Maansada: “Faysbuug”

Image

Maansada: “Faysbuug

 

Faysbuug”, waa maanso kooban oo ka warramaysa walxaha, wacaalka iyo waloohoodka lagala kulmo Faysbuug”.

Waa maanso maad iyo madadaalo isugu jirta, ayna ku milan tahay suugaan macaan, meerisyo miisaaman iyo macno mug ah leh. Maansadu waxay si farshaxannimo iyo aftahannimo ku fadhida u soo badhigaysaa wax in badan oo naga mid ah ka qabsaday, ku arkay ama uu kala kulamay intii uu adeeg sanayeyFaysbuug”. Haddana maansadu waxay tahay tiri:

 

Maansada: “Faysbuug

 

U fekerey u faaldhigay

U fiidsadey u fiirsaday

Fursad iyo waqti u huray

Faallooyin badan galay

Falanqeyn ku sii daray

Fasax qaatay oo faqay

Mar labaadna soo furay

Doc kastaba ka fiirshoo

Fahmi waayey Faysbuug!

 

Fidno iyo lar kululaa

Fasahaada badanaa

Faan beena badanaa

Fashilaado badanaa

Fowdadu u fududaa

Maxaa magacyo foortaa

Fays qurxoon la soo dhigay

Feliseey Fadumo Luul

Filsan iyo Farxiyo Ladan

Fanaxleey Faceeddila

Faloowar iya Faamoos

Feysaldheere Faraxsane

Fu’aadquruxya Fuulmaan

Maxaa fool la yaabliyo

Lagu qariyey foolxumo

Sawirrada farshaxankaa

Maxaa midaad fankeediyo

Farihiyo ilaa food

Sida fiidda geedaha

Fiil gaduudan laga dhigay

Faruuryahana fareejiyo

Aad mooddey Feynuus

Markii ballan fagaariyo

Faalal aad ku kulantaan

Kugu noqon fajaajuur!

 

Maxaa wiil farshaxanoo

Feereysan oo dheer

U eg faraskii ceelfaax

Dib ka noqon firkii coon!

 

Waxaa duul facweeynoo

Lixdankii faltamijiray

Sheeganaaya fiiftiin!

 

Maxaa cay fasaxaniyo

Aflagaaddo lagu furay

Maxaa hadal fogaadoo

Faafreeb la soo marin

Faalladiisa lagu qoray.

 

Inuu yahay falsheydaan

Anigoo fa;daas iyo

Ku og filimmo dheeriya

Haddana kama firiistee

Farahaan la gelayaa

Firaash dheer u qaataa

Barkimooyin fiiqdaa

Fallaartaan ku daaraa

Fooldhar kilig ku siiyaa

Faandhi seerji taabtaa

Farendhiga ka goobaa

Faaylmoorka baaraa

Fisqi iiga muuqdaa

Fiidhbak ku laabtaa

Fig kaleeto saaraa

Finisheey yidhaahdaa

Fadlan lacag ku shubo aad

Faayl Menu aadaa

Igu yiraa Fariidoow

Markaas foori baaqdaa

Naxdin fuuf iraahdaa

Iskaraajka fiiqdaa

Mar labaad fur maagaa

Batarigu fariistaa

Ciil faraha ruugaa

Hurdo fiican waayaa

Maskaxdoo i fiixdiyo

Indho fuursan mooyee

Faa’iido kama helin

Fekrad kale qofkii qaba

Ha noo sheego Faysbuug?.

 

Dhammaad.

 

Curiye:

Maxamed Xuseen Faarax

Advertisements

1 Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s