Kalsooni mise Kadsoomid?!

Image

Kalsooni mise Kadsoomid?!

KALSOONIi! Oo maxay ahayd? Shukaansi baradkaagii dib u xasuuso, eraygu dhadhan caynkee ah ayuu kula lahaa? Ka yaalay, yaanan foodle iyo dhoocilnimo kuu celine, haddaad guursatay gurina kuu dhisan yahay (QOYS), qiimo intee la eg ayuu eraygaa kula leeyahay? Oo kaalay, maxaan lab iyo dhiddig ugu noqnoqonayaa, bal aan ballaarsho, sideeda Wadaaygaa (saaxiibkaa) kalsoonida aad ku qabto, ama aad ka doonayso waa intee?.

Haddaad garatay heerkeeda lammaaneed ee (kalsoonidu) ay bulshada ku dhex leedahay, waxaad ogaataa, in kalsoonida madaxdu aysan sida taa oo kale aysan ahayn, oo kaliya ay ka timaad dhan, haddii dhankaa laga waayo, waa dib u dhac, loollan iyo burbur! Xiska ku hay inta aan soo marnay.

2000-2013 inta dhaxaysay waxaan magacawnnay 10 Ra’iisul Wasaare, micnaha, toban xukuumadood ayaa la dhisay, halka dalalka caadiga ah, ee aan Olyada iyo Biyaha isku darin (tartarin) ee madaxdu kalsoonida kasbato, ka horna ayba doorasho ku yimaadeen ay magacaabeen laba xukuumad ama ugu badnaan saddax. Anaga waxaa naga soo daba dhaw Talyaaniga oo iyaguna 5 xukuumad kor u dhaafay! Ogow, koofurta iyagaa gumaystay, ma is tiri: Maafiyanimadoodii ayaa noo soo duxday? Hubaal in burburku eedda iyo eelka qayb ka yahay.

Xasan bakhiilsanaa! Haddii xilal aan xoola looga rabin uu sidaa u xaddiday, waxa aad ka filataa marka ay gaarto xaq kiisa ah waa uun xusullayn! Sanadkii hore Golaha Xukuumadda oo dhan ayaa la horgeeyey Xil-dhaannada Xalane, yabaqii jiray, ee Dal-tuurka ku daabnaa xeerin looma weyn, maanta taa baddalkeed ayaan joognaa, in Ra’iisul Wasaaraha oo kali ah loo gacan taagay. Ma qori tuur baa mise waa qilaaweyn? Mid ba, kala hormarinta labada tallaabo, ee marba mid la adeegsaday ujeed la’aan ma ahan.

Xeerku saw kii lahaa qodob iyo qaab la raaco, xad iyo xuduud lagu ekaado, haddii kale ba, xerotaraar iyo xadgudub saw ma ahan! Dhis iyo dumi, laba eray oo kala tagsan sida gabbaldhac iyo qorrax ka soo bax u kala dheer yihiin ka sii fog, haddana, inta isu gaysay, kulmisay ee Soomaalida ka mid ah ciiddaan ka badan, oo ku koobtay hal xilli ama hal xeero, ogaal iyo la’aan ba.

Haddaad horay u mashxaradday –anigu hambalyo qabyo ah ma dhaafine– sanad ka hor soo xuliddii Jawaari, Xasan iyo Saacid, fadlan maanta oo mid kale talada ku soo biiray sacabbatunka iyo alalaaska yaree, haddii aadan awoodin –waaba hubaa inaadan karin– inaad gebi ahaan ba iska dhaafto.

Kalsooni haddii ay isa siiyeen (XER XERO KU XIRAN), bulsho barakac qaxay, dhaawac dhintay, sabool gaajaysan, hoy iyo hargal la’aan ayaa sugaysa, weydiinta haddaba waa: ma sida kuwii hore ayuu duulimaad iyo damaashaad, socod iyo safar caado iyo camal ka dhigan doonaa, kalsooni aan ba hore u jirinna kadabkeed halkaa ku go’i doonaa, mise daryeel iyo daacadnimo ayuu la imaan doonaa, billow u noqon karta dib u kasbasho kalsooni waa hore luntay ama hallawday? Mid ba, waayaha ayaa ka jawaabi doona, balse, mid aan hubno aanna ognahay ayaa jirta, waa in aan masuul lagu noqon dalna lagu xukumin KAARE SHISHEEYE iyo saddax xagalka silloon; Madaxtooyada, Garoonka Aadan Cadde iyo Xarunta Xalane, ee nimanku inay xeryaha iyo xamuulka shisheeye ka soo baxaan diyaar ma u yihiin? GUN GOB is moodda!

“Gayigeenna idil

Gobol iyo degmaba

Guddiyada ka jira

Inay gaajo iyo

Cudurrada gubaan

Ayaa loo guntee

Sidaa maw garteen?.

 

Inay guri dhistaan

Beesana gurtaan

Bangiyada galbeed

Ku gurtaan dakhliga

Ka gadoodnayee

Sidaa maw garteen?.

 

Shacab yahow is gaar

Is gargaarsadoo

Guushu may dhawee

Goolka wada dhalshoo

Haw guran gadaal!”.” Heesta: “Shacab yahow is gaar!”

Waxaan jeclaan lahaa inaan codsi u daro inta mashxaradi doonta, oo ah inaan marnaba la dhigin xaflado lacago badan lagu qubo, aanna laga dheefayn wax aan qasaaro ahayn, tumasho iyo cunto la calaliyo marka laga reebo, maxaa yeelay, inta naga gaaysan ayaa u baahan lacagtaa.

Dad (jawhar) baa doomo dul seexda, dad baa bannaaka jiifa, dad baa geedo korkooda ay guryo u yihiin, oo aan hooy iyo hu’ midna haysan, marka taa ma keenayso in RW cusub loo sameeyo xafalado soo dhaweyn iyo dabbaaldegyo uu qarash badan ku boxo, oo aan wax loogu qabanayn dadka daadadka iyo duufaannadu (Waqooyi Bare) ku dhufteen, kaba muhimsane, inta aan haysan cabitaan iyo cunto.

 

“Magacaaw ka daalnaye

Mudanuhu muxuu qaban?

Magaciis maxaa dheer?

Muunaddiisa yaa garan?

Macaan iyo qaraar iyo

Miiddiisu say tahay?!

 

Ninna meheradaan jirin

Meel uma yimaadee

Muhimaddiisu waa tee?!

 

Magacaa hadduu dhumo

Muuqaal dhammeystiran

Iyo dheeh ma yeeshee

Dhimaal iyo marnaan iyo

Yuu dhantaalba kaa mudan!

 

Murankiyo khilaafkiyo

Mooshinkiyo is maandhaf

Ma dhammaan is marin waa?!” Maansadii: Masuul

 

Indha ku garaadlenimada iyo maaljoognimada waa laga fiican yahaye, inta aad berri barooran lahayd, maanta baalasha iska eeg. Wixii aad maanta samayso ayaa berri kugu dhacaa, oo berri waa maantaye, yeysan ku bixin wax aysan mudnayn, haddii kale dib ayey kuugu soo laaban mar kale (kadsoomin). Magac magac lagu badalay, mansabkuna kii yahay, muuqaal kuma badalmo, hummaag iyo hambariirsina haba sheegin. Horta wali ma isweydiisay XOR MA NAHAY?!

Xilka, xalka iyo xaalinta haddaan la kala (lagu) xulin, xukun lagu xasilo xariggii ma xirmo. Xasad, xan iyo xuuxin intii hore  haddaan lagu xakamayn, xanuun, xanaf iyo xinjiro xabbadeed iyo xasarad ayaa noo joogto noqonaysa. Xaqa, xisaabta iyo xalaasha haddaan la badin, xaaraanta, xoolo-boobka iyo xoog sheegadka ayaa xalqo lagu xeeran yahay noqon doonta xilli walba, oo aan laaga dhammaan.

Hadda, kalsoonidaadu ha ku salaysnaato (hoo iyo sii) uba badi (i sii) illeyn qofka wax kaala dhaxeeyaan waa masuul iyo madaxe. Hubso inta aadan hiil aadan gali karin hawl ka dhigan. Teg, is casil, la casil (tanaasul iyo tatajis) wax ka baxsan ma haynnee hanqaltaag aad had-dhaw ku hungowdo hays galin (qoomamo qiyaasaa ka roon), rajadu waa halkeedoo noloshaaba ku dhisan. I tus oo i taabsii waa inay dhaqan noo tahay, ballan qaad beenoobaw iyo isbaddal isu burriyey labadaba aragnaye, Kutubbo xoorradu yeysan kalaam jaban kugula koodin!

Ha KADSOOMIN weligaa

Arrintana Kor iyo hoos

Kaalintey ku wacantahay

Kobta lagama maarmaan

Kalaan lama huraan iyo  

Karti iyo waxqabadna leh

Ka dheh kaydka kuu gala

Hayska siinnin KALSOONI

Koorahiyo Geeddiga

Yaanu noqon KADEED kale

Kud ka guure Qanje u guur

Kasabkeena Haw CELIN!”

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com 

Advertisements

10 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s