Maansada: Shaamarreer

Image

Maansada: Shaamarreer

Shaamarreer” maanso kooban oo aftahannimo iyo curin sare kulansatay. Hummaag iyo halabuur heego sare ah ayey hogo-tusaalaynaysaa. Af hufan, eray haadsan iyo arar hogol oo kale ah. Laguma hollin karo horudhac iyo haahaabade, aan idiin daayo maansada, ee aqris wacan:

Maansada: Shaamarreer

1:Shabkax oo haddana shidan

2:Shiilan oo haddana shuban

3:Sheegan oo haddana shibban

4:Shuhuban oo haddan shuqlan

 

5:Ha yeeshee shax baan degey

6:Waa dheemman showkali

7:Yeeg baa shanboolaa

8:Baashi magana sheegaye

9:Yaan la dhigin shanliyo Biig

10:Shaanus maahan Turubkuye

11:Shaandheey haddana shiil

 

12:Shiinleeyda maansada

13:Sha iyo Alif shibbane geli

14:Shaqaldheer shid kale saar

15:Sheekada shishe u raac

16:Ha ka bixin shuruudaha

17:Shubihii adoon xiran

18:Shalaw ceelka how gelin

19:Ha ku dhicin shamaagaha

20:Iska fiiri shabaqyada

21:Shafadiyo middiyihiyo

22:Ha la boodin shookada

23:Shufuq meel hagu mudin

14:Shaandheey haddana shiil

 

25:Halkaad shiishka saartaba

26:Qoon baa ku shirayoo

27:Shiiqdaa la dhowraa

28:Waa shaarar badanleey

29:Shamalkiyo shareerada

30:Shiribkiyo shandhalatda

31:Shiddadiyo dhibaata wada

32:Sharta waxa u macallima

33:Balaayada shufeer ka ah

34:Sharrax lama bixin karo

35:Dhulku waa shanqarayaa

36:Sheer baana lagu yahay

37:Shuuxna waa ka da’ayaa

38:Waa shaamarreer weli

39:Shaandheey haddana shiil

 

40:Dhirtu waa habheeb shula

41:Waa keyn Shinbirihiyo

42:Shinniduba ka carartoo

43:Shabeel barabaraaliyo

44:Libaax shamax dhegeystiyo

45:Waxaa jooga shuudaay

46:Shakar iyo dhib weeyaan

47:Lama sheego waxa jira

48:Shiraab weeye sheekadu.

Dhaammaad.

 

Curiye:

 

Maxamed Xuseen Faarax

Advertisements

1 Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s