Codsiga Deeqda Waxbarasho ee dalka Turkiga sanadka 2014
Salaan Soomaalinnimo ka dib, waxaan halkan idiin kugu soo gudbinayaa arrin muhim ah, oo la xiriirta sida loo helo codsado aqbalka deeqo waxbarasho dalka Turkiga.
Wax ku baro dalka TURKIGA
Codsiga DARAJADA heerka 1aad (Undergraduate Degree/Bachelor) ee jaamacadeed wuxuu billaabanayaa 19ka bisha April wuxuuna ku egyahay 19ka Maayo ee sanadka2014.www.turkiyeburslari.gov.tr (webka kolkaad gashaan, dhanka midig ee kore calanka INGIRIISKA ku dhufo, si aad INGIRIIS ugu bedelato luqadda Turkoga).
Secondary Schools
1)Shahaado dugsi sare
2)Warqadda darajooyinka/buundooyinka (Transcript)
3)Baasaboor Sharci ah, oo shaqaynaya (aan dhacsaneyn)
4)Tixraac xoog leh (ugu yaraan 3 qof oo mansab iyo magac leh)
5)Warqad talo bixin ah (recommendation letter)
6)Waa in da’daadu 21sano aysan ka waynayn
7)Haddii aad dooneysid inaa baratid CULUUMTA CAAFIMAADKA waa in darajadaadu/buundadaadu (Cumulative Grade Point) 90% aysan ka hooseyn; haddii aad dooneysid maaddooyinka soo hartay ee ka baxsan CAAFIMAADKA waa in darajadaadu/buundadaadu 70% aysan ka hooseyn
9)Waa in caafimaadkaadu wanaagsanyahay,
8)Haddii aad soo shaqeysay oo warqad khibradeed aad haysato/haleyso waa faa’iido dheeri ah, oo wax kuu taraysa.
F.G: Haddii aad goordhow ISKUUL ka soo qalinjebisay, hase ahaatee aadan shahaado haysan, een wali lagu siin, warqad caddeneysa inaadn Dugsi Sare dhammeysay (PROFESSIONAL CERFICATE) ka soo qaado dugsigaada.
Dhammaan wixii macluumaad la xariira qaabka codsiga, shuruudaha codsiga, fursadaha waxbarasho iyo jaamacadaha dalkan Turkiga, fadlan WEB-ka aan kor ku soo xusay ama FACEBOOK PAGE (turkiye Burslari) booqo.
Sidoo kale, wixii taageero farsamo ah ama caawimaad aad u baahan tahay ama aad is leedahay waa kuu muhim waxaad iigala soo xariiri kartaa, cinwaannadaan hoose:
E-mail: habesane@gmail.com
Skype: Abdelnor Dahir
Facebook: Abdelnor Dahir
Tell: +905535025903(Whatsapp & Viber).
NASIIB WACAN DHAMMMAANTIIN.
WALAALKIIN:
Abdelnor Dahir
Mahadsanid
Daha onceki geldim turkiye’de sonar basladim Imam hatip lisesi ama ma alasaf Benin anem cok hasta oldus onun icin baraktim ama simdi olmustur.Benin egtim baslamak istiyorum simdi kenyada yasiyorum