AMXAARO iima dhaanto ALSHABAAB!

Image

AMXAARO iima dhaanto ALSHABAAB!

 

Dunidu waa caynba cayn, maalin ba waa heer iyo halka labadiisa gallin, wixii shalay qaldanaa ayaa maanta saxma, ama wixii maanta saxnaa ayaa berry qaldami kara, intaa waxaa u dhexeeya waqtiga iyo socodka waayaha, oo mar walba keena guul ama guuldarro la falgala qaabka dadku yahay, heerka garaadkooda iyo aqoontoodu gaarsiisan tahay iyo habka ay u nool yihiin iyo waxa ay ku nool yihiin, oon laga tagi karin maamulka hoggaamiya iyo maaraynta hagta.

Yaa maanka galiyey in Kenya ku soo duulayso Soomaaliya? Yaa saadaaliyey in Kenya galayo hammiga intaa la eg? Yaa hiyiga gashtay in Kenya u soo kooraysanayso inay Soomaaliya kala qaybiso? Yaa ku fekeray in Kenya faraglin military ku samaynayso Soomaaliya?. Weydiimuhu ma yara, aragtidu ma wanaagsana, fekerku ma iba baxsana, mabda’una ma lahan qodob iyo  qaab, sidaa oy tahayna, wali lama quusan (NIN DHINTAA QUUSTA!), oo qayladu way baxaysaa (Qosol ba hiillo waa gala!). Iilka ka dib baa la aamusaa.

Haddaadan taa MAANIN, wax aan muuqanse aysan dhicin hummaagiba ha kaaga jirtee, heerkii la soo maray shalay, halka maanta la taagan yahay maxay kaga duwan tahay, marka laga reebo in MIIQANE lagu baddalay MOOGGANE? Aan jilciyo, Amxaaradii qabsatay koofurta dalka ee soo gashay 28/12/2006dii, in kasta oo ay gacan haatin iyo fara jaawin laba dhinac ka helaysay, haddaa, si xooggan ayaa loo diiday damaceeda iyo dabadhilifkeeda, dagaal iyo dirir af iyo addin leh ayaana lagala hortagay, diracyo iyo geesiyaal badanna u dhinteen difaaca dalka iyo dadka. In bandanna qalin, qoraal iyo qormo ku qotomiyeen halgankooda, gabay, guurow, baraanbur iyo Shiribna ha hilkaamin, halka qaar kale hanti iyo dhaqaale ku bixiyeen sidii loo dabooli lahaa baahida jirta. Sidoo kale, in badan qax, barakac iyo hayaan galaan aan hore u dhicin.

Imaatinka Amxaarada ee shalay laba ayaa sabab u ahayd, midna salka ayey ku haysay; 1-Maxkamadihii (WADAADDADII WAALLIDU WADDAY!) 2- Xerta Xabashida oo ku dhammayd dalladii qabqablayaasha ee dawladdii C/laahi Yuusuf. 3- Damaca soo jireenka ah ee waligeed Xabashi ku doonaysay inay Soomaali qabsato. Midda u dambaysay oo waligeed ba taagneed, teer iyo maalintii aan xornimada beentaa hanannay –xasuuso dagaalkii 1964tii iyo kii 1977dii– haddana, wali hangoodu uma hirgalin hadaf ay kali ku yihiin, markii ay heleen labadan cunsur ayey hankoolka nagu qabteen.

Ha moodin inay ka maran yihiin Wadaaddadu soo galintaanka Xabashida, illeyn Xabashi kuma soo dhiirrateen inay dalka soo gasho, haddii aan looga baaqin Xamar iyo Fagaaraha Teribuunkee. Ma ila xasuusataan erayadii ay ka midka ahaayeen; “Iidda waxaan ku Dukunaynnaa Addiis Ababa!” sidaa waxaa yiri Indhacadde iyo kuxigeenkiisii Muqtaar Roobow oo Maxkamadaha u qaabilsanaa Arrimaha Difaaca, dabeedna Xajka iska aadeen. Nasiib xumo iyo ayaan darro Xabashidii ayaa Iiddaa Xeebta Xamar ku Iidaystay. Saw ma ahan baaq rasmi ah oo ah; “idinkuna Xabashi u gooddiya iyo dawladda C/laahi Yuusuf, anaguna waxaan ku baaqaynnaa in nimankaa hororka ah nalaga celsho!” oo labadaba ay mar walba ku eed le’ dahay Xabashidu, mar waa ammaankeenna ayaan difaacaynnaa iyoo geyiga geeska Afrika, marka kalana dawlad nala saaxiib ah ayaa gacan na weydiisatay, oo argagixiso ka oodan tahay! Bal adba.

Qodobka Argagixisada waxaa ku caanamaalay C/laahi Yuusuf, oo keensday 50,000 [Kontan Kun] oo ciidan Xabashi ah, kana gaystay Magaalada Muqdisho iyo Goballada Koonfureed xasuuqii ugu xumaa ee taariikhda ummadda Soomaaliyeed soo mara, dawladnimadii ka hor iyo ka dibba. C/laahi Yuusuf kali kuma ahayn gumaadkaa, ee kaaliyayaal badan ayuu lahaa, oo Xabashidu u xushay, sida: Cali Maxamed Geeddi oo Wasiirka koowaad u ahaa, Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma Dheere”, Cabdi Wali Gaas, Salaad Cali Jeelle, Xuseen Caydiid, Yuusuf Azhari, Xuub Sireed, Moorgan, Yusuf Dabageed, C/karrim Laqanyo, Maxamed Dheere, Maxamed Qanyare [iyo qaar kaloo badan] IQKB?.

Wixii shalay la soo maray dadku saddax ayey ka noqdeen; 1- Qolo ku dangaartay, oo markii ay xilal iyo jagooyin ku muteen iska xooray HADAFKII, oo waliba aan intaa ku simine, isku dayey inay tii hore liddigeen naga gadaan, horintaa waxaa hormuud u ah Sheekh Shariif, oo af cad ku yiri Xabasho walaallo ayaan nahay, markii dambana si toos u dalbaday in laga badbaadsho raggiisii shalay ay isla soo jihaadeen! 2- Qolo rajo dhigtay oo isu dhiibtay waaqica, ee muqaamo iyo hal adayg la iman waysay, kuna raalli noqday inay la qabsadaan hadba waxa jira. 3- Qoladan ugu dambaysa waa kuwa ugu yar, oo wali halkii iyo hadafkii hollinaya, ee aan marna ka bayrin jidkii iyo jaantii la gooyey.

Sida loola falgalay xadgudubkii hore ee xabashida, loolama falgali xadgudubkan taagan. Dunida dhan waxaa is qabsaday mudaharaadyo, bannaanbaxyo iyo kulammo ay dhigayeen Soomaalida ka caraysan xadgudubka Xabashida, waaba su’aale maanta aawaye? Miyey le’deen (dabar go’een) Soomaalidaa? Mise dan kama lahan oo waa daaleen? Aan dhan kale sheekada idinka tuso, armuu buuqii iyo sawaxankii hore ahaa; geesgalin C/laahi Yuusuf la go’doominayey? Armuu ujeedku ahaa beelaysi bugtada qalbiga iyo beegsi shakhsi?.

Waa iga weydiin kaliya, hubaal inaan dadka dhami u wada xuurtaysnayn arrintaa, balse, shaki ayaa ku galaya marka aad eegto sida wax u dheceen iyo sida wax yihiin maanta, sida labada dhacdo u kala fog tahay ayaana keenayana dareenka caynkaa ah. Waxay noqotaba, dareenkii shalay ma jiro, hadalku waa kooban yahay, kalaamku waa afar eray, war lagama hayo ilaa hadda Axmed Diiriye, Xaad iyo qolyaha ku qaraabta magaca guurtida beelaha Muqdisho. Sidoo kale, Mudane Tarzan, Eng Yariisow, C/laahi Sheekh Xasan iyo qaar kale oo badan oo maanta xilal kala duwan haya, balse, ka dhexqaylinayey dadyowga dhexdiisa, haddana, maanta maxay hal kelmed u dhihi la’ yihiin? Ma Xabashi ayaan Xabashi ahayn mise iyaga ayaa iyagii ahayn oo isbadalay? Yaab.

Gobollada Dhexe, waxay ahayd meesha kaliya ee Xabashidu aysan ku lahayn taageerayaal muuqda iyo tabcanayaal la tilmaamo, marka laga reebo inay mararka qaar deegaanno gobolladaa ka mid soo gasho. Sida aan wada ogsoonnahay, waxaa jira deegaanno ay si toos ah uga taliso, heer ay Meles u dhigeen sanad guuro ka kala dhacday magaalooyinka Hargaysa iyo Garoowe.

Maanta deegaankii sidaa ahaa ayaa loo soo qalabqaatay, oo isna la doonayaa in laga mid dhigo sida kuwaa oo kale. Taa waxaa kuugu daliil ah, soo dhaweyntii Geeddii uu uga qaybgalay soo dhaweyntii Xasan Sheekh, weydiinta baa ah, waxa isu keenay labadaa mudane, oo aan ogsoonnahay in Geeddi shalay lahaa Xasan waa fashilmay? Haddana, waxaa loo fasiray in Xasan Xabashidu ku tiri: Geeddi faraha ka qaad waa GAWAADKEENNEE! Middase aan qaadan waayey waa markaan arkay Geeddi oo ka qaybgalay caleemma saar Ugaas, oo ah arrin dhaqan, diin iyo dadnimo liddi ku ah.

Haddii maalintii Kenya ay soo gashay dalka, uu Shariif gunuunacay, ee Mudane Gaas inta Xamar ka orday u soo saxiixay inay dalka soo gali karto iskana joogi karta inta ay doonto, haddii maalintaa laga dhiidhin lahaa, hubaal in Itoobiya aysan noogu soo dhuumateen Koofida Cagaaran ee AMISOM, illeyn waxay ogaatay in Koofidaa la’aanteed aan waxba u fulayne. Tan kale, ee  iga yaabisay waa; sidee ku dhacday in 50 gawaarida dagaalka iyo dabbaadka ciidanka ah ay soo galaan gobolka Galguduud, iyagoo nalaga dhaadhicinayo waxaa lagula dagaalayaa Alshabaabta ku harsan gobolka ee ay ugu horreeyaan kuwa Ceel Buur maamula? Isu fiiri quwadda iyo awoodda ciidan ee meesha taal iyo tirada Alshabaab ee gobolka ku harsan ma isu dhigmaan? Ani ahaan maya, ee wax kalaa jiree, maa naloo sheego.

Midda tan ka dhalatay waxay tahay in si Alshabaab loo saaro ay tahay in Amxaaro loo wacdo, oo waliba dad badan waayadan dambe u noqotay aragti ku xasishay maankooda oo ka daadegtay, kuuguna macnaynaya in Shabaab sidii looga dalka looga sifayn lahaa ay tahay in wax walba loo kaashado. Hubaal in wax walba oo ku dhiba aad u kaashanayso cadawgaaga, Shaydaanba Alle ha ka dhigee, balse, taageerada Xabashidu fattuuro ayaa wehlisee, yaa bixinaya fattuuradaa?.

Mid kale, oo aan wali lagu baraarugsanayn aan ku daro. Amxaar iyo Alshabaab waa laba cadaw oo Soomaali leedahay, kan hore wuxuu hadafkiisu yahay sidii uu Soomaali ugu sii hayn lahaa dhimaalka, dhantaalka iyo dhibka ay ku jirto, illaa ay isaga isu dhiibto si uu u maamulo uguna darsado dhulweynaha Itoobiya iyo Qawmiyadaheeda, oo haddaba an qaar ku leennahay. Kan dambe, wuxuu u xusulduubayaa sidii loo dhalanrogi lahaa loona dhaami lahaa dhaqanka iyo dhurka Soomaali, una tirtiri lahaa hiddaha iyo hawraarta Soomaali.

Marka ay u qiilinayaan in Alshabaab ka fiican tahay Amxaar ayey  ku sheegaan in kuwa hore diin iyo caqiido naga dhaxayso, oo kaalay yaa kugu yiri Amxaaro Muslin ma lahan? Yaa kugu yiri ciidanka Soomaaliya ka dagaalgalay, walina ka dagaalaya Muslin Amxaaro ah kama mid ahan? War arrintu waa arrin jiritaan iyo ahaansho, ee ma ahan iimaan iyo rumayn! Tan kale, waxay ku doodaan Alshabaab waxaa laga saaray Shabeeladda Dhexe, Shabeellada Hoose, Jubbada Hoose iyo meelo kale, ka dibna dagaallo beeleed ayaa ka dhacay Goboladdaa, Maamul dawladeed kama jiro, haatan ka hor Alshabaab waxay ku qabeen xasillooni, meel kala dambayni ka jirto haddaad tiri dib dhibaatadii ha loogu soo celiyo waxaad tahay dhibaato abuur.

Waa run gobolladaa nabad ahaan maanta iyo shalay waxay fiicanaayeen shalay. Midda meesha taaluse waa; nabaddii jirtay maxay ku taagneyd? Ma raabitaanka dadka mise sandullayn? Micnaha dadka meesha ka talinayey ma dadkaa rabay mise waa qasbadeen? Qasabkii ay la yimaadeenna ay ka mid noqotay inay ammaan ka dhigaan. Marnaba cabsi iyo cabburin waxba laguma xukumo, nabadda ay dhashana waa mid dhiman doonta mar aan dheerayn. Tusaale u soo qaado, Siyaad Barre nabad waa lagu qabay, haddana, xukunkiisaa waa dhacay, uma dhicin inuusan dadka nabad u hayn, ee wuxuu u dhacay wixii nabadda kaabi lahaa, ee leh: maamul wadaagga/wanaagga, xukun qaybsiga, xorriyadda, sinnaanta, caddaaladda IWM ayaa laga waayey. Marka yeysan kuu muuqan kaliya in nabadi jirtay, ee waxaad eegtaa waxa nabaddaasi ku taagneed.

Middase ay ka dhuuntaan aan hordhigo, oo ah: Nimanka Alshabaab la yiraa siyaasiyiinta laba ayey uga fiicnaayeen, mid waa lunsheen, waa inaysan is khilaafi jirin, hadda khilaaf waa dhaaftay, oo waxay maree inay iskhaarijiyaan, mar aan dheeraynna nabaddii faraha ayey ka bexee, illeyn meel walba oo la isku khilaafaa waxay ku dambayn waa burbure. Marka dhib lagama qaybqaadan, ee niman dhibka qayb ka ahaa, haddii ay meesha ka bexeen, anigu maxaan ku diidayaa? Kama muhimsane, maxaan ku soo kala dhaweystaa laba dhible? Fiiri, qabqable ayaa Koofurta laga saaray, waxaa yimid wadaad waalan, oo maxay is doorshaan wadaad waalan u afduubnaaw & qabqable u afduubnoow? Aniga waa isugu kay mid, adigase wa isu kaa kala dhaamaan.

Midda la yaabka ah waa in markii ay Amxaaradu ku biirayeen AMISOM aysan ka warqabin xukuumadda Xasan, oo sida annaga oo kale ay warbaahinta ka ogaatay. Middase isweydiinta mudan waa: maxaa Amxaaradu kaligeed weerarka ugu qaadaysaa Alshabaab, oo aayeay ciidammadii kale ee AMISOM? Aniga taa runtii dareeen xooggan ayey i galisay u saaraysaa kaliya.

Gunaanadka faallada, intii shalay ku diidday Xabashida diin, qabiil ama waddaninimo, maanta ayaa looga fadhiyaa sidii oo kale, waa in codkodooda la maqlaa, maxaa yeelay shalay iyo maanta waxba isma badalin, haddaysan arrin kale qarsoonayn, iyana waqtiga iyo waayaha ayaa bannaanka soo dhigi doona. Haddaan waddanka maanta loo istaagin, wallee berri isma haysan doono, danaha dawladaha shisheeye si xawli ah ayey u fulayaan, nacastuna waa nagu badatay.

Dadka waxaan ka dareemayaa habacsanaan dabacsanaan dheeraad ah, marka loo eego sida xaalku ahaa sanado ka hor iyo siduu maanta yahay, waxaan dhammaan dadka ugu baaqayaa, inay ka hortagaan in Amxaaro ku faasho dhulka, kaca oo iska kaala gumaadka, haddii kale wadar dhimashadan dhammaad iyo baaba’ ayaan ka dhaxlaynnaa!

Ugu dambayn, kala garta gunnimo iyo gobnimo, kala garta qabiil iyo qaran, kala garta diin iyo danaysi, kala garta xukun doone iyo xoreeye, kala garta caadifad iyo dhab, kala garta xigto iyo xaasid, kala garta gacal iyo guhaad wade, kala garta gabbaadka iyo goobaynta.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com   

 

Advertisements

1 Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s