Labo Codleyn: Caado Soomaali Cadibatey! Q: 5AAD

Image

Labo Codleyn: Caado Soomaali Cadibatey! Q: 5AAD

 

Qaybihii hore ee qormada waxaan ku qaadaadhignay: Xuseen Maxamed Faarax Caydiid, madaxweynihii hore C/laahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Isbihaysiga Nabadda C/laahi Sheekh XasanGuddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, Gen. Yuusuf SiyaadIndhacadde”. Bal aan halkii ka sii amba qaadnno, oon sii qodqodnno qolalka codleeyayaasha Soomaalida ka dhexbuuxa, anagoo ka soo qaadanayna qaarkooda ugu yaabka badan. Dhammaan way ka siman yihiin laba jidlaynta, iyo inay dadka maankooda ku ciyaaraan, taasna dadka ayaa ugu wacan, haddiise la dhihi lahaa: “Habaarqabe, na dhaaf!” ilama ahan inuu heer nagu dhexgaari lahaa, haddaanse maamuus gaara, magac iyo mansab aasan qalmin ugu daraynno hubaal inuu halyey isu qaadan!

Qormadan oo taxane ah, qeybteedan shanaad waxaa noogu marti ah, mudane Faarax Macallin, oo soo noqday Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya, kana mid ah Soomaalida ka soo jeeddda deegaanka Waqooyi Bari NFD, ee Kenya xoogga ku haysto. In badan baan ka warwareegtay inaan wax ka qoro mudanayaal xilal ka haya ama ka soo qabtay wax ka baxsan Jamhuuriyadda Soomaaliya, anoo uga gaabsanayey inaan nacastu igula soo hadaaqin ama doqontu igula soo hantaaticin inay i dhahaan; “ma adoo Soomaali ah (sharafna ii ah) ayaad nin nabad iyo ammaan ku nool ku dhiirranaysaa inaad wax ka qorto!”, haddana, dadka qaar waa sida magnadka oo kale iyagaaba ku soo qabsanaya adoon raadsan, waana midda aan qormadan ugu qodbay mudane Faarax iyo labo codleyntiisa sooyaalka u gashay sida kuwa badan oo isaga la mid ah oo Soomaali ah.

Sidii uu siyaasadda u soo galay Faarax Macallin wuxuu si dadban iyo si toos ah ugu dhexjiray arrimaha Soomaalida, kaalin quudna ku lahaa, inuu Siyaasi Kenyaan ah yahay ka sokow, waa mudane asal ahaan Soomaali ka soo jeedo, taasna ay u sahashay inuu ku lugyeesha luggooyooyinka Soomaalida lagu hayo. Xasuuso C/majiid Xuseen Cumar Barre oo Itoobiya u fadhin jiray xarunta Qaramada Midoobay, oo marar badan ay isku dheceen dawladdii C/qaasim arrimo ku saabsan Soomaaliya.

Faarax Macallin abid wuxuu Soomaalida ku hayey qas, isagoo had iyo goor garab taagnaa hadba kooxda uu is leeyahay waxay dhaawac xooggan u gaysanaysaa xaalka iyo xalka Soomaaliyeed, waxaa lagu xasuustaa mawaaqif kala fogfog kalana gaddisan, oo uu ka qaatay dhacdoonkii badnaa ee Waddanka ka dhacay kuna dhacay, ee lahaa dan QABIIL, dan DIIN dacareed, dan SHAQSIYSADEED iyo mid shisheeye.

In badan baa aamisan ama la cabsiiyey in Kenya ay Alshabaab dagaal iyo dirir kula jirto, kuwaa waxaan xasuusin lahaa in Kenya ay ku jirtay dalwado ay QM ku eedeeysay sandkii 2009dii inay gacan siiyeen Alshabaab.

Tusaale cad aan kuu soo qabto, oo ku aaddan mudanahan martiga noo ah, oo ah; taageeraduu siisayey Faarax Macallin Madaxkamadaha iyo socdaalkiis uu ku tagay Muqdisho, gadaalse uu ka xarig furtay, taa waxay kuu muujinee sida Kenya u doonaysay wixii haadaan iyo hog ka sii rida Soomaali, sidaana ay u wakiisheen Faarax Macallin, isna sidii arday ama askari oo kale inta is qaaday ayuu indha la’aan iyo aragti la’aan ku dhexdhacay. Xasuus in Kenya Shariif markii uu keynta Kismaayo ka soo baxay meeshii u horraysay ee magansiisa ay ahayd Kenya.

Intaa waxaa u dheer oo uu caado ka dhigtay inuu beelaysi Soomaali ugula kala safto, oo uu inta badan dhinac joogsado kuwa ay isku hayb yihiin, ama ay isxigaan jilib ahaan, isagoon eegayn kaalintiisa bulshadeed ee ah siyaasi, ee uusan ahayn oday dhaqamadeed ama nabaddoon. Hadda waaba ka daray, oo bannaanka ayuu si cad isu keenay, ka dib markii ay soo baxday riwaayaddii Maamulka Azaaniya ee uu horjooge ka ahaa Gaandi, taa oo uu Faarax si cad u taageeray gabbosho la’an. Intaa kuma ekaysan, ee markii Kenya weerarka ku soo qaadday gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayuu wuxuuba si cad u yiri: “Ma dhici doonto in mar dambe Xamar looga taliyo Kalbiwo, ninka taas ku riyonaya, waxa uu ku nool yahay qarni kale…Halkan ka dhagayso waraysiga oo dhan.

Hadalkaa oo ahaa go’aan cad oo ku salaysan kala qaybinta Soomaaliya iyo in Gobollo ka mid ah la hoos geeyo Gumaysiga Kenya ee uu u yahay qaadunka iyo gawaadka, mar haddii wali Gobollo dhawr ah ku maqan yihiin Kenya iyo Ethiopia, oo xasuuq joogta ahna ku hayaan, waxaa isweydiin mudan; nin magac Soomaali wata, dhiig Soomaalina ku jiro, sidee wali ugu hamminayaa in Gumaysiga loo sii ballaarsho Soomaaliya, oo iyadu teeda la daalaa dhacaysa? Bal adba aragtidaada ku xukumo.

Faarax Macallin hadal kuma ekaynsane, ee wuxuu u badalay fal, maxaa yeelay, wuxuu si toos ah u taageeray xadgudubyada Kenya ku hayso Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, gaar ahaan deegaanka Kismaayo iyo inta hareeraheeda ah. Intaa kaliya ma ahan, waxaa Ciidanka Kenya xasuuq ka gaysteen deegaanka Waqooyi Bare ee Soomaalida degto, oo guryo badan la gubay, hanti badan la dhacay dad bandanna xabsiga loo taxaabay dambi la’aan, wax uu ka yiri lama hayo, iska daa inuu tallaabo ka qaadee, ugu yaraan inuu dacwad geeyo Baarlamaanka uu xubinta ka yahay, waxaase taa ugu muhimsanaaday qabyaaladda iyo kursigiisa.

Faarax Macallin godobta uu naftiisa ka galay waxaa u dheer midda uu Soomali ka galayo, laga yaabee inuu haysto kooxo QABIIL ahaan ugu taageersan, balse, maalin aysan waxba u qabanayn baa iman doonto, Soomaalina aysan sidan ahayn, magac xumo ka sokow, waxaa daba socon doonta DUULLANKA KENYA, ee marna qiilka loo samayn karin.

Mudanihii sidaa ahaa, ee qabyaaladda iyo Keenyaannimdu wax walba kala weyneed, ee af buuxa ku yiri: “Ma dhici doonto in mar dambe Xamar looga taliyo Kalbiwo, ninka taas ku riyonaya, waxa uu ku nool yahay qarni kale…kala qaybinta Soomaalidana dedaal badan galshay, ayaa maanta shaar kale noo soo gashanaya, ee isaga keen dhigaya nin Soomaali ka naxaya una naxaya, oo wuxuu na leeyahay, haddii aan sidan wax laga baddalin kontanka sano ee soo socota waa la dabargo’ayaa!

Anigu laba yaabin Faarax, ee adiga ma laabtay aqriste? Wuxuu la mid yahay C/laahi Yuusuf ee Xabashidii Soomaali xasuuqday soo kaxaystay, ayaa markii ay xilka ka cayriyeen wuxuu la istaagay “HA LA I CAFIYO!” ma xumo in lagu cafiyee, markaad gaboodfalka gaysanaysay maxaadan uga gaabsan, eed waliba ku tookhaysay inaad tahay dilaa iyo dhiigyacab? Yaab.

Midda aan la yaabay baa ah, munaasabadda uu hadalkaa digashada iyo dacarta ah ka yiri ayaa ahaa madal lagu xusay MAALINTA AFKA HOOYO, oo aan anigu isweydiiyey; magaca uu ku joogay madashadaa, ee uu dadka ugu qudbaynayey kee ahaa, illeyn qabyaalad, qabbaanimo iyo qar iska tuurnimo laga hadli mayne? Waxaa iiga sii darraa, kuwa madasha ku marti qaaday, ee waliba u sacbinayey, ma waxay waayeen waxa wiil, gabar, oday iyo waxgarad Soomaali jooga qof kale oo ay kaalintiisa ku maamuusaan? Anigu ma garan

Waxaan maqli jiray “Nin is faanshay, waa Ri’ is nuugtay” hadalka marka uu jeedinayey ayuu ammaan s huwiyey, oo macanaha hadalkiisu ahaa; anaa wax idin ka dhigay intii aan ahaa Xildhibaanka, oo meeshii uu afka ka hadli lahaa u gudbay waxqabad beeneedkiisii intii uu xilka hayey, oonba meesha loo joogin, illeyn qawmiyad afkeed ayaa lagu xasuyee, qof iyo qiyaastii uu wax ku qaabshay lagama hadlayn, haddana, waa kaa ee bal adigu wax ka dheh.

Mar uu ka hadlayey inuu Soomaali wada tagay, ayuu ka tagay Gobollada dhexe (MUDUG iyo GALGUDUUD), oo ah labada gobol ee la dhihi karo waa meesha kaliya ee aan Itoobiyaan joogin marka laga reebo cududda ciidan ee dhawaan tagtay, maxaa yeelay, Faarax waxa uu ku caddeeyey in Soomaali dabargo’ayso haddaan wax laga baddalin, in gobollada Bari, Nugaal, Waqooyi iy Xamar ay dadka ka shaqeeyaan yihiin Itoobiyaan iyo Keenyaan, taas oo keenaysa in ay dalka xuquuq ku yeeshaan. Sidoo kale, wuxuu ka tagay oo uusan xusin xitaa uusan caddayn inuu tagay gobollada Hiiraan, Labada Shabeelle, Baay iyo Bakool, sidii in Soomaali ay tahay kaliya labada gobol ee uu mar walba isu xijiyo qaab qabyaaladeed!

Waxaa la yab leh inuu leeyahay soo dhaweyn maynno ka Keenyaan ahaan soo galitaanka Ciidanka Itoobiya, halka uu u qiilinayo, u doodayo, u codaynayo afhayeenna u yahay Keenyaanka xoogga ku qabsaday dhulka Soomaali, xasuuqna ka wada, oo kaalay qofka Soomaaliga ah, maxay isu dhaamaan laba gumaysi madaw, Kenya Iyo Itoobiya? Ar yaabkaan yaa arkay, horta ninku maan fadhiya iyo maskax fayow ma ku hadlayaa mise afkaa qoyan iyo carrabkaa furan ayuu ku hadaaqayaa? Bal adba.

 

F:G: Fisha qaybta xigta ee qormada oo sii socon doonta.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com   

Advertisements

1 Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s