ILMADII DAGAALKA SOKEEYE!

Image

ILMADII DAGAALKA SOKEEYE!

A. M. Yusuf (Wayeel)

 

SOOMAALIYA waa lamadegaankii jaxarka, jawrka iyo xakaarka. Carradiigacandhiigle, dagaalooge, iyo mooryaanka. Dhulkii aanooyinka. Geyigii colaadda. Hooygii hoogga, kufsiga, iyo karaamadarrida. Dalkii goblanka, madiga, agoonka, rajayga, armalka, asaayda, abtirsiimolaaweha, loomaooyaanka — iyo oohinta. “Waddankeennu waa wadnihii jirkeenna” oo nacayb, iyo dhiig sokeeye fatahay.


 

DAGAALLADA SOKEEYE ma laha gacaltooyo ama ba guhaad loogu kala xilan karayo. Si dhif ah ayay nacabtooyadoodu u kala duwanaan kartaa. Dhiillo shalay ahayd, iyo mid maanta joogta ba; mid midda kale dhaanto, ma jirto. Colaaddu, weli isla sidii hore ayay wax u dishaa wax na u dumisaa. Isla sidaas oo kale ayay weli na waxyeello u geysan doontaa geeddii shalay ama ba maanta.

Si kasta ba se, dhibbaneha ugu horreeya oo ay colaadda disho waa runta. Walaal iyo wadaaygiis — midkood ba ka kale, rogaal, iyo col ba ruugga u dhigay — ayaa eedda isku kala dadbi doona. Midkood na ma qaadan doono in uu noqdo eedeysanaha nabaddii aasay. Walaal kasta na, isaga ayaa isla gar lahaan doono: waxa uu isku tilmaami doono runlowga keliya ee runta sheegahaya. Dhibbanayaal, bartamahii dagaalka ku go’doomay ayaa jiray se; dhibbaneyaal ku dhex saxariiray dhiillooyinka waalanaa, gadoodkii xumaa ee ka dhex dhacay beelihii riddamayay, iyo isreebkoodii qubay dhiiggii qaranka — ilmadii dagaalka sokeeye.

Dhibbanayaasha sida la caadaystay, waxa la soo hadalqaadi doonaa waayo dambe dabadood; ama shibteeda ayaa laga geli doonaa, si aan loo qaawin cawrooyin muuqda; ama kaagadaranta, waa ba lagu faani doonaa, halkii looga murugoon lahaa, tiryooyinkii sokeeye ee la dilay — saa waa iska xaal dagaal e. Arrinta ugu wada fooshaxun na, waa midda dhici doonta gabaabsiga dagaalka: waa ba la illoobi doonaa. Cid doonaysa in ay wax ogaato ba; ma jiri doonto. Qof kasta na waxa uu doorbidi doonaa in uu noolaado noloshiisa; dantiisa na aan uu u seegin: dhacdooyin dhacay tagto hore.

Si aysan hadda ba taas oo kale u dhicin, ayaan maanta jeclaan lahaa in aan Soomaalida ku baraarujiyo qoraalkaygan. Si dhibbanehii iilka lagu gaabshay; hogga loogu geeyo hiil garsoor: Gacanta sharciga ee dheer, waa in ay magaggooye (khaa’in) kasta faraha ku soo dhigtaa. Dhiigyacabnimo na waa in aan loo arag; gef iyo gardarro aan laga shallaayi doonin. Walaalow, war sidee u aragtaa dagaalooge? Ma ogi aragtida aad ka haysato fulaygaas dilaaga ah. Anigu se waxa aan u arkaa: bahal noloshaydii dhaawacay, horor hadba cad cad ii kala goosgoostay, iyo muhdi aan waxba ii hambeyn.

Beriga maanta ah se, waxa aan dooni lahaa in aan xusuusto hooyaday, aabbahay, awowgay, ayeyday, abbaayday, abboowgay, xigaaladaydii, deriskaygii, saxiibaday — dadkii Soomaaliyeed oo idil — ee sida kaska, iyo bareerka ahayd loogu riqday. Xigtadaydii, sida turriino la’aanta lahayd, lagu rigaaxay reemidii madaafiicda. Gacalkaygii hoobtay oo aan ruux na laga caymin. Dadkii ay laayeen Koofiyad Castii iyo jabhad beeleedyadii. “Giddigiis naflaa’iga wixii gobolba meel aaday” (Ismaaciil Mire, “Gumburo”). Duqyentii aan loo aabayeeli jirin awgeed, dad ayaa jiray ku kala irdhoobay. Gacalkaygii uu aabigu qixiyay, baylahda na uga dhigay arradka, asqada, oonka, gaajada, hawkarka, dhaxanta iyo dheelka arooyaad; — iyo dhibbanayaashii ka soo noolaan kari waayay. Dadkaas ayaa maanta mudan in aan xusuusto. Cid aan taa na ku habaaro ama ba ugu duceeyo, garan an maayo. Lixaadkaygii ayaa socod iyo gudub u diriray, socod iyo gudub na isu dabargooyay. Midigtaydii, iyo bidixdaydii ayaa is jaray. Haddii se maanta, halka wax oo aan diidan ahay uu laabtayda geli lahaa, waa hubanti, in aan sheegga Soomaalida oo idil wada nici lahaa. Ma ogi si aan hadda na u nici karo lafahayga, iyo dhiiggayga. I ma ogid; Soomaali ayaan ahay: Soomaali xumaan tirsanaya, xummaan na aan cid na la doonayn; bal se ay xumeeyeen Soomaali walaalihiis ah oo xunxun. Koodii xun iyo koodii san na, Ilaaha Weyn ba wuu og yahay iyaga. Anigu na, qaarkood waxii ay faleen, wada ogi.

Reer kasta waxa weli laga tebayaa dadkii aan ka soo samatabixin dagaalkii sokeeye. Sidaas darteed na, baroordiiqda taahbeeshay — murugooyinka qaranka ee shibban oo baarooranaya — ka qeylo dheer wax aan la maqli karayn. Anigu se, ma waan oohin awgeed indhihii ba ila basaasin? Dadyow badan oo aan adduunka ba joogin ayaa i hor imaanaya. Dadka dhimashadoodii, naflacaarigoodii, galangalcowgoodii, sakaraadkoodii, goohoodii, iyo geeridoodii xanuunka badnayd ay igu reebtay uurkutaallooyin raagaya. Geeridoodii waxa ay i dhaxalsiisay dhaawacyo culus, kuwaasoo si aan uga bogsado u baahnaan doono waarantiin dheer; malaha, cimrigayga oo idil.

Gardarradii iyo maaggii ayaan welidan hiban: Ciilka iigu xanuunka weynaa waxa uu i daaray, goortii rayid aan hubaysnayn dagaalkii lagu galaaftay, weerarkii na lagu dayeysiiyey. Ha kala reebin, wax na ha hambayn ay ka dhacday. Carruur, haween, waayeel, iyo bukaan ba waa la wada xasuuqay. Sow tii gaalleefta loo qaaday gaabiskii, iyo dhaawacii na; degmooyin, iyo beelo dhan miyaan damug laga siinin. Dadku wuu ka sheekayn doonaa teeryo buunkii: sida ururro kusheeggii, iyo gedisleydii dagaalka ay maatadii qaranka u xasuuqeen.

Ogow se, marka dagaalka la ebyo, runta, ayaa wax iisha ba, ugu horreyn doonto. Waa qaan innaga oo dhan la inoo haysto, haddii dhibbanihii colaaddu noqdo tiro lagu qoray sadar ama ba uu noqdo tirsi la qatifay ama ba qalfoof xabaal uun iska dhextaalla; runtii na, wax aan qeexneyn ama la qasay ama ba ay noqoto wax raqdii meydadkii lagu aasay, lagu qariyay. Dilanehii la halmaamo na, waa “isagii oo mar labaad la dilay oo kale”. Runta waa in la soo ifbixiyaa. Nabaddaay joog; nacaybow jiido.

Aad ah ugu bogi lahaa — jiilalka aan igu kufka ahayn, iyo faca iga dambeeyo oo idil — haddii lagu barbaarin lahaa gacalkii la dilay, la qixiyay, la barkiciyay, la na bililiqeystay in ay gef weyn ahayd; sidaas na, ay runtii ku noqoto mid la taray hiil weyn, mid loo wada dooday, mid qareen loo wada noqday, iyo mid la wada qaayibay ba. In aan isu wada sheegno runta wadne, iyo calool ba aan la siin kari doonin. Tani na waa wax barbar socda irkashada dakanaha colaadeed: hal gardarri waxa loogu aargudi, gardarrooyin kale oo la buunbuuniyay. Haddaba, qaantii si loo mago waxa loo bahan yahay halyaynimo; waxa loo baahan yahay hilow walaaltinimo: si boogihii qaranka na loo dhayo, si runtii na loogu helo garsoor dabagala, iyo gar lagu joojiyo.

Yididdiilo aad u wanaagsan, ayay noo wada ahaan lahayd; haddii aan soohdimaha colaadda, iyo nacaybka, iskaga soo maaxi lahayn: si aan runta isugu wada sheegno, si aan isu na wada maqalno. Madasha aan ku kulmayno, iyo beriga aan kulmi doono, labaddaraadle, waxa ay digniin, waanooyin, iyo qeylodhaan ba u noqon doonaan innaga oo idil; si aan ay colaad dambe u helin dabayl hurisa, iyo shidaal dambe oo ay quudato ba.

Laga bilaabo berigaas haddii uu Allah igu simo, iyo teeryo beriga kale oo aan anigu na ku biiri doono halkii loo batay; waxa aan laabta ku hayn doonaa, ma ahan aargoosi; bal se, waxa aan Soomaalida ku sii wada boorrin doonaa:

  • Soomaaliyey toosoo
  • Toosoo isku tiirsada
  • Hadba kiinna taagdaran
  • Taageera weligiin.

~ Yuusuf Xaaji Aaden (Qabille),
Soomaaliyaay Toos

 


 Qormo: “Ilmadii Dagaalkii Sokeeye”
 Wq A. M. Yusuf | Jimco, Feberaayo 13, 2004

Advertisements

1 Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s