Maxaa Danjire Shariif Saalax loo maamuusi waayey?!

Maxaa Danjire Shariif Saalax loo maamuusi waayey?!

Geeridu waa gablan, maya waaba gablamisa. Nin roon ma raago, nafna maalinteeda ma dhaafto. Hadday Soomaalidu dhihi jirtay: “Geeri nimaadan aqoon iyo Geeljire ayey ku roon tahay” anigu waxaan leeyahay: “Geeridu WAXMATARE iyo DHIBLOW ayey ku roon tahay” maxaa yelay, marka laga soo tago in Geeljiruhu wax ku ool yahay, hawsha uu hayo ayaan ba qof walbaa qaban karin.

Qof walba waa god suge, Geeriyuna waa u dambaysaa maalin ay galisaba. (21/03/2014) waxaa Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Marxuum Danjire Shariif Saalax Maxamed Cali.Alle ha ugu deeqo naxariistiisa, Jannadiisa ha ka waraabiyo. Aamiin.

Danjire Shariif Saalax, wuxuu ahaa aqoonyahan, afyaqaan, suugaanyahan, Qoraa, Siyaasi, iyo Diblomaasi. Anigu waxaan aad ugu xasuustaa Buuggiisii qiimaha badnaa, ee XUSUUBTEBYO ee uu ka qoray shirkii ELDOERET 2002-2003dii ee ka dhacay dalka Kenya.

Ma kaa kaliya? Maya. Shariif Saalax wuxuu qoray buugga caanka ah, ee: “HUDDUR and The History of Southern Somalia” wuxuu ahaa Macallin xog-ogaal u ah halgankii iyo loollammadii xornimo doonka, hagardaamadii xoogaggii xornimo-diidka ahaa, ee diirka Soomaalida ka ahaa daakhilka saancaddaha ka ahaa. Buuggan ayuu taariikhda Soomaaliyeed ku tifaftiray, gaar ahaan koofurta sida cinwaankaba ku cad, laga soo bilaabo dagaalkii 2aad ilaa xornimada laga qaato.

Marxuum Shariif Saalax Maxamed Cali wuxuu soo qabtay xilalka ay ka mid yihiin; Guddoomiyaha Guddiga qorista af-somaaliga, Agaasimaha dhawr Wasaaradood, Wasiirka Hiddaha Iyo Tacliinta Sare, Ragtarka/Guddoomiyaha Jaamacada Umada Soomaaliyeed, Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga, Shiinaha, Ingiriiska iyo xilal kale.

Anoon sooyaalka iyo taariikhda dahan ee dahabka ha ee Dajire Shariif ka hadlayn, haddana, midda aan ii cuntamin, ee iga degi waysay waa in madax ku sheegga Soomaalidu aysan xabaal maamusan u yagleelin marxuumka, iska daa inay AAS QARAN u sameeyaane. Run ahaan wuxuu mudnaa Marxuumka in saddax maalin oo baroor diiq ah Calanka hoos loo dhigo, maxaa yeelay, wuxuu ahaa HALYEEY iyo HALKAR QARAN.

Halyeey? Haa, halyeey ayuu ahaa. Horta adigu yaad halyeey u taqaan? Hubaal inaannaan isku halyeeyo ahayn. Adigu qabqablaha, gacan ku dhiiglaha, xaaraan cunka, dabadhilifka, mooryaanka iyo wadaad xumaha ayaa kuu ah, nabee inaannaan isku HALYEEYO marna noqon karin, aad baanna ugu farax sanahay inaan kala halyeeyo duwaanaanno.

Waxaan doonayey ama filayey in Marxuum Shariif Saalax loo maamuusi doono si la mid ah sidii loo maamuusay Marxuum Maxamed Sulaymaan Tubeec, Eebbe ha u wada naxariiste. Hubaal in ay ahayd tallaabo hammi iyo hanqaltaag galisay Soomaali badan, oo u aragtay in raadkii hore laga soo haray, ee dadka lagu qiimayn jiray imisaad dishay ama meeqaad boobtay?. Waa ta la yiraa: “DOQON gu’ la ammaano Dayr looguma daro”oo ka dhigan in madaxdu ay hammigaa dib u dishay, maadaama aan Danjire Shariif Saalax AAS QARAN iyo MAAMUUS midna loo samayn.

Labada Marxuum Tubeec iyo Shariif laba kala dhaca ma ahayn. Waxaan uga jeedaa, midba kaalintiisa ayuu si hufan iyo haldheeri u gutay, ee ugama jeedo inay isku miisaan yihiin ama siman yihiin, oo midna waa HOOBAL kan kalana waa HALABUUR. Midda aan isugu lammaanshay labadooda waa inay HALDOOR iyo HALABUUR wada yihiin, ayse ku kala sarreeyaan kuna kala weyn yihiin, oo sida hubban marka codka iyo laxamaynta muusikada laga reebo ee Tubeec Boqorka ku ahaa, Danjire Shariif Saalax in ku dhaw toboneeyo arrin ama wax ayuu hormuud iyo horyaal ka ahaa, sida: qoraalka, ee ku qoray afaf ka badan 4 luqad (Soomaaligu kow ka yahay), buugaag dhawr ah, afqoristii oo uu guddigii madax u ahaa, maamule, Wasiir, siyaasi, Diblomaasi, Macallin, IQKB.

Ma doonayo inaan tartarsiinyo labada Marxuum oo agtayda ku wada weyn, haddana, waxaan wali liqi la’ahay duuflaalladaa aan daN iyo heEllo ka galin AASKA Marxuum Shariif. Ma ila xasuusataan inta qabqable, dibjir, xaarncun, dagaalooge iyo dhiigyacab loo sameeyey AAS QARAN inaysan mudnayn ka sokow, waa meel ka dhac iyo dhimaal in maqaamkaa la gaarsiiyo xaalwalwaallada iyo xinjirro daadiyayaasha, kuna ah inta nabadda iyo wadanoolaasha oggol ama horseedka u ah.

Ujeedka qormadu waa halkii laga dhihi jiray: “Dameer Ceel ku dhacday Koow koowna waa lagu dayaa” oo ah tani na dhaaftaye, kuwa kale ayaan laga seexan ama laga ildduufin, haddii kale, heeryada gunnimo iyo gurracnaan waligiin huwanaada inta aad idinna god kala galaysaan.

Malaha aan qabo ee cabsida i galiyanaya haddii uusan dhab iyo xaqiiq ahayn, waa in madax ku sheegga Soomaalidu marka laga reebo inay magaciisa maqleen aysan aqoon ama ogayn ka uu ahaa Marxuum Shariif, kaalinta uu ku jiray, raadka uu reebay iyo dhaxalka uu nooga tagay! Run ahaan taasi waa qayb ka mid ah ayaandarrooyinka waaweyn ee nagu habsaday, aanse loo jeedin lana doonayn in wax laga baddalo, isbaddal micmaha. ISBADDAL? Alla eraygaa iga daa adeegsigiisa ma jecliye, yaadan kuwa nolosha ku dhintay nagu noolayn.

Ha laguu ilmeeyee

Horta dhimo af maahee!
Eeggoo la noolyiyo

Ifkaan kaaga baahnahay
Wax yar oo aqoonsi ah

Oon aad u buurnayn

Oo weliba eegay

Igu sii amaahoo

Ictiraafka buuxee

Aakhiro markaan tago

Iilka igu sugayiyo

Ayaantaan xabaal galo

Oohintaan mutaystiyo

Akawnkeyga laga jaro!

Abwaan Gaarriye (AUN)

Ewel waxaan hore u lahayn haddaan Soomaali nahay dhaqan xun oo ah, in qofka geerida ka dib laga daba alalaaso, oo inta uu nool yahay aan sidaa loo eegin (Haddaad ammaanto rabto dhimo!). Waa midda Abwaan Gaarriye ka leeyahay war marka aan dhinto ama geeriyoodo ha ii ilmayne, iminka oon noolahay wax igu sheego, si aad maalintaana aad wax kabsato ama ugu kasbato.

Eegmadaa kuma kala saarnayn kan xun ama ka wanaagsan, ee waa loo sinnaa. Hadda, waxay maraysaa, in geerida ka dibna aan kii wanaagsanaa la eegin, ee xunka kaliya loo xoolo qalo, xaqlo loo qabto iyo xadro gaar ah, halka, wanaagsane iyo wanaajiye aanba la soo xasuusan, la xunin lana xaalmarin.

Eeg maalmahan waxa socda, kuwii dadka laayey, xasuuqay ee gumaaday in loo taagayo taallooyin loona dhisayo xarumo loogu magacdarayo, oo ka dhigan in mar walba uu ku hortaagnaado kii awowgaa, aabbahaa ama walaalkaa waxyeelay (uur ku taallo aan harayn), oo sabab u ah in mar walba dadku sii kala fogaanayaan, iyadoo wax walba laga hormarinayo qabyaaladda iyo qurunka.

Marxuum Shariif Saalax wuxuu ahaa Muwaadin Qaran, malaha waaba tan aan xitaa aaskiisa loo maamuusin, illeyn iyagu haddii aadan Qarandumiye iyo qaa’inu waddan ahayn qiimo kuuma yeelaane. Iska daa in dhaxalkii uu ka tagay lagu qiimeeyo, xitaa kuma qiimayn inuu ahaa siyaasi iyo diblomaasi ruugcaddaa ah.

Dad badan ayaa dhihi doona sidii lagu yaqaannay mindhaa waa isku HAYB! Haa waa nahay isku hayb! Oo waa tee? Tan Soomaalinnimada, balse, maaha middaad taqaannay, ee ku dhisnayd talka iyo tagoogta. Wuxuu yiri Abwaan Gaarriye (AUN) mar kale;

Abkuu doono ha sheegtee

Wuxuunbaa ehel ii  ah

Dad ninkaan af aqaane

Si wax iila arkaaya

Na mideyso ujeeddo

Waxaan leeyahay haddey garan waayeen madax ku sheeggu ama ay ka hoos baxday, miyey garan waayeen Hay’adaha dawladdu, sida Warfaafinta, Akademiyadda IWM? Miyey garan waayeen qorayaasha iyo Abwaannada Soomaaliyeed, qofku markuu dalkiisa iyo dadkiisa u shaqeeyo isagoo waajibkiisa gutey inuu mudan yahay in la muuneeyo lana maamuuso nolol iyo geeri? Iiga darane, miyey garan waayeen madaxda ururrada bulshada ee uu xubinka ka ahaa Marxuum Shariif Saalax?.

Waajibka qarannimo saw ma ahan in muwaadinka Soomaaliyeed noloshiisa iyo geeridiisaba uu helo maamuus? Hubaal inaan qof walba AAS QARAN loo samayn karayn, balse, dadku iskuma jiree, Marxuumkani waa nin dalkiisa iyo dadkiisaba waxtaray waxna u galay, aanse looga mahadcelin  oo lagu abaal dhacay.

Wuxuu yiri Abwaan Salaan Carrabeey

Waxba yaanu xeerkey i marin, Xoolana i siine

Xaashee nin libin kaa xistiyey, Xumihi waa yaabe.

Waxaan ku soo gunaanadayaa tixdan kooban, waxayna leedahay sidan:

Geeriyaay fogeeyaay

Gacalkiyo waxgaradkiyo

Guurtida dhammeeyaay

Gobonnimo ka dheeraay

Geesiga hal adag iyo

Halyeeyada god galisaay

Imisaad Garaad iyo

Guud caddaa Suldaaniyo

Odayaal gumaaddoo

Godka ciil la galayoon

Loo gudin abaalkood?.

 

Gallin hore Tuubeecaad

Codkii aad ka goysoo

Gurbaanka iyo Cuudkii

Fankuu gaarka u lahaa

La god galay daraaddaa!

 

Ileeyn Kaban garaac ma leh

Googoos malaha Cuud

Mar haddaan cod gaariyo

Fannaan gaar ka haynoo

Galbinaynin heesaha.

 

Sooyaal gureeyaha

Ga’da buugga dhigi jiray

Gaar hayaha afkeenniyo

Taariikhda guunka ah

Ma galbaday Shariifoo

Ma ka guurey dunidii

Isagoonan loo gudin

Loo galin waxuu galay

Suugaanya gabay iyo

Geeraarro loo tirin

Gurboodkiyo carruurtiyo

Gabannada haddeer kacay

Gole looga sheekayn.

 

Dadku kala garaad weyn

Guushana la kala mudan

Guudka sare Shariifbaa

Gacal iyo xigaalooy

Garashiyo Aqoon iyo

Darajaba ku gaaree

Guubaabo iyo hadal

Guulle guri Jannaadiyo

Ha ku geeyo mudankeed.

 

Waxa gooha igu riday

Igu reebay gocoshada

Ee gilgilay dareenkeey

Waxa gaabshay taladii

Aaskii Shariif guray

Oon guddoon ba loo dirin

Guddi gaar ah loo xulin

Maamuuski Gole haga

Waxa looga gaataye

Garabkiisa loo maray

Gaasiray xabaashiis!

 

Geeridu xaq weeyee

Layskama garaabee

Qofba waa gaddiisiyo

Gallinkiisa tiisehe

Ma garbaa dadkaygoow

Miyaan laga gaboobayn

Gaabisyada na kala dilay?.

 

Maansada gunteediyo

Guurowga curintiis

Waxaan uga gol leeyahay

Halabuurradii go’e

Gabbal dhacay sidii bay

Gablantada adduunyadu

Kala goysay araxdood

Guuraha hayaankiyo

Geeddi aanan wadan sahan

Bulshadii ku guurtaye

Goormay dagaysaa

Guryosamo barwaaqo ah?.

 

Maansada (Gablan) qoraha 21/03/2014

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com   

 

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s