Loollan ligan iyo libin laalan!

Image

Loollan ligan iyo libin laalan!

 

Kowdii bishan Jannaayo ayaan qoray qormo magaceedu ahaa: “Gulufka xildhibaannada gaatinta Shariif Xasan iyo gaabiska dunida”, aan ku saabeeyey halka siyaasaddu saldhigan doonto, saamilleydeeduna sardhigi doonaan iyo sanadkan curtay sida wax ku socon doonaan, sida cinwanka qormadii hore ku cad, waxay taabanaysay ragga xilka qaaday (Tiro badnayaal tayo yarayaal), ninka laga qaaday xilka (Shariif Xasan) iyo qaabiyayaasha Mahiga ugu horreeyo, saddax xagalkan oo majaraha u haya muranka jira.

Sidaan horaba u tilmaamy, rag dhiirran oo talo u go’an tahay ayey ahaayeen, dhiiggoodoo daadanaya ayey doorasho qabteen, awal dhiigga dhacabka oo daadanaya ayey is dooran jireen, heestii “xildhibaanimooy xaal qaado”, waxaa ka mid ahaa:

 

Xabaduhu waxay dilaan
Maalintii maato xoog darane
Xinjiraha shacabkay daadiyaan
Kuna xashaashaane

 

Maanta kooda uu gobo’ leh ayey is doorteen, arrin ku cusub dhaqanka siyaasadda Soomaalida, ammaan uma ahan, balse, sida wax isu rogeen ayey kuu muujinaysaa, ninkii shalay Shariif Xasan ku daba fayshanaa, waxa maanta dhanka kale ka soo jeediyey, waa arrin is weydiin mudan, ugu dambayn, waa la isu tanaasulay, tanaasulkaa ma mid iska dhacaybaa? Mise hore ayuu u qorshaysnaa? Yaa garan, sida wax loo sheego u qaata ayey nagu yiraahdeen, warna ha ka keenina.

Madoobe Nuunow haddii loo tanaasulay, dadkase la qabadsiiyey waa la doortay, ayaa mar qura mashxarad lagu dhuftay, alalaas iyo sacab isqabsaday, miyaan la qaangaarin? Miyaan garaadku kobcin? Miyaan maalmaha wax laga baran? Miyaan dhacdooyinka wax lagu fahmin? Dadkayga caaddifad ayaa caqli ka nigaxday, dahaarna ka saartay, waa meeshuu ninkii waalnaa ka yiri:  “Maxaa la iiga alalaasayaa haddaan lumayaa haddanee!”.

Waxaase su’aasha ugu muhimsani tahay waa kuma Madoobe Nuunow? Waa Cornell  Ciidanka Xoogga dalka ah, wax ku bartay Kuliyadda Jaalle Siyaad, xubin firfircoon ka ahaa shrkii Baydhabo lagu qabtay sandkii 1995-tii, oo looga arrinsanayey maamul u samaynta gobolka, waxaa shirkaa ku wehliyey Malaaqyada deegaanka iyo siyaasin ay ka mid yihiin: Zope, Avvocato Xasey, Dr Maxa’ed Cali Xasan, oo wasiir ma dhaca ah ka ahaa maamulkii military-ga, Shariif Xasan (Sakiin), Col. Shaati Guduud, Cali Marguus, Shariif Saalax, Cali Cabdi Garruun iyo xubno kale.

Madoobe Nuunow wuxuu kale oo xubin ka ahaa jabhaddii RRA, iyo sidoo kale maamulkii Koofur galbeed Soomaaliya, wuxuu xildhibaan ka soo noqday dawladdii Carta, wuxuu dhaxal siyaasadeed ku galay baarlamaankii Dawladdii C/laahi Yuusuf, ka dib dilkii Cabdalla Deerow Isaaq, sidaana wuxuu ku noqday wasiirka Federlka iyo Dastuurka.

Madoobe Nuunow, waxaa lagu xasuustaa erayadii kululaa ee ay ishdhaafsadeen rag ka soo jeeda deegaanka Bari, ka dib markii la beegsaday dadka reer koofurka ah, loona gaystay tacaddiyo xoog badan, maalin dhexdaa ah ayaan dul istaagay rag ku dacaayadaynaya wuxuu ka soo horjeedaa Puntlad, oo waaba su’aale: haddii lagu yiraa: dadkayga ha dilin, ma mucaardnimo maamul ayaa laa fasirayaa? Ma garan.

Hal adayggaa oo aan isleeyahay waxay qaybweyn ka tahay taageerada iyo mashxaradda xigtay doorashadiisa, malaha waxay dad badani quuddarranayaan siduu maalintaa u hadal caddaa, inuu u hadal caddaan doono! Waxaanse oran, meeshaa nin gala oo dhiigle lama sheegine, armay isna sidaa oo kale ku dhacdaa, aniga garan waayey waxa dhiigga ka miirta? Sida looga miirto? Ito inta laga miirto?.

Inta aanan ku sii dheeraan wixii doorashada la falgalay, aan wax yar ka iraahdo hadalkii madaxweyne Shariif, oo wax kama jiraanka ka dhigay go’aanka xildhibaannada, isagoo cuskanaya heshiis dhagreedka ay wada galeen isaga iyo wadaaygiis Shafiif Xasan, oo qoorta looga qabtay Formaajo, ee dadka ku yiri: “danta umadda ayaan u tanaasulay!” been badanaa!

Madaxweyne Shariif wuxuu ciyaarayaa “Daad intuusan ku qaadin ayaa la iska moosaa”, micnaha wuxuu hubaa haddii wadaaygiis Shariif Xasan meesha ka boxo, inuusan ka dambaynayn, sidaa darteed waa in la isla moosaa daadxoortan, lana wada yureeyaa Yeeydan xukunkooda mijaha u xaabinaysa, xeel kale hadduu waayey ayuu baadil ku tilmaamay xilka qaadista wadaaygiis.

Si loo sii adkeeyo, madaxweyne Shariif wuxuu shir la yeeshay guddiga amniga qaranka, bal waxa isugu yimid eeg, labada Shariif, Gaas, wasiirka gaashaandhigga, wasiirka cadaaladda, ku xigeenka gudaha iyo amniga qaranka, waa su’aale maxaa Shariif Xasan ka quseeya Amni? Teeda kale, wasiirka Gaashaandhigga haddii madaxweynugu yahay abaanduuliyahya ciidanka qaranka, uuna shirka fadhiyo, isna muxuu ka dhex qaban? Ma garan, war maa nin walbaa ku ekaado shawshiisa, iyada ayuusanba dhammayn karine, guddigu wuxuu soo saaray:

a) In kulammadii xildhibaannada ee lagu dagaalamay iyo go’aannadii ka soo baxay ay ahaayeen kuwa aan ku fadhin sharci, isla markaana waxba kama jiraan ah.
b) In baarintaan degdeg ah lagu sameeyo fal danbiyeeyadii ka dhacay xarunta Baarlamaanka, ee sababay khasaaraha isugu jira dhaawac iyo burbur hanti.

c) Si looga hortago qalalaaso hor leh, loogana baxo marxaladda adag ee dalku marayo, waa in la soo dedejiyaa howlihii dhameystirka iyo ansixinta Dastuurka iyo soo xulidda xubnaha Baarlamaanka cusub.

Qodobbadan lagu xusay warsaxaafadeedka, waxay kuu muujinayaan kala fogaashaha jira inta uu la egyahay, qolo guddoon cusub ayey dooratay, qolada kalana waxay billowday cagajuglayn, waxaaba u sii dheer inay waqtiga ka hor dhacayaan, maadaama ay xoogga saarayaan in la boobsiiyo ansixinta dastuurka, waaba su’aale haduu qabyo qoraal yahay sidee lo ansixinayaa? Yaase ansixinaya? Ma rag ay u aqoon sadeen inay falal dambiyeedyo galeen, ayey haddana dastur u gaysanayaan? “Baarlamankan waxaa badalaya baarlamaan la soo doortay” waa qodob ku qoran axdiga kmg ah, haddaba sidee la isu waafajinayaa? Isu kay qaban waysay waallida jirta.

Halkan waxaan doonayaa inaan ka sameeyo baafin siyaasadeed, yaa meel ku sheega mudane Mahiga? Markii u dambaysay wuxuu ka dhoofay Puntlad, oo uu uga qaybgalay shirkii Garoowe, isagoo ku sii jeeday magaalada Nayroobi, ka dib wax warkiisa sheega lama maqal, malaha wuxuu la suuxay qoraalka Keydmedia ka diyaarisay: “Biladda Hormuudyada Xadgubdka 2011!, oo uu kaalinta koowaad ka galay, qofkii Mahiga warkiisa haya, ha ku soo hagaajiyo hogta halyeeyada halaagga.

Inta qaskan iyo qalalaasahani dhacayeen, kuwa isku sheega xiriirka caalamku way daawanayeen, waxayba doonayaan inay shir qabtaan, oo yaad u qabanaysaa, haddii ay sii burburayso DKG ah? Hadda waxaa noo jooga lama guddoomiye baarlamaan, waxaan sugaynnaa waa lama madaxweyne iyo laba xukuumad, inay imaanaysana ha baciidsan, nimanku ma ahan rag xishooda, ethics iyo akhlaakh midna ma lahan, mana doonayaan inay dhawraan axdi iyo xeer.

Shariif Xasan wali wuxuu ku dhaggan yahay Kampala Accord, iyaga ayaana u ansixiyey, Allow yaa baara, Madoobe Nuunowgan inuu u codeeyey ayaa suuragal ah! Waxaa garab taagan Madaxweyne Shariif, Gaas iyo xukumaddisa, dabcan maamulka Puntalad ha ka tagin, oo iyaga ayaaba ka qaybgaliyey shirkii Garoowe, isagoo lagu daba dhaggan yahay, aamuska dunida oo labada taageero u noqon karta, nin walba garabsan doono, taageero ayaaba jirta sida dad qabaan u janjeerta Shariif Xasan.

Dhanka Madoobe Nuunow, dad badan waxay ku dhaliilayaan inuu daab u yahay qabqablayaashii, sida: Cismaan Caato, Muuse Suudi, IWM, dhinacna waxaa lagu tuhmayaa inay garab u yihiin rag dhiigyacab siyaasadeed ah sida: Gacmadheere iyo Ilka Dahab, bal ila  xasuusta Gacmadheere markuu ahaa wasiirka arimaha gudaha dawladdii C/laahi Yuusuf, imisa ayaa dad la gumaaday, waliba isagu  u soo horkacayey, kaaga darane ay hayb iyo habar wadaag ahaayeen.

Cabsida ayaa ah, in Madoobe Nuunow nagu soo nooleeyo qabqablayaashii siyaasadda iyo dagaal oogayaashii Xamar, hubaal in muddo la moogaa, balse, mudadaa miyaa la nastay? Waa maya jawaabtu, shacab ay madax u yihiin laba Shariif mindhaa nasiino ma arkaan! Dhanica kalana ay xeerbeeg u yihiin ma xishooyadaasha ku jira xerada xildhibaannada, midna sheegid uma baahna, Madoobe Nuunow oo la doortay mayee loo tanaasulay, waxba ma ahan oo waan og nahaye, muxuu badali karaa waaye, su’aashu?.

Loollanku wali waa ligan yahay, oo codna libintu ma raacin, lagdan ayaa wali laaban, lammaane maanta wada luqmaysanaya ayaa berri lafaha isla dhici doona, luggooyada iyagu isuma laabaan, ee shacabka luufluufka ah ayey ku sii larayaan, malaha waaba qorshe la maleegay, bal ila eeg, dalka dhan ayaa holcaya, oo xabbad ka socotaa, markaas ayey nagu mashquuliniyaan hebel ayaa xilka laga qaaday, isna waa diiday, markaa ayaa mid kale la doortay.

Sheeko caruureed, Xabashi waxay kuu fadhidaa gobollada dhexe, Beledweyn, Dhuusamareeb, Bulucle iyo meelo kale, Kenyaanti Gedo iyo Jubbooyinka ayuu xasuuq ka wadaa, duqayn iyo dabar goyn ayey dabada hayaan, dhanka kale, abaarihii ayaa wali taagan, arimahaa xasaasiga ah ayey doonayaan inay naga sii jeediyaan, ee nagu mashquuliyaan  doorashooyin dhalanteed ah  iyo mucaaaradnimo aan meel jirin, dadkaygoow hurdada ka kaca.

Ugu dambayn waxaan ku soo xeriayaa qormada xa’laydan, aan ka xigtay sida xaalku yahay waana sida: Xildhibaanoow xaa qaado, xukun leexsan, xagal laaban, xeero maran, xeerin la’aan, xanaf taagan, xanuun badan, xabbad wiiftaa, xuurto furan, xadro wadaad, xigmad la’aan, xaaraan ku naaxnimo, martinimo Xabash, xannib fadhi, xirasho gole, xil ka qaadis, is xajin, xoog adeegsi, is xusulayn, xil xalaalayn, maxaa xiga?.

 

Jannaayo, 2012

 

Bashiir M. Xersi

Brdiraac@hotmail.com

 

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s