Amley, Arday iyo Ardaal

Amley, Arday iyo Ardaal 

 

 

Midka adhiga mamuli yaqaan moorada iyo geela

Ama saca maqarka u sidee baadiyaha meera

Maqalraacu Soomaali waa mudaneheedii e

~ Abwaan Garnayl Kude Uurgub,

Maxaad Ka Taqaan Midgaan?

 

Haddii ay middidu dhici lahayd soofe la’aan, ardaygu na uu dhici lahaa tababar la’aan; koodna, dooc na ma tareen. Birtu, afeysla’aan, waa ay saawiri lahayd; ardaygu na, ababinla’aan, sawir ayuu noqon lahaa.

ARDAYGU WAA BILLAAWE oo kale. Birtii aan soofeha la dabo wadin; waa ay afbeeshaa, ma na dhalaasho. Ma og tahay, biraha, si kasta ay u adadag yihiin, dabku in uu nugleeyo? Billaaweha, haddaba, si loo afeeyo, raran ayaa la dhex ruubiyaa. Horta hore ba, waa in dab naar ah la dhex dhigaa. Haddee dabka aan dhimbishiisa: laba dibnood ama babbis ama ba buufimo lagu afuufin se; shiditaanka, qumaati iyo ciyoon ba u ma ololo. Intaas ku ma filno. Galleeftii, si ay u yeelato af waxgooya, iyo si loo sii qaabiyo: mararka qaarkood ayaa ba loo baahdaa in billaawahii la tumo, looga na maarmi waayaa in dubbe lala dhacdhaco.

Biraha soofe laga ma dhowro; dab na looga ma damqado; dubbe na looga ma naxo. Intaas oo dhan, wanaagooda ayaa ku jira.

TOLOW ARDAYDA NA maxaa lagu afeeyaa? Ardaygii aan hanuunin lagu wadin, waa uu marinhabaabaa. Wuu bahaloobaa. Ma og tahay, ardayda, si doonto oo ay u madax adadag yihiin, aqoontu in ay nugleyso? Ardayga si loo ababiyo, “wahdiga dugsiyada”, hooygii aqoonta lagu daraa. Horta hore ba, aqoon baxayso ayaa sheedda loo dhex fariisiyaa. Haddee ardaygii aan dhegtiisa lagu afuufin “neeftii garasho”, isagu na, waxbarashada qumaati iyo ba ciyoon ugu ma barbaaro. Si loo kiciyo aradaygii, labada dibnood ee macallinka ayaa aqoon lagula afuufaa. Intaas se ku ma filno. Xerowgii si uu u yeesho tayo toolmoon, iyo si loo sii horumariyo: mararka qaarkood ayaa ba loo baahdaa ardaygii in la laylyo, laga na fursan waayaa in kutubbo lagu cadaadiyo.

Ardayga ababin laga ma dhowro; dugsi na looga ma damqado; kutubbo na looga ma naxo. Intaas oo dhan wanaaggiisa ayaa ku jira.

QOWSAARRADII QARANKA

Talaamiintii beelihii Soomaalida, ajidii weligeed isla soo qabweynaan jirtay—badowgii ayaa ba gunnimo tii ugu foolxumayd, indhoweyd ba ku dambeeyay. Alleylehe, iyaga iyo Gobnimo is seegé. Hadda iyaga ayaa ba BIRTA u tuma Tigreegii reer Itoobiya. Hawlihii qaranka na, qowle ayaa loo xilsaaray. Soomaalidii qabka lahaan jirtay, beri’ hore, ayay joogsadeen: jengeligu se, ardaalku se, Shabaabku se, mooryaanku se, dabadhilifku se… ka ba sii fara badan faltida lo’dii ay “miyiga la meeri jireen”.

DABUUBTII QORAALKA

WEYDIIN CULUS ayaan ku soo hordhigayaa. Qowsaarrada dufoobay, so’maallada qarankeennii baylihiyay, sidee dibuhabeyn loogu sammeyn karayaa? Tolow yaa ii sheegi karaya: wax xildhibaanka na, aan looga turin asii wanaagiisu na, uu ku jiro?

 

 Qormo: “Amley, Arday iyo Xildhibaan”
 Wq A. M. Yusuf

 

 

 

Advertisements

1 Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s