Habaarqabe Dilay Magacii Qaranka ( Herostratus )

Image

Habaarqabe Dilay Magacii Qaranka  ( Herostratus )

HALKII UU DOORBIDI LAHAA, magaciisa, in lala xiriiryo hawlo wanaagsan uu dadkiisa ama uumiyaha ba u qabto; rag waxa jira ka doorbidaya in uu ku caanbaxo: burburin, halakayn, iyo muquunsasho. Jirro weeye dadka ku qaadeysa in ay baduugaan wax kasta oo leh tayo wanaagsan; si ay iyaga u helaan magacxumo waarta geeridooda ka dambow. Haatan aad akhrinaysid qoraalkaan, waxa laga yaabaa kaas oo kale, in uu ku ag joogo. Eeg dhinacyadaada!

Haddii se aan aad weligaa ba arag habaarqabe haas oo kale; soo gaar Gobolka Geeska Afrika: Oday waxa aad arki doontaa sheeganaya xil sare in uu dadkiisa u sido; bal se, waxa keliya oo uu ku tarayaa na ay tahay tirtirista jiritaanka qarankoodii ba. Haddaba, waxa aan ka dhowrsan doonaa carrabaabista magaca xildhibaan kusheegga qaarkii, sidaas oo kale wasiir kusheegga qaarkii, iyo madaxweyne kusheegga qaarkii—xubin ka tirsan dowladda kusheegta ugu liiddan, ka na takooran Afrikada Madow. Muraayadda sooyaalka ayaan kaaga soo dhex muujin doonaa, tusaale kuu suuradeyn kari doona gaado hiisa filka daran.

HEROSTRATUS

Napoleon Bonaparte oo dib u qooraansanaya xurgufihii horey u soo dhexmaray Fransiiska iyo Iglan; Dagaalkii Toddobada Sano, Pitt eeralkii Chatham (Jáatam), ayuu ku tilmaamay in uu ahaa: “[Nin]… carrada oo idil ka dhex huriyay dabkii heshiisla’aanta; magaciisu na, sida kii Erostratus, waxa sooyaalka lagaga dhex qori doonaa, inta u dhexeysa holac, baroor, iyo ilmo…” ( Abbott, John S C: Napoleon Bonaparte, b. 212). Ujeeddada aan Napoleon Bonaparte ugu soo halqabsaday ma ahan William Pitt iyo dugsigii laga dhaxlay in aan kaaga sheekeeyo; sida kale se waa in aan kaaga hadlo habarqabeha kale ee isaga lagu asteeyay — Herostratus ama qorniin ahaan na, u dhigma — Herostratus.

WAA KUMA HEROSTRATUS?

Arteemis, macbadkii Ilaahaddii Giriigga, asii reer Ruum na ay u oqoon jireen caabuduwaaqii Dayaana, waa fagaare ku ag oollaan jiray meesha la yiraahdo Efases — maanta na ka tirsan dalka Turkiga — ka na mid ah Toddobada Yaabab ee Adduunka. Macbadkaas baaxadda weyn waxa dhisay boqorkii reer Liddiya ee la oran jiray Kriisas sandkii 550 CK. Mar kale ayaa se dib loo dhisay goortii uu “dab qabadsiiyay nin waalnaa oo la oran jiray Herostratus” (Encyclopaedia Britannica), Luulyo 21, 356 CK. Herostratus, waxa uu ahaa nin dhallinyar oo raadin jiray tab uu ku caanbaxo. Si taariikhda uu baal madow uga galo awgeed, habayaraatee, inyar na isku ma dayin, in uu dafiro; si taas ka duwan se, waa ba ku faanay: isagu, in uu ahaa gefehii gubay macbadkii Arteemis. Si loo quusiyo kuwa isaga la halmaala, kuwa caanbaxnimo u jeel qabi karay, taliskii ma go’aansan oo qura in Herostratus la dilo; illayse waxa uu duldhigay xukun dhaxaltooyo madoobaa, kaas oo dadka ka reebayay carrabbaabista magaciisa — macneha, qofkii soo hadalqaada ba magacii Herostratus — in la kanbalo (Wikipedia: Herostratus).

Ma og tahay, Afrikada Madow, waxa madaxnimo loo aqoonsadaa nin ku faanaya burburinta qarankiisa. Nin dadkiisa u soo kireysan nacabkoodii iyo nacabkii Allaah: Oday ka soo horjeesan Islaannimo, madax kusheeg haybad ku raadsanaya ashahaado-la-dirirnimo, xildhimaallo macatab iyo majuusi kor u wada sida — Masjidkii Ilaahay na qaraf u sidta. Duul weeye ku wada naaxa hoogga dadkooda. Hadda ayaa se la soo gaaray waqtigii laga xayuubin lahaa magaca ay sitaan, qofkii ugu yeeri na, afka la qaban lahaa; si kuwa ka sii daba lumi lahaa, iyagu na, ay ciyoon ugu wada quusqaataan deldelaad iyo garsoor reebi dhaxaltooyo madow.

Hadda ama weligeed na ba. Innagu na, haddii aynu ummaddii Soomaaliyeed nahay, waxa la joogaa goortii ay ugu habboonayd, in aan wadar u wada jujuubno. Haahey, waxa la joogaa markii aan dili lahayn Herostratus kii Soomaalinnimoda! Walow aan aad u tabar iyo hub ba liidanno; hayeeshee, misana, ogosoonw, maanta, ayay ba ugu mudanaan badan tahay, in aynaan isdhiibin (Author unknown: Don’t Quit). Haddaa aan dadka iyo dalka ba, Herostratus, ka wada biliseyno. Allaylee, aan dilno xildhimaal!

Wq A. M. Yusuf

 

Advertisements

2 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s