daba orin jirnay, “Umburuyaako, aalkoliiste!”

War illayn, ‘Muslim wuu khatalmaa’! Ninkii waan is raacnay. Gurigiisii ayuu i geeyay. Sheeko iyo shaahi. Gadaalo ayuu se iga wareystay meesha aan rabay in aan u sii socdaalo.

OGOW, horta, wax lacag ( nooli ) la yiraahdo; ugama aanan baahneyn, isaga. Aniga ayaa beeso igu filanayd watay. Run ahaan se, ninku waxa uu ii lahaaday dadnimo, iyo walaaltinnimo aan weli ku faani karo. Si kooban, ninka isaga ah, illaayo kalkii aan dhoofi lahaa; saaxiibkay ( wadaaygay ) ayuu ahaa. Magaciisa wuxuu iigu sheegay, Cali. Dharaartii aan Nayroobi ka ambabbixi lahaa ayaan kula dhiirraday in aan weydiiyo: magaciisa oo saddexan, iyo reerka [ qabiilka ] uu ka dhashay. Waxaan doonayay uun in aan meel iskaga sii qorto; waa intaas oo timmaaddada, jeer ay ahaato ba, aan “shan jeer ugu abaalgudo amase aan shan geed uga sheegsheego”. Wadahadalkeennii gaabnaa na, sidan ayuu u dhacay:

“Cali’yaa lay dhahaa,” ayuu yiri, walow uu weydiintaydii ka yare madluumay. “Dadkaygu,” far ayuu u fiiqayay sitaahoo uu aniga ii tilmaami lahaa abbaartii Qiblada, “Waqooyi Bari ayuu degaa.”
“Waqooyi Bari, xaggee ah?”
“Waqooyi-Bari-Keenya ama Waqooyi-Bari-Soomaaliya. Hadba saad doontid u qaado.”
“War ninyohow qabiilkaa—”
Alkoliistehii, kiiyoo durba billaabay, jeegoxiir lahaa jidgees iyo taaloog ( joof ) dheer, in uu shanfarood iyo calaacal ku kala feero; isaga oo la moodo se in wejigaygii yaabbanaa uu muraayad oo kale iskugu eegayo, ayaa warkaygii dhexda ku dhuftay. Aabtirsiino ‘reer-hebel-hebel’ ah, asii aniga, berigeedii, si uun iila diimoonayd ayuu igu afjuxuunsaday, “Cali. Diridaari. Istallaa.”

Maanta la joogo [ 42 dabshid kaddib ], aqoonsiga qabiilkii Cali weli waa ii reer “Diridaari Istallaa.”

 

DHIR, DHALO iyo DHALIIL

 

ANIGA iyo ina Diridaari Istallaa, Ilaahay waa u wada siman nahay. Marka aan runta kuu sheego se:—ahaan lahaayaa isagu; qofka uu Alle labadeenna qokeenna kale soo hor badi lahaa—lagama yaabeen in aan Xamar ugu martiqaadi lahaa si la mid ah sidii uu isagu iigu soo dhoweeyay Nayroobi. Mayee, kaagadaranta ( taas waxa ka sii daran ), dheg ba jalaq uma aan siiyeen: codsi kasta ee uu igu baryi lahaa [ qof alkoliiste ahaa ]. Bal haddee fiiri! kalatagnaanta ama kaladuwanaanta ay labadeenna niyadood isu kala jireen. Allow, kala fogeynaa! Ma aniga ayaa se isaga, ina Diridaari Istallaa, xag Eebbe ka xigi karay?

HADDII AY JIRTO cid og waxayaabaha aan laabteenna ku qarinayno; uurka na aan iskugu kala dabeyno; ciddaas wax og waa Rabbiga Carshiga Weyn. Ilaahay waa uu ogaa in Cali ahaa khamriyacab; balse, Ilaahay ogaalkeeda waa uu lahaa: Cali in uu ahaa, misana, nin aniga siyaabo kale ee badan iiga sii dadnimo badanaa. Khamri kasta oo laga dherjin karay ba; Cali, haddana, ma uu ahayn nin qabyaalad lagu cabbi amaba la cabsiin karay.

NAYROOBI Janno ma ahayn. Show Cali na, Ibn Aadam ayuu ba iska ahaa. Ma cid moog ayaa jirta se? Innaga oo idil, adduunyada dhibteeda iyo wareerkeedaba, waxa aan u eersannaa ba: sow cunistii Aadam cunay geedkiila faray in hoobaantiisa uu ka cagganaado, maaha? Berigeedii, aqoondarro awgeed, waxa i seeganayd; mar kastana aan illowsanaan jiray; Cali in balwada [ caraqa ] uu iska dayn karay, kana tawbadkeeni karay. Haddii ay taas dhaci lahayd na, sow lagama yaabeen in ay uga dhignaan kari lahayd naallo adduun; aakhirada na ay geyn lahayd,– ama isaga [ Cali ] ay dib ugu celin lahayd ba: “Degaankii” Abkow Aadam iyo Abooto Xaawo laga soo eryi jiray—dhexdeeda Janno udgoon. Hohey, Nayroobi se Naar ahaydaa.

ADIGA miyaa ogaan karay, aniga iyo Cali, in aan Nayroobi ku wada kulannay; ninka liitay na — taageerada ( dhaafiyeha ) u baahnaa na — in aan anigu ahaa? Walaalkay, gacaltooyadiisii weyneyd, walle anigu goorna ba, mugga quraarad xun kuma dhex miiso. Tolnimada qabyaalad xun awgeed na, alleylehe, jeerna isaga uma naco. Ilaahay ayaan na uga baryayaa in Cali uu gacan midig ka siiyo dhaafiye lagu galo Jannooyinka carfoon.

 

ANIGA iyo ADIGA

 

QABIIL, horta, hadmaad aniga tol ii noqon? Maxaadse rabi lahayd in aan adiga kuu ahaado: Ma Dagaalooge aan kuu naxariisan? Ma Dabadhilif ay gaalo ku qaraabato? Ma Baarlamaan kusheeg, 4.5 lagu soo xulo? Ma Barfasoor dhaandhaan ah? Ma Wasiirro xeebaha kaa dhaxalwareejiya? Ma wadaad Murtad ah? Ma Sheekh hoobiye kugu xasuuqa? Ma Qaxooti gurilaawe (dallaawe) ah? Ma Bulshada dhiigmiiradka Caalamka? Haddii aan anigu ahaan lahaa Danjireha ( afhayeenka ) Shacabka Soomaaliyeed, weydiimaha kore, dhammaantood, waxa aan kaga warcelin lahaa, “Maya!” Waryaa! haddee mar uun wax iga maqal. Waa ku kaas maanta na! Nayroobi ayaad ku dhex lunsan tahay: adiga oo marqaansan, adiga oo shalaboow fiiqsan, iyo adiga oo welibana jaahilnimo ay ku sii dheer tahay. Ilaahay, adiga, qabiilkayow, ha ii kaa soo hanuunsho uun. Walle, adiga oo fiiro yeesha maahee, lagama yaabo in aad ku hagaagtid barbarka ay kaa jirto Qibladii Islaamka; isla Kacbadii ina Diridaari Istallaa, Danjirehaygii Nayroobi— misana ogaan karay, aqoonsan jiray, soo booqan jiray—uu abbaarteeda na u jeesan jiray. Adigu na, qarankaygii, dadkaygii, ayaad Muxammaddiyadii ba ka jahawareerin.

Aniga ayaan mindhaa adiga weli aad ku baran e; bal ii soo sheeg qabiilkaygiiyow, gacalkaygiiyow, tolkee camal ayaad aniga ii ahaan? Kolley adigu ma ogid, hadi na maysid qabkayga e: Weligaa ba ogsoonow! in aan style=”font-style: italic”>adiga kuu ahaan, cidna.

 

 Wq: A. M. Yusuf

 

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s