Hees: Haddaan heli lahaa

Image

Hees: Haddaan heli lahaa

Waa hees aan hordhac iyo u baahnayn gogoldhig, ee bal aan idiin daayo aqriskiiskeeda.

Haddaan heli lahaa

Hoggaan igu habboon

Dib umaan hareen.

 

Haddaan heli lahaa

Hoggaamiye la hubo

Cirkaan hiigsanlaa.

 

Haddaan heli lahaa

Halyeey ii gurmada

Habaq maan galeen.

 

Haddaan heli lahaa

Hal-door ii garnaqa

Isma hanaq jareen.

 

Haddaan heli lahaa

Horjoogaha danguud

Halaq ima cuneen.

 

Haddaan heli lahaa

Hawl-kar iyo Hormuud

Heeryo maan muteen.

 

Haddaan heli lahaa

Horseed iyo guddoon

Habaas ima qarsheen.

 

Haddaan heli lahaa

Heegan aan gam’ayn

Ma halaagsameen.

 

Haddaan heli lahaa

Haybad iyo sinnaan

Isma haybtireen.

 

Haddaan heli lahaa

Hanuuniye wadaad

Shabaab ima hagreen.

 

Haddaan heli lahaa

Hayin aan rartana

Dhurwaa ima hodeen.

 

Haddaan heli lahaa

Habsan iyo dastuur

Waan hagaagi laa.

 

Haddaan garan lahaa

Heelladaa ku hees

Nashiid kuma hadreen.

 

Haddaan haysan lahaa

Hadaf iyo ujeed

Ma habaabilayn.

 

Haddaan heli lahaa

Hagaagey tusamada

Ma hareer mareen.

 

Haddaan heli lahaa

Wixii hore u dhacay

Haatan maan lumen.

 

Haddaan heli lahaa

Waxay tahay haddeer

Hadhaw maan gafeen.

 

Haddaan heli lahaa

Hubsiiniyo dhugmada

Huuhaa maan maqleen.

 

Haddaan heli lahaa

Tubta iyo hannaan

Hilin kama lumeen.

 

Haddaan heli lahaa

Hanti dhawr la hubo

Nabee waan hodmi laa.

 

Haddaan heli lahaa

Hiillo iyo gargaar

Hogag kuma dheceen.

 

Haddaan heli lahaa

Hirashiyo ammaan

Heedhe maan qexeen.

 

Haddaan heli lahaa

Harac iyo Hargalo

Hanfi uma bexeen.

 

Haddaan heli lahaa

Huuri iyo badmaax

Hirka kuma hafteen.

 

Haddaan heli lahaa

Hal inaan noqdana

Hal hal uma jabeen.

 

Haddaan heli lahaa

Heshiis loo dhan yahay

Hub islama dhaceen.

 

Haddaan heli lahaa

Hammi iyo hufnaan 

Gaajo lama hogteen.

 

Haddaan heli lahaa

Hasin iyo nagaan

Hayaan ima galeen.

 

Haddaan heli lahaa

Hawraar caafimad

Hurgun ima galeen.

 

Haddaan heli lahaa

Horyaal iga warqaba

Halaq ima cuneen.

 

Haddaan garan lahaa

Hashaydoo irmaan

Ma hogteen gacmaha.

 

Haddaan heli lahaa

Tacliin iyo higgaad

Hay’ad uma ciydeen.

 

Haddaan heli lahaa

Halbeeg iyo wax qabad

Hamuun maan qabeen.

 

Haddaan heli lahaa

Hantiile ah waddani

Qayrkey kama hareen.

 

Haddaan heli lahaa

Haro iyo xareed

Harraad uma dhinteen.

 

Haddaan heli lahaa

Hud-hud ii warrama

Haadaan kuma dheceen.

                                   

Haddaan heli lahaa

Hoy iyo hoyaad

Habeen maan dhexeen.

                                   

Haddaan heli lahaa

Nafti hure la hubo

Hafnad ima lodeen.

 

Haddaan heli lahaa

Heli waa la heli karin

Huri waa ma qaateen.

 

 

Disheembar, 2013

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com  

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s