AGOONTII Meles oo ADEER heshay!

Image

AGOONTII Meles oo ADEER heshay!

 

Sanad iyo maalmo ayaa laga joogaa geeridii Aow Meles Zenawi, maalintii gabbalku u dumay gablanna ay noqdeen gafanayaashuu Aow Meles Soomaali u adeegsan jiray, ee marna aan ka digigixin inay Dubbe ama Masaar la dhacaan umaddooda, la yiri “Doqoni walaalkeed ayey u DAAB weyn tahay” kuna raalli noqday inay dabadhilif u ahaadaan DAAFILEEY dal iyo dad inay dam ka siiyaan u degsan tahay.

In kasta oo si guud uu isbadal uga dhacay hoggaanka dalalka dariska la ah Soomaaliya, marka laga reebo KALIGI TALIYE GEELLE oo isugu u maleeya inuu DHAXAL DHIGAN xukunka ku haysto, isagoon eegin wixii KALIGI TALIYE Siyaasad Barre ka qabsaday caburinta, haddana, geerida Aow Meles Zenawi waxay kala wareeg u noqotay Siyaasadda Geeska Afrika, marka laba dhan laga fiirsho, oo kala ah:

-Isu dheellitirnaanta hoggaanka IGAD oo aad mooddo inay dib u soo laabatay, halka uu markii hore dhan u ciirsanaa.

-Agoontii uu ka baxay Aow Meles Zenawi oo u darsatay, balse, Adeer helay, waana midda aan qormada ku faaqidi doono. 

Xaqiiqda biya kama dhibcaankaa yaa ah, in xer badan gablan noqdeen, waxaad ka garan kartaa erayada tacsida lagu maldahay ee ka soo baxay kuwan isku sheega madaxda Soomaalida, dhammaan waxay isku raaceen inuu ahaa GEESI, waa Aow Meles Zenawi ee ogoow, bal aan halkan su’aal dhigee, GEESI ma wuxuu ku noqday inuu Soomaali xasuuqay? Ani ma garan, aqriste, adiguna?.

Aow Meles wuxuu ahaa madaxa rasmiga ah ee ka talin jiray waddanka gees ka gees, deegaanka Koofurta uuba wakiillo ku lahaa baa la dhihi karaa, ee deegannada ay ka taliyaan maamulka Somaliland iyo maamulka Bari ee ay kala hoggaanshaan Siilaanyo iyo Faroole si toos ah ayuu u maamuli jiray.

Marka laga soo tago in ay Qurbaan joogta ah bixin jireen, marka laga soo tago inay dad nool u dhoofin jireen Aow Meles, marka laga soo tago inay u xeraysan jireen had iyo jeer, tii ugu darnayd waxay dhacday markii ay xaflad u dhigeen sanad guuradii Aow Meles uu xukunka xoog ku qabsaday, xafladdaa waxaa lagu dhigay Hargaysa iyo Garoowe, waxaana soo qabanqaabshay xubno sarsare oo ka tirsan labadaa maamul, siday geeridiisii u xuseenna waaba loo joogay!

Inta aysan ila gudbin sheekadu aan waxyar xasuusta sooyaalka dib kuugu celsho, kuuna soo bandhigo dhawr shir oo uu Aow Meles  horjooge ka ahaa, qaarkood sabab u noqdeen dhantaal iyo dhimaal sii dhudhansamay, halka kuwa kalana ay noqdeen dhabqi iyo dhooqado yeysan degin.

1. Shirkii Addis Ababa Maarso sanadkii 1993. Shirkan in loo qabtay ururadii magaca siyaasadeed watay asii ahaa ururro beeleed ka sokow, waxaa ka soo qaybgalay Abwaanno http://www.youtube.com/watch?v=nqMc_24govE iyo fanaaniin badan http://www.youtube.com/watch?v=2vkegrxx2og oo aan ka xusi koro Abwaan Cabdulle Raage Taraawiil http://www.youtube.com/watch?v=67kb_TYbZMc iyo Abwaan C/qaadir Xersi Yamyam, oo ka jeedshay maansadii cajiibka ahayd oo liilkan hoose ku lifaaqan:

http://www.youtube.com/watch?v=QqkSoab-jOk

2. Shirkii Sodare November sanadkii 1996. Shirkan oo sabab u noqday burburkii dawladdii Salballaar ee uu Xuseen Caydiid dhaxal siyaasadeed uga dhaxlay Abbihii Gen. Caydiid, oo isla sanadkaa geeriyooday.

3. Shirkii Hawaasha Apriil sanadkii 2001. Shirkan waxaa loo qabtay kooxdii la magic baxday “The Somali Restoration and Reconciliation Council” marka la soo gaabshana noqonaya (SRRC) madashan ayaa waxaa ku midaysnaa dhamman qabqablayaasha koofurta la dagay, ee halaagga iyo holaca ku harqiyey.

4. Shirkii Addis Ababa Maarso 2010. Shirkan waxaa loo qabtay laguna aas-aasay kooxda saldhiggu u yahay Gobolka Galguduud ee loo yaqaan Ahlusunno, aniguse aan u baxshay “DHAL AMXAARO” halka Qoraa sare C/qaadir “Aromo” uu ku magacaabay “AHLU ZENAWI” markii ay isla noolaa waayeen ee ay is khilaafeenna isla Addis ayuu Aow Meles Zenawi dib u heshiisiin ugu qabtay.

Shirarka uu Aow Meles qabtay ciiddaan ka badan, balse, anigu afartaa ayaan ka soo xushay, illeen hal qoraal kuma soo koob mayaane, haddaan buug iyo buugaag laga qorayne. 

Dhibka dhacay meel walba ayuu gaaray, madaxda dawladda ugu sarraysa, kuwa maamul beeleedyada ee ka jira waddanka, marka ay is khilaafaan waxaa gogosha u dhigi jiray oo wada hadal siin jiray Aow Meles, aqriste, adi ma tirin kartaa inta Addis loo tagay shir iyo wada hadal? Ani ahaan tiro iska daaye, xitaa laguma qori karo buugga caanka ah ee loogu talagalay waxyaabaha xaddhaafka ama la yaabka ah ee “Guinness World Records”.

Markii hore xerta Aow Meles waxaa lagu sheegi jiray qabqablaayasha, oo habaar iyo haaraan dabada loo qaban jiray, waxaase gadaal uga soo darsoomay wadaaddadii oo dhan walba leh, aan tusaaleeyee, Ahlusunna saw ma ahan Dhal Amxaaro? Yaa unkay? Yaa aas-aasay? Yaa hubeeya? Saw shirkii aas-aaskooda laguma qaban Addis? Hadday is khilaafeenna saw isla Addis laguma wada hadalsiin?.

Dhanka kale, “Midowga Jabhadda Xoreynta Soomaali Galbeed ( Western Somali Liberation Front) (WSLF) ” oo ahayd jabhad lagu tirsho garabka Wadaadada Waallidu wadday, oo ku doodi jitray anay ku Jihaadayaan maamulka Aow Meles, da’ yartana ku dagaalgalin jirtay waxaan xoraynaynaa Soomaali Galbeed, ayaa aakhirkoodii ayagii la xoreeyey, ka dib markii ay isu dhiibeen Aow Meles, taa oo aysan wadaaddadii shalay diiddanaa in Soomaalidu wada hadasho aysan waxba ka dhihin “La joojiyaana bannaan, la jiifiyaana bannaan!”.  

Inta ka hadashay geerida Meles waxaa ugu liitay Mudane Faroole Madaxa Maamulka Bari, oo si kal iyo lab ah ugu tacsiyeeyey, wuxuuna yiri: “Senawi kaliya Ethiopia kama dhiman, wuxuu ka dhintay guud ahaan dhucuubta Afrika iyo Soomaalida, anagana waa naga dhintay..”intaa kuma ekayne, qaylodhaan dirsaday, oo yiri: “…Waxaan ugu baaqeynaa raysul wasaare xigeenka hadda xafiiskii la wareegay iyo ragga kale ee la shaqeynaya inay raacaan dhibihii uu jeexay Senawi”.

https://bilediraac.wordpress.com/2013/08/17/geerida-meles-iyo-guddoonka-geeska-afrika/

Gablanka gabbalku u dumay ee geerida Aow Meles gabbaadku u jabay, waxaa soo food saartay arrimo badan oo wax ka qabasho u baahan, weydiinta yaa ah, geerida Aow Meles ka dib, sidee u dhaqmeen madax ku sheegga Soomaalidu? Ma waxay sii joogtooyeen qorshihii ay ugu qaddaameyn jireen? Mise isbadal bay la yimaadeen?.

Inta aanan u gudgalin kaalintii Aow Meles banneeyey cidda buuxisay, waxaan jeclaan lahaa inaan mid kale ka hormarsho, oo aan isleeyahay waa muhim ogaalkeedu, horta xereysigii (Mawlaca Meles) madaxda Soomaalida ee Addis waxba iskama badalin, oo wali waa sidii Aow Meles iyo la’aantiisa, balse, waxaa hubaal ah in aan sidii hore loogu sii qulqulin, iyana waxaa u wacan waa isbadalka mandaqadda ka dhacay iyo kala wareegga maamullada ku yimid, taa waxaa kuugu daliil ah, celintii Garoonka Addis laga celshay Mudane Faroole iyo booqashadiisii u dambaysay ee uusan kala laaban wax la taaban karo.

Sidii uu Aow Meles Zenawi u geeriyooday waxaa kaalintaa SI KU MEEL GAAR AH u buuxshay Dawladda Kenya, si dadban markii horaba waa ugu lug lahayd, haddase si cad ayey isu soo mutuxday. Mar waa cudud iyo ciidan ahaan. Mar kale waa cawaanno u caleemmo ruxa, oo ku yiraa had iyo jeer; “SAX WEEYE!”. Marka kale waa inay saldhig u noqotay xunbaha bulshadu ku sumadday QASWADAYADAASHA, ee isugu jira: 1- Masuuliyiin xilal ka soo qabtay dawladihii dalka isaga daba maray dalka, sida; Cali Khaliif Galayr, Shariif Xaaji Aadan “Sakiin” Cali Maxamed Geeddi, Cumar C/irashid Cali Sharmarke, Gaandi IKK. 2- Rag ku fashilmay tartantii doorashada madaxtinimada ee sanadkii hore, sida: Yuusuf Garaad Cumar Axmed iyo C/raxmaan Baadiyoow. 3- Xildhibaanno ka tiran Baarlamaanka Dawladda.

Dhanka kale, ha moogaan shirarkii hore u qabatay Kenya, sida kii 1996 ama 2004. Laashin ka Shirbay xarun u noqoshada Nairobi QASWADAYAASHA ayaa yiri:

 

Adeer UHURU waa aqyaar, agoonta aflaxeed yaqaan

Igaaraan Nambar Koow ehayn, maba ishaarto ebedkiis!

 

Inay Nairobi shirar dhawr ku qabsaden ka sokow, waxayba u noqotay saldhig, tallaabadaa oo ah mid uusan xitaa ku dhaqaaqin Aow Meles, oo ku ekaan jiray wada hadalsiin iyo shir qabasho. In Nairobi saldhig u tahay ka sokow, waxayba inta badan ka afuufaan munaafqaddooda ku dhisan yeysan wax kala socon ama yaan hore loo dhaqaaqin.

Ha moodin inaan illaabay qodob aad is leedahay muxuu u soo hadal qaadi la’ yahay, haddii uusanba faahfaahinayn. Kuwa Nairobi ka qalaada waxaa cidii u dambaysay laga maqlay Cali Geeddi, isagoo shirkii Addis Ababa ee Axmed Madoobe iyo Dawladda u dhexeeyey soo dhaweeyey, illeen Addis ayuu ka dhacaye, Xabashana marti ayaa loo ahaaye, halka uu ka soo horjeestay kan ka socda Muqdisho, isagoo yiri: “looma dhamma!” Alla yaa u sheega “looma dhamma iney Cusmaan Caato iyo C/laahi Yuusuf la dhinteen!” oo ay ku habboon tahay haddii ay lagama maarmaan tahay inuu wax sheego inuu la yimaado eray bixin casri ah iyo mid cusub, haddii kale uu iska aamuso, sababtoo ah:

-Shirkan Xamar in kasta oo wax nuxur leh aysan ka soo baxi doonin oo Soomaali u aayi doonto, haddana wuxuu ka wanaagsan yahay kii ay qaban qaabsheen isaga Geeddi ah iyo C/laahi Yuusuf, guddoomiyana looga dhigay Cali Mahdi, waa Dhurwaa Hilbo ku raro, Libaax ha kuu waardiyeeyo,  Dawocana ha kuu khaadimayso, xaad ka filan lahayd? Bal adba. Halka shirkan ay agaasimayaan ugu yaraan dad aan dhiig dad iyo dhaqaale dawlo qabin inta la og yahay.

-Haddii aan shirkan Xamar loo dhammayn, kii hore aad u qabateen Soomaali ma loo dhammaa? Anagoo og in markaa Xamar Xabashi xoog ku haysatay oo aysanba xor ahayn? Dabcan waa i dhihi kartaa maantaba AMISOM ayaa joogta. Sadarrada sare ku laabo aniga shisheeye waa ii shisheeye, ee iima kala sokeeyaan mana kala xigsanayo, ee bal horta caadifadda xagga iska dhig, cuqdadaddana iska daar. Abwaan Abshir Faarax Nuur “Bacadle” ayaana iga deeqay, oo ku SHIRBAY: “Ugaandha geelii waa gudeen, Gumaadkiina waa gareey dhaheen!”.

-Geeddi adoo Aow Meles u hirgalshay riyo xitaa uusan waligii ku riyoon iska daa inuu qorshaha ku darsadee ama uu ka fekeree, adiga iyo inta kula halka ah, ee leh C/laahi Yuusuf, Xuseen Caydiid, Gacma Dheere, Salaad Cali Jeelle, Yuusuf Azhari, Maxamed Dheere, Gaas, Xuub Sireed IKK, saw ma tihidiin ninkii Awo Meles u ahaa Buundadii uu ku soo tallaabay? Si kale aan u dhigee saw ma tihidiin nimankii sabab u noqday in Xabashi Bartamaha iyo Koofurta fog ay xasuuq daran ka gaysato? Saw sabab uma aadnaan noqon qixii ugu ballaarnaa oo Soomaali gala ka dib markii ay Xabashidu Xamar soo gashay?.

Arrin kale, oo mawduucan la xiriirta aan kuugu daro, mid waxaa jirta aanba laga hadal marna ama aanba la soo hadal qaadin, waa marka laga hadlayo waxyeellada ay Xabashidu u gaysteen Soomaali, oo ah dagaalkii Daynuunaay ee gobolka Baay ka dhacay, laga yaabee inaad shalay ku qanacsadeen [Maxaakim Islaan – Wadaaddadii Waalligu wadday] maantase aad leedahay Argagixiso ayey ahaayeen, balse, ma ogtahay dagaalka inta ku qur baxday inay dhallinyaro wada ahaayeen oo uusan ku jirin intii hoggaanka ka haysay Maxkamadihii, xitaa Saraakiil hoose? Adba bal keen qof ku dhintay magaciis oo xil muuqda ka hayey Maxkamadaha, ma jiro, haddana, dadka qaarkii ayaa kaa doodaya in Xasan Daahir uu mudan yahay in la Maxkamadeeyo, oo kaalay kuwii xasuuqaa wax ka gaystay ee Wadaadada ahaa wali waa joogaane maa lala Maxkamadeeyo, waa haddiiba ay dhacayse?.

Aow Meles sanad ayuu sii mootan yahay, haddana sanadguuradiisii koowaad hadallo rag Soomaali ah ka jeedsheen waxay kuu caddayn in qaar badan oo ka mid ah ay moodayaan inuu wali nool yahay, si aysan malo kaliya ula noqon waxayba Magaalada Jigjiga uga dhiseen Aow Meles Taallo ay malaha u xajin doonaan had iyo jeer, mar aan dhaaraynna magaalooyinka Hargaysa, Garoowe, Dhuusa Mareeb, Baydhaba iyo Xamar ka filo.

Balse ayaandarrada ku dhacday [ayaan wanaagse noo ah] ehellada Aow Meles ayaa dacwo ka dhagn raggii qarshaha fulshay u gidbiyey Maxkamad oo hadda Taalladiina waxay ka qarka u saran tahay in la dunsho, oo awalba la isla dhex marayey lacagta lagu dhisay in loogu talagalay in lagu hagaajiyo Tubbooyinka qaada Bullaacadda magaalada. Bal adba.

Qormadana waxaan ku eegay weydiimaha kala ah: Geerida Meles sanad ka dib, xaa iska badalay Mandiqadda? Ma loo darsaday mise waa laga raystay? Maxaa laga filan karaa hoggaamada cusub ee gobolka ka hana qaaday geerida Meles ka dib? Agoontii Meles ka baxay Adeer ma heleen? Anoo is leh wixii aad haysay oo sooyaal iyo saakayaal isugu jiro wax waa ka iftiimisay, ayaan haddana ku soo afxirayaa maansadan:

 

Inta kalaba garannaye

Geeddiyo Xuseen iyo

Kuwii gumaaday shacabkii

Wali may garramayaan?.

 

Inta kalaba garannaye

Gaas iyo Shariif iyo

Galayr Ina Rashiid iyo

Inta guratay lacagtii

Gaandi wali ma shirayaa?.

 

Inta kalaba garannaye

Madoobiyo gar dhuubiyo

Aw Libaaxya giirgiiir

Kuwii diiinta gurac iyo

Nooga dhigay guhaad daran

Wali guuxa maba dhigin!

 

Inta kalaba garannaye

Yuusuf ina Garaadiyo

Baadiyow maxaa gubay

Dad la ganay sidoodii

Horta maxay la guuxaan

Hoos ula Gunuusaan?.

 

Dhammaad.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com

 

Advertisements

1 Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s