Labo Codleyn: Caado Soomaali Cadibatey! Q 1-aad

Labo Codleyn: Caado Soomaali Cadibatey! Qeeybta 1-aad

Qormadii hore waxaan ku eegnay janjeersiga iyo qod u liicidda, waliba kiisa liitee laciifka ah, marna aan luufluuf iyo lugdambeedin lahayn, waaba orottan baarqabiyo afarqaadleyn lixaadsiya, dhan isu buusiddaasi Soomaalida meel xun bay dhigtay, cinwaanka qormaduna wuxuu ahaa: “Ninba Dhan u Badi”, haddaan shalay ka eegnay falka iyo ficilka, ama waxqabadka iyo waxtarka, kuna soo koobnay sida: “Xeromeerte, Xabaalbadiye iyo Xalqojooge”, waxaan maanta ka eegaynnaa dhinac kale, Innagoo isla mawduucii dabajoogna, waxaan ka eegeynnaa dhinaca dhihidda iyo hadalka, ama cida iyo dhawaqa, si aan u soo bandhigno afalxagalka oo xiran.

Teaser Image Labo Codleyn!...  Caado Soomaali Cadibatey!. Qeeybta 1-aad

Horudhacaa gaaban ka dib, labo codleyntu ma ahan tilmaam wanaagsan oo qof lagu tilmaamo, haddana haddii laga fursan waayo ama qof mudnaado lagala gamban maayo, ugu yaraan waa in la farfiiqa mar quraba ha ahaatee,  wanaagsanaan la’aanteeda ka sokow waxay muujinaysaa isku dhexyaac iyo kalasooc la’aan, inta badan maskax ahaan iyo ogaaldarri ma ahan, sababse waa u noqon karaa haddii cudur maskaxeed jiro, waxayse noqon kartaa mawqif la’aan iyo go’aan habacsani, midkan dawo malahanoo waa caanoraac iyo korriimo la jir, waxayna u badan tahay inuu yahay facraac iyo fooldhalad, wuxuu kaloo noqon karaa mid ka dhasha mawqif dahsoon iyo siyaasad silloon, tani waa mid simbiririxashadeeda leh, maxaa yeelay waxay u baahan tahay foojignaan iyo faker qotodheer.

Waxaan ku afbillaabayaa qormada Aabaha labo codleeyayaasha, waa kuma? Yaa kale!, waa halyeyga kala haadka mudane Xuseen Maxamed faarax Caydiid, “magac Miskiin kama ahan” sida lagu halqabsado, wuxuu sheegay horraantii sanadkii 2007-da, maalmo ka dib markay Xabashidu gudaha u soo galeen Soomaaliya, isaga af labadi ciyey kuna hadaaqay hadal ka dhigay Duke Canbaarleh, wuxuu sheegay in Soomaaliya iyo Ethiopia la isku daro, meeshana laga saarayo  hoosdin beeneedka labada dal u dhaxeeya, lana mideeyo ciidanka lacagta iyo calanka, haadlkaa oo laf dhuun gashay ku noqday Soomaali intii fayoobayd ee caafimaad qabtay, xigaalada Xabashidana u ahaa xabqaboojiye!.

Xuseen Caydiid hadalkaa markuu yiri, waxaa isqabsaday mucaarad ballaaran oo looga soo horjeestay, waxaa ugu horreeyey madaxweynihiisii, Aabahii xerta xigaalada Xabashida Col: C/laahi Yuusf Axmed, oo ku tilmaamay inuusan caadi ahayn, haddaa ma Isaga ayaa caadi ahaa? Malaha wuxuu ka dhirifsanaa inuu uga hormaray ku dhawaaqidda iyo jeedinta murtida xabashida, xilligaa xuseen wuxuu ahaa ku xigeenka ra’iiusul wasaaraha ahaana wasiirka arimaha gudaha, January 2007-dii ayaan waxaan qoray qormo aan ugu magac daray “Ina Caydiid iskama hadlin!”, oo faaqidaysey xaalka xigaalada Xabashidu siduu yahay, madaama ay jirtay waraaq laga helay xafiiska ra’iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi, oo isla mawduucaa ku qeexnaa.

Bilo ka dib Xuseen Caydiid wuxuu soo jeeday inaan xoog wax lagu xallin karin, wali xilligaa wuxuu ahaa wasiir ka tirsan dawladda C/laahi Yuusuf, gaar ahaan wuxuu ahaa Wasiirka Howlahaguud iyo guriyeynta, muddo gaaban ka dib wuxuu u baxsaday dhanka Asmara, Isaga oo xubin ka noqday Ururka dib u xoraynta Soomaaliya “Haraagii iyo Habqankii Maxkamadaha”, wuxuu xilligaa si cad u sheegay inuu ku qaldamay hadalkiisii hore, Soomaalina waydiisanayo cafis iyo in la saamoxo, balse waa su’aale yaa saamaxaya oo uu qalad ka galay? Qaladka uu isku galay qofuu ka galay ma jiro , marka laga reebo dadkuu dhibaatada gaarka ah u gaystay, intuu ahaa gudoomiyaha SNA ahaana madaxweynahii Dawladdii Salbaar ee uu dhaxalka ku helay.

Shirkii Asmara oo soo gabagaboobay bartamihii september 2007, waxaan ka qoray maqaal aan ugu magac daray: “Shirkii Asmara Maxaa ka soo Baxay?”, waxaan ka soo xiganayaa hal faqro oo ka mid ahayd qoraalkaa oo ahayd:”waxaa la dhihi karaa ka qaybgalayaasha shirka waxay u badnaayeen haraagii Maxkamadaha iyo taageerayaashooda, iyo kooxo boos ka waayey qariidada siyaasadeed ee Dawladda Empagathi sida: Ina Caydiid, oon wada xusoosanno mowqifkiisa ku aadanaa ugu horrayn maxkamadaha xilligii ay ka talinayeen gobalada qaar, owna in badan ku tilmaamay inay yihiin Argagixiso iyo xagjir{dhab} maantana la wada shirayo shaahna la wada cabayo waa la yaab!, waxaase isweydiin mudan Oraahdan tiraabaysa: “Goormaa Beer Lafo Yeeshay?!” Ina Caydiid goormuu Garwaaqsaday oo gartay xumaanta hadalkuu lahaa? Mise Shariifka maxkamadaha ayaa quraamiyoo Xuseen mardhow waxaa la arki doonaa isagoo gardheer oo Qamiis Cad iyo Cimaamad Cas xiran, waxay noqotaba waynu u joognaa!.”.

Xigashadan waxaan uga danleeyahay beri dhexdaa ah ayaan dul istaagay qoraallo ku saabsan, in Xuseen Caydiid ka toobad keenay Caqiidada Ashcariyada!, waa sida hadalka loo dhigee, igamana ahan inaan cuskanayo ama aan taageero qaraaleed ka raadinayo, balse waxaan u soo qaatay ayaa ah: haddii ay run tahay waa midaan horay u sii odorosay, waxaan sii ib-baxshay saddax sano ku dhawaad ka hor, tanina waa mid kaloo muujinaysa kala wareegga hadal ee Xuseeen hadday sugnaato, bal akhristow ila eeg, inta gooruu isbedelay, waji adagaa saw diir ma ahan waxa saaran ? Mise waa bir xuubka saree ku dahaaran wajigiisu? Saw tii la dhihi jiray wajigu waa baasaboorka qof leeyahay kan ugu qaalisan, ninkani dan kama lahan luminta baasaboorkiisa miyaa? Culimada cilmu nafsaiga ayaan u daynayaa isrogrogga noocaa ah waxa dhaliya!.

Waxaan la halmaami karin, mar haddii Xuseen laga hadlayo waraaqdii caanka ahayd ee uu diray Maraykanka, kuna qeexay in Aabihii (Caydiid) ka mid ahaa Alqacida, xiriirna la lahaa xilli dunidu ku hawlaneed  dagaalkii ka dhanka ahaa Argagixisada, waxaa nasiib wacani ah, in Caydiid mor hore geeriyooday, haddii kale hadalka caynkaasoo kale ah ugu yaraan wuxuu dhalin karay ciriir, Isagase waxay ka ahayd qurbaan bixin iyo u dhawaasho Maraykan, sidoo kale oraahdiisii ahayd: “Argagixisadu waxay degan tahay Shimbiraale”, tanse waxaa ku wehliyey saaxiibkiis C/laahi Yuusuf, maantase Xuseen Xagguu ku dambeeyaa? Intaa oo kala gaddoon ah ka dib!.

Haddaan Xuseen Caydiid iyo codadlayntiisa intaa uga harno, waxaan Soomaali weyndiin lahaa, ninka caynkaas ah ama kuwa la midka ah miyuu  mudan yahay in xil loo dhiibto? Nimaan garanayn saacada ka hor hadalkuu yiri!, haddana mar walba madaxa nalooga xanuujiya siyaasiga da’da yar, malaha da’da yar marka ay leeyihiin waxay u qarinayaan inaan wali caqligiisu fariisan, ma dhihin taaye! waase mid meesha ku jirta, balse meysan habboonayn inaan cilladaa caynkan ah cirif u bixinno, ama aan u camal galno sidii ninkii ku sifooba looga dhigi lahaa Tuke cambaarleh, oo meeshuu istaago laga dido, siyuu u dareemo xumaanta uu sameeyey, balse Innagu waanba dallacsiinaynaa, inaan xil u dhiibniyo ammaan inaan dusha kaga huwinno!.

Waxaan ku soo afmeerayaa qormadan oo sii socon doonta, laba codleeyahii ugu dambeeyey saaxada siyaasadda, waa mudane Max’ed C/laahi Max’ed “Formaajo”, markii la magacaabay ra’iisul wasaaraha ayuu Isagoo kulan la lahaa Hablaha gobalka Banaadir, si cad u sheegay inuusan xukuumadda laga sugayo, ku soo dhisayn hannaanka afar iyo bar (4.5), isagoo kuna tilmaamay cadaalad darro iyo inaysan ku qornayn axdi qarameedka, isla maalintii xigtay ayuu warsaxaafadeed ku sheegay inuusan sidaa ula jeedin.

Markii hore maxaa faraha u galiyey waxaan awooddiisa ku jirin, miyuu moogaa in meesha la keensaday, ee uusan waxba badali karin? Mise wuxuu wadaa xodxodasho iyo ismuujin? Hadday tahay taa ku garannay, teeda kale yaa moog cadaalad darrada afar iyo bar, waa meeshii laga dhihi jiray:”Meel Hoo u baahan Hadal kuma Bogsooto”, Farmaajo hadal iyo hadaaq ka daalnaye, hadalka waxqabad ma ku dari kartaa, ama ku badali kartaa? Haddii kale aamusnaanta ayaa dhaanta hadalka qaarkiis!.
 
F:G: Fisha Qaybta labaad ee qormada oo sii socon doonta .
 
Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

Advertisements

9 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s