Labo Codleyn: Caado Soomaali Cadibatey! (Q 3-AAD)

Labo Codleyn: Caado Soomaali Cadibatey! (Q 3-AAD)

Qaybtii labaad ee qormada waxaan ku qaadaadhignay C/laahi Yuusf iyo C/laahi Sheekh Xasan, halkii ayaanna ka sii amba qaadaynaa, waxaanna sii qodqodayna qabriyada laba codleeyayaasha Soomaalida ka dhexbuuxa, Anagoo ka soo qaadanayna qaarkooda ugu yaabka badan, dhammaan way ka siman yihiin laba jidlaynta, iyo inay dadka maankooda ku ciyaaraan, taasna dadka ayaa ugu wacan, haddiise la dhihi lahaa: “Habaarqabe naga tag!”, ilama ahan inuu heer nagu dhexgaari lahaa, haddaanse maamuus gaara magac iyo mansab aanuu qalmin ugu darayno hubaal inuu halyey isu qaadan!

Waxaan qormadan uga hadlaynaa gudoomiyaha baarlamaanka, mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo dadka qaarkiis u yaqaaniin Shariif Sakiin, dadka qaarna u baxsheen Shariif la mood, waxaan ku bilaabinaynaa waraysi uu siisay mareegta weyn ee keydmedia, Isagoo yiri: “Anigu waxba ma soo baran!“, noogana filan inaan wax badan ka dhahno heerkiisa tacliimeed, Isagoo raaciyey inuu ganacsado ahaa, meeshana ka saaray waxbarasho uu soo qatay iyo heer cilmiyeed uu gaaray!, haddana wuxuu doonayaa inuu hogaamiyo dal iyo dad, hogaamineey xaal qaado, waanse u soo laaban arintan!

Waraysiga wuxuu ku sheegay inuu dugsi quraan iyo dugsi hoose dhigtay kaliya, halkaa waxaa ka cad inuu aqoon dhigaal iyo barasho ka madaw yahay, baaritaan barbardhig iyo tirakoob warkood iskala her!, malaha waa meeshii laga dhihi jiray: “waxaan ka soo baxay jaamacadda waaya aragnimada!”, maadama la yiri: ’”dadku waa sadax, Maan ku Cirroole, Majo ku Cirroole, iyo Madax ku Cirroole!”, haddana sidaa iyadoo ah waxay u badnayd marka sidaa la dhahayey, inay jirtay kala dambayn iyo tixgalin gaara, qofi wax uusan aqoon u lahayn isuma taagi jirin, maantase waxaan taagannahay heer ah: “waan daadshay iyo afkaan ka dayray!” tabaray ba’.

Sida waraysigaba ku sheegay, siyaasadda wuxuu soo galay shirkii Kenya 2004, walina kuma xididaysan iska daa inuu ku dhex qaangaaree, haddana wacdaro ayuu dhigay, waxaana shirkaa loogu doortay gudoomiyaha Baarlamaanka, markaa wixii ka dambeeyey wuxuu siyaasadda uga jiray safka hore, wuxuu noqday xiddig aan dhicin iyo laacib aan caajisin, wuxuu ka dhex muuqday masraxyo badan, Isagoo intoodaba ku lahaa kaalin muuqata, wuxuu noqday joker meel walba gala, boos walbana buuxiya.

Waxaa khilaaf xooggan dhex maray Isaga iyo madaxweyne C/laahi Yuusuf, bishii may 2005-tii ayuu u soo carooday magaalada Muqdisha, Isagoo soo dhawayn fiican ka helay Wadaadi halaagga horseeday{Maxkamadihii}, una noqday afhayeen iyo feker bixiye, wuxuu meelaha war wareego C/laahi Yuusuf iyo dawladdii empagathina dhaliilo, bishii June 2005-dii ayuu heshiis la galay madaxweyne C/laahi Yuusuf, heshiiskaa oo ka dhacay magaalada Saba ee dalka Yemen, loona arkay in Shariif Xasan Sheekh Aadan laaluush lagu harqiyey, haddaan si kale u dhahno wuxuu qaatay sandareerto siyuu ugu soo laabto xerada Xabaalbadiye{C/laahi Yuusuf}, mayee xerada xigaaalada Xabashida, heshiiskaas Xabashida waxaa wakiil uga ahaa dawladda Yemen oo ay ku bahoobeen wiiqidda Eretria, iyo inaan Soomaali xarig u xirmin!.

Baarlamaanka ayaa magaalada Baydhabo ku ansixiyey in Soomaaliya la keeno ciidmao shisheeye,  Shariif Xasan Sheekh Aadan ma sheegin in cod la qaaday iyo in kale, wuxuuse sheegay tirada diidday iyo tirada ogaalatay kaliya, waxaanna wada xasuusanna kal fadhigii caanka ahaa ee ka dhacay Kenya, march 2005-tii oo lagu diiday anxisinta ciidan shisheeye, kuraas iyo feerna la isu adeegsaday, in Shariif Xasan Sheekh Aadan labada kal fadhiba shir gudoominayey, malaha markan dambe waxaa saaqday sunta suuxiska xigaalada xabashida!

January, 2007-dii Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaa laga xayuubiyey xilka gudoomiyaha baarlamaanka!, waxaana lagu badalay Sheekh Aadan Madoobe, hase yeeshee waa caadada Soomaalidee gaashaanka ayuu u daruuray, Isagoo diiday xil ka qaadistaa, kuna adkaystay inuu yahay gudoomiyaha xaqa ah ee baarlamaanka, waxaa isku soo beegmay xil ka qaadistiisa iyo jabkii wadaadadii halaagga{Maxkamadaha}, caraduu qaaday cirbiskuu ku dhuftay wuxuu ku tagay Eretria, oo markaa xudun iyo hoy u ahayd habqankii wadaada, wuxuuna wax ka hagay shirkii ka dhacay bartamihii bishii September sanadkii 200-7-dii.

Ka qayb galayaasha shirka waxay u badan naayeen habqankii wadaada, iyo haraagii Dawladda Empagathi sida Xuseen Caydiid iyo martigeenna Shariif Xasan Sheekh Aadan, qurbajoog iyo bulsho rayid oo aan naf buuran ku yeelan!, Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaa loo doortay gudoomiyaha Shuurada, wuxuu dib u soo nooleeyey dadaalkiisa diiniga ahaa, ee uu ka riddoobay afka aan qurxinno {danaystay} markuu C/laahi yuusuf la heshiiyey!, haddana sidii yoo kale ayuu soo dhawayn fiican ka helay wadaadadii halaagga, waa yaab ma eegin laba wajiyeyntiisa, maalin inuu iyaga la joogo, maalinna C/laahi iyo xerta xabashida la joogo, ay u sii dheertay inuu gacantiis ku ansixiyey ciidamada Xabashidu inay soo galaan Sooomaaliya!, Indha ku gaardleey!

Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaa lagu eedeeyaa inuu ka dambeeyey kala jabinta kooxdii Asmara, in kastoo aragtida wada hadliddu ahayd mid wanaagsan, haddana in mawqif la wada qaato waxaan suuraglin Shariif Xasan Sheekh Aadan, maadaama uu ka dhigay arinta dhan dagdag iyo diririg!, taa oo keentay in kooxda markii horaba is daajinaysay ay kala dagaagaan!, ujeedka uu lahaana  ahayd inuu xil muuqda iyo cad weyn goosta shirka ka dib, taana ay u suuragashay si fiicanna u fuliyey!, balse waa yaabe Shariif Xasan Sheekh Aadan maalin walba ma wuxuu ku jirayaa dabib maleegid iyo shirqool dhigid?.

Wuxuu xaadiray shirkii Djibouti, saaxiibkiis hore cadaygiisa maanta madaxweyne Shariif, ayuu la suuragaliyey inuu madaxweyne noqdo, Isna wuxuu u dhawaaday darta iyo dararta, waxaa loo dhiibay wasaaradda Maaliyadda, Adiguba lacag ma aragtay?!, wixii soo dhaca faraqa ayuu ku ritay, ganacsade ayuuba sheeganayee gaajada noocaan ah maxay ahayd? Wax jeebkiisa soo gala ma ahane wax ka baxa la waa!, waa meeshii laga yiri: “Qabri Qori saar ma ahane Qori ka Qaad malahan!”.

Inta aan ku guda jiray qoridda qormada, ayaan dulistaagay dacwad ka dhan ah Shariif Xasan Sheekh Aadan, sida uu qoray wargayska Al-ahraam, ee ka soo baxa dalka Masar, dacwaddan waxaa soo gudbiyey ganacsade Sudani ah, oo lagu magacaabo: Saadaq Maxamed Axmed, sheegayna in Shariif Xasan kala gooyey adduun dhan: 8 malyan oo dollar, oo qayb ka ahady amaah lacageed oo ganacsaduhu daymiyey dawladda Soomaaliya, si ay ugu sahasho samaynta lacagta cusub!, tanina waxay ii ahayd mid igu sii dhiiriso qormada qoristeeda.

Xoolihii uu uruuriyey iyo hantidii uu keydiyey, waxay u sahashay inuu dib ugu soo laabto gudoomahaya baarlamaanka, wuxuu caqabad ku noqday ansixinta Ra’isul wasaare Farmaajo, wuxuu is hortaagay in la siiyo codka kalsoonida, kana baxay heshiiskii codka fartaagga lagu siin lahaa, ujeedka uu kalaa ilama ahan inuu Soomaali ugu danaynayey? Dan gaara inay safka hore taal hubaal, haddana shisheeye kama marna sida aan qabo, ugu yaraan inaan xal la gaarin xaaladduna sidaan sii ahaato ayuu u xilsaaran yahay, maxaa yeelay ilama ahan in diidamada noocaa ah iyo madax adaygga intaa la eg wax kale riixi karaan!, C/laahi Yuusf bal dib u milicso, wuxuu u harjadayey oo dhan waxay ahayd, Xabashi keenis markuu keenay xaggee ku dambeeyey?!.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ma af dheera, ma hadal badana, micnaha uma badna inuu inta badan la hadlo saxaafadda oo waraysiyo dhiibo, haddana kollay qofkii nool oo dhaqmaya, ama ha hadlo ama ha aamusee ficil samayn iyo faruur nuuxin mid waa samayn, sidaa darted yaan la is oran kuma jiro laba codleeyayaasha, hadalkiisa waxaa nooga filan inta goor ee uu is rogrogay, isrogrogga waxaa dhaliya wa feker go’aan qaadasho iyo hadal, haba ahaado mid gaara oo qofka kaligii is waydaarsado!.

Shariif Xasan marka Sakiin la yiri, waxaa looga jeeday sida uu wax u kala gooyo, waana soo xusnay inuu qayb weyn ku lahaa kala jabkii kooxdii Asmara, dabcan goynta inta dantiisa ka soo horjeedana kama marna meesha, dhanka kale marka la yiri: Shariif la moodna, waxaa looga jeeday inuusan noqon sidii loo maleeyey, dad badan ayaa laab la kac u tageeray, isna yiri: malaha wuxuu wataa magac Shariif, koofina madaxiisa kama dajeyo, qabqablana ma ahan, wadaad diin daliiliyana ma ahansiyaasaddana kuma badnayne, armaa lagu degaa!, dhedo roob noqon waysay!.

Shariif Xasan maanta wuxuu ku mashquulsan yahay siduu u cuuryaamin lahaa jaalkiis Madaxweyne Shariif, wuxuu ka wadaa magaalada Nairobi qorshe uu xilka uga tuuri rabo,  arintan waxaa ku la kaal ah Geeddi la soo Gamay!, dabcan dawlado Soomaaliya ku sii durjinaya dagaalkana way taageersan yihiin, waxaase nasiibdarro ah aqalkaad dhistay dib u dumiso, geedkaad beertay waraabisay godin u qaadato, waa dhaqanka Shariif Xasan, maxaa yeelay xilqabashada Sheekh Shariif Isagaa wax ka hirgaliyey, maantana wuu horjoogaa inay horay u socoto, ama dhanka kaluu ka soo jeesay walibana Isagoo majaxaabinaya, waa dhaqan aad u foolxun, marka la eego falceinta raadreebka dadka.

Guntii iyo gunaanadkii, ila eega inta goor ee Shariif Xasan is rogay, gudoomiye baarlamaan waxay isqabteen C/laahi Yuusuf, wuxuu u cararay Muqdisho ammaanay Wadaadadii halaagga, dhalecaynna dusha kaga tuuray qabqablayaashii, laba bil ka dib wuxuu la xirtay C/laahi Yuusuf, wuxuuna ansixiyey keenista ciidan shihseeye, Xabashi ugu horrayso, waxaa laga xayuubiyey xilka gudoomiyaha baarlamaanka, wuu isku dhajiyey, wuxuuna u janjeersaday mar kale dhankiiwadaadadii halaagga horseeday, wuxuu noqday gudoomaha Shuurada, wuxu kala jabiyey kooxdii Asmara, wuxuu tagay Djibouti, wuxuu noqday wasiirka maaliyadda, wuxuu lunsaday hanti badan, wuxuu dib u noqday gudoomiyaha baarlamaanka, maantana wuxuu ku radjooga yahay Sh. Shariif, wax kaloo badanna waa dhiman yihiin.

Maanta waxay is hayaan saaxiibkiis madaxweyne Shariif, dacia dhaqaalana waa soo baxday, maxay isku neceen ma laba codlayntiisa? Mise ujeedkiisa gurracan ee aan lahayn Soomaalinimada? Mise dan hoose oo dhaqaale iyo awood siyaasadeed? Kollay warar badan waa laga yiri, balse waxaa muhim ah in la ogaado ninkan inuusann ahayn ninka la moodo, aamuskiisa wax badan ayaa u qarsan, Soomaalida ayaa tiri: “Dhurwaaga kan Aamusan iyo kan Qayliya waxaa daran kan Aamusan!”, sidaaa darted ma la heli doonaa dad Soomaalinimadu ku dambeysoo jaadadkan oo kale dabar gooya?.

F:G: fisha qaybta xigta ee qormada oo sii socon doonta.

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com  

Advertisements

3 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s