Maansada: KIIS!

Image

Maansada: KIIS!

Keenya waa baxaysaa
Kismaayo waa haraysaa
Kuwii Karaamo seegay
Kukuuyo dhulka keenay
Xabashta kaalin siiyey
U muujay Kalgacaylka
Amxaarka Kaarihiisa
Kabiirka isla mooday
Kibirka sanka taagay
Kadeedka dadka galshay
Ka saaray guryahooda
U qaxshay Kaamam cidlaa
Kaskiisu muusan siinnin
Karaahiyad looma baahna
Dadkaagan kala kulaalay
Koonka daafihiisa
U kaalay xaalintooda!

Kulli xeynta joogta
Kuwii ka sii horreeyey
Kuwooda soo karaaran
Kistooda oo la siiyo
Kitaabka loogu laabo
Bunuugta loogu kuuso
Kuraasna loogu deeqo
Ayaaba kaafinaysa!

Korkooda waxa saaran
Kulleetigooda muuqda
Xaaraanta ubu keydsan
Haddaysan Kaare ciidan
Ku jirin dhex dhexdooda
Ma koro gaari dedan!

Haddaad ba kaftan moodday
Kolleyba eedda taagan
Xumaanta kefeddeeda 
Kicinta beeleheenna
Kumanka dhintay heedhe
Karuurka dhaawac yaalla
Korkaagu kaatibkeennu
Ku xiray Koorta eelka.

Indhaha haygu kuurin
Kutaanta Dhiqleheeda
Adigaa Kudka keenoo
Karaantiilka doontay
Kadiska qaybta dambe
Ka fiirsha Kiisaskiinna!

Dhammaad.

01/02/2014

Bashiir M. Xersi

Advertisements

2 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s