Heesta: Saluug

Image

Heesta: Saluug

 

01/01/2014

 

Sanadihi tagay

Silicii jiray

Saban xumadiyo

Saxar badanaa!

 

Salal iyo olol

Wax silloon iyo

Sirar iyo dhagar

Sarara qarsoon

Safaad badanaa!

 

Sandullayn iyo

Isir sooc iyo

Saxar badanaa!

 

Dawlad saawira

Madax sawirraa

Oon wax soli karin

Wax salgoyn karin

Suuradayn karin

Suul-dhabaaliyo

Aan wax sixi karin

Waan saluugaye

Sirya caad iyo

Soke iyo shishe

Ugu saabshaye

Salaqlayntiyo

Salablayntiyo

Sal fudaydkaan

Mayga suulshaan!

 

Bulsho seexatay

Seq dheer huruddoo

Oo ba suuxsan

Sun Carbeedkuna

Uu ba saaqay

Xaqeed saxal iyo

Uu salfaday TUUG

Misna seef iyo

Aanba Suug wadan

Suugaan diiddoo

Sadar qoran iyo

Suurado Qur’aan

Subac dhaaftoo

Sixirroow iyo

Sagsaagyada iyo

Dayday uu safar

U soo galay socod

Mija siiboo

Sina jabiyoo

Surta gooyoo

Sacabba tiray

Suuq ka iibiyey!

Waan saluugaye

Saatan ay tahay

Mayga suulshaan!

 

Aqoon kii seban

Bilo soo waday

Suudka qaatee

Suudaan iyo

Sidney soo maray

Sinnaantii liqay

Samaantii dilay

Sugan daba rogay

Aan ka talin SAMO

Ciyaal suuq iyo

Jirri sirgaxan

Soonge nacasoo

Sinji dhaan ah

Sarta soo tubay

Waan saluugaye

Mayga suulshaan!

 

Allaw sida roon

Saxansaxo iyo

Sagal hoorayyo

Hogol sayrtiyo

Sayax da’ay iyo

Sayma roobaad

Noo sahaloo

Noogu subagoo

Sanadkaa iman

Mid sad wacanoo

Kaan sagootinnay

Ka sifa qurxoon

Saacu noo boxo

Sicirbarar haro

Siyaasa xumiyo

Salow beerkiyo

Si xun wax u sheeg

Waan saluugaye

Allaw suuli!

 

Maamul sugan iyo

Maareyn siman

Mudane sariyo

Bara-saab iyo

Suxufiga diran

Sidqi wariyoo

Runta saafoon

Dadku kala siqin

Oday Samir badan

Sifahaa iyo

Suuraddaa baan

Subax iyo layl

Aan sugaayoo

Saadaaline

Hayga sikannina!

 

Sanad suubban

Saxar aan qabin

Saatir nooga yeel!

 

Dhammaad.

01/01/2014

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com   

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s