Raafka Kenya iyo Rafaadinta Soomaalida!

Raafka Kenya iyo Rafaadinta Soomaalida!

 

Waxaa maalmahaan si xawli ah uga socda waddanka Kenya, hawlgal ballaaran oo lagu raafayo Soomaalida ku nool waddankaas. Howgalkan waxaa wada ciidanka Polis-ka oo amar buuxa ka haysta Wasiirka Amniga Qaranka Kenya, waxaana raafkaas lagu qabqabtay in badan 500 oo qof oo Soomaali ah, oo isugu jiray diblumaasiyiin (Xildhibaanno iyo saraakiil ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee Kenya) iyo dad rayid ah.

Raafkan wuxuu ku soo beegmay, maalin ka dib markii uu booqasho gaaban ku yimid dalka Kenya madaxweyne Shariif, oo halkaa kula kulmay madaxda Kenya iyo madax ka socotay dalalka Yurub, gaar ahaan dalalka Talyaaniga iyo Ingiriiska, oo uu ka helay yabooh taageero, oo isugu jira dhaqaale iyo tababar ciidan, aanse la garanayn xilliga ay qabsoomi doonaan?.

Booqashada madaxweynaha ka hor, waxaa jiray warar sheegaya in magaalo madaxda Kenya ee Nayroobi laga maleegayo afgami ay wadaan xubno ka tirsan baarlamaanka, oo deggan isla magaalada. Arintaas waxaa la sheegay inay fashalintay, waa iga su’aale; agambi noocee ah ayaa muqdisho ka dhici kara? Waxay la mid tahay: nin bacaad qoorsagaaro ku haya, oo la yiraa Libaax buu qoorsagaaro ku hayaa! Ujeedkeennu taa ma han, waxba yaanan ku durgin ee aan u soo laabto qormada.

Hakad galinta qorshahaa lagu sheegay afgambinta waxaa u soo hankool qaatay isla madaxweynaha oo amar ku baxshay in xilshibaannada jooga Kenya ay iska xaadiriyaan Muqdisha, xildhibaankii diidana ay dawladda Kenya ka cayriso dalkeeda. Taladaa uu baxshay madaxweynuhu ma xumo, oo xilshibaan baan ahay Nayrooobina waan ku jaad cunayaa wax soconaya ma ahan. Waxaaba ka sii daran, haddii ay jaallayaashaadu ku eedeeyaan inaad maleegayso khiyaano qaran indhaha ay ku arkeen waa kuwo aad isku aragtaane!.

Maalin ka dib waxaa magaalada Nayroobi ka qarxay bannaabax ballaaran oo ay dhigayeeen muslimiinta waddanka Kenya, oo looga soo horjeeday wadaad caan ka ahaa waddanka oo ay dawladdu xabsiga u taxaabtay, bannaan baxaa oo ahaa mid watay rabshado iyo qalalaaso ayaa waxay Polis-ku sheegeen inuu ka dhex muuqday hal ku dhagyadii dadku ay wateen calalka madaw ee Alshabaab, taas oo ay ku macneyeen in bannaan baxa ay qayb weyn ku lahaayeen ururka xagjirka ee Alshabaab, tiiyoo waliba dawladda Kenya markii horaba ula Booca ugu kutabaysay ururkan Alshabaab.

Haddaba, raafkan wuxuu ka dambeeyey labadaa dhacdo ee aan kor ku soo sheegnay, waase su’aale labada dhacdo ma lala xiriirin karaa? Mise mid gaara ayaa lala xiriirin karaa? Waase middee taa gaarka ah, ma ciilka Alshabaab ay u qabtay dawlada Kenya? Mise talada madaxweyne Shariif? Run ahaantii Soomaalida Kenya ku nool markii horaba waxay ka cabanayeen Polis-ka waddanka oo sharci darro u xira si ay uga qaataan lacag baad ah, oo ay isku madax furtaan, haddase, xaalku wuxuu marayaa raaf aan la kala soocin masuul iyo muwaadin oo dhinac laga wada maray!

Raaf wuu ka dhacaa dunida, isaga oo wajiyo badan leh, waxyaabo kala gaddisanna loogu soo gambado. Tusaale ahaan imisa ayaa iyaga oo iska tamashlaynaya u hoyday Xabsiga saxariirada ee Guantanamo? Dadkaa la raafay waxaa loogu soo duggaalayey dagaalkii ka dhankaa aha argagixisada, taas oo waddo u furtay in dad badan si sharci darro ah loo xiray waqti dheerna ku qaateen xabsigaa iyaga oo aan waxba galabsan, lana xukumin, mababa aanba maxkamad la soo taagin.

Haddaba, raafkan ka billawday Kenya ee safmareenka u saameeyey Soomaalida dhan, saqiir iyo kabiir, dawladda Kenya wali war kama bixin ujeeddada ka dambeysa, waxa kaliya oo dhacay waa Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya inay habeenkiina u hoydaan Xabsiga gabal dhiciina laga soo daayo, tan kale waxay tahay in dawladda Kenya ay sheegtay in raafku sii socon doono, balse ilaa xillima? Lama garanayo dawladduna ma sheegin, taas oo ka dhigan in Soomaalidu mar walba ay heegan u ahaadaan in la xiri karo sabab la’aan!

Waxba waxaa ka darene, aaway qanuunkii dawliga ahaa iyo xeerarkii dunidu ka dhigatay la dhaqanka diblomaasiyiinta? Igama ahan inaan u calool jilcayo xildhibaannada la xiray ama xabsiga ku hoyday ee waxaan ka eegayaa dhinac qaanuun oo qura, maxaa yeelay, inaan u beer jilco xildhaannada waxaa iiga muhimsan in la helo wax u doodo dadka aan tiradooda la hubin ee sida is daba joogga ah loo xirayo, illeen kuwaasi ma lahan wax u doodee, xildhibaankuse kan ugu badan ayaa laba aqoolood ku jiraya xabsiga.

Dhibaatada dhacday ma qanuunka ayaa jilicsan mise qofka uu qabanayo ayaa jilicsan? Ma ahan markii u horraysay ee masuul Soomaaliyeed loo taxaabo xabsiga, waxaad xasuusataan xariggii loo gaystay bishii October wasiiro dawlaha gaashaandhigga dawladda mudane: Indhacadde oo lagu xaray Wadanka Ugandha, sidoo kale bishii september-na waxaa magaalada Tripoli ee waddanka Libya lagu xiray diblomaasi ka shaqaynayey safaaradda.

Dhacdooyinkaa waxay kuu muujinayaan inaan wax xil ah la iska saarin masuuliyiinta Soomaaliyeed ee jooga ama u socdaala dibadaha, haddii afduub loo gaysto, oo kooxo hubaysan ay afduubtaan waaba la garan karaa, oo wax ka dhaca dunida, balse, haddii ay xiranayaan ciidanku Pilos-ka wax tafaasiil ahna aysan ka bixinayn ayaa ah dhib aan la qaadan karin, hadduu soo laablaabtana kuma sii jirto, oo damqashada ayaa badanayso ama damiirka ayaa dhinta!.

Xildhibaanada la xiray waa la siidaayey, balse, dawladda Kenya waxay ka soo saartay hadal cad, oo runti si weyn shacabka Soomaaliyeed u soo dhaweeyaan. Dawladda Kenya waxay si cad u dheegtay in xildhibaannada Soomaaliyeed ay ku laabtaan waddankoodii ama qaxooti ahaan isaga dhiibaan xeryaha qaxootiga, taas oo runtii noqotay farriin aad u adag, ayse shacabka Soomaaliyeed u riyaaqeen, waxayna ka sugayaan dawladda Kenya inay hadalka ku darto ficil una qabato xilli ay uga baxaan wadanka ama isaga dhiibaan xeryaha qaxootiga.

Wali wax hadal kama soo bixin guddoonka baarlamaanka oo ku aaddan farriinta ka soo yeertay dawladda Kenya, malaha waxaa laga yaabaa inuu ku mashquulsan yahay wali xeeshii uu xilka ku kordhisan lahaa, maadaama ay u dhammaatay muddadii uu hayn lahaa xilka, horayna ugama soo saarin war cad oo ku aaddanaa mudanayaasha la xiray, iyaga shacab warkooda daa, way jirtaa warar laga soo xigtay Prof Dalxa oo codsaday in la sii diiyo asxaabtiisa, balse, meesha kuma soo hadal qaadin sii deynta shacabka.

Raafka ka billowday dalka Kenya waxaa lagu macneeyey inuu dabada ku hayo muuqaalkii ay dawladdu ku sheegtay inay ka dhex aragtay bannaan baxayaasha ee ahaa calalka madaw ee Alshabab, waa tii hore loo yiriye: “Nin kaa xoog badan hortaa ayuu xanaaqaaye” dawladda Kenya durbadiiba caradii ay u qabtay kooxdaa waxay kula duldhacday Soomaalida, oo ay markii horaba marti galisay, ee sanado badan dalkeeda daganaa qaar badan oo ka mida ayba haystaan dhalashada waddanka, ama ay si dharci ah ku joogaan waddanka, ka gadaal markii ay dawladdu siisay aqoonsiyo ay ku joogi karaan.

Waxaase wax laga xumaado ah in dawladda Kenya ay sidan waxashnimada ah ula dhaqanto Soomaalida, heer ay gaartay inay xita kala saarin masuul iyo muwaadin oo gabi wada xirtay. Run ahaantii tani ma ahan mid laga sugayey dawladda Kenya, maxaa yeelay dawladda haatan ka dhisan soomaaliya waxaa kala dhexeeya gacan saar fiican iyo xiriir wanaagsan, Alshabaab waa cadaw guud oo ka wada dhexeeya, ma jirto qolo uu badbaadshay Soomaali iyo qarkeed, waliba mararka qaar waxaaba jira ajaanib uu sii daayo siyaabo kala gaddisan.

Haddaba, ma ahan dawladda Kenya shaashkii gabar u saaranba inuu yahay calalka madaw ee Alshabaab, ama Gambo kasta ee gabari madaxa ku duubato inay noqoto calalka madaw ee Alshabaab, waa inay wax badan u kala soocan yihiin dawladda Kenya ayna ogaataa in qof kasta oo Soomaali ahi uusan Alshabaab ahayn ama gabadhii madaxa hagoogataaba aysan Alshabaab u adeegayn. Ma diidayo warka ay soo tabisay dawladda Kenya ee ah in calalkii madoobaa ee Alshabaab bannaan baxa uu ka dhex muuqday, balse, waxaan diidayaa wax kooxi gaysatay in Soomaali dhan loo wada ciqaabo, oo ah runtii wax aan la qaadan karin.

Dawladda Kenya midna xaq wey u leedahay inay ammaankeeda adkayso, oo ka digtoonaato kooxaha argagixisada ah, ee ay muddada ku raadjoogtay, oo waligeedba qatarta la eeganayey laga soo billaabo 98dii qaraxyadii ka dhacay Nayroobi, taas oo ay xitaa dan ugu jirto ammaanka Soomaaliya, maxaa yeelay marka uu ammaanka dawladaha dariska la ah Soomaaliya jilicsan yahay, waxaa si sahal ku soo galaya Soomaaliya kooxaha argagixisada ah, taas oo aysan dan ugu jirin Soomaalida iyo dawladaha dariska, balse, Kenya waa inay ilaalisaa daris wanaagga iyo marti galintii ay Soomaali u fudisay labaatankii sanoo tagay, arintuna ay noqotaa “Cimri tagay Ceeb ku sagaatin”.

Taa waxaan u leeyahay waxay tahay Kenya waxay ku jirtaa waddamada dhadhanshay xanuunka qaraxyada argagixisada, taas oo ka dhigaysay inaysan wax badan tixgalinsiin marka ay ku guda jirto hawlgallada gaarka ah, balse, waxaa habboon mar walba in la kala saaro dambiilaha iyo dhibbanaha, isku hayb ha wadaagaan ama isku midab ha ahaadaan ama isku diir ha ahaadaan ama isku diin ha ahaadaan, maxaa yeelay, waxyaabaha ay wadaagaan lalama xiriirin karo falka ka dhacay dambiilaha ee uu geestay isaga oo dhimirkiisu joogo cidnana aysan qasbayn.

Taas haddaan hoos uga sii daadego Soomaalida deggan ama ku nool waddanka Kenya markii horaba waxay ku dhib qabeen Polis-kan u taagan laaluushka, ee dariiq walba dhigtay isbaarada dadban ee aysan arkayn qofka aan Soomaaliga ahyn, waa tii la yiri: “Anoo Xumaa ayaa Xoon i qaniinay” xaalku halkaa ayuu marayaa oo markii hore ayey Soomaalidu ku silacsanayd Kenya ee ma waxay ugu dartay xarig wadreed iyo xabsiyo jamaaco?.

Rafaadinta Soomaalida Kenya deggan ay la kulmaam way kala duwan tahay, garoonka diyaaradaha haddaadba giir Soomaali leedahay sharcigaad rabto wadee waa lagu soo beegsanayaa, waxaa la isku dayayaa in laaluush lagaa qaado, taasi ma ahan mid iska dhalatay ama iska timid, walow ay Soomaaliduba qayb ku yeelan kartana, haddana, masuuliyadda waxaa iska leh ninkan masuulka ah ee soo beegsanayo muuwaadin isaga oo ku beegsanaya inuu dal hebel (Soomaali) ka soo jeedo taas oo ah dhaqan aan wanaagsanayn.

Sharaf dhaca Soomaali ku dhacay waxaa inooga filan calaacalka ka baxay labada sarkaal ee kala ah Mudane Galaal iyo Dhuumaal, oo labaduba ka wada tirsanaa ciidanka qalabka siday kana gaaray darajooyin heersare ah, digasho igama ahan, balse, dareenka ay soo gudbiyeen ayaa ahaa mid aad loogu damqado, sababtoo ah waxaad garan kartaa nin masuul ciidan ah ee tuugadii uu xiri jiray lala xiray inay tahay mid niyadjab weyn keenaysa, arrinta waxaa sii walaacinayso marka laga eego magac dawladeed iyo daleed taasoo ka dhigaysa jirtaan la’aan iyo dadnimo xumo.

Qiimo tirka Soomaali ku dhacay waa midaan laga sheekayn Karin, dhan walbana ka haleeyey, oo meel caymo u leh ma jirto, maxaa yeelay haddiiba magacooda lagu beegsanayo waa dhibaato aan dhib ka weyni jirin, taas oo dhalin karta in magacana marka dambe laga cararo oonba la sheegan, haddaba, si aysan taasi u dhicin waxaan uga hortagi karnaa waa inaan dawlad iyo nidaam yeelannaa, isku duubni iyo midowna la helaa, tafraaruqan waxba ku qabsoomi maayaane.

Ugu dambayn, waxaan ku soo gaabinayaa qormada inay dawladda Kenya garato in Soomaalidu aysan wada Alshabaab ahayn ama aysan wada taageersanayn, maxaa yeela,y safmareenka wax ku socdaan waxaa laga yaabaa inuu dhaliyo colaad aan horay u jirin, dad aan markii horaba ku jirin inay dhahaan ma waxaa laguu xiray inaad Alshabaab tahay? Allaylehe, haddaan si too sh u galayaa dabadeed anoo xubin ka ah haba la i qabto, markaas wixii la rabo ha la igu sameeyo. Marka inta uusan xaalku halkaa gaarin waa in tallaabada la qaadayo laga fiirsadaa.

 

Jannaayo, 2010.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

 

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s