Mudunayaal Mungaab maya!

mung-640x330

Mudunayaal Mungaab maya!

Haddii uu dhacay kala wareeg been ah, oo MIIQANE ka daba maray MOOGGANE, dadka intiisa badanse ku tilmaameen ISBADAL, aniguse aan ku gaabsanayo kala wareeg, maadaama dib laga gartay meeshuu ka yimid, waxa sababay, cidda horseedday ama maalgalisay, illeyn beeso ayaa lagu kala baxaye, oo cidda uu ka goys haysto ama uu ku daaban yahay ay bixisay, waxaanna ku qoray qormadii ahayd: “Maxaa dhacay?!”.

Waxaa ii xigay qormadii ahayd: “Haraadigu yuusan kala harin!” in kasta oo cinwaanka qormada dad dhibsadeen, iyagoo goconaya halqabsi hore iyo hal gaad dhacday, ayaanan dhankaa iyo dhinacaaba u dhug lahayn. Waxa aan ka hadlayey waxay ahaayeen rag Masuuliyiin ah, oo aan lahaa wax isma dhaamaane yeysan kala harin. Maxaa ka hirgalay? In sidaa wax loo hirgaliyo iska daaye, maanta waxayba maraysaa in kuwii aan ka digayey la sii dallacsiiyo.

In haraadigu uusan kala harin, waxaan uga jeeday, madaxdii hore inuusan qofna dib uga soo laaban, oo aan xil loo magacaabin masuul walba oo xil hore uga soo qabtay dawladihii burburka, marka laga reebo dawladdii Maxamed Siyaad Barre, isna waa inuusan ku eedaysnayn xasuuq, barakicin  iyo muqus. In la kala qaado xilka Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho, micnaha in laba qof loo kala magacaabo, maadaama ay xallin karto gunuunac hoose oo jira.

In mudane Tarzan uu ku ekaado Xildhibaannimadiisa, maadaama laga codsaday inuu labada jago mid ku koobnaado, oo markaa Xilhdhibaannomo helay, uuna wareejiyo xilka uu hayo ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisha, balse, iska diid, adoo isha biyuhu ka burqadaan fadhiya ma aadi lahayd meel ay ku gororaan?.

Haddii Mudane Tarzan halkiisii loo daayey sanad ka badan, oo saraakiisha ammaanka iyo ciidanka ugu sarreeyey wax aan naf lahayn laga badalay, oo xilka laga qaaday raggii laf dhabarka u ahaa la dagaallanka Alshabaab iyo argagixisada shisheeye, sida Gen. Dhaga badan iyo C/Qaadir Cali Diini, maalintaa ayaana u dambaysay Alshabaab lala dagaalo ama degmo iyo xarun laga saaro.

In ammaanka Magaalada Muqdisho hoos u dhacay isu sheegi mayno, in maalin walba dilal qorshaysan iyo qaarijin ka dhacaanna isaga warrami mayno, in kufsigu ka noqday astaan magaalada, xan ma ahan, in dagaallo fool ka fool ah ay magaalada ka dhacaan ka hadal ma lahan, in qaraxyo qorshaysan ay joogto uga qarxaan magaalada uma baahna qiilin, in madaxtooyadii weerar lagu qaaday caddayn uma baahna, ayna dheer tahay xarunta gobolka iyo UNDP. Intaa iyo intoo kale oo ka liidata ayaa magaaladii Muqdisho hareeyey, ha moogaan Mususqmaasuqa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Qareen Ilka Xanaf, muranka Gurayaha iyo hantida la kala haysto, oo xalkoodu noqday sheekadii Nayroobi laga sheegayey; “ninki lacag badan ayaa Maxkamaddu xukunka u ridee”.

Halkaa iyadoo wax marayaan, xaalna saa yahay, Tarzanna ku mashquulay inuu dhaleeceeyo Odayaashii uu la soo xamaashay afhayeenkooda hore u ahaa, markii uu ahaa Xabashdiidka, haddase uu ka mid noqday xerta xabashida, ayaa waxaa mar qura soo booday in xilka laga qaadayo, waaba la soo daaheen, mar hore ayey ahayd in taa la fuliyo, kolleey anigu in muddo ah ayaan sugayey, balse, Diiddiin nin wax ka sugaa sabar badan waa inuu yeeshaa. Si Tarzan xilka ay uga qaadaan si siyaasadaysan ayey ku dayeen, oo waxay u magacaabeen wasiir ku xigeen, isna waa iska diiday, ma xasuusataan markii loo magacaabay Maxamed Dheere inuu la taliye u noqdo C/laahi Yuusuf, markii isaga maganta iyo martida loo ahaa, Xabashiduna kor ka hagaysay, ee uu isna iska diiday?.

Ha la badalee ayaa lagu badalayaa? Sida wararka la isla dhexmarayo ay sheegayaan waxaa la soo wadaa, Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Mungaab” oo ah Madaxa Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida. Haddaba waa kuma Mudane Mungaab? Ku dheeraan maayo, oo Sooyaal badan ka qori maayo, balse, xilka uu hadda hayo sidii uu u maareeyey ayaan wax yar ka sheegayaa, ee bal ila fiiri.

Aqriste aan kuu soo koobo falalkii ka dhici jiray Xamar markii Xabashida, C/laahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geeddi ay ka talinayeen, waxayna ahaayeen; 1-DAD LA ISKA XIRTO SIDII XOOLO CAMAL! 2-MADAX FURASHO LAGA QAATO. 3-hadduu iska bixin waayana XABSIYADA XABASHIDA loo dhaadhiciyo. Falka ku soo kordhay wuxuu yahay QOORGOYN, waxaana inta badan amarkiisa, saxiixiisa iyo go’aankiisa lagu fulshaa Mudane Mungaab Madaxa Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida, oo ka dhigan Eedaysane aan Af lahayn iyo Umad aan Indho lahayn!

Mudane Mungaab, asii loogu yeero General, aniguse aanan aqoon goorta iyo xilliga uu noqday, kaba muhimsane sida iyo qaabka uu ku noqday, dabcan aqoon iyo tababar ciidanna ha ka reeban, xilkase ku halay laba daaqadleeyda diinta iyo qabiilka is huwan, dabcan kaalinta afar iyo barka meesha kama maqna iyo madax salaaxii madaxweyne Shariif sida dad badan aaminsan yihiin.

Mid ha dhihin, ninkan waa qolyaha dhibsanaya sugidda ammaanka, soo celinta kala dambaynta iyo adkaynta xasilloonida. Maya intaa anaa kaa jecel, ee anigu midda aan dhibsanayo ayaa ah xil eexeedka oo mar walba dhala arxandarro iyo ugaarsi dad gaar ah, markaa xaggeed ku huraysaa aargoosi iyo aano aan dhammaad lahayn, iyadoo intii hore wali loo la’yahay xal, xaalin iyo xil? Waa sina warcelintu.

Mudane Mungaab sidii xilkaa loogu dhiibay muddo afar sano laga joogo, dadka uu geeyey TIIRKA lagu TOOGTO inta TABARTA DARAN tirin ma lahan, jacayl uu qabo inuu wax xukumo iyo inuu dhiig daadsho qoorna gooyo, waa ninka samaystay XAFIISKA WAREEGA, si uu xukunka ugu rido isla goobtaa uu taagan yahay, oo ka dhigan inaysan jirin hab iyo hannaan maamul, ee leh; xirid ku meel gaar ah, baaritaan iyo dabagal, hubin iyo habayn, falanqayn iyo faaf reebid, isbarbardhig iyo isku aaddin, ugu dambaynna ay tahay in xukun la qaato, mar walbana sal u ah qaaciddada muhimka ah eeba la iska hilmaamay ee ah; “laba daran mid dooro!”.

Horta dil xaa lagu mutaystaa? Sidee loo mutaystaa? Tan hore warcelinteeda aqristaha ayaan u deynayaa, illeyn qofba meel ayuu ku dhifanayaaye, marka laga reebo QISAASTA. Dad badan oo Soomaali ah ayaa qaba ama ay ka dhaadhacsan tahay aragti inay qalloocan tahay ka sokow ay u dheer tahay inay gurracan tahay, maxaa yeelay, waxay aamisan yihiin SOOMAALI QOF AAN DILIN MA XUKUMI KARO! Aragti aan ku fadhin maangal iyo dood cilmiyeysan, kula aadi maayo duni shishe iyo meel dheer, illeyn taasi waa casharree, waxaa kuu caddaynayaa in aragtidaa jaban tahay Dhaqanka Soomaalida iyo Sooyaalka Siyaasadda Soomaalida intii dalwad la ahaa ama hardanka raadinteedii lagu jiray.

Inta aanan taa galin qodob muhim ah ila garo, dil xal ma ahan mana keeno xasillooni, ee inta qabtaa Malyan ha la laayo si Kun loo xukumo aragtidaa dib ha ugu laabtaan, sidan waxaan u leeyahay, Maxamed Siyaad Barre, oo ahaa madaxweynihii Soomaali soo mara kii ugu xoogga badnaa, uguna xukun dheeraa ayaa barqo cad iyo dharaar isagoo gacan ku gambad ah xaruntii xukunkiisa ee Xamar isaga cararay, isaga oo aysan horor kusoo ahayn ciiidan habaysan iyo cudud militari.

Tiir baaska maanta dadka lagu dilo ee aan u baxshay; TIIRKA lagu TOOGTO inta TABARTA DARAN ayuu ahaa Siyaad ninkii rag ay siyaasad iyo maamul qaybsi isku qabteen tiirkaa geeyey barqo cad, malaha maankiisa ma soo galin baan filaa in isna barqo uu ka carari doono?.

Dadka Soomaaliya lagu dilaa waxay kala yihiin saddax qaybood:

1-madaxda is magacaawday ama la magacaabay, ee xil iyo xukun aan xaraf ka hayn.

2-ilqabatada bulshada, sida: aqoon yahan, Oday Dhaqameed, Gacasato, Xirfadleey, sida; Wariye, Dhaqtar, Injineer IWM.

3-Muwaadin caadi ah, ee ka soo haray intan sare ku xusan, ee noqon kara shaqaale dawladeed ama shaqaale gaara amaba camal laawe aan shaqo haysan.

Saddaxdan kan hore dilkii loo gaysto qofkii lagu soo eedeeyo ama lagu tuhmo Nabee Malaggii ayaa galay, illeyn waxa la fiirinaa ma ahan qofkan dambi ma galay, ee waa si aan anaga naloo soo gaarin si nalooga cabsado aan kan qaarijinno. Dilka kuwa dhexe loo goysto marka laga reebo in Warbaahinta laga sheego iyo cambaaryn ma dhaafo, illeyn cid dan ka leh ama uu wax ugu yaal maba jirtee. Kan u dambeeya ayaa ugu ayaandaran, isaga dhimashadiisu waxayba u tahay farxad, maxaa yeelay, awalba noloshiisa ayaaba dhib ku haysay. Haddaad tahay Soomaali uma baahnid daawashada Filimaanta HORORKA ama  CABSADA ah, kaliya waxaad u baahan tahay inaad daawatid ama dhageysatid AKHBAARTA DALKAAGA, iyadaa kaa deeqaya, kaagana filan!

Midda aan la yaabay baa ah, sida uu Mudane Mungaab xukun ugu riday Malleeshiyo ama Mooryaan adigu kaa doonto dheh, aniguse Wiil ayaan leeyehee, maxaa yeelay, xilligii erayadaa astaan iyo summad noqon lahaayeen iyo qaabkii ay yeelan lahaayeen labadaba waa la soo dhaafay, ee Wiil labaatan jir ah, oo aan maamul, maaryn iyo xukun waligii arkin, marka aad inta qori degta u surto, aad ku tiri; waxaad tahay ASKARI iyo CIIDAN aadan anshaxiis iyo asluubtiis barin, ee aan mushaar iyo biil midna qaadaan hadduu bac qafiif xado, sidee Mudane Mungaab iyo inta ku aragtida ah ugu xukumeen dil iyo TIIRKA lagu TOOGTO inta TABARTA DARAN in la geeyo?.

Haddii hannaan hufan la raacayo saw ma ahayn in eedda falka wiilkaa ka dhalata dusha laga saaro madaxda is magacaawday ama la magacaabay, ee xil iyo xukun aan xaraf ka hayn, kaaga muhimsane, kuwa mushaarkii wiilashaa loogu talagalay Shaarubka iska marshay? Maxaa farta loogu fiiqi la’yahay kuwaa, illeyn waxaan ognahay mushaarka wiilashaa inay si joogta ah u baxiso Hay’adda UNDP?.

Ma inta laga soo leexday tun weynta iyo afar jeebayaasha xaaraan cunka ah, ayaa wiil aan Gambo iyo Baysteen haysan fal uga dhacay anxshax aan la barin iyo asluub aan loo dhigin ayaa lagu gumaadayaa dhallintii? Midda kale, dawlad ku sheeggu ma waxay u dhisan tahay badbaada dadka mise dabargoyntooda? Illeyn inta gacantooda ku dhimatay tirin ma lahane, ha ahaato inta waliishani fara fudaydka ku dilaan iyo inta iyagana fara fudaydka ku dilaya (Mungaab).

Tan kale, ma ogtihiin in Dhaqaatiirtu ay ka dayrinayaan Xabsiyada Xamar? Ma ogtihiin Maxbuusyada ku jira Xabsiyada dawladda inay in badan ku waasheen duruufta ay ku sugan yihiin awgeed? Saw ma ahayn in kuwaana tiirka toogashada la geeyo, mise iyagu waa buur ama buur ayey ku tiirsan yihiin (lama taabtaan)?.

Dhanka kale, Xildhibaan Prof Dalxa ayaa dhawaan si cad u sheegay in dadka dilalka waxashnimada ah lagu filiyo ee la geeyo TIIRKA lagu TOOGTO inta TABARTA DARAN ay u badan yihiin Beesha Jareer Weyne. Waxaan ugu dari lahaa inay yihiin inta Xamar iyo Koofurta ka korreeysa deggan, maxaa yeelay, isku celcelis iyo tiro guud dadkii dhawaanahan siyaabaha kala duwan loogu fuliyey fal qaraareedka [qisaas] ama sugid ammaan [sur goyn dad] waxay badankoodu ku abtirsadaan dadka deegannadaa ka soo jeedo.

Nimanku inay dhanka qalloocan tallaabada u qaadan ma ahane maxaa ka indhaha ka xiray inay dhanka qumman u qaadaan? Tarzan ka qaadee Mungaab u dhiib waxay la mid tahay, inta Dawaco raacdaysid inaad soo xaraysato Shabeel, kee dhib badan? Kama muhimsane, dallicinta Mudane Mungaab waxay si cad noogu qeexaysaa, haddii aad rabto in xil laguu dhiibo dadka dil, markaa ayaad mudanaysaa xil saree.

Xukunkiisa qaabta daran ee aan sharci Islaam iyo qaanuun dawlo midna ku socon waxaa aad ula yaabay Maxamed Dheere, oo ku dhaliilay in falalkiisa gurracan ee uu dhallinta ku laayo maalin walba ay ka baxsan yihiin xeerarka dunida, qawaaninta dawlada iyo shareecada Islaamka, oo run ahaan ah qodob aad u xooggan aan illaa iminka si toos ah loo hordhigin Mungaab iyo madax ku sheegga dawladda.

Middase aanba dadku ku baraarugsanayn waa, in xilkan loo magacaabayo mudane ciidan iyo askar ku lug, oo aan ognahay dhibka na haysta qaybta ugu weyn inay masuul ka ahaayeen, xasuusta dawladdii Siyaad, Abbaha burburka Soomaaliya, marka, waa fiicneyd in laga dhigo qof aan ciidan lug iyo raad ku lahayn, kana soo jeedin, balse, Xamar taa looma quurin, sida aan loogu quurin in lagu maamuuso maamul u qalma iyo madax mudan iyo maareynteeda.

Tarzan iyo Mungaab ka sokow, horta kaalay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Magaalada Muqdisho maxaa ku koobay hal beel uun kaliya? Saw gobolka ma deggana beelo kale oo iyana xaq u leh inay qabtaan jagadaa? Saw ma ahan maanta maalintii dadka aan sidii xornimo loo helay xilkaa aan loo dhiiban inay maanta qabtaan? Waliba Sabayn xir iyo xaalsiin loogu daro.

Mudane Tarzan wax lagu eedaba lagu eedi maayo dad dilnimo, halka mudane Mungaab uu ku caan baxay qoorgoyn iyo toogasho aan sharci ahayn (maxkamadna ku magacaaban). Middani waxay keenaysaa in ururrada u dooda xuquuqda aadanaha ay go’aan adag ka qaataan magacaabista caynkaa ah, haddii kale meesha ha ku kala daareeraan.

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com    

Advertisements

6 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s