Xornimadu macaanaa

Image

Xornimadu macaanaa

 

Khadro(1) yaa masuul ka ah

Aaway mudaneheediyo

Madax weeyneheedii

Maadadan la warin laa

Madaxdeedu waa tuma

Yuu moowle raaciyay

Wexeey mudatay yaablehe!

 

Haddaan maanta loo kicin

Milkidane la soo celin

Wallee waa la magayaa        

Maraan loo itaal hayn.

 

In ey magantu dhoofaan

Doonyaha maquurtaan

Badda malabsaneysiyo

Mowjaduhu ka laacaan

Toloow yaa masuul ka ah

Yuu Mowle raaciyay

Barri laga magaaya?.

 

Maalin baa inoo dhimman

Madal baa inoo taal

Maro ruux sitaan jirin

Dadku waa mudhiyo gacan

Muran baan halkaa ool

Maya lama yaqaannee

Marxamiyo guddoon baa

Meeshaa u gaar  oo

Muslim wada ogsoon yahay

Na masaabax Eebboow.

 

Maxbuusnima dhibbadanaa

Xornimada macaanaa

Kuugu mahad Ilaahow

Kuugu mahad Ilaahow.

 

Meegaaran duniduye

Meel kastooy ka joogaan

Rabbiyoow Macbuudow

Adaan maalmo badan iyo

Mirir kuugu qaadane

Rabbiyoow ku maamuus

Muslimiinta oo idil

Magan gali Ilaahow.

 

“Aamiiin”

 

 

(1) Khadro, waa hooyo Soomaaliyeed, oo ku dhibaataysan dalka Yemen, halkan ka daaloco qoraal ku aaddan xaaladdeda.

 

Aamina Yuusuf

 

 

Advertisements

5 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s